Sign in to follow this  
Jacaylbaro

18th May

Recommended Posts

Ibtisam   

This is so overrated. Paying alcoholic faaniins in over-rated, over priced parties. Even P Diddy don't charge as much! In any case don't people ever grow up. :cool: Find something better to do with your money, give it charity. We've become like the Nigerians and Jamicans, any excuse for a party :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

JB, sxb, why was this on the Politics section to begin with? By mistake may be? :confused:

 

I am not going either, I am saving my energy for Kowda Luulyo... :D We can then celebrate!

Share this post


Link to post
Share on other sites

North,

 

Last year's proceeds were spent in Woolwich by the organisers. There were rumours that the money was spent on a Khat orgy, cars and all sorts of shenanigans. NOMAD UK, whom I am a member off, are the only organisation capable of organising such an important event. Anyway that not my scene, I am a proud patriot not some ciyaal suux intent on ''pulling'' on the night after getting intoxicated.

 

Is there an 18th of May celebrations in the UAE?

Share this post


Link to post
Share on other sites

THEY HAVE ALREADY STARTED IN LONDON ,,,,,,,

 

 

Nuur2.JPG

wal2.JPG

ho2.JPG

jiirade2.JPG

Dar.jpg

 

 

Waxay ku biilaabmatay qosal iyo kaftan, iyo

 

sawiro laga soo qaaday Jaamacada Burco, waxa xaflada isugu yimi dad tiro

 

 

 

badan oo aad u xiiseeynayey daabaldega sanad guuradii 17naad ee markii ay

 

Somaliland xornimada la soo noqotey. Waxa ka hadlay mudanayaal badan oo kala duwan oo ka kala socda bulshada reer Somaliland qaybaheeda kala duwan iyo dad ajinabi ahba oo dhashaywadamo kale oo dunida ka mid ah.

 

 

 

Goobtaa waxa ka hadley dad wax garad iyo aqoonyahano ah.

 

Xafalda oo lugu xusayay sanadguuradii 17naad ee ka soo

 

waregtay markii ay S/land xornimadeeda la soo noqotay, ayaa lagu bilaabay

 

aayado quuran ah oo uu akhriyay "Axmed Cadare" ka dibna waxa macrafoonka, kusoo dhawaatay qaban qaabiyaha xaflada "Shankaroon Ayaan M Cashuur iyo

 

A/Rahmaan Abdillaahi" Gudoomiyaha "Somaliland Society in Europe (SSE)". Oo

 

ku soo dhaaweeyeen dadkii halkaa isugu yimid sanad guuradii 17aad ee S/land.

 

Waa Mahad eebe ayay Shankaroon ku bilawday, haday manta halkan isugu

 

yiimadeen caruur iyo ciirolaba ku soo dhaawada Xaflada oo aad ka heli

 

doontaan, oo isugu jirta gabayo iyo heesaba. A/rahaman wuxuu intaa ku daray

 

waxa maanta xaflada ku caawin doona Jaamacada Burco gar ahaan Centre for

 

Somali Studies.

 

 

 

Dr Sacad Ali Shire oo ka

 

war bixiyay jaamacada iyo halkay maanta marayso, Jamacada waxaa wax ka

 

dhigta 331 arday, taasoo ay ku kala jiraan.

 

 

 

* 89 -Business Administration

 

 

 

* 55 -Islamic Studies

 

 

 

* 150-Peer-service Teacher Training Program (females 106)

 

 

 

* 37- Veterinary Medicine

 

Jaamacada oo iminka 4 Sano jirtay waxay gaadhay guul aad u balaadhan. Waxaanan

 

ilaahay ka baryayaa caawitaankan aad caawa cawiinaysaan in uu noqdo mid anfaca waxbadanaku soo kordhiya jaamacada.

 

 

 

Waxa halkaa ka hadlay Xildhiiban A/Qadir

 

Jirde wuxuuna hadalkiisa ku bilaabey "S/land waxay soo martay maraxalado

 

kala duwan, waa ilahay maahadii halkay maanta marayso, isaga oo hadalkiis

 

sii wata wuxuu yidhi waxa ay manta S/land uu baahantahay midi midi ku taag

 

maaha ee waxay uu baahan tahay nabad iyo horumar.

 

 

Maxamed Haashi oo ka mid ah ururka aan wali la sharciyayn ee "Qaran"ayaa isna ka hadlay

 

taariikhdii SNM iyo S/land halka ay manta marayso, waxa uu yidhi ma aha

 

reerkayaga waxa la siiyay waasir ee maxa uu qaban karaa wasiirku. Imisa

 

wasaaradood ayaa furan oo aan cidina joogin, waxanu ku soo gunanaday

 

hadalkiisii dadka reer Awdal, haa raacina Madax waynaha Riyaalel ee waxa

 

ogaataan dalku in uu dalkiini yahay.

 

 

 

Prof I. M. Lewis, oo ah khabiir ku dheer S/land ayaa isna halkaasi ka yiri

 

S/land waxay qabsatay East Africa oo dhan may gaadhin, waxay ka muuqataa horumarkeeda ha noqato xaga

 

isgaadhsiinta amaba xaga dimuqraadiyada iwm, waa wax loogu hanbalyeeyo dadka

 

reer Somaliland.Gabagabadii waxa halkaa laga tiriyay gabayo badan oo dadka galiyey qiiro aad uu badan, heesaha iyo majajiladu waxay ka mid ahaayeen mid ka muuqatay xaflada. Fanaaniita halkaa joogatay waxa ka mid ahaa Maryam Mursal iyo Nimco Yaasin, Faysal Yusuf, A/fataax Tacabir iyo Mustafa TT.

Share this post


Link to post
Share on other sites

TONIGHT IN TORONTO

 

hadhwanaag 2008-05-17 (Hadhwanaagnews) OGEESIIS---- OGEYSIIS

 

Waxaa La Ogeysiinayaa Dadweynaha ku nool magalada Toronto iyo Nawaaxigeeda in Xaflada caawa ka dhici doonta Toronto May 17,2008 in si wanaagsan looga soo qeyb galo, Waxaa kale oo la ogeysiinayaa in Amaanka la adkeyndoonoo maadaama ay dad badani iskugu imanayaan iyo marti sharaf kale.

 

Waxaa kale oo la ogeysiinayaa dadweynaha sharafta leh ee kasoo qeyb galaya Xaflada in ay anshaxa dhowraan iyo sharafta maalinta qiimaha leh iyagoo ka ilaa linaya xaflada wixii sharafdaro ah.

 

Waxaa habaynkaasi Goobta amaanka Sugaya METRO TORONTO POLICE.

 

Wixii faahfahin ah kala Xidhiidh Somaliland Canadian Society.

 

416-725-0997

647-292-5035

416-276-2361

 

Adresskuna waa

 

45 Overlea Blvd, Toronto,

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2008-05-16 (Hadhwanaagnews) Waxaa caawa Sabti oo ay taarikhdu tahay May 17 2008 lagu qabanayaa magaalada Toronto Xafladii Gooni isku taga J.Somaliland ee sanad walba la qabto, xafladan ayaa ah mid si heer qaran ah loosoo agaasimay oo huwana Tarikhdii Wadanka oo dhan waana xaflada kaliya ee ugu weyn Canada oo dhan laga qabanayo.

 

Airport-ka Toronto ayaa Tododobaadkan oo dhan waxaa kasoo qulqulayay dadweyne aad u tiro badan oo kakala imanayay Gobolada Maraykanka oo dhan, Xaliima Cali Jamac oo ah muwadinad Somaliland u dhalatay kana timid Gobolka Ohayo hogaaminaysayna dhalinyaro 8 qof ah ayaa waxay Hadhwanaagnews u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in maanta ay joogto Toronto diyaarna u tahay iney kala qeyb gasho dadweynaha reer Somaliland ee ku nool Toronto iyo agagaadhkeeda maalinta Qaranimada Somaliland.

 

Caawa xaflada ka dhici doonta Toronto ayaa laga daremi karaa Guud ahaan Toronto oo dhan, dhanka kale Hadhwanaagnews waxaa caawa lasoo xidhiidhey Afhayeenka Gudida Qabanqaabada ee Somaliland Canadian Society Mr. Khadar Ciise waxaa uu noosheegay iney dadweynuhu ilaaliyaan Wakhtiga hore loo baahiyay oo ah 7:00 Fiidnimo taasi oo ay ku sababeeyeen in Dadbadan oo ajaaniba ahi ay kasoo qeyb galayaan sida Marti sharaf kasocota Dowlada Canada iyo Wakiilada Goloyaasha Canada.

 

Waxaa kale oo uu ii sheegay Khadar Ciise iney imandoonaan qaar kamid ah warbaahinta Canada kuwa ugu waaweyn, hadaba warkii iyo Tasaawiiradii oo dhan kala socda Hadhwanaagnews oo siweyn uga qeyb gali doonta Xafladaasi caawa ka dhacaysa Toronto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SDWO (India 17/05/08) Xaflad aad loo soo agaasimay taas oo lagu maamuusaayey sanad guuradii 17 aad ee ka soo wareegtay gooni isku taaga jamhuuriyada somaliland ayaa lagu qabtay dalka India gaar ahaan magalaada Aurangabad ee gobolka maharashtra.

 

Xafladan oo lagu qabtay ( CELEBRATION HOTEL ) oo ku yaala badhtamaha magalaada Aurangabad , taasi oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah ardeyda reer somaliland , ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan ardeyda reer somaliland ee wax ka barata gobolka mahashtra , sidoo kale waxa xafladaas lagu soo casuumay marti sharaf kale oo ka kala socotay dalalka , Djabouti ,India iyo Sudan .

 

Hadal mahad naq iyo soo dhaweyn iskugu jira waxa xaflada ku bilaabay Mr. Abdiaziz Abdillahi Omar, oo ahaa madaxa gudida qabanqaabada xaflada 18 may.

 

Intaas ka dib waxa u Mr.Abdiaziz ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha ardeyda reer somaliland ee magaalada Aurangabad Mr. Mohamoud Ahmedyasin Aw Osman .

 

Gudoomiyuhu waxa uu u mahad naqay dhammaan ardeyda reer somaliland ee ka soo qayb gashay xaflada iyo dhamaan marti sharaftii kale ee ka soo qayb gashay xaflada , Waxaanu ardeyda reer somaliland kula dardaarmay in ay ilaaliyaan midnimadooda isla markaana ay muujiyaan dareenkooda wadaninimo munaasibaadka noocan oo kale ah .

 

Intaasi ka dib waxa hadalka qaatay Mr. Naasir Osman Muxumed oo ka mid ahaa gudida qaban qaabada isaga oo si qoto dheer uga waramay maraaxilki kala duwanaa ee ay soo martay Jamhuuriyada Somaliland , isagoo xusay in maalinta 18 may ay qiimo weyn ugu fadhido dhamaan shacbi weynaha reer somaliland , iyada oo dib ula soo noqoshada xornimada somaliland loo soo maray halgan dheer maal iyo naf huridba leh , ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisii. Mr naasir

 

Ugu danbayntiina waxay xafladu ku soo gabagabowday iyadoo ardeyda reer somaliland midba midka kale u hambalyeeyey , ilaahayna uga rajeeyey in ay sanadada soo socda ay ku gaadho Somaliland Guul iyo Horumar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this