Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye caan ah oo ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

cawil-dahir-salad-1.jpg?resize=831%2C517
Muqdisho (PP) ─
Allaha u naxariistee Wariye Cawil Axmed Absuge oo loo yaqaanay Cawil Daahir Salaad ayaa ku geeriyooday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay agagaarka Tiyaatar-ka Muqdisho, kaa soo ka mid ahaa laba qarax oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Marxuumka ayaa ahaa madaxii barmij soo-saare ka tirsanaa Telefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee Universal, wuxuuna inta badan qaban jiray barnaamijyada doodaha siyaasadeed ee la isugu keeno siyaasiyiinta kala afkaaraha duwan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in marxuumka iyo shaqaale kale oo ka tirsanaa Telefishinka Universal oo watay gaari uu qaraxu ku qabsaday goobta uu ka dhacay, maydkiisana goor-dambe la helay.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya inay jiraan xubno kale oo ka tirsanaa Universal TV ay ku dhinteen qaraxa, balse aan la sheegin magacyadooda iyo shaqooyinkooda, iyadoo ay jiraan kuwo kale oo iyaguna ku dhaawacmay.

Dhanka kale, Wariye Cawil Daahir ayaa wuxuu dagganaa dalka Ingiriiska sannadihii u dambeeyay, wuxuuna ka mid ahaa wariyeyaasha muddada fog kasoo shaqeynayay warbaahinnada kala duwan ee Soomaalida.

Markii uu dhacay burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, wuxuu ka mid ahaa shaqaalihii idaacado kooban oo ka hawlgeli jiray Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid ahayd Idaacadda Banaadir oo weli shaqeysa.

Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa wuxuu kamid noqonayaa wariyeyaashii sannadkan ku geeriyooda Somalia, kuwaasoo qaarkood la dilay, inkastoo isagu uu ku dhintay mid ka mid ah Qaraxyadii Muqdisho ka dhacayay.

PUNTLAND POST

The post Wariye caan ah oo ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this