Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Wakiillada Mareykanka oo eedeymo kulul u jeediyay Madaxweyne Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildibaannada_Mareykanka.jpg?resize=850%Washington (PP) ─ Aqalka Wakiillada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga uu ansixiyo, ayaa meel-mariyay miisaaniyad KMG ah oo madaxweyne Trump siinaysa shan bilyan oo Dollar oo uu u codsaday dhismaha darbiga uu ka dhisayo xuduudda ay la wadaagaan Dalka Mexico.

Xubnaha Aqalka ayaa sharcigan ku ansixiyey cod ah 217-185, xilli dambe oo khamiistii ah, ayaga oo rajaynaya inay taasi weeciso hakad ku yimaada howlaha dowladda.

Sharcigan ayaa iminka u gubaya Aqalka Senate-ka, halkaasi oo aysan jirin wax rajo ah oo laga qabo in lagu ansixiyo.

Donald Trump ayaa ku adkeystay in miisaaniyadda lagu soo daro lacagta dhismaha darbiga laga dhisayo xuduudda Mexico, isaga oo u sheegay hogaamiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada inuusan saxiixi doonin sharciga, haddii aysan lacagtaas ku jirin.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha xubnaha dimoqraadiga ee Aqalka Senate-ka, Chuck Schumer ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu qalaalse gelinayo dalka, isaga oo dowladda ku hogaaminaya inay shaqadeeda istaagto.

PUNTLAND POST

The post Aqalka Wakiillada Mareykanka oo eedeymo kulul u jeediyay Madaxweyne Donald Trump appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this