Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Your Favourate Lines

Recommended Posts

Annagoo Taleex naal jahaad taladi soo qaadnay,

Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka,

Sayidkeennu tii uu na yidhi Torog ku heensaynnay.

Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine,

Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay,

Misna tawlka qaalmaha tanniyo tulud u soo saarray.

Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka,

Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani,

Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay.

 

Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay,

Habeenkii fardaha waw tudhnaye taag ku sii mirannay,

Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay.

Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay,

Tixda gabay kolkii aan akhriyey toose niman jiifay,

Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi.

Salaaddii markii loo tukaday yaari kaga taagnay,

Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryaynnay,

Intay Timacad noo soo arkeen marada noo taage.

 

Sengeyaal tabaadihiyo gool weerarka u tooxnay,

Sidii Teyse rooboo onkoday tiririgtii yeedhay,

Teeriyo Berbera qayladii tahan la waydaaray.

Tiiraanyo ololkii dhulkii taani naga qaaday,

Tafwareemanmaynine intaan tubay ku aanshaaday,

Taambuuglayaaliyo kuway tebaysey soo gaare,

Annaguna dagaal kama tagnee tiimbad ugu rooray.

Tala xumada awrtuu xidhay baqi tarraarsiinnay,

 

 

Girligaanku meeshu turqaday lagu tu'sii geela,

Tirsanmaynin uunkii tirmiyo Tulushle Iiddoore,

Turjubaannadii daba socdiyo Koofi lagu toogay.

Maadhiin turaabtaa ka badan tuurta kaga qaadnay,

Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxaaba,

Tukihii intaan niman u wadhay tobanle soo qaatay.

 

Galabtaa carraabada ku timid Turugga Buuhoodle,

Gebagebo u tooxnoo Kufriga Maarre kaga teednay,

Habeenkaa ninkii tabar badnaa tarantarree gaadhka,

Habeen kalena Taxaasheey Nugaal Godan u tuuryaynnay,

Habeen kalena Tuuraha Cadduur toolin kaga maallay,

Habeen kalena tagaabeeye iyo tu'innay Hayllaawe,

Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay.

 

 

Toban gool tabaadiga noqdiyo toban unuun-gooyo,

Iyo toban tiftii hore rimayoo taawi lagu qooqshey,

Iyo toban abeer tawl ahoo tikhilka qaalmooda,

Iyo Toban irmaanoo aniga la igu taageeray,

Iyo taan eryoon jirey kolkay toban tahaan joogto,

Tookh laguma faaniyo afaan taabbud noqonayne,

Intaa Xarunta soo tubay xaqaa lagu tanaadaaye.

 

Warka Tuurre waa laga hayaa taniyo Iimeeye,

Waa Xamar tarraaroo haddana taab ku sii daraye,

Taltallaabsigiisiyo kadlaha tabo kalaw dheere.

Kolay toban riyaad tahay adduun waydin tirayaaye,

Tunkaana waan ka soo xidhahayaa Timirki dheeraaye,

Ma baddaa tuldaha loola kici Tuurre naaxsadaye? !!

 

 

Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tix geliyaaye,

Suuldaan Ruunna loo tebi inaan tuuladii gubaye,

Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye,

Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye,

Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo.

 

 

ADD YOUR FAVOURATE LINES ........... HAYE YAA WAX ISLA HAYA ??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rays iyo xareed

Ramashidu ilmaha(indhaha?) ,Way u roontahee

Tii aan rabaay ,Raaxadii adduunkaay

Reeraan yagleeleey ,Labadii isku raysiyo

Isku ruux ma-noqonaa,Isku ruux ma-noqonaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Ms Dhucdhuc & Dheylo:

Iyadoo doog dhex jiifto

daawaheneysa ubahoo

waa mid laalalalla

durba gareyska furatoo

You can do better than that Dhudu! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Cant recall the words. One my brothers loved that song. After aan qaan gaaroobey ayaan fahmey the words! Didnt we have lyrics?

 

I personally liked the first song aan xafidey:

 

Nafteydaa kuu jaribanoo

adaan kuu jeelanahayoow

jaceyl baad igu abuurtee (imagine 11 yr old girl singing with her eyes closed smile.gif )

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

***Laxwalba mayshey isdhitaa lagu qalaa...

***God walaaleed haqodin, hadaad qodana ha dheeyreen, ku dhici doontidaa lama ogee...

***Kaadi badane, waaloo gogol badiyaa...

***Tiisa dalyeelaa tukale ku dara...

***Laba qaawan isma qaado...

***Naagi ninkay legedo kama kacdo ...

***Xaasidi maliibaano...

***Jini ninkii keenaa bixiyo...

***Oh well, that's life...

 

That's all I can remember for now...Be back later...

Share this post


Link to post
Share on other sites

JB was just kidding when he posted Ismail Mire's original verses. Below is JBs fav lines :D :

 

Duhurkii toggaa Herar Haddaad Qado ka soo tuurto

Hurdo laguma taamee naftaa lala tacaalaaye

Aniga iyo toddobo aan ku jiro tumasho soo qaadnay.

Rag tabaabushuu leeyehee wax is-tusaalaynay

Laba tubaha noo soo cayima horay u tuuryaynay

Tooraha warkay noo sideen noogu tibic siiye

Taksi lagama maarmee nin waday suuqa nagu tooci

Tog Wajaale jaadkii ka yimid tacab ku baandhaynay

Kolkay laba tobnaad noo xidheen toobiyaha qaadnay

Tilmaan quruxsan goobtay fadhiday ee agabtu noo tiilay

Iyo tusmadii gabdhaha lagu ogaa saani ugu toosnay

Tubtii horaba boqol jaa’ifo ah teebalka u saarray

Ninwaliba tankii uu lahaa xaraar tiilay ugu laabay

Barkimooyinkii teetsanaa suxul ku taageernay

Iyadoo falaash lagu tamiday laysu tabi shaaha

Tirsan mayno naag laga tagiyo tu’aan la doonayne

Labo tafiirtii jannada lagu tilmaamaayo

Iyo labo wax la iskuma tirshee sida tiriigaas ah

Iyo laba aad turkiga mooddo oo tikhilka naagood ah

Iyo taan lahaan jiray markaan tumasho soo qaadno

Intaas oo intay toobab soo xidheen timaha soo feedhay

Oo tal iyo xisaan leh, salaan gacanta noo taage

Annaguna gabdhaha kama tagnee geerash lagu teedi

Heesaha ragbaa u tacab galay loona tiriyaaye

Tiraanyo qayshaha rabaab gacanta taabsiiye

Annaguna tastuurkay lahayd sacabka tiitaynay

Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab sawdka

Markay cabbaar naga tumeen tegis u qoondayste

Kaftan aan turxaan lahayn la isku taataabay

Sheekadu hablahay noo taxnayd iyo togonay haasaawe

Rag takooran baa nagu jiree tabaha qaar diidnay

Inkastooy taftuba noo dhaweyd teetka sharaf eegnay

Sidii adhi tigaad loo dhigoo lagu tiraabaayo

Warmihii tumaatida caddaa tiirka qabadsiinay

Anigu waan talax gabaa markaan taabto geedkaase

Habeenkaa ninkii tamar lahaa togay mirqaankiisa

 

The man, JB that is, lives in Hargaysa after all :D .

 

ps--peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

I thought it was asked for a line, just a fav line and not a whole album or full peom.

 

One great line from the Reer Xamar...

 

Quraanjo isku soo aruurtay mulacna waa jiidi karaan- thus the importance of Unity, What a Xikmad, calaa caleek iga dheh reer Xamarka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^You missing the point adeer. This thread is about JB and his fav poems...

 

 

Quraanjo isku soo aruurtay mulacna waa jiidi karaan :D i doubt Quraanyo could ever do that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i doubt Quraanyo could ever do that.

ses0018.jpg

 

"Ants pulling an earthworm."

 

fig3L.jpg

 

"A group of ants carrying a spider."

 

fig4-4L.jpgfig4-5L.jpgfig4-6L.jpgfig4-9L.jpg

 

"The dead body of a cricket near an ant nest.

After 1 minute. A worker ant has found the mantis.

After 3 minutes. Other workers have swarmed from the nest.

After 5 minutes and 30 seconds. Fellow workers have successively gathered around the mantis.

After 10 minutes. Gradual movement of the body towards the nest begins.

..........

After 1 hour. The food was split into pieces at the entrance of the nest.

After 48 hours. The food has finally been taken into the nest by widening the entrance."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa la ii addimay

Axaddi sidaan

Kuu eegayee

Arageeda taan

ku ildoogsadaay

ma ilowsan tahay

axdigaad martiyo

meeshaad i tidhi

waan imanayaa ?

 

Anigaa isla hadloo

mar waxaan idhaahdaa

ku ilaawi maysee

way imane sii joog

mar waxaan idhaahdaa

axdigaydun dhigateen

kollay oofin maysee

samir Eebbe qaadoo

ka fogow agteedaan

uurkayga geliyaa

 

Aramida jacaylbaa

i hogaaminaysoo

misna kama adkaystoo

kama hoydo aygoo

naftu olol ma daysee

 

 

 

loooooooooool@xiin ...... yeah that is my fav too walee :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this