Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiga Rer Muqdisho Ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Safiirka Itoobiya Somaliland U Soo Magacawday.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)Gudoomiyaha xisbiga Waddajir ee dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo safiirka ay dawlada Itoobiya u soo magacawday somaliland.

AD02373A-3CAE-40C8-A6F8-5A57AD8D60EC-102

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku sheegay in raysal wasaaraha Itoobiya uu kor u qaaday meeqaamkii ay somaliland taagnayd ka dib markii uu u soo magacaabay safiirka cusub.

Qoraalka gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhignaa sidan:-Anigga iyo Safiir Shamsudiin

Shamsudiin Axmad Rooble waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Sanadkii 2008 ee wadahadalka Jabuuti uga socday Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti. Dhowrjeer ayaa

anigga iyo wafdigii aan hor kacayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ah ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yiri “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya.
Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsuliyadeed. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland?

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this