Sign in to follow this  
Baashi

Father forgets

Recommended Posts

Baashi   

Warka uu Ducaqabe ku kalaamay waa saxiix. Magac wanaagsane labo kala daa.

 

Raggiinu gabdhahayaga ma gayaan iyo waad gabdho fiican tihiin isma qaadatee kala daa. Dad wanaagsan baanu nahay iyo cunsiriyada midab takoorka reer Hanaan Gobeed aad ku heysid isma qaadatee kale daa. Rag baan la xaajoonayaa misana hawsha si ay iigu hagaagto waan is been fartiimayaa oo cilad aan jirin baan reer Hanaan Wanaag ku baacsanayaa iyadduna is ma qaadatee kala daa.

 

Intaa waxaa ii weheliya ninyahaw hadalkaagu wali isma raacsanna oo si buu u kala qaaran yahay. Mar waxaa tiri waan kuu gafay hadaad qallanjo idinka ah aan soo hunguriyeeyey oo hawsheydu isma beddelin oo waa halkii Inna Dagax-tuur baan taaganahay. Markii xigtay waxaad raacisay in xaafadeyadu hablo wanaagsan Ilaah ku galadystay oo aad dhuubo nagga dooneysid. Intaad hadalka waday waad afeefatay oo waxaa tiri inaan bilcaan doon ahay iyo xodxodosho yaan loo qaadan. Intaas oo kalaam ah afakaadeey ka soo wada baxeen waxna umaad dhaxeysiin. Halkaa waxbaa iiga baxay :D

 

Sideedaba warbaan kuu sheegayaa. Doodu waxay ku fiican tahay in ay baab leedahay. Macnaha madax iyo manjo la qabteey yeelataa hadduu hadalkaagu qotonsan yahay.

 

Annigu warkeygu waa caadaa. Muhammed waa doob :D akhyaarnimaa ka muuqata. Muqaawiirta golaha xitaa waa garatay ninkaa qeymigiisa oo dee waa issaga horjeege loo calmaday. Midaan la quuri karin oo golaha na la joogta yaan la calmaday ninkaa qiimaha badan. Warkiisa waxaa ka muuqatay innuu diyaar yahay oo uu doonayo in uu Mas'uuliyiinta ku biiro (ragga xaasleeyda ah) :D Waan u jawaabay oo waxaan iri awoowe ma ku habeynaa. Muhammed waa og yahay in heshiis iyo is afgrasho in ay tahay wadada ugu fiican ee reer ugub ah lagu yagleelo.

 

Halkaa markay botorineyso yaad haf la tidhi oo waxii rag shalay ku kala tagay oo marqaatigeeda aannu hayno yaad soo celisay. Awoowe si miyir leh baan kuu xasuusiyey geffaf hore oo kaaga dhacay. Maad hubsane misana haf baad la tidhi oo kii hore inta qiratay xaalna tiri waa iga bixis baad gef kale raacisay. Halkaa waxa ka muuqata fudeyd.

 

Saaxiib gabdhahayaga waa aftax marba haday qaan gaaraan. Sax iyo qalad, wanaag iyo xumaan, iyo waxa mas'uuliyadi tahay baannu ku ababinaa yaraanta. Iyagoo garasho ku filan leh bay adduun is qaabilaan. Ninkii cajabiya oo ay naga talo galiyaan waanu la eegnaa. Waxii talo ah waannu siinaa. Haday yiraahdaan mahadsanid laakiin kan baan na cajabiyaye naggu maamus ogalaansho dee waa howraarsan oo waanu yeelaa. Awoowe gabdho sidii xoolihii inta rag suuqa isku af-gartay la is sa siiyo caado uma lihin. Midkaa weeye midkaanu isla keeni la'nahay saaxiib.

 

Hadaan akhriyey kalaamkaagii ugu danbeeyey waxaad u muuqatay nin saaxiibnamadu ka dhab tahay oo cunsiriyada aad addigu ogolaatay in dadka kale lagu fuliyo in aad anniga iiga turri doontid macriifo ahaan. Halkaa mawqifkaaga diiniyan waa qaldan yahay. Mar labaad awoowe dhinac isu raac xataa kftanka waa inaad sheekadaadu madax iyo manjo leedahay.

 

Hadaad magaca Ducaqabe uu ku cajibayey waxaan kuu hayaa Ducaale ee qaado.

 

Waan sii caraabayaa ee afur wanaagsan saaxiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

War ma Wannatobe baa bad weeyntaa Hindiya i galisay? Mise ragga afurkii baa ku dheeraaday? :D

 

Anaa falaadh soo noqota gamay ee waa inaan ka dabaashaa.

 

Ducaale, Ducaqabe iyo Ducaysanow, horta Tol waa la wada yahay, Derisna wuu is yaqaan, dareemayna labadaas mooyee, wax kale umaydaan damqan.

 

Ducaysanow Baashi, dunida walaal baa la dugsadaa aakhirona waxaad soo tabcatay, doob nimadaydii hadii maanta dabarka laga furay inaan hogaanka sii hayo waa hawl weli ii taal. Horaa loo yiri, dabar iyo hogaan waa dan isa sidata.

 

Deeqsiyow, waxay ila tahay inuu wakhtigu gabaabsi yahay, dhabarkana dhalini iga gujinayso, markaa ku dheeraan maayo ee bal intaadaan sultanah ii tilmaamin ana warankii wadnaha safayn, arintan ila hubi oo ila Tali Ina-adeer.

 

Dee waad ogtahay oo nin isagoo maqan loo tumay lala ma talin ee shaxda ila jar! :D

 

 

Jumca Wanaagsan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxay u egtahey in halkan ruugcadaagii isku heleen maanta waana Ilaah mahadiis marba hadii cuqaashii SOL oo odey Baashi hormuud uyahey ay garteen in Walaalkeen Muhammad la habeeyo.

 

 

Waxaa kaloon rabaa inaan duq Baashi iyo Muqaawiirta golaha taabsiiyo oon usii xaqiijiyo qiimmiga iyo akhyaarnimmada Muhammad oyna tahay mid aan daafaha sol uun ku eg balse ay tahay mid lagga yaqaano golayaasha ay isugu yimaadan dadka heybada iyo sharafta loo nisbeeyo ee reer mpls

 

Hadalkiibaan ku dheeraadaye bal aan hadana jaanta rogo.Salaaam!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Waa hawraarsan akhyaarta. Warkaasu waa war fiican. Hadde waxay ila tahay in rag aan laga maarmi doonin ay naga maqan yihiin. Saxibkeen Nur iyo Xiin nalama joogaan oo Ramadaankiiba iyo dikriga yaa dhinac u tuuray. Innaga qudheena hawl wanaagsan baan halakan ku heynaa oo taloda fiican iyo doobkaa oo la tilmaamaa waa wax wanaagsan.

 

Abdiladiif mara waaxid awoowe. Waan malaynayey in Mahammed uu yahay nin wanaag iyo akhyaarnimo ku tilmaaman l'annu halakan beyba ka muuqataa. Akhyaarta hadde annigu hore yaan u affeeftay oo habaynta waa siduu Mahammed ii la fahmay oo tilmaan bay ku eg tahay. Tilmaan nin raggi waa ku filan tahay maxaa yeelay ninkii tilmaan ka badan doonayaa hadde waa nin ii lagad yiri :D Alle-u-Baahane warkiisu halkaa kama fogayn :D

 

Mahammed sxb qallanjo golaha inalla joogta yaa jidha ee si xaal mastuur ah yaan ku tilmaamayaa ee waa addigii hal xiraalaha aadka u badiyaye ila garo. Gabadhan naaneesteedu waa Somali aad iyo aad ii cajabiyey. Miyir iyo miisaan aad xataa ka gadhan kadho shaashada yaa kolay annigu ka dareemay. Geeljire cusub ma aha oo waa geeljirayaasha dadka ugu soo horeeyey golaha. Marka la doodayo oo waliba diinta laga doodayo ama dumarka siiba xuquuqdooda bay soo gashaa golaha.

 

Mowqif ahaan waxaad moodaa in ay u janjeedho xaga diinta haddana cod qalad ah oo dagaal iyo xagxagasho leh kuma muujiso ra'yigeeda oo si aayar ah bay u jeedisaa. Halkaa dabeecad wanaag iyo dad la dhaqan baan ku tuhmay. Way go'aan adag tahay oo hadaan si haboon looga qancin halka ay ku dhegto si sahal ah codkeedu uma midabeeyo iskamana horyimaado. Halkaa inay qof mabda qaadan kara ee aan hawada (hawada la ciyaar)hadba halka ay u xagliso aan raacin baan annigu kolay u qaatay li'annu muddo dheer bay golaha inalla joogtay walina bartii bay taagan tahay si consistent ah.

 

Kolka doodu kulushahay ee dadku qaar u maleeyaan in iyaga shaqsiyadooda loo dan leeyahay iyaddu bal Ilaahay amarkii wanaageeda waxba kama soo qaado. Halkaa waxaa iiga soo baxay kalsooni iyo garasho. Kolka la isla qaad qaado oo madaxa iyo manjaha la isla galo iyaddu dadka lama tirsato oo inta candhuufta dib u laqdo yay aayar libidhaa oo laba waayaa. Halkaa dulqaad iyo samir baa iiga soo baxay.

 

Da'da qof yar bay u muuqataa oo dugsi inay dhigato yay dhowr jeer ka sharqamisay. Qof meel Somali ku badan tahay joogtana waa u muuqataa oo dhowr jeer Somalida cilada jidha oo ay leeyihiin bay tilmaantay umana cudur daarin. Halkaa qof run sheeg ah oo aan la gaban ra'yigeeda bay iila muuqatay.

 

Hadde Mahammed waxu waa shaashad oo si aad ah qof miisaan sugan looma saari karo. Laakiin awoowe oday baan ahay hadde waxa jidha waxyaala aan qarsoomin oo haduu qofku muddo kula sheekaysto ama aad la dhaqanto iska soo baxa. Berrigii wiil hooga ahaa ee aan dumarka isha la raaci jidhay bal in wax i cajibiya aan arko quruxdu qayb yar bay ahayd waxa aan qaymayn jiray. Waxa aan ogaaday in aadanahu uu fidhro ahaan jecelyahay quruxda oo aad inta badan marka aad eegtid haweenka hadii aadan aqoon markii hore u lahayn in tan qurxoon ishu qabanayso. Waxaan kaloo ogaaday in hadaad la dhaqanto ama dugsi ama shaqo isgu timaadaan in quruxdu gadaal galayso oo tan dhoola cadaysa oo sida haboon ragga u qaabisha oo debci iyo garasho wanaagsan aad ku barato in ay taa aad la jaan qaadayso.

 

Waxa aan uga jeedaa halakan golaha ah waxaa nalla jooga dumar tiro badan oo giddi mudan sheeko iyo xodxodosho. Waxa kala miira oo kala shaandheeya waa hawsha aan ka soo sheekeeyey ee hebla ku tilmaamay oo ka dhigay waxaan la quudhi karin kolay anniga ray'yigeyga. Waxaan qabaa nin naago doon ah in ay fiican tahay bal inuu ka war doono oo hubsado in qofkanni sidaa u wanaagsan yahay.

 

Adeer hadde ku tilmaamay. Kuwa badan oo aan la quudhi karin baa ku jira golaha barashana mudan bal taa soo hel horta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

^ Raxiima, waad aragtaa oo lay gaadyee, gacalooy maad ii gargaartid! :D

 

 

Adeer, sadexdii aan kaa codsaday waad i siisay, sifiicana u dhuuxay.

 

hadaba bal aan sahan tagee, ducadii nabi muuse, calayhi salaam, bal aamiinta ila wada mara.

 

Rabbi innii lima anzalta ilayya min khayrin faqeerun

 

fi'amanillah!

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Waa Allaah mahadii, hadii wali odayashii qadarinta mudnaa oo baashii hormuud kayahay inkastu maanta ey da' yihiin ey wali noo bad qabaan

 

Waa war wanaagsan hadii la habeenayo dhanayarada dhowaan kacday sida mahammad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Assalaamu Caleykum, Akhyaarta sharafta lahey.

 

Caaqil Baashiyoow, waxaad runtii raali galin muddan Allaha macbuudka ah ee had iyo jeer aan gafka ka galno, iyo nafafyaalkeena oo aan xadgudub ku sameyno. Intaas ka sokow, ninyahow caaqilka ah waxaad moodaa inaad ka xuubsiibatay dhankii kaftanka iyo maada ee aan kuugula jaanqaaday markii horeba, oo turxaanbixinta aad ula beegsatay maadii xageyga kasoo yeereysay aad diin iyo mid dhaqanba ku eegtay, taasoo ii cadeyneysa in mowjadii aan ku jirnay ee kaftanka aheyd aad yara weecisay, waliba markii uu hadalkaaga biya dhiciisa u batay inaan ahay nin fudud. (Ma waxaan kaftan ahayn baa rag la gadooma?)

 

Macna malaha, xaajo raggeed hadba wii tii sidbata oo la saxo. Hadaad garatay inaad wixii aan ku kaftameynay aad daacad u badasho kadibna eedeymo iyo jaa'ifo igu soo oogto, waxaan u maleynayaa koley kaftankii waan ku qaldamay, laakiin waxaa jirta arin aan mardanbe loo laaban doonin oo ah, waa sidaad sheegtaye, in la sheekeysto iyadoon waxa lagu sheekeynayo xadidaad loo sameynin. Arintuna, caaqil baashiyoow, dhab ma ahayn, oo waxaa taas daliil u ah sida dhug la'aanta ee aan sheekada kuula daadihinayay, balse dareen haduu yimid, waxaa ila gudboon inaan ka waantoobo wixii gaf ah ee nafsadeyda iyo shaydaan igu hantaatureeyeen.

 

Caaqil Baashiyoow, marlabaad xaal iyo xumaantir iintaba iga gudoon, adinkoo iga raali ahaanayana, sidaas hanoo ahaato, geedigiina halkaas ayaan uga haray, ee nabadeey.

 

Maxamadoow,

 

Adna waxaan ku leeyahay ninyahow i cafi, koley wax xumaan ah qasadkeygu ma aheyn, oo hadalkii walaalkeey Baashi ayaa moodaa inuu isoo jiidatay kadibna aan yara xifaaltanay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

A Beautiful read indeed! Thanx Baashi

 

I have read DC's book more than a hundred times, yet everytime i read it again it seems more and more interesting!

 

One quote i seem to have memorized from that book is:

 

"I am Lavish in my Praise and hearty in my aprobation"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Great read!

Everyone, including children, deserves respect. Apologizing to your child(ren) when you've made a mistake is a sign of strength. Come to think of it my parents never kissed me goodnite, much less apologize for their flaws. It was all about tough love! Raising great kids required relentless, get-outta-my-face attitude, and occassional whooping. I really appreciate my parents now as an adult for smacking me upside the head, it was love nonetheless. They did a lot of things that were right on. I am so thankful every single waking moment of every single waking day to have my ma' and pa' in my life. Laakini, my parenting decisions will be different. IA. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^ur parenting style will be different haye...how different, I love you L i b e r i a n girl :D ?

 

War heedhe Alle-u-Baahane awoowe kaftan iyo xifaalo bay iga ahayd ee addiguna cidla ha ka diddin dee sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this