Deeq A. Posted December 3, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidanka amniga ee DFS ayaa maanta fashiliyay qaraxyo Miino oo lagu aasay agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Qaraxyada oo 2 ahaa ayaa la sheegay in lagu soo wargaliyay Ciidamada, kadibna ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan mid ka mid ah qaraxyadaasi, halka kan kalena uu qarxay. Ma jiro wax khasaare ah oo ku dhashay qaraxyadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Maalmihii dambe Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday gudaha magaalada Muqdisho. The post Ciidanka amniga Oo fashiliyay qaraxyo lagu aasay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites