Dalmar1

Hogaamiyaha ONLF oo Jig-jiga ka dagay isaga oo xiran calanka Soomaaliya ninkii argagaxisada ku sheegayna waa RW Kheyre Soomaaliya!

Recommended Posts

Dalmar1   

Hogaamiyaha ONLF oo Jig-jiga ka dagay isaga oo xiran calanka Soomaaliya ninkii argagaxisada ku sheegayna waa RW Kheyre Soomaaliya misa Itoopiya?

 

Asbuucii la soo dhaafay waxa magalaada Jig-Jiga si xamaasad leh loogu soo dhaweeyay halgamayaashii Ururka ONLF ka dib markii ay heshiis la saxiixdeen Dowlada Itoobiya. Hogaanka ONLF oo uu hogaminayo Admiral Maxamed Cumar aya waxa soo dhaweeyntooda ka qayb galay kumanaan qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Soomaalida.

Hogaamiyaha ONLF Admiral Maxamed Cumar oo uu xiran yahay badhanka calanka Soomaaliya ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha  Bole ee Addis Ababa. Dubad Nur Cali oo ka mida  ahaa dadkii sida qiirada leh ugu soo dhaweeyay magalada Jig-Jjiga ciidanka iyo hogaanka ONLF ayaa yiri “..waan iscelin waayay, oohin baan la dhacay markii aan arkay ciidankii ONLF, madaxdoodii oo wada socda” waxa uu intaas ku daray “waxaa taa iiga farxad badnaa Hogaamiyaha ONLF Mudane Maxamed Cumar oo xiran Calankiii Soomaaliya in uu diyaaradda ka soo degay”.

image.png.7afd08c17597f157f88de5e6312197d1.png

Dareenka uu muujiyay Dubad Nur Cali ayaa laga dareemayay dhamaan dhulka Soomaalida degan tahay ee ku yaala Geeska Afrika. Maxamed Cali (Hirmooge) oo ka mida ahaa saraakiisha u soo halgamay xoreeynta dhulka Soomaalida lana socday wafdiga ONLF ayaa isaga oo oo qiiro ka muuqata yiri “ hogamiyaheena Admiral Maxamed Cumar waxa uu ka soo degay diyaaradda isaga oo ay u xiran tahay badhankii calanka Soomaaliya, ninkii ku tilmamay in ONLF tahay argagaxisana  dalkii aabaha noo ah,  asalkana u ahaa halgankeena ayuu  Ra’iisal Wasaare ka  yahay waa  ninka lagu magacaabo Xasan Kheyre” Maxamed oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri “ war maxaa ku dhacay dhigii Soomaaliga  iyo qobkii Soomaalinimadda, war sidee buu wali madax idinkuugu yahay ninkii Koroneel Cabdikarin Qalbi-dhagax iyo Admiral Maxamed Cumar ku tilmamay argagixiso, Itoobiya ayaaba xabsi dhigtay kuwii sida xun ula dhaqmay ONLF”.

image.png.b412ae59acc69f5d6da648abc2eb8b90.png

Waxaa nasiib xumo ah in dowladii Soomaaliya ayan wali ka noqon qaraarkii ay soo saareen oo  ku astaamaysay ururka ONLF in uu yahay urur argagaxiso ah. Waxaa sidoo kale wax laga naxa ah in Golihii Wasiiradda ee go’aankaas taageeray in ay wali aaminsan yihiin go’aankoodii oo ayan ka hadlin ama ayan is casilin.

Hadii baarlamaankii Soomaaliya noqday aalad lacag lagu iibsaday waxa ay ku haboonayd in RW Kheyre isaga is casilo waaba hadii ay ku hartay damiir dadnimo.

image.png.9263d23568fa6af3b59151cedc0ca976.png

image.png.64cecf7265ecc0b7f13ece7a19d8db33.png

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.