Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Unknown Object

Recommended Posts

Hargeysa (Jam)- Wasiirka Caafimaadka Md. Cabdi Haybe Maxamed oo ay weheliyaan Agaasimihiisa Guud iyo ku-xigeenka badhasaabka gobolka Hargeysa, waxay shalay kormeer ku tageen deegaanka Darfacle oo Sabtidii ay ku soo dhacday walax ka mid ah walxaha qarxa oo aan la garanayn meel ay ka timi.

 

Wasiirka Caafimaadka Md. Cabdi Haybe, ayaa sheegay in walaxda deegaankaasi ku soo dhacday ee aan weli la aqoonsan waxa ay tahay ka soo dhacday cirka iyada oo la moodo jawaan, markii ay dhulka ku dhacdayna noqotay biyo. Waxa kale oo uu xusay maadaama Somaliland aanay lahayn qalab wax lagu baadho ay u dirayaan hay’adda WHO si baadhis ugu samayso. Waxaannu Wasiirku dadka degan deegaanka walaxdani ku soo dhacday uga degay in ay u dhawaadaan goobtii ku dhacay.

 

“Waxan sida naloo sheegay waxa uu ahaa wax aad moodo jawaan wayn oo soo guuxaya oo cirka ka soo dhacaya, waxaana la hayaa biyihii markii bahalkii dhulka ku dhacay ee uu milmay, Somaliland meel lagu baadho ma laha waxaannu u diraynaa WHO-da si loo soo baadho. Idinkana dadkiina Darfacle degan waxaan idinku waaninayaa eeriyadaa oodan ee bahalku ku dhacay in la iska ilaaliyo oo aan loo dhawaan,” ayuu yidhi Cabdi Haybe Maxamed.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Md. Anwar Maxamed Cige, ayaa isna dadka degaanka Darfacle degan uga degay in ay galaan xaydaabka goobta walaxdaasi aan la garanayni ku soo dhacday, waxaana uu tilmaamay in baadhitaan lagu samaynayo wixii ay ahayd walaxdaasi, sidaasi daraadeed loo baahan yahay inta ay go’aan Wasaaraddu ka soo saarayso in la iska jiro goobtaasi.

 

Sidoo kale, badhasaab-ku-xigeenka gobolka Hargeysa Mr. Cali Cawil Cabdi, ayaa isna sheegay in walaxda soo dhacday markii hore ahayd dhagaxaan, balse markii dadweynuhu jawaano ku gureen ay isu beddeleen biyo.

 

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Walaxdani waxay ahayd wax soo gariiraayey, markii ay dhulka ku dhacdayna waxa uu isu beddelay sida la sheegayaayo dhagaxaan, markii dadku dhagaaxiintii ay ku qaadeen daasadana waxay isu beddeleen biyo. Sidaa darteed ayaa Wasaaradda Caafimaadka oo dhamina u soo gurmadeen oo aanu u keenay goobta si ay talo uga bixiyaan arrinta caynkaas ah, isla markaana laga qaado baadhis iyo tijaabin.”

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

deegaanka Darfacle oo Sabtidii ay ku soo dhacday
walax ka mid ah walxaha
qarxa oo aan la garanayn meel ay ka timi.

walaxa walaxaw yahay ma la soo ogaaday? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this