Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo ka dhabeysay hanjabaaddii Daacish iyo dagaal culus oo qarxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelcade (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Shabaab iyo Daacish uu ka dhacay degaanada hoos yimaadda degaankaasi.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Ururka Daacish.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in arintaan ay timid ka dib markii dhowr xubnood oo ka mid ahaa Daacish ay isku dhiibeen Shabaabka ku sugan gobolka Gedo.

Dagaalkii xalay waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac badan oo gaaray labada maleeshiyo ee dagaalamay, laakiin si rasmi looma xaqiijin karo tirada rasmiga ah.

Dadka deegaanka waxay sheegeen inay arkeen meydad iyo dhaawac badan oo labadan koox ah.

Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Daacishta ku sugan Gudaha Soomaaliya.

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa Daacish ku eedeeyey inay bilowday in ay safkii kala jabiyaan waxa uu ugu yeeray safka mujaahidiinta islamarkaana “fitno iyo tafaraaruqna ka dhex abuuraan, iskuna dayaan in ay kala dhantaalaan awoodda iyo cududa Mujaahidiinta u mideysan la dagaalanka cadowga Allaah”.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this