Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-faham waa ka dhex qarxay Somaliland iyo ehelada dad Laascaanood lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa laga soo sheegaya xiisad ka dhalatay laba dhalinyaro ah oo habeen ka hor halkaasi lagu dilay.

Labada dhalinyarada ah oo la sheegay in ay saarnaayeen mooto Bajaaj ayaa u dhintay rasaas ay ku rideen ilaalada guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland,Gargaar Xuseen Carab,sida ay xaqiijiyeen eheladooda.

Is-faham waa ayaa la sheegayaa in uu ka dhex qarxay ehelada labada qof ee dhintay iyo guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland,kadib markii eheladu diideen in la aaso dadka dhintay ilaa sharciga la marinayo askartii falka geysatay.

Laakiin guddoomiye Gargaar ayaa codsaday in la aaso labada qof,isagoo sheegay in baaritaan lagu samaynayo falkaas, ciddii lagu helana sharciga la marinayo,sida ay wararku sheegayaan.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland,Abukar Cabdi Geelle oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Puntland ayaa ku hanjabay in lala xisaabtamayo guddoomiyaha Sool ee Somaliland oo uu ku eedeeyay in uu si bareer ah u amray dilka labadaasi qof.

Hase yeeshee wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koorre oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa dhankiisa sheegay in xiisadda lagu xallinayo wada-hadal,islamarkaana Somaliland ay diyaar u tahay in ay la fariisato ehelada dadka dhintay,sida uu hadalka u dhigay.

PUNTLAND POST

The post Is-faham waa ka dhex qarxay Somaliland iyo ehelada dad Laascaanood lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this