Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjiraha Mareykanka ee Somalia Mr Yomomoto oo door ku lahaa Magacaabista Abiy Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto ayaa la sheegay inuu doorweyn ku lahaa magacaabista ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed.

Saraakiishii hore ee maamulka Tikreega ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay iyaga ka dambeeyeen in talada dalka Ethiopia loo gacan geliyo Abiy Axmed oo Qowmiyadda Oromada kasoo jeeda.

Sarkaal howlgab ah oo ka mid ahaa Maamulkii hore ee Ethiopia una dhashay Qowmiyadda Tigreeda ayaa si cad u sheegay in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya uu shaqsi ahaan ka dambeeyay magacaabista Dr Abiy Axmed.

Sebaht Nega oo ah sarkaalka howlgabka ah ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku yimid rabitaanka Mareykanka, islamarkaana uu ka shaqeynayo danahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Safaaradda Mareykanka ee Adis ababa ayaa ka jawaabtay hadalkaasi waxaa Afhayeen u hadlay uu beeniyay sheegashada sarkaalka Tigreega ah, waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka uu ilaalinayo madaxbanaanida dalalka Caalamka.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ethiopia, Berekt Simoen, ayaa isaguna Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki, ku eedeeyay in uu faraha kula jiro arrimaha gudaha Itoobiya,waxaana uu tusaale u soo qaatay hadal uu dhawaan jeediyay oo ay ka mid ahayd “Ciyaartii Tigreega waa dhamaatay”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this