Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Hay’adda dambi baarista Oo soo bandhigtay dad ku howlanaa sameynta Dukumintiyo been abuur ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska hay’adda dambi baarista CID-da ayaa maanta soo bandhigay qalab iyo dad ku howlanaa sameynta Dukumintiyo been abuur ah.

Dadkan iyo qalabka ay isticmaalayeen ayaa waxaa Warbaahinta loogu soo bandhogay xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha hoggaanka dambi baarista CID-da Bishaar Abshir Geedi oo Warbaahinta kula hadlay halkaasi ayaa sheegay in howlgal ay iska kaashadeen hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo hay’adda dambaarista lagu soo qabtay dadkaasi.

Kornel Bishaar Abshir Geedi ayaa intaasi ku daraya in Ragga la soo qabtay oo gaaraya ku dhawaad 10 Qof, gacanta lagu soo dhigay, xilli ay ku howlanaayeen sameynta Baasaboorada,Shahaadooyinka Jaamacadaha, Dugsiga Sare, iyo Dhalashooyinka sugnaanta ah oo ay bixiso dowladda hoose ee Xamar, kuwaas oo sharci darro ah.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Ciidamada amnigu ay soo qabtaan dad ku howlanaa Dukumintiyo been abuur ah, kuwaas oo ay xirtay  dowladd Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

The post Sawirro:-Hay’adda dambi baarista Oo soo bandhigtay dad ku howlanaa sameynta Dukumintiyo been abuur ah appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this