Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaallo culus oo ka dhacay degmada Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada militariga Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM  iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay iyo saaka ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose,sida laga soo xigtay dadka magaaladaasi.

Malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan degmada Marka xalay ka soo weeraray dhanka degaanka lagu magacaabo Jilib-marka,waxaana markii dambe dagaalkaasi ku fiday xaafado ka tirsan magaalada,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Sidoo kale duqeymo culus oo ay is-weydaarsanayan dhinacyada dagaallamay ayaa laga maqlay qeybo kamid ah xaafadaha Marka,inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya oo ku sugan halka lagu dagaallamay ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab dib looga riixay magaalada Marka,islamarkaana dagaal-yahanno looga dilay halka kuwa kalena nolosha looga qabtay,sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa kale oo saraakiishu sheegeen in weli ciidamadu ku sii siqayaaan degaanno horleh oo Al-shabaab gacanta ku hayso,laakiin waxay ka gaabsadeen in ay faahfaahiyaan khasaaraha dhankooda gaaray.

Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST

The post Dagaallo culus oo ka dhacay degmada Marka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this