Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Karaash oo ku dhawaaqay musharrax madaxweyne ku xigeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee duulista hawada iyo garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

Xaflad ballaaran oo masharuxu ku shaacinayay go’aankiisa oo lagu qabtay Garowe, ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal qof oo ka socday bulshada qeybaheeda kala duwan, Isimada soo jireenka ah ee Puntland iyo masuuliyiin katirsan golaha wasiiradda.

Dadkii xaflada ka hadlay, ayaa musharaxa ku ammaanay inuu yahay shakhsi muwaadin ah oo ay ku weyn yahay Puntlandernimada wax badan oo horumar ahna kasoo qabtay Puntland. Waxaa kale oo lagu ammaanay inuu yahay masuul ay ka go’antahay xoraynta gobolka Sool iyo midnimada Puntland uuna mudan yahay in xilkaan loo doorto.

Caaqil Axmed Hoolif, oo kamid ah caaqilada gobolka Sool, ayaa sheegay in uu magaalada Laascaanood ugasoo safray si uu ugasoo qeyb galo musharaxnimada Axmed Karaash, si uu u umujiyo kalsooni buuxda uu ku qabo Axmed Karaash in uu yahay nin soo celin kara haybadii iyo sharafkii gobolka Sool lahaa ayna ku garab istaagayaan tilaabadaas.

Isimada Puntland oo kalmado kooban ka jeediyay madasha, ayaa musharaxa ugu duceeyay inuu xilkaan ku guulaysto haddii uu kheyr ugu jiro, waxayna siiyeen dardaaran culus oo ku saabsan xilka uu utartamayo.

Musharax Axmed Karaash oo qudbad dheer ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay waxqabadka intii uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha iyo wasiirkii duulista hawada Puntland, isagoo sheegay shaqooyinkii uu kasoo qabtay inay maanta si wacan uga muuqdaan Puntland.

Axmed Karaash ayaa tilmaamay haddii uu ku guulaysto xilkaan inuu ka shaqeyndoono difaaca Puntland, wadajirka iyo isku keenida shacabka. Waxaa uu balanqaaday xitaa haddii uu ku guulaysan waayo inuu ahaandoono odey reer Puntland ah oo halganka halkiisa kasii wada.

Axmed Karaash ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee katirsan xukuumada Puntland ee iskusoo sharaxa xilkaan, waana  markii labaad oo uu xilkan u tartamayo.

aaaaaaa.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 bbbb-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 cccccc.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 dddddd.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 eeeeeee.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 fffff.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 gggggg.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 hhhhhh.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 kkkkkkkkkk.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 llllllll.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 mmmmm.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 oooooo.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 pppppp.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 qqq.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 uuuuu.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

mmm1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1vvvvv.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 xxxxxxx.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 y1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 y2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 y3.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 y4.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 yyyyyy.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 zzzzzz.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Axmed Karaash oo ku dhawaaqay musharrax madaxweyne ku xigeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this