Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo carruurta ku ciidsiisay caagag qoryo u samaysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya ayaa shalay carruurta ku ciidsiiyay caagagga qoryaha loo ekaysiiyay ee lagu ciyaaro,kaasoo hore dalka looga mamnuucay.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ee Al-shabaab isticmaalan ayaa waxaa ka soo muuqday carruur aad u da’yar oo ku ciyaaraya caagag sida qoryaha iyo bistooladaha u samaysan,islamarkaana mid-mid isugu shiishaya.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya  ayaa 13 bishii June ee sanandkaan dalka ka mamnuucday in la soo geliyo caagagga carruurtu ku ciiddo ee u samaysan,sida qoryaha,bistooladaha iyo bombooyinka,waxaana wasaaraddu agabkaasi ku tilmaantay astaan colaadeed.

Sidoo kale wasaaraddu waxay ganacsatada ugu baaqday in ay dalka soo geliyaan agab wax dhiiri-gelinaya nabadda,is-jecaylka iyo hal-abuurka,iyadoo hay’adaha amniga dalka la faray in ay fuliyaan amarkaas.

Lama oga halka ay Al-shabaab ka soo degsatay caaggan qoryaha u samaysan ee ay shalay carruurta ku ciidsiiyeen iyo cidda u fududaysay in ay helaan.

NNN.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1 RRR.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1 VVVV.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1 YYY.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo carruurta ku ciidsiisay caagag qoryo u samaysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this