Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar toosa oo ka dhacay Magaalada Marka & Xerooyin lagu garaacay Madaafiic (Khasaaraha)

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Al-Shaba ayaa weerar xoogan ku qaaday Magaalada Marka oo dhawaan ay qabsadeen ciidamo ka tirsan Militeriga dowlada oo uu hogaaminaayo Abaanduulihii hore ee CX Jeneraal Caanood.

Weerarka ayaa isugu jiray Madaafiic iyo mid toosa oo lagu qaaday xarumo ay ku sugnaayen ciidamada dowlada waxaana lasoo sheegayaa in weerarka uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Marka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid socday muddo waxa ayna xaqiijiyeen inuu jiro khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in weerarka uu markiisa hore ka bilowday deegaanka Jilib-marka oo ah wadada laga soo galo Magaalada waxa ayna markii danbe Shabaabka usii gudbeen bartamaha Magaalada Marka oo saacado ay ka dagaalamayeen.

Dagaalka ayaa waxaa bar bar socday duqeymo xooggan oo madaafiic ah oo Shabaab ay ridayeen, kuwaa oo inta badan dadka deegaanka qalqal galshay.

Meelaha sida wayn dagaalka xoogiisa uu kaga dhacay ayaa ah Kawaanka Malaayga iyo Saldhiga Booliska ee Magaalada Marka iyo meelo isku muuqda oo fariisimo ay ka sameysteen ciidanka Militariga dowladda Somaliya.

Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa la soo warinayaa inuu kor u dhaafay dhaawacyada Todobo, halka dhimashaduna ay gaareyso ilaa Seddex, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale, weerarka ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan magaalada Marka ay ku jirto gacanta ciidamada Xoogga oo iyagu dhawaan gudaha u galay magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this