Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo wada-hadallo la billowday Somaliland xilli ay xiisad kala dhaxeyso DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa wada-hadallo hoose kula jirta maamulka Somaliland, xilli ay xiisad ku saabsan badda Soomaaliya, kala dhaxeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo sheegay in wada-hadallada labada dhinac ay ku saabsan xiriirka waxa uu ugu yeeray “labada dal”

Faratoon ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadallada cusub ay ku saabsan yihii sidii Kenya ay xafiis diblomaasiyeed uga furan lahayd magaalada Hargeysa.

“Baryahanba Dawladda Kenya wada hadalo ayaa noo socda, in halkan Xafiis ka furtaan, in xidhiidhkayagu sii kordho, ayaanu rajaynaynaa, laakiin wax kama dambaysa ah oo la gaadhay oo aan hadda ku dhawaaqi karayaa ma jiraan” ayuu yiri Faratoon.

Kenya ayaa muddo diidaneyd inay xafiis diblomaasiyeed ka furato magaalada Hargeysa, ayada oo diidan inay dhaawacdo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si ka duwan Itoobiya, ma jiraan dad Kenyan ah oo ku sugan magaalada Hargeysa oo safaarad ama qunsuliyad Kenyan ah ay u adeegeyso, sidaas darteed xafiis kasta oo Kenya ay ka furato Hargeysa waxaa loo arki karaa mid arrimo siyaasadeed ay ka dambeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this