Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo “Inaan iska celinaa argagixisada shisheeye waxa ay ka dhigan tahay inaan difaacaneyno dalkeena” (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa salaadda ciidda Guutada kula tukaday Dugisga Tababarka ee Janaraal Goordan, ee magaalada Muqdisho.

Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tabobarka iyo maamulka dugsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas.

Waxaa xafladda ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS.

Geba gabadii waxaa goobta ka hadlay Taliyahii Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod ee xilka laga qaaday oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faah faahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda janaasada ee askari ka tirsanaa Guutada 14ka Oktoobar oo ku shahiiday hawlgalladii ay Ciidamada Xoogga Dalka ay Al Shabaab kaga saareen deegaano hoos yimaada Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Farmaajo-3-1.jpg

farmaajo-4.jpg

IMG_20180821_165925.jpg IMG_20180821_165927.jpg DlIcEv3WsAAtb4r.jpeg DlIcEvuX0AAMPwi.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this