Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgarad ku amaanay Mursal go’aankii uu ku buriyay Mooshinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Sheekh Axmed Muxyadiin Axmed [Hiraab] ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu Afhayeenka Gollaha SHacabka ku buriyay Mooshinkii ka yaallay Madaxwayne Farmaajo.

Hiraabe oo hadalkiisa sii watay ayaa wuxuu bogaadiyay dedaaladda horumarineed ee hadda dalka ka socda oo ay hormuudka uyihiin Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxda qaranka ayuu ku tartarsiiyay inay adkeeyaan nabada iyo madaxbanaanimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo uu dhankooda ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan arrimahaasi.

Isaga oo sii hadlaya ayuu Sheekh Hiraabe wuxuu afka ku balaariyay in loo baahan yahay in dhinac laysaga leexiyo wax kasta oo ka hor-imaanaya danta dalka iyo Shacbiga Soomaaliyeed.

Sheekh Axmed Muxyadiin Axmed [Hiraab] oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed islamarakaana ku jiray xisbigii gobonima doonka ee “SYL” ayaa hadalkaan sheegay xili uu wareysi gaar ah siiyay idaacada Shabelle.

20-kii bishaan December ayay ahayd markii uu Gudoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Cabdiraxmaan, qoraal uu soo saarey ku cadeeyay in gabi ahaanba ay ka laabteen mudanayaasha Hindisaha xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo.

The post Waxgarad ku amaanay Mursal go’aankii uu ku buriyay Mooshinka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this