Sign in to follow this  
The Zack

Duqsi faro badan

Recommended Posts

The Zack   

Duqsi faro badan oo saameyn ku yeeshay magaalada Bosaaso

Last Updated::2007-11-17 14:19:18

 

TopStoryBoosaaso(HRNet):- Duqsi badan oo ka dhashay nawaaxiga magaalada Bosaaso ayaa si weyn saameyn ugu yeeshay nolosha dadka magaalada iyo ganacsiga.

 

Duqsigan oo ayaa ka dhashay roobabkii dhawaan ka da'ay magaalada Bosaaso iyo gobalka Bari, waxaana si weyn magaalada looga arkayaa in duqsigan uu saameyn ku yeeshay goobaha ganacsiga gaar ahaan goobaha lagu cunteeyo.

 

Shacabka magaalada iyo Ganacsatada ayaa ka codsaday Dowladah Hoose ee Bosaaso in ay wax weyn ka qabtaan arrintan, ayadoo ay horey u socdeen dadaalo lagu doonayo in lagu xoojiyo nadaafada magaalada Boosaaso.

 

Kulan todobaadkii hore ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa Dowlada Hoose, Ganacsatada iyo Waliba Hay;adaha wadaniga ah iyo kuwa Caalamiga ah uga hadleen sidii looga hortagi lahaa nadaafad xumada ka dhalan karta roobakii ka da'ay magaalada ee reebay biyo badan oo fadhiya qeybo kamid ah magaalada.

 

Waxaana si weyn looga deyrinayaan nadaafada goobaha ay degen yihiin dadka qaxootiga ah ee soo baro kacay oo qaarkood la sheegay in ay lasoo deristay dhibaatooyin iyo cuduro ka dhasha biyaha.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this