Sign in to follow this  
Abwaan

Kii la soo eryaaba Baydhabo ha tago..Sota...Sota Iskaallo iga dheh..help with Italian

Recommended Posts

Abwaan   

Barre Hiiraale oo u ambabaxay magaalada Baydhabo

 

Mogadishu 06, Nov.06 ( Sh.M.Network) Wasiirka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia Col. barre Aadan Shire Hiiraale ayaa ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, ka dib kulamo uu xalay la qaatay qaar ka mid ah salaadiinta ku dhaqan gobolkaasi.

 

Wasiirka G/dhigga oo safarkiisa ay ku wehliyaan xubno ay ka mid yihiin Xildhibaan C/rashiid Xidig iyo qaar ka mid ah Saraakiishiisa Ciidamada ayaa socdaalkiisa lagu micneeyay arimo la xiriira gudashada xilka wasiirnimo ee dowladda Somalia iyo wada tashiyo ku aadan isbadaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay K/Somalia oo uu la yeelan doono mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG ah ee Somalia.

 

Wasiirka ayaa ka hor intii uusan ka ambabixin degmada Baardheere waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah saraakiishiisa ciidamada, isagoo kula dardaarmay in loo baahan yahay in la adkeeyo amaanka si looga badbaado xaalado qatar ah oo wasiirka uu sheegay in ay ku soo fool leeyihiin gobolka, isagoo sheegay in maleeshiyaadkiisa loo furi doono tababaro.

 

tagitaanka wasiirka ee magaalada Baydhabo oo ah markii ugu horeysay tan iyo markii maxkamadaha ay ka fara maroojiyeen gacan ku heynta magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegantay xilli wali aan xal laga gaarin rabshado ka dhacay 2 maalin ka hor magaalada baardheere oo ay ku dhaawacmeen 3 ruux.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this