Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare oo ka digay faragelinta doorashada Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga Joogtada ah ee Aqalka sare Barlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu qodobo ay kasoo saarey kulankiisa afaraad oo qayb ka ah Kal-fadhiga afaraad oo ay maanta oo Axad ah ku yeesheen xaruntooda Muqdisho.

Mudanayaasha waxaa ay ku sheegeen qoraalka in ay ka walaacsan yihiin faragalin lagu sameeyo Doorashooyinka ka dhacaya qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka gaar ahaan doorashadda 17-ka bishaan la rajeynayo in ay ka qabsoonto deeganada maamulka Koonfur Galbeed.

Bayaanka ay soo saaren Gudiga Joogtada ah ayaa lagu yiri “xubnaha Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa ay adkaynayaan in shacabka Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay xaq u leeyihiin in ay si xor ah  u doortaan hogaanka ay rabaan.

Sidoo kale, murashaxiinta u tartamaya hogaanka maamulka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa loogu baaqay in ay u loolamaan si cadaalad iyo hufnaan ah, iyaga oo raacaya dasuurka heer maamul iyo mid Federaal, si lamid ah shuruucda doorashooyinka iyo kuwa kale ee dalka udegan.

Xoghayaha Golaha Aqalka sare Cali Maxamed Jaamac ayaa saxaafada u aqriyay qodobadda ay ka soo saareen fadhigooda maanta, kaasi oo qayb ka ah kulamo is-dabajoog ah oo mudooyinkii dambe ay yeelanayeen.

Baaqan Gudiga Joogtada ah ee Aqalka Sarre ayaa imaanaya  xili ay doorashooyin madaxtinimo kusoo fooleeyihiin qaar kamid ah maamul goboleedyadda dalka sida Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana maalmihii dambe gudaha deeganada maamuladaasi kasoo baxayay hadalo hoose oo ku aadan faragalin doorasho iyo in murashaxiintu ay isku eedeynayaan arimo shucaac ku furi kara doorashooyinka dowlad goboleedyaddaasi ka qabsoomaya.

Hoos riix si aad udhageysato codka

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Aqalka-sarre.mp3

The post Aqalka sare oo ka digay faragelinta doorashada Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this