Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Hargeysa(Qaran)- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Afrika, Mrs Junday Frazer, ayaa maanta socdaal ku timid Somaliland, waxana ay wada hadalo ay la yeelanaysaa Madaxweynaha somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin iyo shirgudoonada golayaasha baarlamaanka JSL. Junday Frazer, ayaa socdaalkeedu la xidhiidhaa sii ambo qaadka waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Rayaale iyo Weftigii uu hoggaaminayay ay bishii la soo dhaafay ku tageen dalka maraykanka, markaasi oo ay isla qaateen sii xoojinta xidhiidh iyo iskaashi dhex mara Somaliland iyo maraykanka. Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka, oo la dejiyay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa sida la sheegay ay maanta qado sharaf qasriga madaxtooyada ugu samaynaya Madaxeynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo ay la kulmaysaa madaxda sadexda xisbi qaran. Dhinaca kale, safiirka maraykanka u fadhiya dalka Itoobiya oo isagu shalay galab booqasho ku yimid dalka, ayaa u sii gogol xaadhayay socdaalka kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibada maraykanka. wararku waxay intaai ku darayaan in Junday Frazer, ay galabta ka dhoofi doonto Somaliland, markay la kulanto maamuleyaasha dawlada iyo xisbiyada dalka. Cumar Maxamed faarax Qarannews/Hargeysa
  2. The writer is talking about Siilaanyo and his glories during the SNM period. He is mentioning that although he has been into the politics since long time, he is not lucky when it comes to the politics. He is suggesting that Siilaanyo should resign from Kulmiye and let fresh blood take the lead to win the elections.
  3. iyadoo baskaasi uu ka badbaaday oo keliya wadihii baabuurkaas iyo weliba kirishbooygii oo qudha halka ay ku naf waayeen in ka badan 18-qof oo u badan Haween . Subxanallah ! ! ! !
  4. MOGADISHU, Feb 3 (Reuters) - A roadside bomb killed at least eight women travelling in a minibus in the south of the Somali capital Mogadishu on Sunday, witnesses said. The driver, conductor and two other passengers in the bus survived, escaping with minor injuries, witness Farah Mohamed said. "At least 8 women were killed when a minibus carrying several passengers was blown up by a roadside bomb blast," she told Reuters, adding that she had seen the bodies, some of them blown to pieces. Police spokesman Abdulahi Ibrahim Omar confirmed the blast but had no further details. "It looked like a remote-controlled bomb that missed its target -- a government pickup truck carrying a number of soldiers passed there seconds after," witness Ahmed Jimale said. Islamist insurgents have carried out many Iraq-style roadside bomb attacks on the forces of Somalia's interim government and its Ethiopian military backers. The Horn of African country has been mired in anarchy since warlords toppled dictator Mohamed Siad Barre in 1991. But the violence has worsened since Somali and Ethiopian troops ousted the Islamists from Mogadishu at the end of 2006.
  5. Qarax xoogan oo gaystay khasaare nafeed iyo weliba dhaawacyo kala duwan oo ku qarxay gaari noocyada dadweynaha ah ayaa maanta ka dhacay agagaarka schoolkii hore ee 21-ka oktober ee magaalada muqdisho . Qaraxan bambaano oo ahaa nooca miinada rimuudka laga hago ayaa la sheegay inay ku qaraxday gaari noocyda minu baska ah islamrkaana ay saarnaayeen Haweenka ka ganacsada Jaadka iyadoo baskaasi uu ka badbaaday oo keliya wadihii baabuurkaas iyo weliba kirishbooygii oo qudha halka ay ku naf waayeen in ka badan 18-qof oo u badan Haween . Dhinaca kale Qaraxan Ayaa Noqonaya Kii Saddexaad Ee ku qarxa Gaari Nooca kuwa dadweynaha ah Iyadoo Horayna Uu Ugu Qarxay deegaanka xaafada Towfiiq Iyo Isgoyska Afarta jardiino qarax noocaan oo kale ah Lamana Oga Sababta Rasmiga Ah Ee Kadambaysa qaraxa gawaarida dadka Rayidka ah qaada . Si kastaba ha ahaatee qaraxan oo ah kii sadexaad ee Qabsada gaari sida dad rayid ah ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambaysa waloow qaraxyadan lala xiriiniyo xaalada amaan daro ee ka jirta caasimada muqdisho.
  6. Dadka iyo dhuxushu miyay isu eg yihiin mise anigaa mooday ,,,,,,
  7. Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta xadhigga ka jaray Miiskii hore ee Saraakiisha oo dib loogu dhisay ciidanka Qaranka. Waxana uu amray sidoo kale, in dadka laga raro gurigii hore ee State House-ka, halkaas oo uu sheegay inay noqon doonto Madaxtooyada Somaliland. Madaxweyne Riyaale waxa uu furitaanka dib u dhiska Miiska Saraakiisha ku beega munaasibadda xuska sannad-guurada 14aad ee aasaaska ciidanka Qaranka oo ku beegan 2da February. Madaxweyne Riyaale oo subaxnimadii hore ee saaka intii aanu tegin Taliska Guud ee Ciidanka oo lagu qabtay xafladda xuska munaasibadda Ciidanka Qaranka xadhigga ka jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha, waxa uu ku ammaanay Taliska Ciidanka Qaranka sida ay u dhiseen goobtaas oo ahayd meel ay reero degganaayeen tan iyo markii dalka dib loogu soo noqday sannadkii 1991. Waxana uu sheegay in meelaha kale ee dowladdu leedahayna sidaas oo kale loo dhiso. “Maayorka horena waan uga wadahadalay, waxaan adigana kugu amrayaa [Maayor Jiciir] in State House-kii aad bannayso, isagana insha allaahu aan dhisno oo noqon doona meesha mustaqbalka Madaxtooyada noqon doonta,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale. C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
  8. kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka u qaabilsan Africa Mss. Jendayi Frazer, ayaa saaka ka soo degtay Madaarka Egal International airport ee magaalada hargaysa. Jendayi Frazer oo saxaafada la hadashay waxa ay ugu horeyn tidhi ‘’Waxaan marka hore ugu hambalyaynayaa Jamhuuriyadda Somaliland nidaamka dimuqraadiga , Nabad gelyada iyo xasiloonida ay dalkeeda ka hir galisay’’ Inta ay joogto dalka waxa ay kulamo kala geddisan la yeelan doonta madaxda Jamhuuriyadda Somaliland. Waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay Jandayi ku timaado Somaliland. Waxa shalay wadanka soo gaadhay Safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia iyo wefti uu hogaaminayo kuwaas oo iyaguna hadda dalka ku sugan.
  9. Yes i'm a Somalilander and i'm against the occupation in Somalia. Yet as a country there is nothing can stop me meeting with them and discuss our national interest.
  10. who said they are Somalis ??,, they could be Oroms or Bantu
  11. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ugu weyn ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah siyaasi ruug caddaa ah, ayaa dadka qaarkii ku tilmaamaan hoggaamiye ayaan darran, waxa uu ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee ururkii xorraynta SNM. Haddana waxa uu nasiibkiisu ka qadiyay inuu noqdo hoggaamiyihii SNM ee dalka xoreeyay siddeed bilood oo qudha, markii laga joogay xil-wareejintiisii ayaa dalka Somaliland la xorreeyay marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), ayaana noqday hoggaamiyihii ayaanka u yeeshay xorrayntii dalka, isagoo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland. Inkasta oo Siilaanyo uu ahaa madaxdii u ololaysay doorashadii Cabdiraxmaan ee Bali-gubadle, haddana labadii sanadood ee SNM xukunka haysey waxa uu markiiba noqday mucaarid waxa halku-dhigyadii xilligas hadallada Siilaanyo ku badnaa ereyada "Dawladdi ma jirto," kuwaas oo wax badan ku soo baxay bogga hore ee saxaafadda xilligaas, manuu calfan inuu noqdo madaxweynihii bedelay Cabdiraxmaan Axmed Cali. Axmed mar kale waxa uu soo galay siyaasadda, isagoo hore u sheegay inuu ka baxay siyaasadda markii la furay Axsaabta siyaasadda, waxaanu ka qayb galay baratankii doorashada Madaxtooyada ee sanadkii 2003-dii, nasiib daro waxa kaga adkaaday Daahir Rayaale oo isagu taariikh halgameed iyo khibrad siyaasadeed toona aan lahayn. Doorashadii u dambaysay ee madaxtooyada oday Siilaanyo wuxuu xisbiga Kulmiye dhexdiisa faq iyo fagaaraba ku ballan qaaday da’ahaan iyo caafimaad ahaanba in aanu isu soo taagi doonin doorashada dambe, basle odaygu ma quusan haddana waxa mar kale la isla soo qaaday in lagula quusto sidii kursigaas loo fadhiisin lahaa, inkastoo rag xisbiga ahi u arkayeen in dhiig cusub lagu shubo xisbiga si guul kama dambays ah loo gaadho. Ma aha wax ku cusub siyaasiyiinta Somalida marka ay damacooga siyaasadeed la doog dhabanayaan inay sameeyaan heshiisyo iyo ballanqaadyo, balse qofka siyaasiga ah waxa lagu qiimeeyo sida uu isu cunsiiyo, una fadhiisiyo hab-farshaxnimo ah oo aanay isu hirdiyin damacyada siyaasadeed. Haddaba akhristow anigoo ah muwaadin reer Somaliland ah kana mid ah taageeraayasha Kulmiye ay isugu tageen haldoorkii ummadda oo aan rajaynayay inuu xisbigii talada hoggaamin lahaa, waxa marag ma doon ah in loolanka adag ee xisbiga dhexdiisa ka taagani uu wiiqay isku xidhnaanshihii iyo taladii adkayd iyo sumcaddii guud xisbiga. Waxaan la dafiri Karin dib-u-dhaca ku yimid shirweynihii xisbiga oo ay ahayd inuu qabsoomo sanad iyo afar bilood ka hor, waxaan jirin hoggaan xisbi oo sharci ah, marka laga reebo Guddoomiyaha xisbiga oo muddadii xil-hayntiisa loo doortay ay ku eekeyd 13-kii Augost 2007-dii, ma jiraan ku-xigeenno xisbi Fagadhe oo ahaa Gudddoomiye ku-xigeenkii xisbiga wuu is-casilay, xoghayihii guudna wuu dhintay Alla ha u naxariiste Marxuum Daa’uud Maxamed Geelle. Waxa muuqata in Axmed Siilaanyo maanta uu ku dulfadhiyo bam saacadduu rabo qarxi kara, sidaa darteed Axmed ha noqdo oday kala haga mashaqooyinkan docdiisa yaala, hana ka hadho musharaxnimada si uu u badbaadiyo sharafta iyo mustaqlbalka Somaliland, haddiise uu ku adkaysto ma muuqdo guul iyo mustaqbal micno leh oo ka soo bixi karta. Axmed M. Cige (Beebsi) Taageerayaasha Kulmiye, Hargeysa.
  12. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ugu weyn ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah siyaasi ruug caddaa ah, ayaa dadka qaarkii ku tilmaamaan hoggaamiye ayaan darran, waxa uu ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee ururkii xorraynta SNM. Haddana waxa uu nasiibkiisu ka qadiyay inuu noqdo hoggaamiyihii SNM ee dalka xoreeyay siddeed bilood oo qudha, markii laga joogay xil-wareejintiisii ayaa dalka Somaliland la xorreeyay marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), ayaana noqday hoggaamiyihii ayaanka u yeeshay xorrayntii dalka, isagoo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland. Inkasta oo Siilaanyo uu ahaa madaxdii u ololaysay doorashadii Cabdiraxmaan ee Bali-gubadle, haddana labadii sanadood ee SNM xukunka haysey waxa uu markiiba noqday mucaarid waxa halku-dhigyadii xilligas hadallada Siilaanyo ku badnaa ereyada "Dawladdi ma jirto," kuwaas oo wax badan ku soo baxay bogga hore ee saxaafadda xilligaas, manuu calfan inuu noqdo madaxweynihii bedelay Cabdiraxmaan Axmed Cali. Axmed mar kale waxa uu soo galay siyaasadda, isagoo hore u sheegay inuu ka baxay siyaasadda markii la furay Axsaabta siyaasadda, waxaanu ka qayb galay baratankii doorashada Madaxtooyada ee sanadkii 2003-dii, nasiib daro waxa kaga adkaaday Daahir Rayaale oo isagu taariikh halgameed iyo khibrad siyaasadeed toona aan lahayn. Doorashadii u dambaysay ee madaxtooyada oday Siilaanyo wuxuu xisbiga Kulmiye dhexdiisa faq iyo fagaaraba ku ballan qaaday da’ahaan iyo caafimaad ahaanba in aanu isu soo taagi doonin doorashada dambe, basle odaygu ma quusan haddana waxa mar kale la isla soo qaaday in lagula quusto sidii kursigaas loo fadhiisin lahaa, inkastoo rag xisbiga ahi u arkayeen in dhiig cusub lagu shubo xisbiga si guul kama dambays ah loo gaadho. Ma aha wax ku cusub siyaasiyiinta Somalida marka ay damacooga siyaasadeed la doog dhabanayaan inay sameeyaan heshiisyo iyo ballanqaadyo, balse qofka siyaasiga ah waxa lagu qiimeeyo sida uu isu cunsiiyo, una fadhiisiyo hab-farshaxnimo ah oo aanay isu hirdiyin damacyada siyaasadeed. Haddaba akhristow anigoo ah muwaadin reer Somaliland ah kana mid ah taageeraayasha Kulmiye ay isugu tageen haldoorkii ummadda oo aan rajaynayay inuu xisbigii talada hoggaamin lahaa, waxa marag ma doon ah in loolanka adag ee xisbiga dhexdiisa ka taagani uu wiiqay isku xidhnaanshihii iyo taladii adkayd iyo sumcaddii guud xisbiga. Waxaan la dafiri Karin dib-u-dhaca ku yimid shirweynihii xisbiga oo ay ahayd inuu qabsoomo sanad iyo afar bilood ka hor, waxaan jirin hoggaan xisbi oo sharci ah, marka laga reebo Guddoomiyaha xisbiga oo muddadii xil-hayntiisa loo doortay ay ku eekeyd 13-kii Augost 2007-dii, ma jiraan ku-xigeenno xisbi Fagadhe oo ahaa Gudddoomiye ku-xigeenkii xisbiga wuu is-casilay, xoghayihii guudna wuu dhintay Alla ha u naxariiste Marxuum Daa’uud Maxamed Geelle. Waxa muuqata in Axmed Siilaanyo maanta uu ku dulfadhiyo bam saacadduu rabo qarxi kara, sidaa darteed Axmed ha noqdo oday kala haga mashaqooyinkan docdiisa yaala, hana ka hadho musharaxnimada si uu u badbaadiyo sharafta iyo mustaqlbalka Somaliland, haddiise uu ku adkaysto ma muuqdo guul iyo mustaqbal micno leh oo ka soo bixi karta. Axmed M. Cige (Beebsi) Taageerayaasha Kulmiye, Hargeysa.
  13. Haven't heard from him lately ,,,, he must be suffering from the loss i guess.
  14. Adiga sina lagaama amaan helayo niyow ,,,, Well, it is not about having multiple partners and that is not the only way you can get STD ,,, this is a disease where everyone and anyone can get with/without being sexually active. I would encourage a yearly or periodically checkup ,,, after all, it is our health and our life. The problem with our fellow Somalis is they think if they're not having a multiple partner then that is it ,, but in this world one can get any disease from something he/she never thought would be the cause.
  15. what is the difference if it is addishorn, BBC or CNN ,,,, they're news agencies sxb.
  16. The Assistant Secretary of State for African Affairs, Dr. Jendayi Frazer reportedly gave a brief interview to the Somaliland National Television in which she indicated that the United States would like to see an African Union delegation to Somaliland for direct talks with both the government and the people of Somaliland. Speaking to reporter Musa Dahir Farah in Addis Ababa, whilst attending the African Union summit, Dr.Frazer reportedly stated "The United States supports a proposal to send a senior delegation from the African Union to measure the public opinion in Somaliland and to ascertain the current situation in the country". When questioned on the support for such a delegation, Dr.Frazer reportedly remarked "The United States is encouraging the African Union commission, through its Chairman, Mr. Alpha Omar Kanore, before the expiry of his term, to send a mission to Somaliland, and I have also raised the issue with other African heads of state" Dr. Frazer has on many occasions stated that the United States will follow the lead of the African Union in terms of the Somaliland issue, but, these recently reported comments can be perceived as call for the African Union to make headway on the Somaliland issue. In 2005, the African Union sent a delegation to Somaliland which reported that the issue of Somaliland's independence and international recognition merit a more comprehensive appraisal by the commission and its members. Dr.Frazer's reported comments come after a visit in January to the United States by President Dahir Rayale Kahin. Source Geeska Afrika
  17. Anigoo ka lah ah Raage Garaad Abdiqani Garaad Jaamac, Caaqil Ahmed Ali Abokor Caaqil, Mubaraak Omar (Ina Bug BUgle), Caaqil Ali Jaamac, Caaqil Abdi Diriye Gaydhe, Caaqil Cabdullaahi Shariif Dhagacade, Waxaan si sharafi ku dheehan tahay uga mahadcelineynaa Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Riyaale Kaahin Balantii uu nugu balan qaadey inuu sii daayo Dhalinyarada la soo jahawareeyey ee lagu qabtey dagaaladii ka dhacay Sool. Waxaan ugu baaqeynaa dadka soo jeeda Gobollada SSC iney ogaadaan Inuu Madaxeynuhu og yahay muhiimada ey leeyihiin iyo mudaanta dadka reer SSC Dadka reer SSCayn waxaa looga fadhiyaa maanta iney xoojiyaan midnimada iyo la shaqeynta Dawladda Soomaaliland. Maadsanidin Kenadiid M. M. KHaawi Jaaliyadda Sool-Sanaag-Cayn ee North America Here
  18. Layzie, i didn't know inaan abti kuu ahay ,,,
  19. Hargeysa(Qaran)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta ka qayb galay xuska sanad guurada 14aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka Somaliland, oo cutubkii u horeeyay la qarameeyay 2dii bishii octoobar, 1994-kii. Xafladii loo sameeyay dabaaldega sanad guurada 14aad ee ciidanka qaranka, waxa ka soo qayb galay shir-gudoonka goleyaasha baarlamaanka Somaliland, xubno ka tirsan golaha wasiirada, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Mujaahid Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax, wakiilka dawlada Itoobiya ee dalka, iyo xubno ka socday xisbiyada UCID iyo UDUB. Taliyaha ciidanka qaranka Gen. Nuux Ismaaciil Taani, oo xafladaas ka hadlay ayaa ka waramay sooyaalkii taariikheed ee uu soo maray tayaynta ciidamada qaranku waxana uu tilmaamay in 14 sano kadib markii la qarameeyay guutadii u horaysay oo ka koobnayd 500 oo askari oo ay u dhamaayeen beelaha Somaliland iyo maanta uu faraq weyni u dhexeeyo, isaga oo sii sharxaya arrintaasna waxa uu yidhi " Waxa laga joogaa 14sano markii la aasaasay ciidanka qaranka, sidaad ogtihiin dowladi ma dhismi karto ciidan la'aan waxana maanta ciidankeena qaranku uu yahay mid badi haysta adeegyadii daruuriga u ahaa ciidamada, waxana uu diyaar u yahay gudashada waajibaadkiisa gudaha iyo difaaca qaranimadaba". "Waxaanu kor u qaadnay tababarada ciidamada waxana aanu leenahay ilaa 4 dugsi oo kala ah Goraya-cawl, Darar weyne, Biyo guduud iyo Sheekh, waxa kale oo aanu tababar dibadeed aanu dalka Itoobiya ugu dirnay saraakiil ciidan oo soo baranaya tababar ciidan,injineernimo iyo dhaqaariirba, tababaradaasi waxay soconayaan muddo u dhaxaysa 6 bilood ilaa 6 sano waxana muhindisnimada bishan soo dhamaysanaya 7 sarkaal oo ah ardaydii dhamaysatay aqoonta dugsiga sare ee aan u qaadanay ciidan-nimo, layli sarkaalna waxa soo dhamaystay 3 dufcadood oo qaar ka midi yihiin mujaahidiintii dalka oo ciidanka qaranka ku jira "ayuu intaas raaciyay taliyaha ciidanku. Gen. Nuux Ismaaciil Taani waxa uu sheegay in ciidankiisu uu guul ka soo hooyay isla markaana jabiyay cududii ciidan maleeshiyada Puntland waxana uu yidhi " Ciidanka qaranku waxa uu guulo badan ka soo hooyay difaaca dalka iyo sugida xuduudaha, 1dii bishii 10aad 2007 waxa uu ciidanku jabiyay maleeshiyadii Puntland oo soo weerartay deegaanka Adhi cadeeye ee gobolka Sool, 15kii Octoobar, 2007-na waxa uu ciidanku ka guulaysatay maleeshiyadaas oo wadatay 58 baabuur oo tikniko ah dagaal ka dhacay boholaha xargaga, halka 12kii December, 2007-na ay cidanku cagta mariyeen maleeshiyadii ******teeniya ee fadhiisinkoodu ahaa Dhabansaar, oo doonayay in ay ciidanka qaranka jidgoyn u galaan kana jaraan wadooyinka". Taliyuhu waxa uu ciidamada qaranka ku tilmaamay kuwo ka soo dhalalay masuuliyadii loo unkay, waxana uu amaan u soo jeediyay wasiirka caafimaadka oo uu xusay in uu door fiican ka ciyaaray kor u qaadka adeega caafimaad ee ciidamada, waxa kale oo uu u mahad naqay baanka dhexe ee Somaliland oo uu carabka ku dhuftay in uu u fudaydiyo qarashaadka hawlgalka Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay ku talo jirto dhismaha ciidankii cirka, waxana uu yidhi "Ciidanka jiraa maanta waa kii lugta oo kaliya, oo aan waliba baahidiisii 2% haysan, laakiin himilada fog waa in aynu ku talo galnaa aasaaska ciidankii cirka oo la sameeyo, waayo ciidanka dhulku ilaa kan cirka lagu xidho guushiisa wax baa ka dhiman, inkastoo saraakiishan injineernimo loo diray waxa aan rajaynayaa in ay pilot-nimo soo bartaan". Ciidanka jiida hore waxa aan ku hambalyaynayaa guulihii ay ka gaadheen sugida xuduudaha waxana aan taliyaha iyo wasiirka gaashaan-dhiga leeyahay soo qora abaal marintii iyo waxii ay kala mutaysteen ciidanku, anaguna xukuumad ahaan ciidanka in meel kasta oo wax looga raadin karo looga raadiyo ayaa naga go'an" ayuu intaas ku daray madaxwaynuhu. Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu amaanay dalka Itoobiya oo uu sheegay in ay yihiin dalka qudha ee safaarad ku leh dalka isla markaana tababarka ciidamada qaranka gacan ka gaystay. Madaxwaynuhu waxa uu qiray in dhismaha iyo kobcinta ciidamadu aanay ahayn wax fudud oo ay u baahan tahay awood iyo dhaqaale. Sidoo kale waxa munaasibadaas ka hadlay wasiirka gaashaandhiga Md. Cabdilaahi Cali Ibraahim. Madaxwayne Rayaale waxa uu isla maanta xadhiga ka jaray dhismihii miiska saraakiisha oo lagu sameeyay dayactir kaas oo ku yaala xaafada Pepsi-ga ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu booqday madaarka magaalada Hargeysa.
  20. looooooooooool ,,, a friend of mine told me he uses plastic bag
  21. Originally posted by Nephthys: quote:Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: I said the place sucks ,,,,,,, i remember one night after we finished the meal and asked for the bill, the waiter stood there reading the bill shouting: "Waxaad qabtaan 99 Kun iyo shan boqol",,,, Bal yaa yidhi noo akhri ma reer miyi buu na mooday ,,, loooooooool JB waxaan ku waydiiyay, what currency do you use in Hargeysa? Somali Shilling lee ha idhihin, hadii kale saa u qoslaaayo waa suuuxaaaa..