Sabriye amp co.

Nomads
  • Content Count

    386
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Sabriye amp co.

  1. Al Jazeera claims the suicide bomber was disguised as a women. Here are images from the scene seconds before it turned into a butcher house. Here is the video on Youtube :
  2. Inaa lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun! Inaa lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun! Inaa lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun! Allaha Unaxariisto dhamaantood. I was lucky enough to have meet the late professor Ibrahim (AUN) in summer 2000 and im not Only gutted over loosing such great people but im very sad to see that young proffesionals such as doctors in particular lined up to accept their bachelors in Medicine are killed in the blast aswell.
  3. It must have been over 'maseer' which explains why they say "Jelousy is a female trait".
  4. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta salaadii Ciidul Adxa ku tujiyay boqolaal ruux oo isugu jiray Mas'uuliyiinta Dowladda, Culumaa'udiin iyo dadweyne fara badan oo salaada ku tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka. Ammaanka Masjidka Isbaheysiga Islaamka oo dhowaan dayactir lagu sameeyay ayaa waxaa sugayay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, iyadoo qeybaha Masaajidka ay ku gadaamnaayeen Gawaarida qafilan ee Ciidamada AMISOM oo ay ku jireen kuwa dabaabaadka. Jameecadii ku jirtay Masaajidka oo isugu jiray Mas'uuliyiin, Culumaa'udiin iyo shacabka ayaa waxay ku dhawaaqayeen Takbiirta Salaada Ciida, iyagoo ka muuqatay shacuur ku dheehan farxada ciida. Masaajidka Isbaheysiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano iyo shacab kale, halkaasoo Madaxweyne Shariif uu ku tujiyay Salaada. Salaada kadib ayaa Khudbad uu jeediyay Madaxweyne Shariif oo ku baxeysay luqada Carabiga ayaa waxaa uu ugu horeyn kaga hadlay xaalada dalka soomaaliya, waxaana uu Shariifka ku dheeraaday marxaladihii uu Islaamka soo maray iyo Fidnooyinka qaar ee ka jira dalka. Madaxweyne Shariif ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyed munaasabada Ciida darteed isagoo ugu baaqay ciidan ciideeda kale ay ku gaaraan Nabad bash bash baraare nolo iyo barwaaqo. Madaxweynaha ayaa ugu duceeyay Umada Soomaaliyed in uu Alle dhibka ka dul qaado, isla markaana colaada iyo mushkiladaha heysata uu Alle ugu badalo Nabad. Waa markii u horeysay uu Madaxweynaha Salaada Ciida ku tujiyay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka Mas'uuliyiin iyo dadweyne fara badan, iyadoo horay Madaxweyne Shariif xilligii uu ahaa Gudoomiyihii Golaha Fulinta Maxaakimta Islaamka uu sidan oo kale salaada ugu tujiyay dadweyne fara badan iyo mas'uuliyiintii Maxaakiimta ee xilligaas, oo ay jaalkiisa ahaayeen Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Dr. Cumar Iimaan Abuubakar. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  5. It is actually a good thing that he admits that he is a criminal but what crime exactly does he ask to be forgiven by the Somali Umma? 1. Treachery?- needs no further elaboration. 2. Murder? -Mass murder to be more accurate. Etc.... and oh did I mention treachery? :rolleyes:
  6. Major Admiral Faarax Qare is indeed a True Somali Nationalist but unfortunatly is well under rated and hardly appreciated for his hard work! :rolleyes:
  7. Major Admiral Faarax Qare Reveals Evidence for Illegal fishing off the coast of Somalia. November 22, 2009 - QOL - Meel u jirto dakada Muqdisho 7 mail hadii kaluunkeena la dhacayo maxaad u maleyneysaa goobaha ka fog maxaad u maleyneysaa ayuu is weydiiyey taliyuhu , xeebta dakada Muqdisho meel u jirto 7 mail ayaan ka soo qabanay qalab maraakiibtu ay ku xaalufiyaan kaluunka iyo qeyraadka badeena waxayna ahaayeen ku aan si sharici ah ku imanin biyaha somaliya . Hadii uu caalamku saaka ka qeylinaayo burcad badeed anagu horey ayaan qaati bilaahi kaga tagneyn maraakiibta sida sharci darada ah kaga kaluumeysata biyaha somaliyeed iyo kuwa dagaal ee dusha ka ilaalinaya inta ay kaluumeysanayaan eek u dahcaysa xantida dalka somaliya. Taliyihu wuxuu ku tilamaamay sababta ay burcad badeedu ku dhalatay in ay taas aheyd Hadaan sicad loo daaweyn arintaas aasaaska burcad badeeda u ah oo ah qeyradka dabiiciga ah ee badaha somaliyeed ku jira maraakiibta boobeysa beesha caalamku hadii aysan ka dhicinin lama heli karo cid celin karta burcad badeeda somalida ah ,maxaa yeelay waa dhalin yaro dalkoodii la boobayo ,waana arintii ay ka dhiidhiyeen burcad nimaduna ay ka dhalatay . Admiral guuto faarax gare ayaa ka cudur dartay in uu difacayo burcad badeed isaga oo sheegay in ay tahay arin qaldan isla markaana ay ka mid tahay wixii loo dhisay ciidanka ilalada xeebaha . Mar uu ka hadlayey qiyas ahaan inta ay dhan yihiin maraakiibta dagaalka ee wadamad amidowga yurub ayuu sheegay in ay ku dhowyihiin ilaa iyo Afartan markab oo ah kuwa dagaal oo hubkoodu u dhan yihiin isaga oo intaa ku daray in aan la qiyaasi Karin maraakiibta ka kaluumeysata biyaha dalka somaliya . Taliyaha Ciidamadda Mariiniska Soomaliyeed admiral Guuto Faarax Cumar axmed ( faarax qare ) ayaa waxaa uu maanta ka jawaabay eedeeymo uga yimid qaar ka mid ah kaluumeysatadda xeebaha Soomaliyeed oo ay ciidankiisa badda ku eedeeyeen in ay ka qaateen Qalabkii ay ku kaluumeysanaayeen iyo qalab kale oo ay ka soo heleen gudaha badda xili ay ku jireen hawlaahoodda kaluumeysi. Qalabkaas oo ay sida ay sheegeen ay ka soo heleen biyaha badda ayaa waxa ku sheegeen in ay ka qaateen ciidamadda mariniska ee somaaliyeed ee ilaaliya kana ilaaliya xeebaha dalka burcada badaeeda soomalaiaya ee wax qafaasha. eedeeymahaan ayaa soo jeediyeen Qaar ka mid ah kaluumeysatadda ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamadda uu madaxdda u yahay Faarax Gare ay ka hor istaagen hawlahoodda kaluumeysi waxaana maalmahaan ka soo yeeraayay qayladhaan ka dhan ah ciidamadda mariiniska eedowlada fadaralka KMG somaliya . Admiraalka guuto faarax qaare oo maanta xafiiskiisa ku qabtaya shir Jaraa'id oo uu isku yeeray warbaahinta ayaa marka hore waxaa uu kaga hadlay aas aaska ciidamadda mariiniska ee badda, waxaana uu sheegay in ay sanad jirsadeen, isagoo ugu horeeyn sheegay in ay ku bilaabeen Labadda dufcadaood oo kaliya maantana ay gaaraayaan 1000 askari oo hawlahoodda dhinaca badda si habsami leh u guda galay balse aysan weli helin qalabakii ay u baahn aayeen. Jenerala qare waxaa uu sheegay in marka hore aysan xiligaan jirin wax iskaashato kaluumeysi ah oo ka jira magaaladda mugdisho mara aan la kulaanay wasaaradda kauumeysigana waxay inoo sheegtay in aysan jirin wax u diiwaan gashan xiligaan , sidaas darteed anagu haddii aan nahay ciidanka badda ma aqoonsanain wax la yitaahddo iskaashato kalaumeysi aaayuu yiri Faarax qare oo dhicnica akalana sheegay in eedeymaha ka soo yeeray qar ka mid ah kaluumeysatadda aysana waxba ka jirin qalabaka aya shegaayana uu yahay midka ay maraakiibta shisheeye kaga kaluumeystaan biyaaheena, waxaana ka soo qabsanay buu ti masaafo ka badan 7 Mal sidaas daarteed waa qalab ay ku kalauumeystaan maraakiibta shisheeye ee xaalufinayay kheyraadkeenna kaas waaye kan aanu ka ilaalineyno badda ayuu sii raaciyay hadalkiisa . Faarax qare waxaa kaloo uu shirkiisa jaaraa'iud ku sheegay in ciidan ahaan u xil ka saaran yahay in ay ilaalaayaan kaluumeysaatadda soomaaliyeed mana dhiceyso ayuu yiri in hawshoodda kaluumeysi ay ciidamadu ka hor istaagaan haddii ay taasi dhab tahay waxaan ka codsaneynaa in ay wax cada la yimaadaan ayuu yiri admiraalguutofaarax qare. waxaa kalaoo uu Faarax qare shirkiisda jaraa'id kaga hadalay arimaha burcad badeedda oo uu sheegay in ay awood u leeyihiin in ay ka hortagaan waana sidaas sida loo aas aasay ciidanka badda ayuu intaasi ku daray ugu dambeeyntii waxaa uu ka hadlay Taliyaha ciidanka badda admiral guuto Faarax Axmed cumar hawlaha ay sida gaarka ah ugu xilsaaran yihiin in ay ka qabtaan biyaha badda iyo xeebahaba waxaana uu sheegay in ay ku guuleeysteen in ay ka mamanuucaan dekedda Colomo in wax laga dhoofiyo ama wax laga soo dejiyo waxaana u sheegay in hadda ka hor uu dekadaasi ka baxday doon ay wateen rag burcad badaeed ah oo masafo dhaw ka qaafaashay markad iskaga kala gooshayay biyaha badda sidoo kalana waxaa uu sheegay in laga soo dejiyay bur dhacay oo loo soo wadaay suuqyadda muqdisho kaas oo uu sheegay in ay ka hoaratageen lana gubay markii ay qabteen ,sidaas darteed anagga haddii aan nahay cidamadda badda waxaa xil inaga saaran yahay in aanu ilaalino xeeb aheenna ayuu hadalakiisii ku soo gabagabeeyay , http://www.qaranimo.com/2009/nov/taliyaha_ciidanka_mariiniska_nov_22_09.htm
  8. M/weyne Axmed Shariif oo taagero balaran ka helay kulan maanta Muqdisho ka dhacay.. HobyoNet Update News 20-11-2009. Xaflad qado sharaf ah oo maanta isgu yimaaden waxgaradka, siyasiyiin, haween, iyo dhalinyarada beesha reer Ayanle Sacad oo Muqdisho ka dhacay ayaa lagu taageeray Axmed Shariif Cali Hiloowle inuu yahay madaxweynaha maamulka Galmudug. (Sawiro) Abdi Risaaq Yaasiin HobyoNet Mog:Som Qado shatraftan oo si heer sare ah lo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gabdhaha beshaasi ku abtirsada, iyadoo ay ka soo qeybgaleen cuqaasha iyo dhamaan waxgaradkii oo uu ku jiro Dr.Axmed Shariif Cali Hiloowle, sidoo kale waxa goobta joogay masuuliyiin ka socotay garabka uu hogaamiyo Col Caalin oo ay ka mid yihiin Bashiir Warsame C/qaadir Sope iyo Caydiid Max’ed Coloow. Xaflada oo lagu qabtay hoy aad u weyn ayaa waxa ay ku bilaabtay jawi aad u degan waxaana mar marka qaar dhaceysay in dad aan mudo is arkin ay xabadka xabadka isku saarayeen, hadalo kaftan oo farxad ku dheehan tahay ayaa fadhiga loogu talagalay martida hareeyay ka hor inta aan la keenin qadada. Raga laga xusi karo ka qeybgalayasha ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha beesha reer Ayanle Axmed Cismaan (Axmed Minestaro), Jen: Max’ed Warsame Dhooleey iyo nabadoon C/llaahi Max’ed Cilmi (Kawle) sidoo kale waxaa joogay Xasan Mahdi, Max’ed C/lle Bacadle iyo Cali Wadaad Cadde (Cali Cadde) waxaan meesha ka marneyn haweenka oo manta ay ka muuqatay qiiro gaar ah. Markii la qadeeyay ayaa hoolka weyn loo soo degay si loo bilaabo howsha la isgu yimid, Cumar Cali Weheliya oo loo xilsaray inuu xiririyo xafllada ayaa hadalkiisa ku bilabay in alle laga cabsado loona guntada cibaadada 10ka maalin ee bishan Dil xaj ugu horesa, isagoo markaas ka dibna sheegay in hadalka uu ku warejinayo gudoomiyaha besha Axmed Minestaro. Gudoomiyaha Axmed Cismaan ayaa ka soo sheekeeyay qadiyadan ka dhex taagan ragawalalaha ah ee isku haya talada maamulka Galmudug “hadhow ayaa la oran doonaa Axmed baa sidaas yiro iyo hadalo hunu hunu ahaa warkeyga si fican u dhageysta” ayuu isagoo kaftamaya nabadoonku yiri. Waxuu carabka ku dhuftay si kastaba ay ahaato in beshu diyaar u tahay sidii loo kala saari lahaa walaalaha mid kasta uu sheeganayo xilka, “waxaan weydiisanay labada wiil ee aan adeerada u nahay iney noo qoor dhiibtaan si xal loo gaaro weyna naga aqbaleen inkasta oo markii danbe uu Max’ed Axmed Caalin dib ula labtay warqadii uu ku cadeynayay inuu tolka ka danbeeyo” ayuu hadalkiisa daba dhigay, hada waxaan hayna qoralkii Axmed Shariif jeebkeyga ayay ku jirtaa oo waan idin tusi kara ayuu gudoomiyuhu raaciyay. Axmed Minestaro oo hadalkiisa soo afjarayay ayaa warku ku wareejiyay Jen: Dhooleey si uu u dhameystiro waxii haray, Dhooleey ayaa ku nuuxnuuxsaday kulamadii ay beeshu la yeelatay Sacad iyo masuuliyiinta dowlada iyo gudiyo ay sameyeen oo aaqirkii keenay in labada madaxweyne la weydiisto waxii tolku gaaro mid kasta inuu ku gowracan yahay, “ markaan ka saxiixnay labadooda ayaan waxaa 20 daqiiqo ka dib noo yimid Ina Axmed Caalin oo nagu yiri warqadeyda I siiya muran ka dib waan siinay” ayuu Jeneraalku tibaaxay. Waxaa isna xaflada ka hadlay oo dadkii joogay ay aad ugu riyaaqeen C/laahi Max’ed Cilmi (Kawle) oo si cad u sheegay in markii ay arkeen waxyaabo badan ay beeshu isku racday in la taageero madaxweyne Axmed Shariif, “maanta waxa isla joga dadkii shalay dhibaatadu kala gaartay maxaa inagaan u leenahay kani waa Ahlu Sunna iyo kaas ayaa Itaaxaad ah, waan is racnaya waxaana dooranay madaxweyne AxmedShariif” ayuu Kowle oo gacamaha sare u taagaya yiri kuna sii daray in lagu taageero soo jedintiisa. Ka qeybgalayaashii xaflada ayaa mar qura ku ayiday cod aan kala har lahayn, iyadoo dumarkuna ay mashxarad iyo hesho raciyeen, markaas ka dib ayaa hadalka loo dhiibay Cibaado Warsame oo afka gabdhaha ku hadashay waxayna dulmartay sideey u jeclaayeen in gabdho ahaan ay iyagu xaliyaan qilaafka balse ay u noqon weyday markeey garab ka wayeen dhinac ay howsha quseysay “weli wan u taaganahay kamana quusaneyno” ayay raacisay cibaado oo qiiro aad weyn wajigeeda laga aqrisan karay. Intaas ka dib ayaa mikrofoonka waxa lagu warejiyay madaxweyne Axmed Shariif si uu ereyo kooban uga yiraahdo, waxuuna ku bilaabay mahadceli uu gabdhihii qado sharaftan dhigay u gudbiyay Axmed Shariif ayaa hadal dheer jeediyay isagoo ka warbixiyay taariikhdi uu magaalada Gaalkacyo tagey iyo waxyaabihii horumarka lahaa ee uu qabtay, isagoo marqaati u qabsaday mid ka mid ah dhalinyarada goobta fadhisay inuu ka mid ahaa 46 arday oo uu isga qarashka ka bixinayay si ay wax u bartan, sidoo kale waxuu soo qaatay in madaxweynihii hore ee Galmudug Danjre Kiimiko uu ka codsaday inuu wasiir noqdo waan ka diiday ayuu yiri waloow markii danbe aan aqbalay cadaadis iga yimid rag aan saxiib nahay ayuu madaxweynu yiri. “Waxaan rabaa tageradiina si aan madaxweyne ugu noqdo Galmudug, intaas kaliya ma ahan doonisteyda ee waxaa qorshaha iigu jira inaan Vila Soomaaliya fadhiisto” ayuu isagoo dhoola cadeynaya sheegay, markaas oo ka qeybgalayashii ay sacab iyo sawaxan isku dareen, wuu sii hadalay oo yiri inaan howl qabto oo dadkeyga u faa’ideeyo ayaan rabaa ee ha la igu tageero manta wa maaliteydiiye. Waxuu cadeeyay in isga mar waliba u diyaar u yahay xal radinta ay wadaan waxgaradka beesha uuna xili kasta u qoor dhibanayo, mar uu ka hadlayay dhaqaalaha uga baxay horumarinta Galmudug ayuu xusay in hanti badana uu galiyay walina diyaar uu yahay afar jibaar intas ka badan inuu bixiyo. Marki uu dhameyay qudbadiisi ayaa qaar ka tirsan ragii dhageysanayay waxa ay kor u qaaden madaxweyne Axmed Sharif oo in cabar ah cagahiisa dhulka loo diiday, waxana iyagana caleemo iyo ubax ku dul daadiyay gabdhihii halkaas joogay taasoo taageero hiil iyo hooba leh u ahayd, intaad ka dibna waxa soo af jarmay xafladii waxana madaxweynaha hotelkiisa u sii galbiyay gawaari fara badan. Tageerada iyo kulanka maanta ay beesha reer Ayaanle qabteen ayaa waxaa ka maqnaa madaxweyne Caalin oo isgana la sheegay in lagu casuumay, waloow xubnihii mateleyay ee xaflada yimidna ay ka caroodeen intii qudbadaha aysan bilaaban markaas oo dibada uga baxeen, isku soo duuboo xaajadu waxay weli tagan tahay (Faanoole fari kama qodna) oo waxaa dhiman in guud ahaan beesha Sacad iyo dowladaba laga gado tageeradan. E-mail xhobyo@gmail.com Source
  9. Farooles endless rants on air, complaints and grievances (call for gatherings) depicts him far from anything remotely strong but goes to show exactly how dependant Puntland is on Somalia with its scarce resources of live stock and the infamously unreceptive soil for agriculture. It is about time Faroole realised the Pirate era is coming to an end as his disappointment here stems largely from the dismissal of his hopes in extorting the Central Government of Somalia by H.E. President Sh Shariif Sh Axmed. Majority of Somali pundits have declared this a case of “Once a Burdhcad, Always a Burdhcad” while supporting Sh Shariifs firm stance against corruption as they call for more crooks to be left High & Dry in their illicit & irrational pursuits.
  10. Farooles attempt to blackmail the Somali government has backfired. Prime Minister Cumar cabdirashid sharkaame was naive to even contemplate any possibility of the government accepting or even entertaining such illicit arrangement with the clear cut goal of Extortion.
  11. Ibtisam can you imagine a bearded man of some religious background walking up to a stranger with the intensions of tickling his genitals? After watching that lawyer, perhaps I stand a good chance establishing a career in the US of A since Bush was not the only Id!ot in a well paid job. America, Here i come!
  12. Gaddafi is a true role model. You have to admire the level of confidence he has in his extravagant speeches that seem to irritate world leaders to the point of complete exasperation and he always seem to belittle other wise Significant Men in the world of politics with his Fatherly lectures not to mention the exhausted camp of translator he hospitalizes. Only Gaddafi can assemble beauties and arouse them to look into Islam for answers to their hapless lives. A beautiful Scene staged by indeed a true Hero.
  13. An American Marine Attacks Orthodox Priest while mistaking him for a Muslim. He actually chased him with a metal object and beat him up. Watch this story, its unbelievable. http://www.xamarcade.com/infusions/the_kroax/embed.php?url=155
  14. Al-Jazeera oo Ogaatay in Axmed Madoobe ay ka garab Dagaalamayaan Ciidamo Taabacsan ONLF By Somalimirror on 18 Nov, 2009 8:56 AM in Main, Wararka Shabakadda Al-Jazeera ayaa Shaacisay inay Ogaatay in Ciidamo Taabacsan Jabhadda ONLF oo gaaraya Tiradooda 60 Askari ay ka garab Dagaalamayaan Ciidamada Axmed Madoobe oo ay Al-Xisbul Islaami Sheegeen inuu ka tirsanyahay. Al-Jazeera ayaa sidoo kale soo xigatay Afahayeenka Wilaayada Jubooyinka ee Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Xasan Yacquub Cali wuxuuna yiri “Waxaan Haynaa Cadeymo Xaqiijinaya inay Dagaalka ay kala soo qeyb galeen Maleeshiyaadka Axmed Madoobe” wuxuuna intaa raaciyay “Waxay Saldhigyo ku lahaayeen Janaay Cabdalla iyo Deegaanadii ay Dagaaladu ka dhaceen, inay Dagaalka ka qeyb galena waa Macluumaad ay Dadka Jubooyinka wada hayaan”. Sheekh Xasan oo ka hadlaya iska caabinta Weerarka Axmed Madoobe ayaa yiri “Anagu waxaan ilaahay Idankiis Awoodnaa inaan Fashilino Qorshaha Milatari ee lagula Dagaalamayo Shareecadda Islaamka iyo waliba xiriirka ka dhaxeeya Beelaha Soomaaliyeed ee Degan Gobolada Jubooyinka, Dagaalka hadda Socda wax xiriir ahi lama laha Qabiilooyinka”. Al-Jazeera ayaa sheegtay in Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ay Shaaciyeen inay Magaalada Xagar ee Gobolka Jubadda Hoose ay iyagu wali gacanta ku hayaan isla markaana ay iska difaaceen Weerarkii ay ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Axmed Madoobe. Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin waxay ku eedeeyeen Jabhadda ONLF inay Xiriir la leedahay Maraykanka waxayna ku tilmaameen kuwo Cadow ku ah Islaamka . Source ---------------------------------------- Can one be muslim and an enemy of islam at the same time? Is it true ONLF fights inside Somalia? :confused:
  15. The Suufi cleric’s are appeaseable, no worries here. Qolooyinka dhibka ku haya shacabka soomaliyeed iyo dowladdoodaba waa kuwa wajiyada duuban, oo ilaa iyo hadda cadeyn hamigooda iyo waxee doonayaan! Sh Shariifna wuu diiday dhiig dambe oo micno darro u daato, taasina waxaa daliil u ah, inuu habeen hore qaab qarsoodi ah ku yimid muqdisho kadib markuu arkay in kooxaaha arxan daradda ku caan baxay ee shacabka dhibaateeyaan mar alaale markii uu dalka ka baxayo ama ku soo laabanayo!
  16. Here is a video of Ethiopian soldiers handing them selves over to the resistance in Mogadishu: http://www.almaxaakim.com/maqal-muuqaal/askarisdhiib.wmv There are some somali soldiers mixed with them. So much for the " march to Mogadishu" eh!
  17. Brother Che, You missed the whole message; instead you seem awfully busy working out people and their motives. Perhaps you should target less the messenger and focus more on the message. On the other hand, why reply to a thread regarding a subject you have nothing to say in? Other then “messenger A must be this while B is that”... and the display of passiveness in your support for Faroole’s senseless desires is indeed a mockery to the very flag you use as your avatar!
  18. Here is the source: http://halganka.net/content/ruwaayad-siyaasadeed-ku-saabsan-shirkii-dhexmaray-madaxweynaha-dfkm-iyo- madaxweynaha-maamulk
  19. Ruwaayad siyaasadeed ku saabsan Shirkii dhexmaray Madaxweynaha DFKM iyo madaxweynaha Maamulka Puntland Submitted by editor on Sun, 11/15/2009 - 11:02 Ruwaayad laga metelay shirkii Madaxweyne shariif iyo Madaxweyneh Maamulgoboleedka puntland Cabdiraxmaan Faroole. Waxaa wax maalmahan ama ilaa shalay falanqaynta siyaasada soomaaliya ee qaawan Raadweyn ku yeeshay kulankii dhexmaray madaxweynaha dowlada ku meel gaadhka ahm sheikh shariif sheikh axmed Iyo masuulka madaxweynaha goboleedka puntland hadaba qaabka ay u kulmeen waa kan iyo siduu u dhacay bogasho wacan aqristoow:- Madaxweyne shariif :- Assalaamu calaykum Cabduraxmaan Madaxweyne Faroole : Cabduraxmaan maaha ee maxaad Madaxweyne cabduraxmaan u dhihi weyday Madaxweyne shariif :- Marka hore salaanta iga qaad Madaxweyne waxaa ka horeeyaa magacaagu saw sax maaha inuu yahay Cabduraxmaan. Madaxweyne faroole:- Maxaan salaam Kaa Qaadaa iimaba aqoonsanide Madaxweyne Shariif : Aniga waxaad I dhihi kartaa waan kaa qaaday salaanta Shariifow Wayo qof weliba xilka uu hayo ka hor saw magac looma bixin maxaa muranka keenay? Madaxweyne faroole: xaqiraad ayaa kugu jirta waanan dareemi karaa ee heshiiska igala hadal Marka hore waxaan doonayaa adiga oo aan wax shuruuda ku xidhin inaad heshiiskan saxeexdo Sababtuna waxay tahay dowlada soomaaliya eek u meel gaadhka ah ee aad hada adigu horjoogaha ka tahay sababteedaa waxaa iska leh puntland . sidaa darted waa inaad puntland wax kasta oo ay doonto u dhamaysaa shariif . Madaxweyne shariif: bismilaahi wasaalaatu wa salaamu calaa xabiibinaa wa sayidina muxamad Een walaalkay soo dhawoow horta dowladda aan horjoogaha ama madaxweynaha ka ahay waxaa sababrteeda iska leh ilaahay isaga ayaa awoodiisa wax walba ku maamula oo qofkuu doono milgeeyaa ama muuneeyaa , tan labaad anigu waxaa xilka ii dhiibtay soomaali puntland waa soomaali waana ka mid dadka ii dhiibtay xilka ee ii doorta mana inkirsani mana dafiri karo dhamaan umada soomaaliyeed meel ay joogtana xilka ay ii igmadeen way u siman yihiin haday cadaalad noqoto inaan ku maamulo aniga iyo dowladayduba haday sinaan noqoto iyo haday waxqabad noqoto Mana jirto wax aan cid gaara u hibeeynayo naftaydana ha noqotee dalka dadka ku nool iyo kuwa dibada jooga ee magaca soomaaliyeed ayaan ahay masuulkoodii ilaahay ayaana igula xisaabtamayaa Ee bal ken warqada u dhiib xoghayaha ha aqriyee aana wada dhagaysano wax yar Madaxweyne faroole:- hortu meeshi maahaa xafiiskii maxaakiimta ee carabigan badan iga jooji teeda kale anagu carabta waanu nahay waxaanay la leenahay xad badeed waana naqaana oo waan kaa badiyaa adiga shariifoow ¨ Asmac wa aqbal kuli ashyaa maktuuba fii warqatul muhiima a laa muuraan walaa khilaaf walaa xaaja. Magaratay. Madaxweyne shariif:- kkk Horta cabduraxmaan aad isuma naqaan laakiin waxaa iiga kaa muuqata inaad tahay nin kaftan badan balse waxaan u malaynayaa haddii xaga kaftanka ka gudubno oo aan mawduuceena ku soo noqono Carabiga waa luuqada dhabta ah ee umada nebi muxamad waadna ogtahay in aakhiro lagu hadlayo Markaa in la bartaa waa waajib teeda kale carabi kumaan hadlin marki hore ee aan hadalka bilaabay waxaab ku bilaabay magaca ilaahay SWT twaxana ku saliyay nebigeenaa CSW markaa labaad hadaan dhagaystay heshiiska iyo qodobada ku qoran waxaan u malaynayaa inuusan ahayn arin macquula dalka iyo dadku waa isku mid gobol weliba dowlada masuuliyad ayaa ka saaran deegaan gooniya iyo shaqsi gooniya toona ma dhigayo sharciga dalka iyo diintu in lakala fadilo waad ogtahay oo dowladu waxay qaadatay shareecada islaamka Markaa arin dib ugu yara noqda adigu iyo masuuliyiinta kale ee talada kula wadaaga waxoogaa soo naaqisha kadib markaad ka baaraan degtaan ayaan aniguna idinkala qayb qaadan doonaa Haddee hadana caqli baad leedahay oo waxan oo dhami macquul maaha ee bal dib isugu noqda wabilaahi tawfiiq Madaxweyne faroole:- hadde shariif waxii layga kaa sheegay waa soo ifbaxeen waxaanad ka soo horjeedaa danaha iyo horumarka puntland puntland soomaaliya uma baahna ee soomaaliya ayaa puntland u baahan teeda kale miyaanu kula soo hadlin oo kuu sheegin ra,sisal wasaaruhu arintan . Madaxweyne shariif:- Ra, iisal wasaaruhu waa ii sheegay inaad kulanteen heshiiskana marka uu galo wasiir ama wasiirka koowaad waxaa la horgaynayaa golaha wasiirada oo ka wada hadlayaa ka dib u codeeynayaa ayaa waxaa hada iyaguna u codaynayaa golaha wakiilada ama baarlamaanka ama shuurada waxaa iyaguna labadaas cod ka dib hadii laysku raaco ayaan saxeexayaa meesha anigu keligay dowlad mayhi waxaan metelaa golayaasha sare iyaguna waxay golayaashu metaalaan shacabka markaa isku duubni ayaa go,aan walba loo qaadanayaa arintana dowlada ayay u taala Haday xal kama danbays ah idinka tahay dowladuna waa 4.5 qaybtii puntland way k7u jirtaa wax si gaara laydiin siinayaana ma jirto haday soomaali isku raacdo inay idin siiyaana anigu soomaalida ayaan ka mid ahay shacabku waxuu qaata waan qabaa waana sidaa. Madaxweyne faroole:- waa kaa dhankaan ka hadlay qamaan dhaafay hadalkii War heedhe waxaan kuu sheegayaa ra,iisal wasaare malesesanaawi Miyaanu ku dhihin arintan dhamee sidaas ayaanu isku ogayne waxuuna ii sheegay inuu kula hadlaye War ba, a shariif dalku madaxdiisa waad taqaan maxaan ina Sharma,arke inanka yare ee aan adeerka u hay wax wayn iigaga dhigaysaa yaah : Madaxweyne shariif :- subxaanalaah niyaw sidaan kuu malaynayay maba tihid kow dheh shirkuna waa inoo xidhan yahay anigu ra,iisal wasaare waxaan u aqanaa cumar cabdirashiid cali Sharma,arke hadaad adeer u atahay waa hawl idiin gooniya balse ninka kale aad sheegtay dowlad aan derisnahay ayuu madax ka yahay wax laba dowladood ka dhexeeya maahee arimahayahga daakhiliga ah shuqul kuma laha isaga ku noqo oo weydii waa diiday mdaxweyne shariif arintii dheh shirkuna waa xidhan yahay. Mdaxweyne faroole :kkk , ma sidaadaasaa !!!hadaad diiday hadalkii madaxda adigaa circa roob ku og Wax dowlad ah oo aad madax ka tahayna ma jirto kalsoonidii waan kaala noqday Aniga iyo shacabkaygu iyo ra,iisalwasaareha malese bal hadde waa loo fadhiyaa ninka ay u darnaato iyo ninkii caano ka daataan , Shacabkii soomaaliya: cajiib labada nin waa is galeen ee tolow kee saxan waxay isku hayaanse ma sharcibaa mise waa wax kale maalin walba ma labaa is khilaafaysaa ilaahayaw sahal umuuraha . Waa Qalinkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr Abdirihiin1@hotmail.com ---------- Although the the author is well known for his anti sh shriif & anti government stance & , I must admitt he has managed to convey this with comical twist while not straying too far from reality.