Sign in to follow this  
Deeq A.

Cagjar iyo Muuse Biixi oo kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa markii ugu horeeysay maanta magaalada Togwajaale kulan ku yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar.

Kuankaasi oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay arimo quseeyo Labada dhinac ee Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxyaabaha sida aadka ah looga hadlay waxaa kamid ahaa arinta qaadka ka yimaadaaa Itoobiya oo Somaliland iyo Itoobiya ay isku qilaafeen.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar ayaa raaligalin ka bixiyay hadal ka soo yeeray oo ahaa in qaraxyo laga soo abaabulayo Somaliland, hadalkaas oo uu sheegay in si khaldan loo tarjumay.

PUNTLAND POST

The post Cagjar iyo Muuse Biixi oo kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this