Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xooggan oo ka dhalatay dil ka dhacay Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Xiisad kacsanaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay tuulada Ceel-laheley ee gobolka Gaglgaduud.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka, xiisadda ayaa ka dambeysay markii dil loogu geystay halkaasi qof kamid ah dadka degaanka, oo ay wada murneen ruux kale.

Illo wareedyo kala duwan ayaa usheegay idaacada Shabelle inay socoto dedaalo lagu qaboojinayo xiisadda.

Shaqsiga dilka geystay oo adeegsaday Toorey, kaasi oo goobta ka baxsaday ayaa lasoo warinayaa in lagu raad-joogo.

Degaanka Ceel-lahalay oo hoos-yimaada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa waxaa gacanta ku haysa kooxda Al-Shabaab.

The post Xiisad xooggan oo ka dhalatay dil ka dhacay Galgaduud appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this