Suldaanka

Yusuf Garaad makes a call "There won't be one person one vote in 2020"...

Recommended Posts

30 sannoh aayaad ku haysey meeshu wa   dowlad  qolyaha anu unaqano ka hadheenki faqashta ama  ilma xaraan  Cune  waxay  u  xiisen booli  qaran . Imika gooni from daqutki afweyne reign 1969 ila  1991 aroor ma kalihin.  Cashuurta ummada ayuu xalalaystey.  Hada wuxu is leeyahay kan  dhadhaanka farmaajo layodha aya  wixi so celinaya

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Dhalanteedku hadduu faraha ka baxo waalida dhaqanta yuu isu badelaa

Awoowe qawaaniinta aduuka u taal marqaan laguma badali karo

Sacuudigu iyo imaaraadku hadday qabiil saldhig kula heshiiso, ayagoo garab maraya dawladdii calanka buluugga ah u dhex yaalay umadaha midoobay, luuqadda carabiga waxaa lagu yiraahdaa ixtilaal ama gumaysi xoog dhul ku qabsaday wayna ogyihiin cawaaqibka ka imaan kara.

Haddii diyaaradda berbara  ka kacda soo layso dad rayid ah masuuliyadaas waxaa qaadaya farmaajo, snm wax shaqo ah kuma laha waa jabhad yar oo qabiil yar maamusha.

See u qaadayaa?

Saxiixa iyo qallinka marka loo dhiibayo madaxweyne dal waa inuu ag yaalaa callan muctarif ah oo ku matalo heshiis dal aduunku aqoonsanyahay waa sharuud lama dhaafaan ah

 

Dugsiga hoose ardada dhigata yaa intaa fahmi karta xagee nalkaagu ka dansan yahay saaxiib?

Haddii uusan farmaajo gobolada waqooyi tagi karin ama uusan maamulin macnaheedu ma'ahan inaad u qaadato jamhuuriyad yaroo xarig furan oo waxay doonto samayn karta xad baa jira aysan dhaafi karin sida gawaaridu uga istaagto nalka cas.

Ninkaan aad sirdoonka sacuudiga ku sheegayso waxaa laga yaabaa inuu doonayo meeshii ku haboon dadka loosoo tarxiilo geeska afrika una qarash yar.

Saldhig soo cadan ma haystaan? mise waa quwad balaaran oo iiraan hor istaagaysa ayagoo snm dawlad istiraatijiya ka dhiganaya?

Marqaanka iyo dhalateedka iska yareeya walaalayaal hawlaha hoose iyo madadaalada ku ekaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Oodweyne

Markii lasoo koobo nuxurka hadalkaaga wuxuu kusoo ururay dawlad kasta oo aan si sharci ah wax ku doonayn snm diyaar bay u tahay in masaalix la yeelato dhulka beesheedu degtana siday doonto ka yeelaan

Ok

Shaqadaydu siyaasi ma'ahan balse ra'yi baan ku darsadaa siday iigu muuqato

Arimaha bariga dhexe carabta waxaa ugu awood roon dhan ciiddan iyo mid shakhsiyadeedba "Masar" ayagana masaariiftii yaa ka go'day oo dhaqqalahoodii gudaha yaa aad u xumaaday, kamana qaadan karaan door muhiim ah arimaha ka socda caalamka muslinka khaas ahaan carabta.

Waxaa kuusoo haray khaliijka wuxuu wali haystaa dhaqaale uu ku wareeray siduu u maarayn lahaa iyo wuxuu ku qabto, inkastoo aad loo dedejinayo sidii dhaqaalaha looga dhamayn lahaa.

Maraykanka, yuhuudda iyo iiraan waa saaxiibo dhaw, dadka caadiga aysan fahmi karin

Sida geel jiraha yaan kuugu cabiri 

Hasha geella ah markay ilmo dhasho oo ay ka dhintaan, lama godli karo ama caano lagama lisi karo ilaa ilmaheedii dhintay maqaar cawseed looga dhigo oo loo ekaysiiyo ilmo nool way ursataa  ka dibna way godlataa.

Iiraan waa maqaarkii lagu lisi lahaa carabta la'aantoodna carab lama liseen.

Iiraan waxaa caasimadeeda ku nool dad lagu qiyaaso 16 malyan waa cadadka soomaalidoo dhan marka laysku daro

Waxaa ka dhisan lixdan macbad ama meelaha gaaladu wax ku caabudaan sida nasaarada iyo yuhuudu leedahay, iyo hal masjid oo sunigu leeyahay.

Sidaas oo ay tahay masaalixda dawladaha dhex martaa makala go'do ayadoo qolo kastaa lug u laabantahay

Tusaale barigii hore ee kacaankii barakaysnaa safaaradda iiraan iyo tan ciraaq ee muqdisha ku yaala way isku dheganayeen darbi uma dhaxayn, dhanka bidix aargada No'afar ayadoo waliba dagaalkoodu socdo.

Labaduba soomaaliya waxay ka caawin jireen dagaalkii 77 inkastoo ciraaq ay ka badnayd iiraan dhanka taakulaynta ciidanka midkoodna kuma dhiirran karrin inuu fara galiyo arrimaha soomaaliya haybada aan lahayn darteed.

Soomaaliya waxaa la tijaabiyay markii uu xukunka joogay xassan sheekh iyo ka horba oo sucuudigu ku amray inuu cayriyo safaaradda iiraan taa badelkoodana soo dhoofiyo "dhadig" ama gabdho u adeega.

Xoolahana dib loo dhigo inta caafimaadkooda la xaqiijinayo.

Ayagoo ka duulaya tijaabadoodii hore waxay mar kale ku dhiiradeen inay "Qadar" ku yiraahdaan farmaajo ka cayri dalkaaga

Waxayna kala kulmeen arrin ka duwan miday filayeen lama filaana ku noqotay in farmaajo u dhaqmo sidii madaxweyne dal madax banaan hogaamiya.

Haddaan qiyaaso saldhigga berbera iyo waxaan aad horumarka u aragto waxaa uga muhiimsan carabta siday ugu takhalusi lahaayeen farmaajo oo ay u heli lahaayeen xassan shiikh oo kale shaqadeedana way wadaan

Farmaajo wuu ogyahay in soomaaliya xukunkeedu yahay meerto ay shisheeye maal geliyaan, balse wuxuu ku dadaalay in shacabka soomalida u iftiimiyo qaabka wax ku socdaan ama ha joogeen waqooyi ama ha joogeen koonfur bari iyo galbeed loogana gudbi karo isku tashi iyo midnimo qofkii doonaa hogaan ha noqdo dabadiis balse daciifnimadii aan dib loogu noqon

Haykal ama qolfoof dawladu leedahay waa markii ugu horaysay oo la dareemo xaqiiqdii waana talaabo wanaagsan oo dawladaanu ku guulaysatay.

Usoo noqo tan aad leedahay sadaqada gaalada yuu waqooyiga ka hor istaagay shacabka waqooyiga waxaa danu ugu jirtaa in sadaqda ama deeqaha caalamka laga helo  loogu dhiibo qof aan qayilin oo aamina ama daacada waana hubaal inuusan farmaajo kala jaclayn shacabkiisa.

Saylici baa boqor salaamay wax wayn yaysan kula noqon ilaahay baa boqora qof kastaana waa hor istaagi maalinta hooskiisa mooyee hoos kale jirin.

Khiyaaliga soo af jara saxiibiyaal dalka iyo dadku waa mid soomaalidu waxay ku maah mashdaa caano dhacay shaah laguma caddeeyo, wax socon kara halagu jid maro.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.