Sign in to follow this  
Deeq A.

Amb.Axmed Safiina oo Su’aal geliyey Labada Janan ee Xukumada Muuse Biixi siday u kala amar qaataan

Recommended Posts

Deeq A.   
· 

Aniga oo ixtiraam weyn u haya ciidamada kala duwan ee Somaliland leedahay, una rejaynaya horumar baaxad leh, waxa aan is lahaa haddii aanu madaxwayne Biixi aqoon durugsan iyo cilmi baaxad leh u lahayn siyaasadaha arimaha dibada, arimaha gudaha, iyo arimaha dhaqaalaha dalka, waxa aan filayey in uu aqoon u leeyahay maamulka ciidamada qalbka sida ee kala duwan.

Waa kala laba in aad askarinimo soo martay iyo in aad aqoon u leedahay siyaasada hagida iyo maamulka ciidamada, wali dunida kama ay dhicin in darajada ciidan ee dal u saraysa laba sarkaal wada xidhan yihiin, labadeenan taliye ee ciidamada milatariga; Nuux Ismaaciil Taani iyo booliska; Cabdilaahi Fadal Iimaan waa isku derajo waxa ayna sitaan labaduba Sareeye Gaas.

Inkasta oo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida yahay masuul madani ah oo labis shacab sita, bal xukuumada waxa aan weydiinayaa dalku haddii uu galo xaalad degdeg ah labadan taliye sida ay u kala amar qaadanayaan? Waxani arrimo ciidan maaha waa aqoon korodhsi ee la socda.

Amb Ahmed Safiina
X/X/D/C/I/W/I/ ee Xsbiga WADDANI

Image may contain: 2 people

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this