guraad

Nomads
  • Content Count

    224
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by guraad

  1. MY DEAR Rayaana ,i never heared about any LA people marching in hargayesa streets , can you give me the date and place and who were those people(names)?. i dont think there are many people from LA in hargayesa ., we have our own cities and land which are peaceful so why go to hargayes. in fact there are more LA people garowe and bossaso and other puntland citeis , couse we are puntlan citizens . SSH(CAYN) people satnd is clear and its (SOMALIA MUST STAY UNITED) so my dear somalilanders please leave us alone , if you all want to separate from somalia , you can go a head but stop claiming our lands and our puntland states like sool and sanaag. PEACE AND LOVE.
  2. Gediid , i am sure that you are mad at people of L.A so you can go ahead with your insults which you call joke . P.s : @ Libaax looooooooooooooooooooooooooool , that made me laugh hard when i saw riyale head peeping from behind the mountain , HE(riyale) was Like ( WHERE IS MY DAMN SHOE WHICH I LEFT BEHIND WHILE I AM RUNNING AWAY .I PAID ALOT OF MONEY FOR THIS DAMN SHOE , I CANT JUST LEAVE IT BEHIND ) looooooooooooooooooool .
  3. my last post is intended for Gediid so keep on laughing Gediid. P.s: Brother Libaax , but he left one of his sho,se behind . LOL
  4. You can laugh all you want . but i know my people more than you do , i am from Las Anod and i been to las anod many time and let me tell you that people of las caanod are for united somalia you can dream about las caanod all you like , we as sons of dervishs well not let somalia to be devided , thats or stand and if hargayesa land have problem with that let them try to take over SOOL anD see what will happen . Riyale can talk and talk all he wants but the day he tries to act fool and attack lascaanod thats when we the sons of dervishs will act . so let riyale dream about las anod and talk that tall talk from his palace in HARGAYESA-LAND.
  5. Angel , i asked some of my relatives who where present in the day of riyale run away , and they told me that the people were setting somaliland flag on fire and thats the reason you could see s/land flag out there. and by the way the house you see is the house riyale run away from and the house is far from centre of las anod city , one have to take car to reach that house , so you can see less people . incotrast in the centre of the city you could see Boqolal of people marching with somali flag.
  6. http://www.laascaanood.net/waraysiyada/taleh.html See the picture Of Bombardment of the dervish capital at Taleex And read about Mahammad Abdille Hassan's Dervish Resistance to Colonial Occupation by clicking on the link .
  7. http://www.laascaanood.net/somalinews/somalinews071203.html it includes articles with pictures
  8. Sunday, December 07, 2003 at 19:33 Laascaanood : Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin xooga lagaga saaray Magaalada Laascaanood oo maanta si weyn looga xusay magaalada Laascaanood. Waxaa maanta magaalada Laascaanood si weyn looga xusay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Hogaanka Maamulka la magac baxay Somaliland Riyaale Kaahin Xooga lagaga saaray maagalada Laascaanood ka dib markii uu ku yimi booqasho aanay dadweynaha deegaanku raali ka ahayn. Dhacdadan oo ku beegnayd 7-12 ayaa waxa maanta magaalada laascaanood ka dhacday xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey mujaahidiintii ku geeriyootay dagaalkii lagu qaaday Riyaale iyo ciidankiisa kuwaas oo ahaa afar mujaahid oo iyagu ku geeriyooday goobtii, waxa kale oo iyaguna halkaasi ku dhaawacmay sadex kale. Dadweyne aad u tiro badan iyo gawaadhi gaadhaysa tobonaan ayaa saaka aroornnimadii isugu soo baxay wadad weyn ee dhexmarta badhtamah magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay ka muuqatay astaanta qaranka soomaaliyeed , waxayna lulayeen calamada iyo caleemo qoyan. Dadweynaha halkaasi isugu soo baxay waxay muujiyeen sida ay uga go'an tahay ilaalinta midnnimada Soomaaliyeed, waxayna halkaa uga duceeeyeen mujaahidiintii ku geeriyooday hawlgalkii Riyaale lagaga saaray magaalada Laascaanood. Iyaga oo gawaadhidii saaran ayey waxa ay dadweynahaasi soo booqdeen gurigii laga saaray Riyaale iyo waftigii uu watay ee sida lama filaanka ah ku yimi magaalada Laascaanood 7-12-2002, waxaana halkaa haddalo qiiro leh ka jeediyey indheergaradka gobolka iyo odayaal, waxayna halkaa ka cadeeyeen sida ay ugu dadaalayaan in ay iyagu noqdaan hormoodka midnnimada Ummadda Soomaaliyeed. Waxayna intaa ku dareen in maanta dareenkoodu aad u fiican yahay maadaama ay bulshadani ku guulaysatay in ay ka hortagaan aragtida qaldan ee uu Riyaale iyo kuwa la afkaarta ahi doonayeen in ay bulshadan ku soo jiitaan, waxayna intaasi raaciyeen in ay Riyaale la socdeen wufuud Reer galbeed ah oo doonayey in ay ogaadaan dareenka dadka deegaani halka uu la jiro, ogaadayna in ay dadkani yihiin bulsho ay ka go'antahay midnnimada Ummadda Soomaaliyeed una heelan in ay naf iyo maalba u huraan. Oday isagu fagaaraha gurigii Riyaale laga Caydhsay ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in maanta wadadii uu Riyaale maray maalintii uu cararyey loo yaqaane Riyaale ku carar oo ay maanta caan ku tahay magacaasi,kuna taalo koonfurta magaalada Laascaanood, wuxuuna intaasi ku daray in ay nimankii caddaanka ahaa ee al socday ******** dareenka dadka deegaanka Sool, Sanaag iyo Cayn. Xafladii halkaasi ka dhacday waxaa lagu soo gabagabeeyey duco loo ducaynaayo mujaahidiintii ku geeriyootay dagaalkii Riyaale lagaga saaray magaalada Laascaanood, waxayna dadweynuhu balan qaadeen in aanay marnnaba ilaawi doonin mujaahidiintaas, ubadkii ay ka tageena loo baahan yahay in la daryeelo. 7-12-2002 ayaa Daahir Riyaale Kaahin madaxweynaha maamulka iskii isu magacaabay iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxa ay soo gaadheen magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood,waftiga Riyaale oo aan magaalada ku sugnayn laba Saacadood ayaa waxa gurigii uu ku jiray weerar lama filaan ah ku soo qaaday dadweyne ka caraysan imaanshihiisa iyadoo dadweynihii ay rasaas ugu jawaabeen ciidankii uu watay taasi oo ay markaas soo galeen arinta cutubyo ka tirsan xooga maamul Goboleedka Puntland , halkaas oo ay ku kala tuureen qorshayaashii uu watay Maamulka iskii isu magacaabay ee Somaliland. Wuxuuna Riyaale Kaahin u cararay dhinac koofureed ee magaalada Laascaanood, isaga uu sii jibaaxay Dhulka Hawdka ah ,waxaana la waayey Riyaale meel uu jaan iyo cidhib dhigay muddo gaadhaysa shan saacadood. Arrinta ayaa waxa ay dhibaato balaadhan u soo jiiday maamulka lamagacbaxay Soomaaliland oo aan ilaa iyo maalintaa lagu arag iyaga oo wax dhaqdhaqaaq ah ka fulinaya gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, ilaa iyo xilligana aan wax muuqda ka joogin. Assad Cadaani Ibraahim Laascaanood
  9. Mudaharaad ka dhacay magaalada Laascaanood (Radio Lascaanood) 07.12.2003 Mudaharaad lagu xusayo 7 disenbar oo loogu magac daray maalinta badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Laascaanood. 7 bishan ayaa ah sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey maalintii Madaxweynaha maamulka isku magcaabay S/land laga saaray magaalada Laascaanood. Ururka Indheergaradka Nugaal godan ayaa soo qaban qaabiyey mudaharaadadan oo ay dad kumanaan gaadhayaa ay socod ku mareen jidka dheer ee dhex mara magaalada iyagoo isu soo ururay duleedka saldhiga booliska. Qaar ka mida ah aqoonyahanada ayaa hadalo kooban halkaasi ka soo jeediyey iyagoo xusay ragii ku shahiidey oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen naftood hurayaal ka badbaadiyey dhulkooda kala go`doonayaasha. Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay oo ka war bixiyey sidii ay maalintani wax u dheceen qaar ka mid ah maamulka Puntland oo iyagu sheegay in loo baahan yahay in la illaaliyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Radio Lascaanood 07.12.2003 Mudaharaad lagu xusayo 7 disenbar oo loogu magac daray maalinta badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Laascaanood. 7 bishan ayaa ah sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey maalintii Madaxweynaha maamulka isku magcaabay S/land laga saaray magaalada Laascaanood. Ururka Indheergaradka Nugaal godan ayaa soo qaban qaabiyey mudaharaadadan oo ay dad kumanaan gaadhayaa ay socod ku mareen jidka dheer ee dhex mara magaalada iyagoo isu soo ururay duleedka saldhiga booliska. Qaar ka mida ah aqoonyahanada ayaa hadalo kooban halkaasi ka soo jeediyey iyagoo xusay ragii ku shahiidey oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen naftood hurayaal ka badbaadiyey dhulkooda kala go`doonayaasha. Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay oo ka war bixiyey sidii ay maalintani wax u dheceen qaar ka mid ah maamulka Puntland oo iyagu sheegay in loo baahan yahay in la illaaliyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Gabayo iyo buraanburo ayay suugaan yahaynada degaankan iyo haweenkuba ku maaweelinayeen dadkii halkaasi isugu soo baxay. ____________________________________________________________________________________________________ Dibad bax lagu qabtay Laas-Caanood iyo warar kale - Sunday, December 07, 2003 at 13:20 Laascaanood (AllPuntland) – Toddobada Disember oo ku beegneyd maalintii uu magaalada Laascaanood tegay Maaxweyneha Somali-lanad Daahir Riyaale Kaahin, isla markaasna laga cayriyey isaga iyo weftigii la socdayba halkaas. Dadka deegaanka ayaa maalintaas ku tilmaamay maalin la badbaadiyey qaranimada ummadda Soomaaliyeed. Sida ay sheegtay idaacada Midnimo dad aad u badan oo isugu soo baxay gurigii laga cayriyey Daahir Riyaale ayaa waxaa ka khudbeeyey oo hadalo qiiro leh ka soo jeediyey Aqoonyahano aad u badan oo uu ka mid yahay Prof. C/laahi Sanjab oo isugu tilmaamay in tani ay tahay mid loo baahan yahay in taariikhda la geliyo oo diiwaan cusubna loogu sameeyo ummadda Soomaaliyeed, wuxuu kaloo Profesoorku ku tilmaamay maalintaas in ay aheyd maalintii ugu horeysay ee la isku dayey in Soomaaliya la kala gooyo hase yeeshee ay dadka deegaankan iyo Puntlandba ay ka dhiidhiyeen, waa siduu hadalka u dhigaye Wallow dad badani ka soo horjeensadaan in dibad badxaas la qabto misna waxaa xoog weynaaday dadweynaha iyagu jecleystay in ay xusaan maalintaas, iyadoo kulankaas ay soo qabanqaabiyeen Urur lagu magacaabo madasha Indheergaradka Nugaal Godan, kuwaasoo xafiiska xafiiska ay ku leeyihiin magaalada L/caanood ay shirar uga socdeen maalmihii la soo dhafay, taasoo ay ugu diyaar garoobayeen siday maalintaas ugu sameyn lahaayeen aqoonsi iyo xus balaaran. Dhinaca kalena waxaa soo gaaraya war qabadka Radio Midnimo ee magaalada L/caanood warar sheegaya roobabka mahiigaana ah ee ka curanaya meelo ka tirsan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo la soo sheegayo in ay isu gudbi la’yihiin gaadiidku gaar ahaan deegaamada Xudun, L/caanood iyo Awrboogeys, waxaana jira dad cabsi ka muujiyey in nolosha dadku ay ciriiri gelayso maadaama aysan haysan raashin kayd ah oo ku filan. Degmada Taleex iyo nawaaxigeeda ayaa weli ka duwan inta kale ee gobolka Sool iyo Sanaag iyagoo weli ku jira wakhti abaareedkii, raashin ay keentay hayada WFP ayaa la gaarsiiyey gobo ka mid ah deegaamada Awrboogeys iyo Kulaal. Gabayo iyo buraanburo ayay suugaan yahaynada degaankan iyo haweenkuba ku maaweelinayeen dadkii halkaasi isugu soo baxay.
  10. Since the 9/11 self-destructive suicide missions began human rights situation in Somali ******ia has been deteriorating. Apparently, Ethiopia and its collaborators in the Region have stepped up their joint merciless repressions of innocent Somali ******ia People by masquerading under the international banner of “combating terrorism”, which in deed diverted the world attention to that direction and to the detriment of human right principles. Hence, violations of Somali ******ia human rights by the TPLF dominated EPRDF regime in Ethiopia and its associates, the self-declared Somaliland, have reached an unprecedented level. It is on the record that the Administrators of Hargeisa have become a role model for hostage taking of Somali ******ia civilians and merchants repeatedly with impunity. Then after confiscation of possessions from victims Hargeisa confirms transfer to the Regime. Today we are witnessing once again the notorious practice of inhumane policies being adopted on the Somali ******ia civilians by successors of M. Igal in North Western Somalia. In its futile attempt to hoodwink opinions of the international community Mr. Riyale is trying to make others believe that the apparent lack of security in the territory is due to the presence of Somalis who are considered as “foreigners”, in which they announced that “non-Somalilanders” should backup and leave the region within 45 days that ends on 8-12-03. Under the pretext of this deportation order Hargeisa has an ulterior motives and as usual aims handing over all the hostages to the TPLF/EPRDF Regime and solicit political sympathy from Addis. Unfortunately, several hundreds of civilians and business people are put in overcrowded detention cells in Hargeisa and in other towns where they receive mental and physical ill treatment. Among the hostages they admitted includes 36 young labourers alleged of ONLF sympathisers or supporters. and 21 business people, elderly men and women. There are many more who remain unaccounted and feared en route already to the TPLF Security undercover agents based in Hargeisa, otherwise known as the Ethiopia Interest Protection Office. Tracks carrying merchandise and passengers from ******ia were also grounded at the police stations in Hargeisa for the same reasons. Undoubtedly, this will undermine the delicate economic and security situation in the region. Deporting ethnic Somalis from a Somali territory in order to appease a foreign country such as Ethiopia does appear unfolding a new chapter for these brotherly people who had a long history of partnership and used to coexist from time immemorial. By all standard this new development unambiguously undermines the fraternity and cordial neighbourhood existing between the communities. Obviously, Mr. Riyale and his entourage are expected to remedy soon the damage caused overtly and covertly to the socio-cultural heritage and bonds of brotherhood that glue these Somali people together. He leaves for posterity an unforgettable stain on the noble relation and has inflicted an irreparable breakdown on the flourishing socio-economic trade partnership that makes households food security in the area sustainable. While condemning these inhumane actions against innocent people, we also consider them as anti-Somali ethics in any level and unproductive to any genuine cause that one wishes to pursue. We therefore call for the attention of the international justices and peace-loving communities not to become silent spectators of the plights on the Somali ******ia People lamenting in detention camps of Hargeisa and other regions. We remind also all those caring for humanity to bear in mind that detainees are daily administered with torture of all sorts and are expecting soon repatriation orders to come from their captors, which is set to transfer them into the hands of a ruthless enemy who made them displaced from cradles. Finally, we call the international community, Governments, NGOs and friends of Somali ******ia Peoples to put pressure on Riyale and Administration to release those innocent civilians held in jails and restrain from doing any further violations of the inalienable rights of those people. The ONLF, Department for Foreign Affairs & Inter. Relation Infobureau@onlf.org
  11. Muxuu yahay Ururka Somaliland Forum: Waa Urur ay ku bahoobeen qurbejoogaha beel ka mid ah Beelaha dega Waqooyiga Somaliya ama Somaliland (Somaliland= dhulkii Ingiriisku gumaysan jiray) qofba siduu u yaqaan, beelahaas oo degaankooda yahay Galbeedka Somaliland (West Somaliland). Hawo beenaadkiisa: Wuxuu sheegtaa inuu metelo ama ay ku bahoobeen dhamaan Qurbejoogaha Somaliland, Bari iyo Galbeedba taasoo ah mid runta ka fog waayo waxaan ognahay in Bariga Somaliland ( East Somaliland) iyo Galbeedka Somaliland aan wax xidhiidh maamuleed oo ka dhexeeyaa jirin marka laga reebo derisnimo wanaag, walaaltinimo Somaliyeed oo ka dhexaysa Beelaha dhulkaas wada degan. Jaaliyadaha Bariga Somaliland ( Sool, Sanaag iyo Hawd) waxay leeyihiin Ururo u gaara oo ay ku bahoobaan metelana sida; SSH, East Somaliland Forum iyo kuwo kale, oo aan wax xidhiidha habayaraatee la lahayn Somaliland Forum. Fekradaha Somaliland Forum: Markaan tixraaco qoraaladii iyo maqaalada Ururku ku baahiyo Saxaafada reerkooda ayaa waxaa kuu muuqanaysa fekradaha iyo halku dhigyadiisa oo ay ka mid yihiin; Guubaabo ku kooban beeshooda keliya. Sheegasho Jaaliyado aanu metelin xidhiidhna ka dhexaynin. Waxay ugu yeedhaan Maamul fidin Bariga Somaliland (Sool, Sanaag iyo Hawd) taasoo ah wax xaqiiqada ka fog. Talo Soo Jeedin: Waxaan ururka Somaliland Forum kula talinayaa; Inay ku ekaadaan metalaada Qurbajoogaha beeshooda (Galbeedka Somaliland) oo aanay isku qaadin umad kale, xaqiiqadana ku dhaqmaan, wax af khaliya laga sheegto oo aan jirin macno ma sameyso, mise waxaa aqooni idiinku laabantahay dhulkii magacan la odhan jiray 1960-kii ka hor (British Somaliland protectorate) oo waxaad qabtaan in magacan Hargeysa iyo Burco leeyihiin oo uu ka soo jeedo. Inay iska dhaafaan hadalhaynta maamul fidinta Bariga Somaliland (Sool, Sanaag iyo Hawd) oo ay iimaansadaan intooda, waayo? Waxaa maamul fidin socon kartaa ama laga hadli karaa marka reer East Somaliland ( Sool, Sanaag iyo Hawd) iyo reer West Somaliland (togdheer, Waqooyi Galbeed iyo Awdal) isu yimaadaan kuna heshiiyaan inay wax isku darsadaan oo maamul samaystaan, fekradahana ka midoobaan. Markaasay iman kartaa Somalilandta aad rabtaan ama sheegtaan oo wax la qaybsata Soomaaliya ama gooni-isu-taagta, wixii intaa ka baxsani waa hal bacaad lagu lisay. Waxaan idiinku boorinaynaa inaad xaqiiqada ku dhaqantaan. Gudoomiyaha East Somaliland Forum. Ahmed Mahamed Adan (Qudhac)
  12. Lander i would like to ask you the same quastion that Samurai Warrior asked u , how you gonna bring sool within hargayesa borders , when you we all know that 95% of sool people are against hargayesa separatest idea , and for UNITE SOMALIA . Are you gonna say same words ina waraabi said , he said lets bring back SNM lol , SNM couldnt take over sool in thier high days so what ina waraabi was thinking ? lol. So Lander how you gonna bring sool region within hargayesa borders and hargayesa system ?
  13. One more thing is that alot of soamlis are angry about hargayesa action here is litter written by somali person in www.somaliweyn.com and he said like: Ugu horayn bahda Somaliweyn iyo dhamaan ummadda muslimiinta ah Ciid wanaagsan. Intaa kadib sida laga wada warqabo beryahaan waxaa gobollada waqooyiga Soomaaliya qaar ka mid ah ka socday fal ka mid ah falalkii ugu xumaa ee ka dhaca geyiga Soomaaliya Qarnigaan kaasoo ay ku kaceen maamulka la magac baxay Somaliland ee Hargeeysa iyo Burco ka taliya. Ficilkaas aadka u foosha xun oo kooxdaasi sameeyen wuxuu ahaa Midab kala sooc iyo Cunsuriyad lagu sameeyey dad muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo jooga meel ka mid ah dhulka ummadda Soomaaliyeed. Waxaa laga yaabaa dad badan oo aan aragti dheerayn inay ku doodaan Maxaa ku jaban dadka haddii la tarxiilo maadaamaa Soomalida dhami qabiil qabiil isku laynayso? Taas yaan lagu hungoobin sababtoo ah Soomalidu waa jirtaa inay qabiil ahaan isku layn jirtay weligeed ama haddaba uu ka dhexeeyo xafiiltan ku dhisan xukun ku tartan, hase ahaatee Taariikhda Soomaaliya horay ugama dhicin koox ama Maamul sida kan Hargeeysa Tarxiil ama isir takoor ku sameeyey muwaadiniin Soomaaliyeed Xataa Dagaal oogeyaasha ugu shaqsiyada xun Soomaaliya illaa hadda ma jiro nin ficilkaas ku dhaqaaqay si kasta ha u nebcaado Qabiilka uu la dirirayee!, arintaanina waxaay noqotay dhacdo taariikh madoow ku reebi doonta kooxdii arintaan ku dhaqaaqday runtiina ku soo biiray sooyaalka dhacdooyinkii taariikheed ee Soomaaliya. Maamulka Hargeeysa ee uu Madaxda ka yahay Daahir Riyaale Kaahin markii ay Go,aankaa Arxandarada ah ku dhaqaaqeen dadkii la tarxiilay waxaa jidka intii ay ku sii jireen ku le’day dad gaaraya 26 qofood kadib markii Baabuur si aan macquul hayn loogu raray kadibna uu ku rogmaday Magaalada Garoowe, xaaladaasi markay dhacday waxaa Bayaano iyo Ashtakooyin ka horkeenay Kooxda In Riyaalle dad wax garad ah una dhashay magaalooyinka Burciyo Hargeeysa , waa rag gartay Duug waxaay noqon iyo in Waranka cirka loo qanaa uu dib ugu soo noqon doono Hargeeysa iyo Burco runtiina ragaasi waxaay mudan yihiin in la bogaadiyo. Bayaankaas makii ay raga waxgaradkaahi kaga dhawaaqeen Hargeeysa ayaa waxaa qoraalo iyo Warsaxaafadeedyo Sumaysan soo saaray Kooxda Cunsurigaa ee Faysal Cali waraabe kuwaasoo ay ku ayidayaan in la sii kordhiyo tarxiilka lagu hayo shacbiga Koonfureed taasoo ay weliba ku cadaynayaan inay iyagu fikirkaan markii hore soo jeediyeen haddana ay ku taagerayaan maamulka Riyaalle Kaahin. Waxyaabaha laga xishoodo ee kooxda Faysal Waraabe ku doodayaan waxaa ka mid ah dadka Koofurka yimid in ay Hargeeysa u joogaan Dawarsi ama Tuugsi kadibna lacagta ay dawarsadaan ay u diraan Koofur iyo Baydhabo, taasina ay Hargeeysa dhaqaalo daro iyo Xasilooni daro ku riday. Bal halays weydiiyee qof Dawarsanaya dhaqaalaha uu dal ama magaalo ka qaadi karaa intuu la ekyahay? Waxaa kaloo loo baahan yahay Kooxdaasi Ucid inay ogaadaan horta Soomaalida waqooyi ku nool ee Koonfureed iyo Soomaalida koonfur ku nool ee waqooyi kuweebaa badan? Haddii ummadu iswada Tarxiishose ma qolo keliya ayay u daran tahay ? weliba Haddii la sii Cadeeyo Beesha uu ka dhashay faysal Cali Waraabe ee Garxajis ama Ciidogale iyaga ayaa ugu badan Isaaqa Koonfur jooga ama danaha dhaqaale ama Siyaasadeed ku haysta Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliyeed . Hadaba Faysal miyaanu u ekayn ninkii Laantii geedka ahayd ee uu ku taagnaa yiri waa goynayaa, Xaqiiqduna waxaay tahay sideedaba Kooxha ama shaqsiyaadka Cunsurigaa sida sykin headska oo kale waa dad aad u shaqsiyad liita oo cuqdad ka qaba bulshooyinka kale umana kala Soocna xumanta iyo wanaagu, waxaayna u haystaan in ummadoo dhami cadowgooda tahay. Waxaan qirayaa inaan dadka ama beesha Isaaqu isku raacsanayn raalina ka wada ahayn dhibaatada lagu samaynayo beelaha kale ee Soomaaliyeed hase yeeshee kooxaha Cunsuriga ama dhibaatooyinka wada waxaay u dhasheen beesha ***** , waxaana taas daliil u ah ilaa hadda ma jirto magaalo kale oo dad Soomaali ah laga Musaafuriyey sida Boorama, Gobolka Sool, Sanaag Bari iwm. Waxaa Xusid mudan Jawbuuti dad ka yimid kuna jeeday Koonfurta Soomaaliya in ay dad u dhashay beesha ***** ay u diidaan la dhexmaro dhulooda dakiina lagu silciyey inta u dhexaysa Xuduuda Loowyacado iyo Jabuuti , ugu Dabayntiina dad u dhashay Beesha Gadabiirsi ay dadkii u ogolaadeen inay u soo gudbaan Boorama halkaasna ay ka aadeen dhulkii ay u socdeen . Ugu Dambayntii ummadda Soomaaliyeed gaarahaan Soomaalida Koonfureed waxaan u soo jeedinayaa inaan dhibaato aargoosasho ah loo geeysan dadka Soomaaliyeed ee waqooyi gaarahaan beesha ay dhasheen kooxdaan Faysal Cali waraabe oo ay isaga qaldantay Soomaalinimaddii iyo siddii lagu gaari lahaa xukun beel u gaar ah, Sidoo kalena waxaan Amaan u soo jeedinayaa inta ka dhiidhisay Xumaanta & hurinta Colaad dhexmarta shacbiga Soomaalieed meel kasta ha joogee, waxaan ku soo gunaanadayaa illaah ummadda soomaaliyeed Bogeeda burcad haysu mariyo hana ka saaro burburka iyo dhibaatada. Wabillaahi Towfiiq. Jaamac Cismaan Faarax.
  14. I agree with mobb_deep ,somalilanders (read hargayesa,berbera and burco) did not shed any tears when said bari region were killing other somalis ,Infact somalilanders did take part in those killing . About some of y,all talking about my state SOOL let me make it clear that SOOL ,CAYNE(HAUD) AND SANAAG BARI are part of somalia and they will stay as part of somalia , ITS PEOPLES OF THOSE REGIONS WHO WANT TO STAY AS PART OF SOMALIA AND NO POWER IN WORLD CAN DENAY THEM THAT . somali lanD borders is till caynaba . oNE MORE THING IS , THAT ALOT OS SOMALILANDERS LIVE IN PUNTLAND AND SOUTHREN PART OF SOMALIA , HOW DO U LIKE IF WE SOMALIS DO SAME TO YOUR PEOPLE AND KICK THEM OUT OF PUNTLAND( SOOL , CAYN , MUDUG , SANAAG BARI , NUGAL , BARI) AND KICK THEM OUT SOUTHREN PART OF SOMALIA LIKE MOGADISHO , THAT WILL NOT MAKE SOMALILANDERS HAPPY SO WHY DO IT , WHEN YOU DONT WANT IT HAPPEN TO YOUR PEOPLE?
  15. Somaliland(read hargaysa , borco and berbera) needs somalia , somali people need one an other, we are one people with one culture ,language ane one religion and one color , so i am asking hargayesa govreNment to stop the madness and leave poor somali people from southren somalia alone . i am from puntland state oF somalia , and from las anod in particular and we will welcome and help our somali people , they are welcome in our houses after they been harassed , beating and kicked out of hargayesa , burco and other somaliland cities , WE WILL GIVE THEM SHOULDER TO CRY ON , AFTER ALL THEY ARE OUR BROTHERS/SISTERS.
  16. Yes my somali people , somaliland or should i say that TRIBE hate for somalis is not news , from the days of british clonail era , they love white man more than thier own brothers (somalis) . but god bless people od SSH they said no to hargayesa mafia aim to divide somalia and somali people . so they aint going no where , they gonna be part of somalia whier they like it or not . and they gonaa for their crime sooner or later.
  17. 21 deportees die fleeing Somaliland :: Garowe (AllPuntland) - Tragedy struck a convoy of Somali deportees expelled from the self-styled republic of Somaliland (Northwest regions of Somalia) in an accident after one of their heavily loaded trucks veered off the road near the town of Rabaable some 10 kilometers to the south of Garowe, Puntland’s state capital. Our local reporter confirms that 21 people most of whom were women and children of Southwest regions of Somalia were pronounced dead at the scene of the accident with 14 sustaining critical injuries. Victims admitted to Garowe main Hospital, where the injured are being cared for, were internally displaced persons (IDP) of non-**** origin mainly from Bay & Bakool regions reportedly fleeing detention and deportation if arrested by the local police in Hargeysa and Buroa. In October this year, Riyaale government in Hargeisa ordered all internally displaced persons to leave, or face deportation. This came as a result of a number of killings of foreign nationals, mainly aid workers and volunteers in Borama, Sheikh and in Buroa in Somaliland initially alleged, albeit disproved by Minister of Interior, to have been carried out by persons of southern regions of Somalia. Information naming suspects released by the office of the ministry of interior later alleged the killings to have been instigated and carried out by supporters of one of the political parties in Somaliland, namely Kulmiye. Nonetheless, it appears IDPs got the brunt of it all as they are unjustly targeted. Many in the region feel that internally displaced persons are simply being made of scapegoat for crimes they could not possibly commit. One of the worse kind seen in the area, the accident happened at a time when an influx of internally displaced persons fleeing from Somaliland are expected to resettle in Puntland State which currently is a home to the largest number of IDPs in Somalia, and in other regions of southern Somalia. It is difficult to gauge a picture of what they will face as they proceed to establish themselves in yet another unfamiliar, if friendly environment to which many will call home as time goes by. There had been a large number of IDPs who settled in Somaliland and Puntland State as a result of years of internal civil unrest in the southern regions of Somalia. Severe droughts and slow seasonal economic downturn resultant of the ban of all livestock, Somalia’s main export to the Middle East, have had acute adverse effect on the lives of the people in the region which further exacerbate the situation of an already capricious environment. AllPuntland News Desk
  18. Dad lagu soo daadiyey badhtamaha magaaladda Laascaanood : (Radio Laascaanood) saaka barqanimadii ayaa dad rayid ah oo lagu soo qubay badhtamaha magaalada Laascaanood. 14.11.2003 Dadkani oo ay ka muuqato diif aad u badan ayaa waxa laga soo ururiyey magaalooyinka ay sheegtaan maamulka la baxay Somaliland iyadoo lagu eedaynayo inay amaan daro ka abuurayaan dhulkaasi. Dadkani oo boqol ka badan ayaa lagu soo cabeeyey gaadhi nooca Waardaadka ay Soomaalidu ula bexeen, waxana magaaladda ay soo gaadheen iyagoo ku dhow inay iska daadiyaan gaadhiga, iyadoy ugu wacnay cidhiidh dartii. dadkani ayaa waxay asalkoodii hore ka yimaadeen gobolda Baay, Bakool iyo webileeyda koonfurta Soomaaliya, iyagoo ganacsi yaryar geeya magaalooyinka xasiloon ee dalka ka jira sida Puntlan iyo kuwa wuqooyiba. In kasta oo ay dadkani ka muuqato diif aad u daran ayaa hadana waxay ku farxeen xoriyada ay heleen iyagoo mudona ku jirey xabsiyada magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Waxay sheegeen dadkani in hantidoodii la dhacay qaarna aanay garanaynin meel ay qaraabadoodii ku sheegaan oo ay dhulkaasi wada joogeen. Haweeney ayaa caruurteedii ilaa haatan aan aqoon meel ay ku sugan yihiin ka dib markii ay yaaceen markii ciidamo soo hujuumeen. Falalka uu Maamulkaasi kula kacayo dadka tamarta daran ayaa lagu yool habaabinayaa dhacdadii dhimashada keentay ee ka dhacday degmada Sheekh oo ay sheegeen in dad aan lagaranaynini sameeyeen. Shixnadii tani ka horaysey ayaa baabuur ka mid ah shan baabuur oo kolanyo ahaa 25 qof kurka ka jaray todobaatameeyana uudhaawac soo gaadhsiiyey ka dib markii uu ku dhacay agagaarka magaalada Garoowe. Wax garadka magaal ayaa illaa hadda isku hawlaya sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadkaasi diifaysan www.radiolascaanod.com
  19. - Friday, November 14, 2003 at 17:57 GURMAD DEG-DEG AH OO KU SAABSAN ABAARAHA SOOMAALIYA RAMADAAN KARIIM! Waxaa dhammaan dadwaynaha Soomaaliyeed iyo muslimiinta degan Minnesota iyo Nawaaxigeeda la ogaysiinayaa in la isugu iman doono shir balaaran oo ku saabsan sidii GURMAD DEG-DEG ah loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu wax ku yeeleeyeen gobolo ka mid ah Soomaaliya (Sool, Sanaag iyo Cayn). GOORMA: Maalinta sabtida ah ee berri ah oo taariikhduna tahay 11/15/03 Saacadu waa 1:00 PM (Duhurnimo) MEELMA: Xarunta Brain Coyle Center oo ku taala xaafada Cedar, oo ah halka ay Somali Community (Somali Confederation of MN), waa ku taalo ka soo horjeedka,ama ka soo horjeedka masaajidka Immaamu Shaafici. WAXQABAD: Waxaa la soo jeedin doonaa warbixintii ugudambaysay ee meelaha abaaraha ugu ba'ani ka taagan yihiin, iyo xaalkoodu waxa uu ku sugan yahay. Fadlan ku soo talagal wixii aad ku kaalmayn karto ee karaankaaga ah ( DHAMAAN TALOOYINKA, XOOGA,IYO DHAQAALHA waa la soo dhawaynayaa ). MAHADSANID. Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir: Farax Mire (612) 670-2366 Axmed-Assad (612) 275-3005 C/risaaq Lafoole (612) 331-5958 Cabdi Dheere (952) 451-8986 Kaltuun Axmed (612) 781-2486 Fadumo C. Xashi (612) 558-1920 Yasmiin Qaadi (952) 884-4131 Siciid Atom (612) 343-8643
  20. Wednesday Nov 13, 03 Hargeysa,(Somalicity) Mudo haatan laga joogo bil iyo in ka badan waxaa magaalada Hargaysa ka ambabaxay wafdi ay hor kacaysay wasiirada arimaha dibeda ee maamulka iskii isugu magacaabay somaliland Ms.Adna Aadan Dhakhtar, wefdigu wuxuu booqday wadamo dhawra oo ay ugu muhiimsanayd tii ay ku tageen USA halkaas oo ay ku tala jireen inay la kulmaan madaxwaynihii hore ee marayanka Mr. Jimmy Carter iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan maamulka hada talada haya, taas oo ku dhamaatay in Adna iyo waftigedii si toosa loogu cadeeyey in Somalia tahay dal keliya marnabana aan la aqoonsankarin wax intaa ka soo hadhay, waxaa intaa dheeraa in lagu booriyay in ay ka qayb qaataan shirka nabadaynta ee hada ka socda dalka kenya. Halka Jimmy Carter uu isagu u sheegay dadka la shaqeeya inaanay u ogolaan in ay waftigaasi soo galaan xaruntiisa oo ku taala magaalada Atlanta, go`aankan uu qaatay Jimmy Carter ayaa lagu macneeyey inuu yahay mid uu ku ilaashanayo sharafkiisa siyaaasadeed iyo ka oday nabad dooneed ee uu maanta huwanyahay oo ay wax u dhimi karto haduu qaabilo qabqable dagaal(dagaal ooge) oo ka socda mid ka mida jabahada ku loolamaya Somalia. Waxaa intaa dheeraa in shacabka somaliyeed ee ku nool wadanka maraykanku kala hor yimaadeen mawjado cadho ah oo iyagoo ugu baaqay waftiga in ay gacmaha kala baxaan shaqadan foosha xun ee ku dhex jiraan, sida ay noo sheegeen dad waftiga aad ugu dhawi waxaa iyana arintan oo kale ku haleeshay waftiga wadamada Erupoe ka dib markii si is daba jooga weeraro ba`an loogu qaaday dadkii safamalka ka shaqaynayay ee ku sugnaa gobolada Tog-dheer iyo Awdal waxaana si cad u beenowday hadaladii lagu maxaafsan jiray ee ahaa "waxaanu ka nimi dhul nabada", shacabka reer Hargeysana waxay hada waftigan ugu yeedhaan weftigii KADARE. Dhinaca kale dadka indha indheeya siyaasada Somaliya ayaa waxay leyihiin talaabadani maaha oo keliya dhirbaaxo indhaha kaga dhacday maamulka iskii ula baxay Somaliland ee waa ka xoog badantahay haraati beerka lagaga dhuftay, waxayna si toosa u horgaysay xaqiiqadii ay indhaha ka laabanayeen iyagoo hada soo taabtay gidaarkii u dambeeyey (dead end). .Somalicity, Hargeysa www.somalicity.com
  21. And here is sshda website www.sshda.org And if you want to join sshda to help our children go to http://www.sshda.org/joinsshda.htm P.S :(Nugaal University)SSHDA is committed to laying down the milestones for successful educational institutions for our future generations. Nugal Uninversity will be the first Higher Education Institution in Sool, Sanag, and Hawd regions. The former Boame(SOOL STATE OF SOMALIA) Vocational Center is the birthplace and will serve as the first campus of Nugal University.
  22. M.D , True its great pic , True Nomads in hawd.
  23. Brother Conquest , Thanks alot for the maps it helps people who don`t know what ss&h stands for . thanks again.