
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Dad ukala dhashay Dalalka Germany iyo Somalia gaar ahaan deegaanada maakhir Coast ayaa ka wada wadamo ka mid ah midowga yurub dacwado ka dhan ah C/laahi Siciid Samatar wasiirkii Aminiga ee Maamulkii Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde Muuse) oo ka talin jiray Puntland 4tii sano ee la soo dhaafay ................................. C/laahi Siiciid Samatar oo ahaan jiray wasiir awood badan xiligii xukuumadii Cadde Muuse ayaa lagu eedaynayaa lacago uu ka dhacay Cusbataal ay lahaayeen Muwaadiniin udhalatay Dalka Germany iyo Dad Somali ah oo ka soo jeeda gobolada Sanaag Iyo Boosaaso cusbataalkaas oo laga hirgalin lahaa xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, dacwada ayaa la sheegay inay hada ka bilaabatay dalaka Italy, Belgium iyo Britain dalalkaas oo uu dhamaantood sharciyo ku leeyahay C/laahi Siciid Samatar . Sida ay Warbaahinta Afnugaal.com usheegeen qaar ka mid ah dadka dacwada wada C/laahi siciid Samatar wasiirkii hore ee Aminiga Puntland ayaa awood wasiirnimo u adeegsaday sii daynta dad loo xidhxidhay dhicitaanka cusbataalkaasi la doonayey in laga hirgasho boosaso ka dib markii maxkamad kutaala magaalada boosaaso ay dadkasi ku riday xukuno kala duwan ka dib markii danbigaasi ku cadaaday .waxaana ay sheegeen in wasiirku si toosa iyo si dadban ba uga qayb qaatay dhicitaanka hantida lagu dhisi lahaa cusbataalkaasi. Qaar ka mid dadka ku eedaysan inay dhaceen dhaqaalihii cusbataalkaasi ubaxsaday magaalada Dubai ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta ka dib markii uu C/laahi Siciid Samatar usameeyey Passaports-ka Ertrea iyo Kan Djibouti waa sida ay hadalka udhigeene, eedaysanayaashaas oo iyana ku jira dacwada hada loo gudbiyey qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub. Dadka Somalida ah ee dacwadan qaybta ka ah ayaa sidoo kale ku eedaynaya wasiirka Amniga Puntland inuu dad si xooga kaga raray tuulada laag oo ma saafo ka yar 30km ka xigta boosaaso dhinaca qardho isagoo adeegsanaya awood ciidan iyo tan Maamulka Puntland halkaas oo uu soo dejiyey dad ay isku hayb yihiin waa sida ay hadalka udhigeene . Waxaana ay intaasi ku dareen in C/laahi Siciid samatar uu kala soocay dadka ku wada dhaqan magaalada Boosaaso isagoona waliba qayb ka ahaa ololihii daabacaada lacagaha shilligka Somalia taas oo galaafatay nolosha dad badan oo ku nool Puntland iyo Koonfurta Somalia .
-
Somaliland Intelligence Arrest 3 men over Terror Suspect
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
and he said he uses a walkie talkie to talk to Lasanod from US ,, -
Somaliland Intelligence Arrest 3 men over Terror Suspect
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Actually i'm not sure ,,,,,,,,, -
The troll corner was empty and i can't talk to myself dee ,,,,,,,,,,,,, CL is the first to respond after 24 hours ,, Hello all ,,,,,
-
Morning Priyaa ..... Beautiful morning here ...
-
It is probably Amharic or something to do with them coz it is based in Ethiopa and opened a branch in Hargeisa about 2 years ago.
-
Somaliland Intelligence Arrest 3 men over Terror Suspect
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Cid waliba way ka war haysaa ,,, I just report it unlike others who keep it for themselves ,,, -
Somaliland Intelligence Arrest 3 men over Terror Suspect
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Poker, It is almost finished. I think they will have an opening ceremony or something. We will put more of the Redsea's relatives who are coming back from Baidoa ,,,,,,,, -
Points of the Agreement Between Somaliland and Djibouti
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
1- In si dhakhso ah loo aasaaso, loona hirgeliyo laba xafiis ganacsi oo isdhaafsadaan Somaliland iyo Jabuuti; 2- In labada dawladood iska kaashadaan arrimaha nabadgelyada, horumarinta, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha diblomaasiyadda; 3- In Jamhuuriyadda Jabuuti gacan ka siiso Somaliland tababarrada ciidammada nabadgelyada iyo warbaahinta; 4- In Jabuuti ka taageerto Somaliland dhinacyada tababarrada shaqaalaha guud ee qaranka; 5- In gacan layska siiyo qabashada iyo isu soo celinta dadka dembiyada ka gala labada qaran; 6- In kulanka kan xiga lagu qabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa. -
abuuti (Jam)- Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti, ayaa shalay si rasmi ah qallinka ugu duugay qodobadda heshiis lagu sii ambaqaadayo xoojinta xidhiidhka iskaashi ee u ka dhexeeya labada dal ee deriska ah. Wefti ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Somaliland oo socdaal ku shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa shalay guddi dhiggooda ah oo metelayey xukuumadda Jabuuti si rasmi ah ula saxeexday heshiis dhawr qodob ka kooban oo ku saabsan badhitaarka xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada dawladood. Weftiga Somaliland oo kala ah wasiirrada Maaliyadda, Daakhiliga iyo Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, ayaa kulamo kala duwan oo ay labadii maalmood ee u dambeeyey la yeesheen dhiggooda Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha, waxa gebagebadii labada dhinac wadajir qallinka ugu duugeen heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo wax-wada-qabsga labada dal ee Somaliland. Warsaxaafadeed dhinacyada Jabuuti iyo Somaliland si wadajir ah uga soo saareen shalay magaalada Jabuuti, ayaa waxa lagu sheegay in labada geesood isla qaateen heshiis iskaashi oo ka kooban lix qodob oo kala ah: 1- In si dhakhso ah loo aasaaso, loona hirgeliyo laba xafiis ganacsi oo isdhaafsadaan Somaliland iyo Jabuuti; 2- In labada dawladood iska kaashadaan arrimaha nabadgelyada, horumarinta, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha diblomaasiyadda; 3- In Jamhuuriyadda Jabuuti gacan ka siiso Somaliland tababarrada ciidammada nabadgelyada iyo warbaahinta; 4- In Jabuuti ka taageerto Somaliland dhinacyada tababarrada shaqaalaha guud ee qaranka; 5- In gacan layska siiyo qabashada iyo isu soo celinta dadka dembiyada ka gala labada qaran; 6- In kulanka kan xiga lagu qabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo u warramayey shalay saxaafadda Jabuuti, ayaa tilmaamay in kulamadaasi ku dhammaadeen isafgarad iyo guul, isla markaana yihiin kuwo wax weyn ka taraya xoojinta xidhiidhka labada dal. Waxa kale oo Md. Cawil xusay in shacbiga iyo dawladda Somaliland aad ugu faraxsan yihiin horumarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle gaadhsiiyey dalkiiisa oo uu ku sifeeyey mid ku dayasho mudan. “Aad baannu ugu faraxsanahay horumarka ay Jabuuti gaadhay, waxaanuna u haysanaa mid aannu annagu gaadhnay, xaqiiqatanna waxa u sabab ah oo gaadhsiiyey Madaxweyne Ismaaciil Geelle oo aannu ku dhiirrigelinayo in dib uga soo noqon halkaa, annaguna [somaliland] waa in aan kaga dayanaa oo uu tusaale u noqdaa Madaxweynahayaga, waayo walaalkaa oo kaa weyn waa inaad ku dayataa,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland. Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Yaasiin Cilmi Buux, ayaa isaguna heshiiskaas ku tilmaamay mid ahmiyad weyn leh oo wa badan ka taraya sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti. Md. Buux waxa kale oo uu Jamhuuriyadda Somaliland si weyn ugu ammaanay hirgelinta hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo uu ku sifeeyey mid loo baahnaa, kaalin weynna ka qaadanaysa sugidda ammaanka Geeska Afrika, “Somaliland dhinacooda way dedaaleen oo dadkoodii ayey diiwaangeliyeen oo ay ka sooceen kuwii kale, taasina waxay wax weyn ka taraysaa xasilloonida iyo arrimaha mandaqadda, markaa tixgelin ayaannu siinaynaa, waanuna dhiirrigelinaynaa,” ayuu yidhi Md. Yaasiin Cilmi Buux.
-
Burco-Jaamacada ADMAS ayaa maanta xarun cusub ka furtay magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Munaasibad balaadhan oo loogu talagalay furitaankaa xaruntaa cusub ee jaamacada ADMAS,oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliin ka tirsan gobolka,Madax ka socota Jaamacada ADMS, Gudoomiye ku xigeenka Waxbarshada G/togdhee,Aqoon yanao iyo Waxgarad badan ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Barwaaqo ee magaalada Burco. Gudoomiyaha Jaamacada ADMAS,ee magaalada Hargaysa Mr.Axmed Daahir Maxamed(Cadnaan),oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay xarunta cusub ee jaamacadoodu ka furtay Burco waxaanu yidhi "waxaanu xafladan ku furaynaa xarun cusub oo lagu dhigan doono waxbarshada loo yaqaan "Distance learning"taasoo aanu ugu talagalnay in qofku waxbarshadiisa heer jaamacadeed uu dhigan karo,isagoo hawlihiisa kale wata,angoo agabkii loo baahnaa oo dhamaystirana keenay halkan"Ayuu yidhi. Waxa uu intaas ku daray in Jaamacada ADMAS ee Hargaysa ay furnayd mudo laba sano iyo badh ah, waxaana wax ka barta arday gaadhaysa 1200-Araday,sidaas darteed darteed si aan bulshada ugala qaybqaadano horumarka kala duwan,Islamrkaana fursad u helaan dadka waxbarshada doonaya ee aan Xaruntii jaamacada soo gaadhi karin,ay kaga faa,iidaysan karaan Distance Learning,oo u suurta galinaya dhamaystirka waxbarsho heer jamaacadeed ah qofkii oo jooga magaaladiisii. " Waxaanu wakhtigan xarumo ka furaynaa Magaalooyinka Berbera,Burco iyo Ceerigaabo,sidaas awgeed waa in laga faa,iideystaa fursadaa".Ayuu yidhi. Mr.Cadnaan,waxa uu mahadceliyay Wasaarada waxbarshada Somaliland oo uu sheegay inay wada shaqayn wacani ka dhaxeyso,sidoo waxa uu xusay inay Iskaashi wada shaqayneed la yeelandoonaan Jaamacada Burco. Gudoomiye ku xigeenka Waxbarshada Gobolka Togdheer Xasan Jaamac ayaa isaguna soo dhoweeyay Xarunta Cusub ee jaamacada ADMAS,ay ka furatay Burco,waxaanu tilmaamay inay kaalin weyn ka qaadandoonto kor uqaadida horumarkii waxbarshada ee gobolka togdheer "Waxaan rajaynayaa in dad badani fursadan ka faaiidaysandoono"Ayuu yidhi. Waxa kale oo iyaguna munaasibadan ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Jaamacada ADMAS,ee Hargaysa Mr.Muraad Sekeriye Maxamed,Madaxa xidhiihka jaamacada Mr.Maxamed C/raxmaan. Magaalada Burco ayaa waxa hore uga jirtay xarun jaamacadeed,taasoo ay dhigtaan arday badani. Jaamacada ADMAS,ayaa xarunteeda ugu weyni tahay magaalaada Adis-ababa ee dalka Itoobiya,haseyeeshee qaybo kale magaalada hargaysa ee caasimada Somaliland.
-
Hargeysa: Daayeer Haweenay kala baxsaday Mobile Hargeysa(Geeska)-Mid ka mid ah daayeerada ku dhex nool magaalada Hargeysa, ayaa habeen hore fiidkii haweenay kala baxsaday telefoonkeedii gacanta [Mobile]. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen dad goob joog ahaa, daayeerka ayaa haweenayda oo maraysay birhiiska Hargeysa dushiisa waxa uu kala booday telefoonkeeda, waxaanu si toos ah ugula dhaadhacay dooxa ka hooseeya biriishka, “Iyadoo ciyaal eryanayo ayuu arkay gabadha oo telefoonkeeda haysata, dabadeedna wuu ka dhuftay waxaanu ula dhaadhacay dooxa.” Sidaas waxa yidhi wiil dhallinyaro ah oo markaas haweenayda u dhawaa, waxaanu sheegay inay iyagoo dhawr ah isku dayeen inay eryadaan, ‘Laakiin.” Ayuu yidhi, “Waxa uu la galay dooxa iyo beeraha dhexdooda, waanu naga dhuuntay.” Goob joogahani waxa uu sheegay in dad dhawr ahi isku dayeen inay garaacaan nambarka telefoonka uu xaday, “Telefoonkii wuu dhacayaa, waanan weynay meel uu la galay oo wuu baxsaday.” Ayuu goob jooguhu yidhi. Biriishka Hargeysa ayaa markii uu falkaasi dhacay waxa dushiisa iyo haweenaydiiba ku xoomay dad tiro badan oo ka fajacay daayeerka ku biiray tuugta telefoonada la baxsata. Dhawr bilood ka hor ayaa waxa magaalada Hargeysa ka dhacay fal noocan oo kale ah oo uu daayeer kula baxsaday telefoon gacmeed dabadeedna uu la dul fuulay guri dushii, kaas oo markii la garaacay nambarkii telefoonkana inta uu agtiisa dhigay ka ag qabsaday ciyaar, isaga oo u jiibanayay jalaska telefoonka ku soo dhacayay. Laakiin, markii dambe waxa lagu guulaystay in moobilkaas laga soo dhiciyo. Hase yeeshe falkan uu daayeerkani habeen hore kula baxsaday telefoonka haweenaydaas ayaa dadkii birhiishka xilligaas marayay ku abuuray amakaag.
-
And i was wondering "Shaqada laga qabanayaa maxay tahay" ,,,
-
NAIROBI ( Qarannews) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) ayaa shalay ku shir jaraa'id ku qabtay guriga nabada Kenya lagu yagleelay ahna hotelka weyn Sarena Hotel. Waxa uu Axmed-siilaanyo shirkaa jaraa'id kaga hadlay lakulankii uu la qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia iyo Somaliland Mr Ahmedou Walad Abdalla . Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay waxyaabaha waxaanu ka xusay inay isala soo qaadeen Arrimaha diiwaangalinta iyo doorashooyinka Somaliland, waxaanu Axmed-Siilaanyo caddeeyey inay wakiilka isla garteen sidii wada shaqyn looga yeelan lahaa hawlahaasi doorasho ee kusoo fool leh Somaliland si ay u dhacdo doorasho Xor iyo Xalaal ah. Shirka jaraa'id ee uu Guddoomiyaha Kulmiye Axmed-siilaanyo ku qabtay Kenya ayaa ahaa mid aad loogu soo dhaweeyey xamaasad faro badanina ka muuqatay. Waxaana ugu horreyn furay Shirka jaraa'id kusimaha Gudoomiyaha dhalinyarada Somaliland Maxamed Cabdilaahi, inkastoo Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee Kenya Mr Ahmed Yusuf Ducale uu wakhtigan booqasho ku joogo dhulkii hooyo ee Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa. Haddaba guddoomiye kuxigeenka dhalin yarada ayaa hadal kooban halkaasi ka jeediyey, waxaanu kaga warramay hawlaha ururka iyo waxyaabaha dhallinta looga baahanayahay iyo siday xisbiga Kulmiye gacmo furan ugu soo dhaweeyeen. Intaasi kaddib waxaa halkaasi ka hadlay oo sacab lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamuud Siilaanyo, markii uu hadalkiisa intiisa ugu muhiimsanayd oo aynu sare ku soo sheegnay halkaasi ka jeediyey ayaa waxaa lagu boobay su'aalo kuwaasoo ay ka mid ahaayeen su'aalaha la wadiiyey : Su'aal: Guddoomiye Siilaanyo ma laga yaabaa in sannadkan aad ku guulaysataan doorashada ? su'aashan oo dadku aad u dhoola cadeeyeen ayaa waxa waydiiyey Wariye ka socday HORN CABLE TV. Jawaab: (C/raxmaan C/qaadir oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2aaad ) ayaa ka jawaabay su'aashani waxaanu yidhi, Haa, guul weyn ayaanu rajaynaynaa. Su'aal: Madaxdii Kenyaanku markay olalaha doorashada wadeen waxay jiilkoodii waxbarasho u ballan qaadeen in bilaash looga dhigi doona waxbarashada, ee idinkuna haddaad tihiin KULMIYE maxaad jiilka waxbarasho u ballan qaadaysaan ? Jawaab: Manapoliga ayaan cidhibtiraynaa iyo waliba musuqmaasuqa ragaadiyey. Su'aal: Haddii shirkadihii shisheeye hanan kari waayeen inay dhisaan warshaddii sibidhka, oo ganacsatada dalkuna hawshaasi awood u leeyihiin maxay dawladdu fasax u siin wayday si hawshii qaranka aanu albaabkiisu uga xidhnaan, idinkuse haddaad tihiin KULMIYE maxaad dawladda waxa ka dhiman aad ugu sheegi waydeen uguna caqli celin waydeen taageero iyo gacan buuxdana ugu siin wayden ? Jawaab: Su'aashan oo guddoomiyaha Kulmiye Axmed-Siilaanyo si toos ah uga jawaabay ayaa waxa uu yidhi " Haddii dawaladda aan talo u soo jeedino maba dhagaysato, danta guudna isku si ayaan u waajahnaa, waanan ku taageernaa waxii fiican ee ay dawladdu qabato, imik oo aan dalkan nimidna waxii arrimo daakhiliya kamaanaan hadal." Waxaa intaasi hadal kusii lifaaqay oo ku ladhay Guddoomiyaha kuxigeenka 2aad ee xisbiga KULKMIYE Mr C/raxmaan C/qaadir waxaanu yidhi "annaga xisbi ahaan waa lanagu diraa dalalka shisheeye, laakiin annagu ku diri mayno waa dawladdayadii, waayo waxaan wax u raadinaynaa waa shacabka Somaliland sidii ay horumr la hanan karo oo la taaban karo u gaadhaan. Su'aal: Wariye ka tirsan STAR FM ayaa su'aal waydiiyey waxaanay su'aashu ahayd, Haddaad doorashada ku guulaysataan maxaad ka qabanaysaan Gobolka ********iya? Jawaab: Waxaan dawladda ka midaysannahay ilaalinta nabadgalyada iyo danta guud, laakiin waxii xad gudub xuquuqda Aadamaha ah ma ogolaan doono, waxaana nagu waajiba in aan xaq dhawrno shuruucda caalamiga ah, dalalka jaarka aanu nahayna dhib lama rabno.
-
Subxaanallaah ,,,,,
-
Somaliland Intelligence Arrest 3 men over Terror Suspect
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Yes of course ,, I think waaba saddex dabaq -
It is heading nowhere ,,, just like the same old circle
-
Dr Charles Tannock MEP says former British protectorate’s call for sovereignty should be reconsidered Strasbourg, 14 January 2009 – The time has come to consider more seriously Somaliland’s quest for independence as the situation in the Horn of Africa deteriorates further, Conservative MEP Charles Tannock said today ahead of a parliamentary debate on the situation in the Horn of Africa. Dr Tannock, a member of the European Parliament’s foreign affairs committee, said that an independent Somaliland, supported by the international community, could potentially be a force for stability and good governance in an otherwise hopeless region. Somaliland was formerly a British protectorate that became briefly independent in 1960 but then chose to be absorbed into the Somali Republic. In 1991 as Somalia descended into chaos following the death of dictator Siad Barre, Somaliland once again opted to go its own way. However, Somaliland is not recognized internationally as a sovereign state by any country, despite having developed the symbols and functional governance of an independent state. Dr Tannock said: “Somaliland is the only cohesive and functional public authority in Somalia. “The people of Somaliland benefit from a relatively benign government and progressive institutions as well as having symbols of statehood such as a separate currency and flag. Perhaps it’s time we began to consider more seriously Somaliland’s quest for independence. “An independent Somaliland, supported by the international community, could be a force for stability and progress in an otherwise hopeless region, and could be an ally in fighting the scourge of piracy off the Somali coast. “Certainly the people of Somaliland would be justified in asking why the international community is so reluctant to recognize their country but was so quick to recognize Kosovo.”
-
Somaliland Intelligence Arrest 3 men over Terror Suspect
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
KK, they are too big and more are under construction weliba ,,, -
Originally posted by Kool_Kat: ^^Hehehehehe@macasha uga fuq...Ma'ila aragtaybo...Meeshii jaad lagu sheego waa la'isku habar wacanaa... Xaa hee ,, qaadka maxaan isugu habar wacan waynay idinkuba meeshii Pirate marka laga hadlo waad isu habar wacataane ,,,,,,
-
Aar ka daaa .......
-
.......... wax waalan ,,, So you can't take some rest for only 40 days eh ??? ,,,,,,,,