Som@li

Nomads
  • Content Count

    5,922
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Som@li


  1. URURKA AL-ISLAAX OO LACAG FARA BADAN GEEYAY SHIRKA NAIROBI SI AY UGA HORTAGAAN IN C/LLAAHI YUUSUF MADAXWEYNE LOO DOORTO

     

    Somaliweyn.com ( Mogadishu 11/09/04 )

     

    Ururka Al-Islaax oo ah mid ka mid ah urur diimeedyadii awooda badan ku lahaa Dowladdii C/qaasim ayaa lacag aad u fara badan geeyay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uga socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ujeedada ay ka leeyihiin lacagtaasi ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen in Col., C/llaahi Yuusuf loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

     

    Ururka ayaa dhowaan caddeeyay inuu taageersan yahay shirka, inkastoo uusan wax awood ah ku lahayn shirka, iyagoo horay gacan weyn uga geystay shirka Jabuuti kuna guuleystay inay Madaxweyne ka dhigaan musharaxii ay iyagu wateen oo ahaa C/qaasim Salaad Xasan, inkastoo aan la ogeyn cida ay iminka taageersan yihiin maadaama aysan sidii hore isku ahayn C/qaasim Salaad Xasan.

     

    Afhayeen u hadlay ururka Al-Islaax ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin shirka dib u heshiisiinta kooxaha Soomaalida uga socda magaalada Nairobi, waxayna ahayd markii ugu horeysay oo ay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aadan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

     

    Somaliweyn Information Center.

    Xarunta dhexe ee Wararka Soomaaliweyn.

    Muqdisho Somalia.

    somoginfo@somaliweyn.org


  2. Asalamau calaykum

     

    I welcome this idea, IFF we somali speakers get image of the current site in somali, and english is not allowed in somali sections.

     

    Else, it will be insultig to us who prefer to write/read in somali, and I plead to management to reconsider this option.

     

    wasalaam


  3. Barambaro soo dhowoow.

     

     

    with all the names in the world, why did u pple choose Barambaro, what is the connection?? :confused:

     

    cockroach.jpg

    here three barambaroS sharing a burger??


  4. hi all

     

    Question 1: Do all of us think of what we write when starting a topic or posting a reply?

     

    Not most of the times, when i am posting a reply i sometimes may give something against my veiws, so all my comments may not be what i personally believe.

     

     

    Question 2: If there were students that learn from the wisdom of the words we write (in SOL), do we think our words contain any useful information that can benefit them (student)?

     

    Yes, other than chitchats, many times pple here depate or talk abt some useful information. plus there are educated pple which can help students with Qs.

     

    Question 3: About chitchats, do our words in regards to general talk contain anything beneficial to any reader that browses SOL, or does our chitchat serve any purpose?

     

    MAy be they should add chitchat section, cuz it is everywhere. And i don't think they are beneficial at all redface.gifredface.gif .

     

    Question 4: When we start a topic what is our intention? Are we after learning from others' opinions or just to seek popularity of some kind?

     

    Learning from others opinions and i also post things that may be informative,jokes,Qs abt social issues. but for sure there are some users seeking popularity,and i don't know for wat reason?? :confused:


  5. ^^^^marka geel lo heeso baay gorayo u heestaa baan maqli jiray,, saaxiib u are 110% off the topic, :D , Topic ga dib u akhri.

     

    Alla-ubaahne waan kugu raacsanahay fegradaas. dhaqan gaalada ayay ku badan tahay in ninku uu wax ka umuliyo,Hadii duruufi jirto waa meesheeda,,markaa wax lagu dayan kara maaha ilaah baa ina leh'e.


  6. Acuudu BIlaaah,,,waxaan maqli jiray hadaad nolaadid geel dhalayana waa la arkaa :D Bahalka fool xumadiisa maxaa i ag dhigay?? :eek: :eek: Toloow tana maqalaya maxaa ku xiga? :confused:

     

    Gabdhau ogalaaata ,adaa Masuul ka ah hadii odaygaagu ka tago? :D

     

    wasalaam


  7. 20040712200444_hijab203.jpg

     

    Filinkan oo loo baxshey Hogaansanaasho ama addeecis, waxa qortey haweeney ka tirsan siyaasiinta garabka midig ee dalka Notherlands oo baaralamanka dalkaas ku jirta oo la yiraa Ayaan Hirsi Ali. Ayaan oo ah haweeney asalkeedu Somali yahey Muslimad aheyd markii ay Notherlands tagtey, hadda wey ka baxdey Muslinimada

     

     

    Siyaasiinta garabka midig ee Notherlands ayaa u ololeenaya xakameynta ajaanibka

    Filinkan oo loo baxshey Hogaansanaasho ama addeecis, waxa qortey haweeney ka tirsan siyaasiinta garabka midig ee dalka Notherlands oo baaralamanka dalkaas ku jirta oo la yiraa Ayaan Hirsi Ali. Ayaan oo ah haweeney asalkeedu Somali yahey Muslimad aheyd markii ay Notherlands tagtey, hadda wey ka baxdey Muslinimada.

    Filinkani Hogaansanaasho ama addeecis oo 11 daqiiqadood kaliya soconaya waxa uu ku saabsanyahey, haweeney ay dhibaato ka soo gaartey rabshado ka dhacey qoys meel wada dega oo la sheegey in la kufsadey, ka dibna si naxariis darro ah loogu ciqaabey iney gogola dhaaf sameysey.

     

    Qalanjada filinka jileysey oon magaceeda aan la sheegin, waxa ay gashaneyd cambuur ama toob khafiif ah iyo xijaab, iyadoo qaar ka mid ah jirkeedu uu muuqdey, laakiin wajigeedu qarsoonyahey.

     

    Ayaan Hirsi Ali

     

    Haweeneyda Filinkan soo agaasintey ee soo saartey, Ayaan Hirsi Ali oo ah xubin ka tirsan baarlamanka dalka Notherlands, waxa ay sheegtey in filinkan loogu talagaley inuu muujiyo waxa heysta haweenka jooga dalalka Iran, Somalia iyo Sacuudi Carabiya ee ku hoos nool ku dhaqanka shareecada Islaamka.

     

    Mid ka mid ah kooxaha Haweenka Muslimiinta ayaa filinkaas ku sheegey inuu yahey filin si xad-dhaaf ah u caytamey. Dhowr ka tirsan ururada Muslinka iyo wargeysyo ayaa iyaguna filinkaas ku sheegey inuu yahey daandaansi qota dheer.

     

    Gabadha filinkan qortey, Ayaan Hirsi Ali, marar badan ayeey si isdaba joog ah ugu tacadisey muslimiinta saaxiibadeed ah, iyadoo bulshada Notherland dhaxdiida dhaqanka Islamka wax uga sheegtey.

     

    Waddanka Notherlanads dhexdiisa, beryahan dambe siyaasiinta garabka midig ayaa u ololeenayey in sharciyo adag oo la xiriira socdaalka ama Immigrationka la soo saaro, waxana siyaasiintaas ay sheegaan in hogaamiyayaasha Muslimiinta ee dalka Notherland degen looga baahanyahey iney qaadaan dadaallo waaweyn oo Muslimiinta jooga Notherlands ama Holand u ogolaanaya iney ku dhex milmaan shicibka dalka Notherlands.

     

    bbc-somali


  8. Hung Chow calls in to work and says, "Hey, Boss I not come work today, really sick. I got headache, stomach ache and my legs hurt. I not come work."

     

    The Boss says, "You know Hung Chow, I really need you today. When I feel like this I go to my wife and tell her give me se-x. That makes everything better and I go to work. You try that."

     

    Two hours later Hung Chow calls again: "Boss, I do what you say and I feel great. I be at work at noon. By way, you got nice house." :D


  9. quruxda gabadha waa in ay noqotaa midii oo Bodhari ku tilmaamay Hodon,, wuxuu na yiri sidan........

     

    Qaar buu gabdhaha hilibku iyo

    hugu cusleeyaye adna inaanad

    haybtaa ahayn hubiyey dhawr jeere,

    naasaha sidii hooto waran hore usoo tagan,

    dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyane,

    gudub halacsi daymada indhaha hibada loo siiyey,

    qosol hanaqa soo tabayoo caashaq hurinaaya,

    ilka aan hogoodi ka lumin kalana hoosaynin,

    sankaaga hanaankiyo qorshaha hadiyad loo siiyey,

    dhabanada hareeraha wajiga halalac nuuraya ,

    suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn wayay,

    luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiiyey,

    timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab haabtay,

    heega iyo laafyaha gacmahan hibada loo siiyey ,

    dhexdan aan hareeraha u fidin horena usoo tagmin,

    hanaan quruxsan wataa luguhu ka haqab beeleene!.

     

    jacaylbaro markaa la soco!


  10. Geeridii Rasuulka SCWS

     

     

    Intuusan Rasuulku geeriyoon, Xujjatul wadaac ayaa wexey aheyd Xajkii ugu dambeeyay oo uu xajjiyey Rasuulka SCWS, waxaan halkaa ku suu degtay aayadda " Maanta ayaan idiin dhameystiray Diintiinna, idinkuna taam yeelay nicmaddeyda, raallina idiinka noqday inaad diin ka yeelataan Islaam"

     

    Markey ayaddas soo degta, Abu Bakar Al Sadiiq ayaa ooyey, Markaasuu Rasuulku SCWS ku yidhi Abu Bakar, Maxaa kaa oohiyey oo ku jira aayaddaan? "

     

    Abu Bakar wuxuu ugu jawaabay " Waa tacsidii Rasuulka Allah SCWS"

    Rasuulka SCWS waa ka soo laabtay Xujjatul Wadaac, dabadeed, sagaal casho ka hor intuusan geeriyoon Rasuulka, SCWS ayaa waxaa soo degtay aayadda " Iskana jira maalin, la idiin soo celin doono Rabbigiina, dabadeedna laga abaal marin doono naf waliba wexey galabsatay, ayagoon la duudsiyeyn"

     

    Xanuunkii waa ku soo kordhay Rasuulka SCWS, markaas buu wuxuu yidhi waxaan doonayaa inaan booqdo shuhadaada UXUD, markaas buu is dul taagay qubuurtoodii, asagoo odhanaya " Assalamu Calykum, shuhadaada UXUD, idinka ayaa naga hormaray, annana waan idin soo dab soconnaa, oo waan idin ka daba iman doonnaa, anigana hadduu Allah idmo waan idinku soo biiri doonaa"

     

    Rasuulka SCWS asagoo soo laabanayaa, ayuu ooyay, markaasey saxaabada ku yidhahdeen " Maxaa kaa oohinaya Rasuulkii Alllow"

    Wuxuu yidhii, SCWS " Waxaan u xiisay walaalahay" wexey yidhaahdeen, miyaannaan aheyn annagu walaalahaa, rasuulkii Allow?"

    Wuxuu yidhi " Maya, idinku waxaad tihiin asxaabteyda, laakin walaalahey waa dad iman doonaa gadaashey oo i rumeyn doona ayagoon i arag"

     

    Saddex casho ka hor intuusan dhiman, xanuunkii waa ku soo kordhay, wuxuuna joogay aqalka xaaskiisa Maymuuna, markaasuu yidhi " isugu kay keena xaasakeyga " Dabadeed xaasaskii waa loo wada keenay markaasuu Rasuulka SCWS yidhi " Ma ii ogolaaneysaan inaan inaan tago aqalka Caasha" wexey yidhaahdeen, " waan kuu ogolaannay rasuulkii Allow"

     

    Dabadeed Rasuulka SCWS wuxuu isku dayay inuu kaco, masa uusan awoodin inuu kaco, markaas baa waxaa yimid Cali ibnu Abi Talib, iyo Fadl ibnu Cabaas, markaas bey ka qaadeen Rasuulka Allah SWCS aqalkii Hooyada muminiinta Maymuuna, ooy u qaadeen aqalka Hooyada Muminiinta ee Runleyda uu dhalay Runlowga Rumeyay Rasuulka, SCWS Caasha Bint Abu Bakar . Wexyna noqotay markii ugu horreysay ay saxaabada arkaan Rasuulka Allah SCWS oo lagu sido gacmaha , markaas bey wexey yidhaahdeen " Maxaa helay rasuulka Allah, Maxaa helay Rasuulka Allah"

     

    Dadkii ayaa dabadeed isugu soo soo ururay masjidka, masjidkiina wa xaa ka buuxsamay Saxaabadii, nabigana waxaa loo qaaday aqalkii Hooyoada muminiinta Caasha, , dabadeed Rasuulka SCWS wuxuu bilaabay inuu dhidido, oo uu dhidido,, Caashana wexey tiri " intaan noolaa ma arag insaan u dhidida sidaan oo kale" Markaas bey Caasho qaadday gacanta Rasuulka SCWS ooy ku tirtirtay dhididkiisa,( Hadaba maxey ugu tirtirtay Caasha Rasuulka gacantiisa, oo ayan ugu tirtirin gacaneeda?)

     

    Wexey tiri Caasha " Gacanta Rasuulka SCWS ayaa ka wanaagsan kana karaameysan gacanteyda" taasna wexy muujineysaa sida ay u qaddirin jirtay Rasuulka Allah.

     

    Wexey tiri Ummul Muminiin Casha waxaan maqlay asagoo oranaya " Laa ilaaha Ilaa Allah, illeen geeridu wexey leedahay sakareaad, Laa ilaah Ilaa Allah, geeridu wexey leedahay sakaraad"

     

    Buuqii ayaa ku soo kordhay masjidka, markasuu Rasuulka ku yidhi Caasha "" waa maxay?" markaasey ku tiri " dadku wey kuu baqanayaan , rasuulkii Alllow"

     

    Markaasuu Rasuulka yidhi " ii geeya", markaasuu isku dayay inuu istaago, waase kari waayey, markaasey biyo ku shubeen dushiisa todobo weel oo biya ah si uu usoo baraarugo, dabadeed waa la qaaday, waxaan la saaray manbarka, taasna wexy aheyd khudbaddii ugu dambeysay Rasuulka Allah SCWS, iyo ducadii ugu dambeysay Rasuulka Allah SCWS.

     

    Markaasuu yidhi " Waxaad mooddaa inaad ii baqaysaan?" wexey yidhaahdeen, " Haa rasuulkii Allow waan ku baqaynaa"

    Markaasuu yidhi Rasuulka Allah SCWS "

    Dadyahow, ballanteenna ma aha adduunka, ee waa xowdka ( Jannada), Wallaahi, waxaad mooddaa inaan imminka meesheydaan aan ka arkayo maqaamkeygii .

     

    Dadyahow, idiinka cabsan maayo saboolnimo (faqiirnimo) waxaanse idiinka baqayaa addunnyada ( Hantida, iyo maalka) inaad ku baratantaan ( tartantaan oodd) sidii ay ugu baratameen kuwii idinka horreeyay, oo ay markaas idiin halaagto sidii ay u halaagtay ayaga."

     

    Markaasuu yidhi Rasulka SCWS " Dadyahow. Allah Allah,, Salaadda ayaan idinku ogohay ku dadaalkeeda" asagoo ula jeeda, Allah ayaan idinku dhaarshayee, Salaadda ku dadaala ee dhowra" aadna waa ugu celceliyey dardaaranka Salaadda. Dabadeed wuxuu wuxuu yidhi :

     

    " Dadyahow, Allah uga cabsada Haweenka, waxaan idiinkala dardaarmayaa Haweenka inaad wanaajisaan" markaas buu yidhi :

     

    " Dadyahow, Addoon buu Allah u bandhigay inuu kala doorto nolosha adduunka iyo waxa Allah agtiisa jira, markaas buu doortay Waxa Allah agtiisa jira"

     

    Qof gartay ma jirin wuxuu ula jeeday macnaha (addoonka), laakin wuxuu ula jeeday naftiisa, in asaga Allah uu kala dooriyey labadaas., Qof aan Abu bakar aheynna ma garan ula jeeddadaas, maxaa yeelay saxaabadu wexey caadeysteen iney si ixtiraam ileh ay u dhageystaan Rasuulka khudbadiisa, ayagoo aan xataa is dhaqaajin markuu Rasuulka la hadlayo, sida in madaxyadooda ay shimbiro dul saaran yihiin ay ka baqayaan iney bajiyaan.

     

    Abu Bakar markuu maqlay hadalkaas, waa is celin waayey, markaa buu cod dheer ku u ooyay, asagoo hiinragaya oo taagan Masjidka bartamahiisana, markaasuu khudbadii uu watay Rasuulka SCWS ka kala jaray asagoo oranaya :

     

    " Waxaannu ku hureynaa aabayaasheenna Rasuulka Allow, waxaannu ku hureynaa carruurteenna Rasuulka Allow, waxaannu ku hureynaa xaasakeenna rasuulka Allow , waxaannu kuu horeynaa maalkeenna rasuulka Allow, markaasuu ku celceliyey oo ku celceliyey.... markaasyey dadkii qooraansadeen, ayagoo la yaabban sida uu Abuu Bakar khudbada uga kala jaray Rasuulka SCWS

     

    Markaasuu Rasuulka Allah yidhi " Dadyahow, ma jiro qof idinka mid ah oo nagu lahaa abaal oo aannan abaal marin, illaa Abuu bakar, maxaa yeelay waan kari waayay inaan abaal mariyo, waxaanan u dhaafay abaal tirkiisa Allah Tacaalaa Cazza Wa Jalla, Albaabyada laga soo galo Masjida waa la xidhaa, marka laga reebo Albaabyada Abuu Bakar, waligood la ma xiro"

     

    Markaasuu bilaabay inuu duceeyo asagoo ku duceysanaya ducooyinkiisii ugu dambeeyaay intuusan dhiman.;

     

    " Allaha idin tuso (kheyr), Allaha idin xafido, Allaha idiin hiilliyo, Allah idin sugo, Allaha idin gargaaro, Allaha idin xafido"

     

    Ereygii ugu dambeeyay intuusan ka soo degin manbarka, wuxuu kula hadlayey ummadda, oo uu kala hadlay Minbarka dushiisa:

     

    " Dadyahow, igu salaama qofkii isoo raaca oo ummaddayda ah ilaa maalinka qiyaamaha"

     

    Mar labaad ayaa loo soo qaaday aqalkiisa, waxaana ugu soo galay aqalka, Cabdul Raxmaan ina Abu Bakar, oo gacantiisu ku haya caday, Markaasuu Rasuulklu SCWS ishiisa ku dhacday cadayga, waana ka jeesan waayey, waana kari waayey inuu hadlo oo uu yidhaahdo i siiya,

     

    Markaasey Caasha tri "

    " Waxaan ka gartay siduu ugu eegayay cadayga indhihiisa inuu rabo cadayga, markaasaan ka qaaday cadayga gacanta ninka, oon ku cadaystay si aan ugu jilciyo Rasuulka SCWS dabadeedna waan siiyey.

     

    Wixii ugu dambeeyay oo gala afka Rasuulka SCWS waxey ahaayeen candhuufteyda" Wexey tiri Caasha

     

    " Waxaa ii ahaa sharaf in Allah kulmiyey candhhufteyda iyo candhuufta Rasuulka intuusan dhiman"

     

    Markaas ayaa aqalka waxaa soo gashay inantiisa Faaduma, markaa bey oohin la soo gashay, maxaa yeelay wexey uga baratay aabaheed, in mar walba ay u soo gasho inuu usoo istaago oo uu ka dhunkado labadeeda indhood dhaxdooda, laakin maanta wuu kari waayey inuu usoo istaago, markaasuu ku yidhi Rasuulka Allah:

     

    " iisoo dhowoow Faadumaay" Markaasuu dhegteeda wax ugu sheegay, markaa bey ooyday, markaasuu haddana mar labaad yidhi " ii soo dhowoow Faadumaay" markaa buu haddana dhagta wax ugu sheegay, Markaa bey qososhay. Geeridii Rasuulka ka dib ayaa la warsaday waxaa uu dhegta ugu sheegay oo ka ooysiiyay, iyo waxa uu dhagta ugu sheegay oo ka qosliyey. wexey tiri :

     

    Markii hore wuxuu igu yidhi, " Faadumey, caawa mayd baan ahay" Markuu arkay oohintayda, ayuu haddan ii soo laabtayoo igu yidhi " Adiga iigu soo xiga reerkeyga qof isoo raaca, markaa baan qoslay"

     

    Markaa buu Rasuulku SCWS yidhi " Aqalka iiga baxa , markaa buu yidhi " Caashaay, ii soo dhowow" Markaa buu ku seexday laabta xaaskiisa Caasha, Hooyada Muminiinta,. Caasha wexey tiri " wuxuu gacantiisa u taagayay cirka asagoo oranaya

    " Waxaan doortay Wehelka sare, Waxaan Doortay, wehelka Sare"

    Waxaa laga gartay hadalkiisa, in lagu yidhi kala dooro nolol adduun iyo Wehelka Sare ee Allah SWT.

     

    Waxaa usoo galay Rasuulka SWC Jibriil, wuxuuna yidhi " Malakul Mowdka ayaa taagan kadinka ( Albaabka) oo kaa idin qaadanaya inuu soo galo, weligiisna hadda ka hor qofna kama qaadan idin"

     

    Markaasuu Rasuulku yidhi, u ogolow inuu soo galo Jibriiloow"

     

    Malakul Mowdkii waa soo galay, wuxuuna yidhi " Assalamu Calaykum Rasuulkii Allow, , Allah ayaa iigu kaa soo diray inaan ku kala dooriyo nolosha aduunka iyo inaad Allah la kulantid" Markaasuu yidhi " Waxaan doortay Wehelka Sare, Waxaan doortay Wehelka Sare"

     

    Malakul Mowdkii wuxuu dul joogsaday madax Rasuulka SCWS ( Sida uu u dul istagi doona madaxa qof walba) Markaasuu yidhi"

    Ruux yahay wanaagsan, Ruuxii Muxammad ina Cabdallah, ku soo bax raallinimada Allah, iyo Ridwaan, iyo Rabbi Raalli ah oon cadheysneyn,"

     

    Wexey tiri Caasha " Markii gacantii Rasuulka eey dhacday, madaxiisuna culeys ku noqday laabteyda, ayaan waxaan ogaaday inuu geeriyooday"

     

    Wexey tiri " Waan garan waayey waxaa ku dhaqaaqo, aqalkii baan ka baxay, oon aaday masjidkii ay joogeen saxaabadii, oon ku idhi " Rasuulkii Allah waa go'ay"

    Masjidkii ayaa oohin la qarxaday, waa kaa Cali, ibnu Abi Talib, oo la fadhiistay murug, Cuthmaanna waa kaa sida carruurta u isula meereysanaya, Cumarna waa kaa odhanaya " Qofkii yidhaaha Rasuulkii baa go'ay, waxaan seefteyda uga goyn madaxiisa" Rasuulku wuxuu u tagay inuu la kulmo Rabbigiisa, sida uu Muuse ula kulmay Rabbigiisa'

     

    Laakin maalinkaa waxaa dadka ugu xasilloonaa, Abu Bakar , Allah raalli ka noqdee, Rasuulka ayuu u galay , markaa buu laabta saarey, asagoo oranaya"

    " Wayeey, saaxiibkey, Wayeey, Kaan jeclaayoow, , Aabbahayoow.....................................................

     

    Abu Bakar Wuxuu ku yidhi Rasuulka " Wanaag baad la nooleyd, wanaagna waad la dhimatay,"

    Dabadeed Abu Bakar waa ka soo baxay, dadkii buu usoo baxay, markaa buu yidhi:

     

    Qofkii caabudi jirey Muxamad, Muxamad waa geeriyooday, qofkii Allah caabudi jirey se, Allah waa baaqi, ma geeriyoodo. Waxaan usoo baxay inaan ooyo, oon raadsado meelaan keligey ku ooyo"

     

     

    Qofkii sheekadaan maqla, oo qalbigiisa ka dareema jeceylka Rasuulka SCWS, waxaa laga rabaa afar arrimood:

     

    1. Inuu badiyo salliga Nabiga SCWS

    2. Inuu Sunnadiisa raaco

    3. Inuu barto taarikhdiisa ( Siirada)

    4. Inuu hadduu awoodo soo booqdo magaaladiisa Madiina( Shardigaan la ma hubo)

     

    Walaal, haddad afartaas sameyso, waxaad arki doontaa inshaAllah, in jeceylka Rasuulka qalbigaaga u galo, oo uu noqdo mid aad ka jeceshahay carruurtaada, maalkaaga, reerkaaga, iyod dakoo dhan.