The Zack

Nomads
  • Content Count

    7,629
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by The Zack


  1. they are both using each other to reach political objectives. That is the truth( as i see it).

    They are sure using each other but the Somalis can not see the big picture at all and it is the Ethiopians that are getting the best of this, making sure Somalia is divided for good.


  2. Maamulka Somaliland oo ku amray in muddo 24 saaac gudahood ah ay uga baxaan goboladooda weriyeyaashii ka soo qaxay Muqdisho

     

    Maamulka la baxay Somaliland ayaa maanta ku amray illaa 21 weriyeyaal ah oo todobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Hargeysa inay muddo 24 saac gudahood ah isaga baxaan.

     

    Amarkan oo uu soo saaray taliyaha guud ee ciidanka Booliska maamulkaasi Somaliland ninka lagu magacaabo Max’ed Sanqadhi Dubad ayaa si toos ah ugu war geliyay suxufiyiintaasi inay 24 saac gudahood uga baxaan magaalada Hargeysa, sababo aan la shaacin owgood.

     

     

    Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in sababta maamulka Somaliland ay u ceyrisay suxufiyiintani ay tahay in lagu eedeeyey weriyeyaashu inay wax ka sheegeen maamulka Itoobiya, taasina ay dhaawac u keeneyso xiriirka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

     

    Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli qaar badan oo ka tirsan weriyeyaashii magaalada Muqidsho ka howlgei jiray ay weli ku sii qul qulayeen magaalada Hargeysa oo amni ahaan ka wanaagsan magaalada Muqidsho, inkastoo ay haatan dib u dhacayaan qaar kale oo badan oo ay boorsooyinkoodu u xir xirnaayee si ay u aadaan Hargeysa.

     

     

    Xafiiska war qabadka Dayniile

    Goternburg, Sweden

    dayniilecom@hotmail.com