Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo sheegay in uu markan la dhaqmayo dowladda Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Maraykanka.jpg?resize=600%2C352&ssl=1Danjire Tibor Nagy

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in markan ay la dhaqmayso dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqisho.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Tibor Nagy ayaa sheegay in taageero buuxa ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Danjire Tibor Nagy ayaa sheegay in waqtigaan siyaasadda Maraykanku ay tahay in si toos ah ay ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isagoo si cad hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka dhul ahaaneed ee Soomaaliya.

“Wada jirka dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmayaa dawladda Federalka ee Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho, waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojinno dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba, Waqtigaan siyaasadda Maraykanku waa inay si toos ah ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya” ayuu yiri Danjire Tibor Nagy.

Hadalkaan kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan dowladda Maraykanku ku dhawaaqday inay Soomaaliya ugu deeqday lacag ku dhow hal bilyan oo dollar.

Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan safaarad ka furatay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo sheegay in uu markan la dhaqmayo dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this