Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal labo ujeedo laga leeyahay oo Somalia ka bilaabaya sanadka cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Midowga Africa ayaa laga sugayaa ansixinta howlgal cusub oo golaha amaanka iyo nabadgalyada Midowga Africa ansixiyeen, kaasi o la doonayo in Al Shabaab looga saaro Soomaaliya.

Howlgalka ayaa la filayaa inuu bilowdo horaanta sanadka cusub oo maalmo ay ka harsan yihiin, waxaana qorshaha uu yimid kadib kulamo kala duwan ay yeesheen saraakiisha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Howlgalkaan oo loogu magacdaray ARAGTIDA HOWLGALKA ayaa wuxuu intiisa badan ka dhacayaa gobolada ay ku xoogan yihiin AL Shabaab sida Jubbooyinka, Gedo, Baay iyo Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,Richard Omwega ayaa sheegay in howlgalkan uu billaabanayo bisha Koowaad ee sanadka cusub islamarkaana kaliya uu sugayo ansixinta Midowga Afrika iyo waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Qorshaha Koowaad ee howlgalka ayaa ah sidii Al Shabaab looga saari lahaa meelaha ay ku xoogan yihiin, iyadoo qorshaha labaad uu yahay sidii ciidamada dowladda loogu diyaarin lahaa la wareegida amaanka Soomaaliya.

Kaliya Dalalka Uganda iyo Kenya ayaa diiddan qorshaha dhimista AMISOM iyaga oo ku adkeysanaya in inta Soomaaliya ay ka noqoneyso meel amaan ah aan laga bixin lana dhimin Ciidanka AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this