Sign in to follow this  
QabiilDiid

Raadiyayaasha Jaaliyadaha Soomaaliyeed

Recommended Posts

Akhristow waxa aan iga wareeriyey sida qaar ka mid ah wariyayaasha gacanta ku haya raadiyaasha jaaliyadaha Soomaaliyeed ay sida shaksiga ah u isticmaalayaaan aalladdaa loogu dhiibay si iskaa wax u gabsa ah. Magac ha ku yeesheen waa wax la garan karo; laakiin ha ka leexiyeeen ujeeddooyinkii loo sameeyey oo ganacsi ha galiyeen waa wax laga xumaado; waxa aynna arkeen xishoodka dadka Soomaaliyeed iyo xisaab la'aantooda. Aan soo qaadano Codka Beesha Soomaaliyeed ee Toronto. Caawa oo aan ka dhegeysanayey internetka aniga oo xiisaynaya dhaartii la dhaariyey qabaalilka Soomaliyeed si ay baarlamaan u sameystaan oo aan rajeynayey barnaamijka oo dhani in uu noqdo arrintaa xiisaha leh ee laga yaabo in ay saameyso Soomaali oo dhan dhammaantee, ayaa boqolkiiba 90% barnaamijku waxa uu noqday xayeysiis iyo ii dheh; waanna habeen kii la rabbay in ay khadka furaan oo jaalliyad oo dhammi aaraa isku weydaarsato.

 

Waa marnaamij jaalliyad ee maaha marnaamij ganacsi.

 

Daddi haddii ay qalad iyo meel-ka-dhac ka aamusaan, hal qof uun baa qasi, wixii loogu dhiibayna si xisaab la'aan ah u leexsan.

 

Sidee u fiican oo aad qaladka oo kale u sixi kartaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

...Chin Radio dowladda federalka ah ee Kanada waxa ay ruqsadda warbaahinta uga haysataa iyadda oo ku ballan qaaday in ay jaalliyaddaha kala duwan ee dalka deggan ay u fidiso ay afkooda hooyo ugu helaan warbaahin danahooda maalin joogga ah ugu qaadaa dhigaan oo ay aad ugu yartahay xayeysiiska....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this