Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Jabbuuti Ergadii Soomaalilaan Maxaa Seegay? W/Q: MaxamedAadan Tarabbi

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxay u yara baahan tahay in yar oo la qabsi ah sida: Markuu Ibbi su’aasha weydiinayey iyada iyo Dr. Bulxan wuxuu ku yidhi ” Adeerkay Bulxan iyo walaashay Sucaad” macnuhuu waa nin Dir ah oo Biyo-Maal ah may fahmin hadalkiisa iyo Code ka uu kala hadlay. Wuxuu u raaciyey in walaalkiis Cabdi Ingiriis uu ka mid ahaa SNM tii Burco soo gashay. Laakiin lama fahmin. Dr. Bulxan qudhiisu ceebbay ku ahayd inuu hab qabiil ku weeraro Dr. Xuseen Warsame.

Xildhibaan Ibbi wuxuu weydiiyey ” Ma la idinla

7C1BB95F-542A-47C2-8BD3-A758124DD333.png

dhashaa, ma la idinka dhashaa” waa duurxul joog hoosi ku socda oo uu leeyahay Isaaqow maxaad Gadabiirsi, Ciise, Biyo-Maal, iwm, ku diidan tihiin oo Dirnimada uga cararaysaan. Xogahaya waddani wuxuu yidhi 27- sanno ayaa ka soo wareegtay burburkii iyo xasuuqii innagu dhacay dadkii dhibtaas geystayna way dhinteen aan ka gudubno oo hore uga soconno. Runtii waa fikir wanaagsan in la tanaaasulaana waa wax aad u wanaagsan. Laakiin waxa ka sii wanaagsan in la helo madaxweyne ama Raysalwasaare ummadda hortooda ka qira in dadkan la dulmiyey lana xasuuqay na cafiya cid tidhaahda waa in la helo intaynaan innagu wax cafin. Cidda la cafinayo waa in la isla garto cidda ay tahay.

Madaxtooyada Soomaalilaan ayaa xulata Baarlamaanka Muqdishana malaha waxay ku khalday Salaadiinta qaarkood ayaa Muqdisho ku xidhan ama Wakiillo ku leh laakiin wali xulshadaas lama gaadhin.

Dr. Xuseen Warsame Bulxan wuxuu kaga aragti wacnaa wuxuu yidhi ” %49 ayaa la siiyaa beelaha aad ka badan tahay, halka kuwa badanina ay qaataan %50″ waa fikirka ugu habboon ee Soomaalilaan u baahan tahay waana ka kali ah ee ay ku xalaaloobi karto. Laakiin Dr Bulxan halkan muu fahmin dagaal hoose ayuu Xuseen Warsame ku qaaday. Xataa wuxuu illaaway Xuseen inuu nin Dir ah yahay oo ay yihiin laba nin oo u dhigma Majeerteen iyo Ogaadeen oo kale. Dadka Muqdisho ka yimina sidaas bay u arkaan una arkayeen.

Guddida uu ku taliyey Maxamed Biixi Yoonis ayaa ahayd taladii ugu wanaagsanayd ee meesha timi. Waxayse ku xidhnaan doontaa, cidda guddidaas hoggaamisa, siyaasadda ay la timaaddo, iyo halkay xarun ka dhigtaan, ugu danbeyn siday u shaqayso iyo sida loogu kalsoonaado.

Xukuumadda Muuse Biixina waxa la gudboon inay aqbasho in doodahan oo kale Hargeysa lagu qabto oo fikirka innaga soo horjeeda ee aan siyaasiga ahayn balse aqoonyahanka ah uu aqbalo oo laga dhagaysto waxay sheegayaan.

Afxakame ayaa Kite Fiqi ku yidhi goorta aanay kaaga danbeyn iyo meesha aanay kaaga danbeyn ii sheeg waan ku soo weerarayaaye Kite Fiqi wuxuu ugu jawaabay ” Goorta aanay iiga danbeyni waa marka farduhu ii nastaan ee qaarka danbana biyo la galaan qaarka horana caws, meesha aanay iiga danbeynna waa markaan Buurdhaab sinta ku hayo”

Faysal Rooble ayaa su’aashan Dr. Bulxan weydiiyey “maxaa idiin minimize ah ama maximize ah” waxaan rabnaa inaan yeelanno Plan B cad oo qeexan oo dawladnnimada aynu ku ilaalinno haddii kale meel xun bay inala tagi doontaa.

Dadku waxay inoo arkaan dad cadhaysan oo cuqdad qaba, waxaana dacaayadahan faafiyey dad taga meelaha aynaan tagin. Waxa inala gudboon inaynu hareeraha fiirinno oo meel dheer wax ka eegno.

Maxamed Aadan Tarabbi
Bulay571@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this