Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab lagu qabtay Wadajir oo shaaciyay dilalkii ay ka geysteen Muqdisho (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay seddex dhaiinyaro ah oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab, kuwaasi oo dilal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa sheegay inay qaabilsanaayeen howlgalada Al Shabaab ee degmada Wadajir, iyaga oo sheegay inay degmadaasi ka fuliyeen falal badan oo lagu qaarijiyay dad kala duwan.

Howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay ayaa ahaa mid ay ku guuldareysteen kadib markii damceen inay dileen haweeney Khaad iibineysay oo ah xaaska sarkaal ka tirsan ciidamada booliska.

Mid kamid ah dhalinyarada ayaa sheegay in haweeneyda Khaadka iibineysay loo sheegay inay kamid aheyd xildhibaanadii soo xulay baarlamaanka, sidaasi daraadeedna ay ku guuldareystaan inay toogtaan.

Labo bastooladood oo ay wateen ayay sheegeen inay u dhici weysay markii ay la kor tageen haweeneyda Khaadka iibineysay, kadibna laamaha amaanka ay gacanta u dhigeen.

Hoos ka daawo Muuqaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this