Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo weeraray kolonyo galbineysay guddoomiyaha Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaas ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in dagaal culus maanta uu ka dhacay deegaanka Oronta oo u dhexeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay dhabaha u galeen wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Wafdigan ayaa ku wajahnaa degmada Maxaas oo saacadihii la soo dhaafay duleedkeeda ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay Beelo wada daga halkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, balse laba dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Maxaas Qaasim Maxamed Maalin oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in wax khasaare ah mas’uuliyiintaasi uusan ka soo gaarin weerarkaasi.

Sidoo kale waxa uuxusay guddoomiyaha gobolka Hiiran iyo wafdigiisa in ay Maxaas u tageen dhex dhexaadinta Beelaha ku dagaalamaya halkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-c-qani.mp3

The post Al Shabaab Oo weeraray kolonyo galbineysay guddoomiyaha Hiiraan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this