Deeq A.

Sawirro: Xogo cusub oo laga helaayo shabakadii dhaqeysay Dollarka ee lagu qabtay Garoonka MUQDISHO & Mas’uuliyiin qeyb ka noqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa gacan ku dhigista shaqsiyaad ka howlgalaayay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaa oo dhaqaayay lacagaha dollarka ee been abuurka ah.

Shaqsiyaadka lagu qabtay howshaani dhaqista lacagaha ayaa iminka ku jira gacanta Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA, waxaana lasoo sheegayaa inay yihiin shabakad ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan DFS.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in 2 ruux falkaas loo qabtay, balse xogo soo baxaaya ayaa sheegaya in shabakadaasi ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xogtu waxa ay intaa ku dareysaa in daawada lagu dhaqaayay lacagta Dollarka ay magaalada Muqdisho soo galin jireen ilaa Seddex Xildhibaan kuwaa oo qeyb ka ah Ganacsiga ugu badan ee ka socda magaalada Muqdisho.

Shabakada ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Saraakiil dhanka amaanka ah oo ka tirsan Garoonka Aadan Cadde kuwaa oo iyaguna sahli jiray kala gudbinta dhaqaalaha la farsameeyo.

Illo wareedyo ka tirsan howlwadeenada Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa laga soo xigtay in kiiska dhaqida lacagaha Dollarka uu yahay mid maalmahaani ku socday xooli isla markaana la daabacaayay dhaqaale xoogan oo min guddo ilaa dibad u baxaayay.

Waxa uu intaa raacinayaa Illo wareedka inay jiraan xubno kale oo lagu hayo baaritaan kuwaa oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin dhowr ah oo ku xirnaa shabakada isla markaana fashilka ka hor istaagi jiray shabakadda.

Sidoo kale, NISA ayaa ku raad joogta xubno ka baxsaday goobta laga fuliyay howlgalka lacagaha iyo qalabka lagu sameynaayay lacagta lagu qabtay waxa uuna baaritaanku yahay mid saacadihii ugu danbeysay faraha la galaayay shaqsiyaad hor leh.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda NISA ayaa horay Degmada Waaberi ugu qabatay shabakad ku howlaneed dhaqista lacagaha Dollarka, hase yeeshee ku dhaqanka sharciga oo aad u hooseeya ay suuragashay in shabakadaasi lasii daayo.

Dollar-1.jpg Dollar-2.jpg Dollar-3.jpg Dollar-4.jpg Dollar-5.jpg Dollar-6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

gashin xildhiban and airport jobs awalba ku helay clan. they don't deserve to work again niyoow. Mogadishu people must learn that the big business fatboys are the real enemy of their land niyoow. they always fabricating stuff.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

This is not only moqdisho thing, there are also fake money factories in Puntland. Where ever they are these people are enemy of Somali people and the return of law and order.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.