Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo shaacisay inay qabatay ruux gawaarida ku dhajin jiray waxyaabaha Qarxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa shaaciyay in la qabtay sarkaal sare oo ka tirsanaa Amniyaadka Al Shabaab, kaasi oo ku sugnaa Muqdisho.

Qoraal kasoo  baxay NISA ayaa lagu shaaciyay in sarkaalka lasoo qabtay uu kamid ahaa xubnaha Amniyaadka Al Shabaab ee gawaarida ku dhajiya waxyaabaha qarxa, balse qoraalka NISA laguma sheegin halka laga soo qabtay.

Sidoo kale NISA Ninkaan ay soo qabatay ma aysan soo bandhigin lamana hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana uu ku jiro gacanta dowladda.

Hay’adda Nabad Sugidda ayaa shaacisay in ruuxa la qabtay uu masuul ka ahaa xarun qarsoon oo dadka gawaarida wata loogu dhajiyo waxyaabaha qarxa.

Qoraalka NISA waxaa lagu sheegay in ruuxa lasoo qabtay uu dadka Muqdisho ku nool uu handadaad ku sameyn jiray islamarkaana uu lacag baad ah ka qaadi jiray.

 

NISA.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this