Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Reer Muqdisho Nasiib daranaa ... oo Cid waliba u daranaa...
  2. Suugaanta Iyo Jacaylka “Maxaa Suugaanteenna Jacaylka Ku Cashariyey” Xilligii miyiga iyo mileygii dadkeennu 100%, ahaayeen xoolo dhaqatada, gabayga ayaa ahaa midka u sita laamaha maansada, isagaa lagu cabiri jiray meertada nolosha iyo waayaha jiraba; sida, ammaanta, collaadda, nabadda, guubaabada, faanka, digashada, farriinta, ergada, doodda, iyo kaftankaba. Haseyeeshee, xilligii magaalo shafka la dhigey gabaygu dib ayuu u gurtey. Markii uu gabaygu lug danbeediyeyna waxa halkiisii buuxiyey fanmasraxeedka oo noqdey mid la jaanqaada is bedelka xiimaya ee xaallada bulsho iyo dookha dadka, waxaana muhiim ka dhigey waa dabciga soomaalidu u leedahay fan caashaqidda xad dhaafka ah. Damaashaad jeclidda iyo xiiseynta fagaare ku kulanka. Haddaba, haddii aan dib u milicsano taariikhdii fankaasi soo maray, waxa aynu ognahay in fanku soo maray dhawr marxaladood oo mid waliba waayahiisa leeyahay. Waxaanna lagu soo koobi karaa saddex dan xilli ee kala ah; * Bilawgii fanka ( 1954-1962-kii) * Bari-samaadkii fanka (1962- 1972-kii) * Aakhirul cimrigii fanka ( 1972 illaa iyo waxii ka dambeeyey) Xilligii bilawgu waa aas-aasiddii iyo raad qaadistii, waxaannu bilaabay koritaan dag-dag ah, waxaannu soo jiitey qayb ka mid ah bulshada. Marka aynu nimaadno marxaladda labaad oo ku beegan wakhtigaa aan kor ku xuseney, waa xilligii uu fan masraxeedku yeeshay shacbiyaddii ugu balaadhneyd, noqdeyna gobol ka mid ah nolosha shacbiga. Riwaayaddahii wakhtigaa la dhigey way badnaayeen, waxaanan odhan karnaa way qaan gaadheen. Waxa xilligaa la curiyey riwaayaddihii ugu magaca dheeraa ilaa maantana aan la dafiri Karin iney ugu sarreeyeen. Haddii aan in yar idinka xasuusiyo waxa ka mid ahaa riwaayaddahaasi sidan: * Shabeel naagood * Hadimo * Reer ba’aw yaa ku leh * Aqoon iyo af-garad * Dab iyo dhagax * Indho sarcaad * Ama la I doorey ama daadku i qaad * Gardiid waa Alle diid * Laguma dhaamee dhaqaaq * Gobonnimo ha tuurin Haddaba su’aashu waxay tahay masraxa xilligaa maxaa ka dhigey beri-samaad?. Masraxa soomaalida dhawr siyaabood ayaa loo dhigi karaa. Hadaynu se ku soo dhawaanno waxaynu odhan karnaa sidan: * Xorriyadda hal-abuurka oo aan cabudhsaneyn * Suugaantu xilligaa waxay ahayd tarjumad dhab ah oo cabireysa dareenka dadweynaha * Dhiillada siyaasadda dawladda iyo falalka ka soo hor jeeda qiyaamka suuban Qawadkii la qawadsanaa maamulka ayaa ka dhigey masraxii beri-samaadka dheri hoosta ka karaaya oo uu masraxu ka qaadanayey uumigii dhaqaajinaayey, waxaana is qoraayay adduun arag iyo qiimayaw cusub oo samaynaya qaabab fara badan oo ay isku muujinaayaan. Haddaba, haddii aan u nimaadno qaybtii saddexaad ee loogu yeedhay aakhirul cimrigii fanka, waa wakhti ku beegan 1973-kii. Fan masraxeedku dhallashadiisii ilaa bilawgii toddobaatannaadkii kor ayuu u socdey, sidii aan ku soo aragney labadii marxalladood ee aan ka soo sheekeynay. Abaaro 1973-kii ayuu bilaabay inuu halkii uu maraayey ku wareego, intii ka dambeysayna hoos ayuu u sii socday, waxaanna dhalatay cillad halis ah, waxaanu galay xilli dib u gurasho iyo marxalad galoof ah. Waa laga yaabaa in dadka qaar yidhaahdaan imisa riwaayadood oo qurux badan ayaa la dhigay xilligaa ka dib, waxase aynu ka hadleynaa waa suugaantii yoolka lahayd ee ka hadleysay tabashada dadka iyo toosinta maamulka Haddii masraxii bari-samaadka ku naaloon jirey. Xoriyatul qawl xilligii askarta arrintu waa is badashay. Qori caaradii iyo car bal juudh dheh ayaa timid, raggii masraxa yoolka leh waraabin jirey waxay noqdeen mid midida daabka loo geliyo, oo dil lagu hadido, mid loo digo, mid xabsi loo diro, iyo mid dibooda oo debeddaha u suudala Goortaa masrixii wuxuu marti u noqday riwaayado tiro badan oo isku hal mawduuc ah. Cudurka qudha ee ay daweeyaanna yahay JACAYL. Ruwaayadahii jacaylka ahaa ma dafiri karno iney lahaayeen qurux mug iyo murtiba leh. Hasayeeshee, farriintooda ayaa koobneyd, cilladuna kama iman xaga hal-abuurka ee waxay ka timi xaga taliska iyo maamulkii dalka. Taliskii askarta ee gacanta kululaa laba qodob ayay suugaanta ka ogolaayeen * Amaanta kacaanka Oktoobar * Iyo jacaylka Haddaba arrintii waxay ku soo ururtey hayska demegsanaatee yeedhaw dam weeyaan. Amintaa ayaa layska hawl yareystay dadkii dhammaantoodna waxay fuulleen dooni jacayl, waxay ku dabaasheen webi jacayl, waxay ka hirqadeen xareed jacayl, waxay subciyeen duruus jacayl. Waxaana la soo hurgufey joonyo riwaayado wada jacayl ah sida kuwan hoose oo aynu ka xusi karno: * Dab jacayl kari waa * Jin iyo jacayl * Jeel iyo jacayl * Jihad iyo jacayl * Qabrigii jacaylka * Xuskii jacaylka * Xeerkii jacaylka * Xidigtii jacaylka * Maxkamaddii jacaylka * Xuud baa liqay jacaylkii * Jacayl boob uma baahna Jacayl, jacayl, jacayl kuli wada jacayl iyo qaar kaloo badan. Marka aad dhex maaxdo gudaha riwaayadaha jacaylka ah waxaad ugu tagaysaa hadallo qaawan oo si feynaya gabadh jidhkeed sida tusaalayaashan “Ta balaadhan, balaadhan ee bawdada moodo halweyn Ta balaadhan balaadhan ee xaluska mooddo bartiikha” Ama kama foga qiimaha riwaayaduhu iyo heesuhuba jidhka gabadh la bardaaminaayo oo xubnaheeda la sifeynaayo. Tusaale kale waxa aynu soo qaadan karnaa heestan “Markaad sii socoto okay Markaad soo socoto oreydh Markaad istaagtana asxan” Haddii wali aan sii milicsano dhanka heesaha, qiyam iyo xishoodba kobtan ayuu goblamay, inkastoo laysla mashaqoobay bal aan tuducyo ka xusno “Aan wadaagno ciyaartee I weydaarso gacmaha” “Shafka kaalay igu qabo” “yaa garayska kaa fura Kuu salaaxa gaadada” “Canbaruudka naasaha Waxba hayga celinee Ii cantuug dibnaha oo Shafka igu cam-cam”i Qaaaaaaaaq xeradaa Alla bii!!! Bal waxa ay ku hadlayaan eeg. Ciin bay daaqdey! Waa yaabe! Haasaawaha dhallinteennu ma sidaa suu ahaa mise Art-ka ayaa dhaqanka ka madaxbanaan. Rag iyo dumarkan masraxa ku laacdamaaya, ee isku dhegay ee isla suuxay, waa ayo bulshada ay matelayaan waa su’aale? Tolow ummaddeena cudurka ugu weyn ee hayaa ma jacaylbaa? Imisa qof ayuu sannadkii inaga dilaa tolow? Suugaanteenii sakad walba waadh qalabeysan ayay ka furatay. Cudurka keliya ee ay daweysaana waa jacayl, weliba bilaa lacag bay ku daweysaa. Dawada ay qortaana waxa la yidhaa ”laga laabta ii saar” Waxa iyana astaan u ahaa masrixii jacaylka calaacal iyo baroor aan dhamaaneyn sida Dhintey, lay xabaal, lay dhaxal Luuf-luufay, leeleeley, beerkaa ilaalaada Wadnahaa I foorara, sanbabkaa I ma’dhay Beryahaa maan qadeyn, indhahaa I casaaday Hurdana hadalkeedaba daa. Waxa aynu odhan karnaa waa weedho ku jira riwaayaddahaas aan soo sheegey iyo waliba kuwa kale. Waxa xaqiiqo ah in dhiirigalinta masrixii jacaylku ahaa sakhraamiin, iyo irbad sun ah oo bulshada lagaga sixrayey xaqiiiqada nolosha. “Alle hawraxmee gabay ma jiro wuu asaasaqaye Amaan iyo jacayl bay haddeer eedey maansaduye.” Haddaba su’aasha lays weydiin karaa waxay tahay. Maxaa laga faa’iidey masrixii jacaylka? Waa maxayse farriintii uu gudbinaayey? Haddii aynu si kooban uga jawaabno waxa aynu ku soo koobi karnaa qodobadan hoose * Xoodaaminta dareenka jinsi ee da’ yarta * Fududeynta xidhiidh sharci darro ah oo dhex mara ragga iyo dumarka * Jebintii deyrka xishoodka iyo dhawrsanaantii barbaarteenna * Fududeynta tumashada * Ka fogaanshaha nolosha dhabta ah Guntii iyo gunaanadkii qoraalkeygan kooban waxa aan ku soo gunaanadi su’aalo aan u arko in ay muhiim yahiin. Garanay goorta ay suugaanteennu foof-daran habawdey, waxayse weydiintu tahay ilaa goorma ayay dayawga ku sii jiri doontaa? Hal-abuurkeennase xilka ugu weyn ee saarani ma dhaymaha jacaylkaa? Waa halkii Afrax yidhiye “ masraxa jacaylka ha la cuudiyo”. Qalinkii :Abwaan Axmed Aw-geeddi Dheeraad2@hotmail.com
  3. Yes it is UDUB today. The party's general convention is starting today at Maansoor hotel. Expected is around 1200+ attendants. Stay tuned for the coming 3 days to see the outcome.
  4. and you're still talking about him ,,,,, :mad: :mad:
  5. Come on ,,, for who ?? Sheekhii loox tuuray ?? I dont' think so ,, lool
  6. The Sheikh or President (which one should i call him now?) , does not speak English. They should write in Somali or Arabic. I'm sure Ngonge can help them do that ,,, lool
  7. “Baydan………….war summaddiinnu badanaa, waa maxay summadahan isma dhaxashada ahi?” bogga 126aad, tuduca 1aad. Waxa aan nasiib u helay in aan akhriyo kana bogto buug kal hore soo baxay oo loogu magacdaray ‘Koora Dadab: Cishqi & Colaad’. Buugga waxa qoray oo ku farayareystay Axmed Maxamed Cabdi-Kulumbo oo loo yaqaan “Dareewal” kuna sugan Hadaaftimo. Baallaha buuggu waa 260 bog oo mid waliba uu gaarkiisa u buuxo. Waa buug marka aad akhriskiisa bilowdo maankaaga si sahlan u hantinaya ilaa aad dhammeyso, haddii aad tahay ruux adkeysi u leh akhriska. Dusha hore waxa ku goglan aqal Soomaali, seddex geed-saraad & berrin dihin oo cagaar badan barwaaqana ka hillaacyso. Dhanka dambe waa ereyo ku saabsan qoraaga, taswiirtiisa & afar faras oo is baacsanaya. Aniga & inta ila da’da ah ee mar uun nasiib u heshay in ay ku barbaaraan goob dhaqanka & sooyaalka Soomaalidu sees adag u yahay kuma cusba cinwaanka buugga loo xushay ee ‘Koora Dadab’, waxase laga yaabaa in aannu sheeko-baraley uun u haysanney oo sebigiyo dhallaanka uun in lagu sasabo ay noogu dhadhami jirtey ama nalookuguba sheekeyn jirey. Qoraaga buuggani waxa uu na barayaa mid taa ka duwan oo sheekadii oo dhab u eg uuna weliba dhabeynayo jiritaankeeda ayuu si deeqsinnimo & hal-abuurnimoba leh noogu soo bandhigayaa. Sheekadu waxa ay ka kooban tahay guud ahaan laba unug oo waaweyn oo midina colaad, hanfi, kulayl, dhac, boob & xatooyo hillaaban tahay, tan labaadna ay barwaaqo, kalgacal, nabad, baraare & beerlul cishqi ku xiddeysan tahay. Waa reer Sanaag & reer Bari oo mid waliba Sarreeye barwaaqo, nabad & caano uu u lukiyey. Waa bahdoo is dhex deggan oo aan wax cabsi ah kala qabin; waa guud haldhaalley oo hadba gebigay doonto arigeeda ula tillaabaysa inankay ka heshana si gobonnimo leh cidahooda ugu soo tilaamaysa oo gabaati & yarad la is weydaarsanayo xooluhuna ay xeryaha xididka ku wareegaaleystaan oo summadahoodii la kala garan waayey. Waa laba bulsho oo isku milantay oo abti & adeer miiran isku wada ah. Halkaa ayuu Axmed sheekada qaybteeda hore nooga bilaabayaa oo uu in cabbaar ah nagu mayracayaa. Collaad lagu gablamay ayaa goor dambe dhacaysa, fardo magac dheer ayaa la kala qaadayaa oo dhanka Bari u iillanaya, gar baa la isku dhiganayaa sidii dhaqanku ahaa, waase lagu hungoobayaa halkaa ayuuna taxa sheekada ka soo gelayaa Koora Dadabkii aynnu u niqiin “Dambas Jiif” oo weliba magac dhab ah yeelanaya waxana uu noqonayaa Cabdalla Axmed Samatar “Raad-wanle” oo basaas ah sidii aynnu waa horeba maqli jirney. Koore Dadab collaaddii fardaha ee reer tolkii lagu dhacay uuna darraaddeed isku dulleeyey mid ka daran oo hoog & hantaawilif ah ayuu garwadeen ka noqonayaa, halkaa ayayna beelihii beryo wada oolli jirey, garabkana isku noqon jirey, xididka & xigtadaba ahaa ee aan la kala garan jirin arrintood waxa ay ku dambeynaysaa is ugaarsi oo ay uur ahaan & awr ahaanba ugu kala guurayaan Bari & Bogox. Sheeko buug lama wada dhammeeyo oo nuxurka lagama dillee waa dambe ayaa waxa billaabmaya unugga labaad ee sheekada oo dhallin collaadihii kala fogeeyeen ayaa kalgacal gaamurey & dab ku shidnaa intii la sii kala jeedey isku deminaya oo xididtinnimo cusub & nabad caano lehba reerahoodii waa isku wacnaa goor dambase kala guurey awgood uu Eebbe faraj uga furayaa. Dib baa la isku soo laabanayaa, waa la wada xaajeysanayaa, waa lakala gar qaadanayaa oo imika dantii waa laga boodi jirey ayaa la wada garwaaqsanayaa dabadeedna nolol cusub oo barwaaqo & nabadba leh mar kale la waadagayaa. Axmed “Dareewal”, waxa uu sheekada ku aslayaa af macaan oo saafi ah, ereyo si xeel dheeri ah loo xushay, maahmaaho, masalooyin, gabayo & weliba suugaan jabaqeed tii hawleedna ayan ka marnayn. Maahmaah waliba oo uu meel ku tiiriyaa taam bay ku tahay halka ay ku jirto. Sheekooyin badan oo jabaq uun ahaa ayuu isku tol-tolay oo sheeko qurux badan oo run u eg ka soo saaray. Waayeel uu wareystay ayuu markhaati uga dhigayaa sadaradiisa & sooyaal-ka-sheekeyntiisaba. Intaa kolka laga yimaado waxa uu qoraaga buuggani uu sawir buuxa ka bixinayaa dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida intiisii kharaarayd & intiisii macaanaydba. Waxa uu buuggiisa ku soo bandhigayaa ereyo gaboobey oo waa hore malaha dadka badidi ay ugu dambeysey, markaasuu weliba iyagoo mutuxan kaaga tegi uu maayee mid walba sida ugu fudud kuugu macnaynayaa, Masha Allah……..farshaxannimo iga dheh! Xoolihii, ugaartii, deegaankii, xaygii dhirta & dhirtiiba wax weyn ayuu ka bidhaaminayaa buuggani. Habar dugaag & aynigeed toosh weyn ayuu ku ifinayaa magacyo badanna wuu nooga soo dheegey. Fardaha, magacyadooda, midabkooda & tayadoodaba wax buu ka iftiinshey. Aqal Soomaaligii, sida loo dhiso, waxa uu ka sameysan yahay & xilliyada nurkaba wax weyn ayuu naga barayaa. “Waxi la ammaanaaba ma ebyoona e’”, buuggu guud ahaan waa sooyaal nololeed bulsho oo daryeel mudan, waxase laga saluugi karaa sida loo hormeeyey ama saddaradiisa loo jaan gooyey oo aan isku hufnayn hawl badanna u baahnaa ka hor intii aan daabacadda la gelin. Dhanka higgaada marmar ayaa lagu saxanayaa oo gaar ahaan xarfaha labanlaabma ayaan saani loo hubin sida “Eebbe” oo buugga ugu jira meel walba “Eebe”. Marka uu qoraagu ka hadlayo Aw Muuse Ismaaciil Samatar & gabaygii Darbadaaley, in uu gabay tiriyey & dhawr sadar oo ka mid ah uun buu nooga tegayaa isaga oo aan noo sheegin wixii dhacay ee uu gabaygu sababay. Halkaa saluug baa ku jira oo in laga sii sheekeeyo ayey mudnayd, in kasta oo laga yaabo in uusan ka ilduufin ee uu oggaal uga tegey maadaama ay ahayd suugaan collaadeed oo uu malaha boogteeda diidayey, wallow ay hadda sheeko uun tahay. Waxa kale oo dhalliisheeda leh tiiyoo ay wacnayd in uu qoraagu dadka uu wareystay soo bandhigo xilliyadii & goobihii uu la kala kulmay & inta goor oo uu ruux walba wareystay. Way fiicnaan lahayd iyana in tixaha ku jira buugga uu hoostooda ku qori lahaa qofka u mariyey & qofka ka saxay kii mariyey, imikase waxa ay u ekanaysaa in uu laftigiisu xilligii la mariyey joogey oo uu kaydiyey sidaa darteedna aanu cidna marti uga noqon xogtaa helliddeeda. Isku soo wada duub oo buuggani waa dhaxalgal, khaladaadka yaryar ee aan sheegay ama ka ilduufayna waa kuwo si sahlan loo sixi karo goortii ay noqoto in mar labaad la daabacayo ayse tahay in loo dhug lahaado. Mar waa dambas jiif Marna waa Koora Dadab Marna waa kii lahaan jirey! Anwar Maxamed Diiriye Anwar@Usfamily.net
  8. He was here with the Ethiopians and US in his side and he left saying "Alshabaab baa dalka haysata" ,,, I wonder what he would do markan kele ,,,,
  9. Originally posted by Che -Guevara: ^Sure you could see beyond the general lines. Your perception is not in question, but your need to look beyond the obvious is what's perplexing as if you are looking for faults or questioning people's intentions. Surely, most of people don't question the stories you bombard us with about the progress in your neck of the woods. Dooradii dhoostaba waa adiga soo qara, not alot look beyond for what it is. You're free to question sxb. Don't lock yourself in a dark room. Questioning has never been a bad idea.
  10. Hmmm ,, Interesting. Are you taking excerpts from Koora-Dadab ??
  11. Mililka korika lagama dhayo sxb .... Yeah it looks good in the top view lakin we could see beyond the general lines.
  12. This is relieving now .............. Huhhhhhhhhh
  13. Thnx Aaliyah ,,, Good morning trollers .... i can see you're all sleeping like sac fuuray ... Soo toosa bal war baan idiin hayaa maanta e ,
  14. I enjoyed reading this ........ wanted to share with you.
  15. Despite leaving work at around past the 1800 hours yesterday, I still managed to get home about ten minutes after an hour. That was good going I must confess. My dear old friend – Yomi Osibona called me from the UK to let me know my dear sister Kate was in town. I called and we chatted hoping to see tomorrow before she jets back to the land of the Queen Earlier in the day, I remembered to send wifey a text. Guys, you have to learn to send those lovey dovey text messages. They do spice up the relationship you know. I know, I don’t do it often either, but at least I remembered to yesterday; My text: “I might be busy darling but my thoughts are with you. How are you babe? Wifey: “Mo wa pa! Pacing things. U nko? How is it going. X” My text: “My heart is gladdened to know that...................................”(you bet I wouldn’t share that with you) Wifey: “We thank God. Easy with the promises or I’ll take u up on them....Love u too darling. X” And that was how I planted a love text for the day believing it would bring forth good tidings....oh my God, your thoughts are so naughty. Why do you have to think along those lines...anyway. I know wifey appreciated the text and I do not have to write a text application in order to show my physical affection, do I ? I got home and you know it. You can smell it. You can feel it. . The persona. The demeanour. That mood. That Hello. I have known wifey for 22 years and when she sneezes, I could more or less tell where or how she got the coldBy the way, ‘Mo wa pa’ means I am very well. It is a Yoruba/Nigerian lingua. My wife is not ‘pa’. In fact she was far from ‘Mo wa pa’. What has happened? Why is she in a foul mood? After exchanging the enforced pleasantries, I immediately proceeded upstairs where I met the Children - MD, Prof and Oba. Prof was watching telly because he had finished his homework. MD was at the table screaming, whilst assisting Oba to complete his elongated homework. Meanwhile, MD had her homework to complete. “Hello Dad”, they all said in turns. And not in turns, turned to me to tell me what I thought was not happening. MD threatened to walk off, now that Daddy was around and “Why is Mummy in a mood” she went on to add. “I don’t know.” Was all I could say? But from the setting staring at me, I could tell it must have been Oba – my 5 year old boy who must have wound up wifey just one more time. And from what the wifey I saw downstairs, she had definitely had enough. “Daddy, but why is mum in a mood? I did not do anything”, offered MD once again. “Me neither”, echoed Prof, “and me Daddy. I did not do anything also” screamed Oba. “Okay, Okay. I am tired. I need you guys to finish your homework. Starting with you Oba. MD you can leave, I will take over.” That was my immediate solution. I hadn’t even put my coat Jacket in the hanger. I commenced immediately on my own home - work. That was a snippet into the house of the Salu’s during the week. This was all wifey had to cope with or without a house support or maid or whatever. This time ‘Blessings’- the 19 day maid veteran had thrown in the towel and it was for wifey to do it all. Doing it all is the issue for me. I was disappointed more for the ordeal these absconded maids put wifey through than for missing them go. While I know it is so necessary to have maids in Nigeria, I still do not feel very comfortable with them. For me, they are an invasion of my privacy. But hey, wifey needs them. I do as well. So we must seek the better ones out there. It may be a wholly selfish way to go about it, but I think the next maid should be a stack illiterate. But, again, these come with its problems. Stack illiterate now but not forever in my vicinity. What happens, when the maid begins to read Financial Times? Would you still be able to send her to buy your local paper without you having to spend hours waiting for her to read up? Seriously, it is one of the major issues here in Nigeria. Seeking, Employing and Maintaining a good maid or driver or support staff. They may be millions unemployed out there, in the blue collar sector, however, these millions are looking for the easiest way out. Everybody believes their employer owns them a favour – that they must make it in life within 3 months or else! Few are willing to work very hard, pay the deuce and reap the rewards afterwards. So I want my wifey back o. Without a maid, wifey would have to work round the clock. The agency was ready to send over another maid on Tuesday, but wifey had to put a stop to it – a sort of rethink, a breather. I really don’t blame her, even though we would all endure her moods for a while unless MD, Prof and Oba hold a meeting, promulgate certain rules, stick by these rules and promise to make life easy for mum – my wifey. by Jide Salu