Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Prime Minister meets President Farole inside President's Compound in Garowe
  2. Dr.Farole oo wafdi EU ka socdey qaabiley 13 Feb 13, 2013 GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 13 February,2013 ku qaabiley Xafiiskiisa Madaxtoyada Garowe wafdi ka socdey Midowga Yurub. Wasiiro iyo Saraakiisha Madaxtoyada ayaa ka qaybgalay kulankan looga wada hadlay mashaariicda Horumarineed ee Midowga Yurub ka wadaan Puntland iyo sidii loo dardargelin lahaa. Dr.Farole ayaa ka mahadceliyey booqashada xubnahan ,waxana uu sheegey in EU uu saaxiib dhow lahaa Somalia tan iyo burburkii Dowladii dhexe 1991. Midowga Yurub ayaa dhamaadkii 2012 sheegey in 158 Milyan oo Doolar ugu deeqeen Somalia kuwaasi oo ku baxaya horumarinta Deegaanka ,Amaanka iyo Adeegyada Bulshada.
  3. Wafdi xalay soo gaarey Garowe 14 Feb 14, 2013 GAROWE ONLINE Magalada Garowe xarunta Dowladda Puntland ayaa habeenimadii xalay si wayn loogu soo dhaweeyay wafdi ka socda rugta ganacsiga Jubbaland,waxaana wafdigaasi horkacayay Yaasiin Jaamac Ismaaciil. Masuuliyiin matalayay rugta ganacsiga Puntland,wasiiro,maamulka gobolka Nugaal,haween iyo dhalinyaro ayaa wafdigaani kaga hortagay duleedka koonfureed ee Garoowe,waxayna aad ugu qanceen qaabka loogu soo dhaweyay caasumadda Puntland,waxana loosoo galbiyay dhanka hotelka Rugsan oo horay loogu sii diyaariyay. Kullan ay warbaahintu dibad joog ka ahayn ayay wafdigu la yeesheen masuuliyiin dowlada Puntland ka tirsan,waxayna ka wada hadleen horumarka Puntland ka socda iyo sidii khibrad dhinaca ganacsiga looga koror san lahaa deegaanadda Puntland. Sida uu goor dhawayd wasiirka warfaafinta Puntland Mudane Maxamuud Caydiid Dirir u sheegay Garoweonline ,wafdiga ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa booqasho iskugu jirta ,isbarasho iyo wax ka kororsi dhanka ganacsiga iyo mamulka ah,wuxuna Dirir uu sidoo kale sheegay wafdigaani rugta ganacsiga Jubbaland ka socday inay la kulmi doonan madaxda Puntland. Yaasiin Jaamac Ismaaciil oo dhankiisa la hadlay Garoweonline ayaa sheegay inay ku farax san yihiin imaatinka Puntland,wuxun tilmaamay magalada Gaalkayo in si wayn loogu soo dhaweyay ayna ku amaanayaan shaacab ilaa dowlada qaabka ay iskugu xiran yihiin. Amaanka iyo kala danbaynta ka jirta Gobaladda Puntland ayuu sheegay inay ka baran doonan,ayna dib ugu celin doonan mamulka dhismihiisu uu ka socdo magalada Kismaayo ee Jubbaland. Si kastama ah ahaatee Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa si wayn u taageertay mamulka Jubbaland oo waayadan danbe lagu hawlanaa dhismihiisa sida uu mar sii horaysay sheegayna madaxwayne Faroole Dhismaha mamulkaasi inuu yahay mid danwayn ugu jirta shacabka Puntland ,kan Soomaliyeed iyo weliba hirgelinta nidaamka federaalka.
  4. A delegation compromising of Businessmen from the Jubba regions and Gedo of Jubbaland arrived in the capital of Puntland Garowe. They were hugely welcomed and received by the general public and started having meetings with high ranking Puntland officials in Garowe. The Delegation is in Puntland to get expertise in revenue making and how generally business functions in Puntland State. Puntland supports the formation of Jubbaland and expects more such visits to continue. A delegation of Puntland Elders will travel to Kismayo commercial capital of Jubbaland in the upcoming Jubbaland formation conference which will take offficial place at the end of February.
  5. Bossaso: Aas Qaran oo ka dhacaya 14 Feb 14, 2013 Magaalada Bossaso xarunta gobolka Bari ayaa lagu wadaa maanta 14 February,2013 inuu ka dhaco Aaska Qaran ee Marxuum Maxamed Saalax Ladane oo shalay ku geeriyoodey halkaasi. Madaxweynaha Puntland ayaa habeenimadii xalay digreeto ka soo baxdey xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay Guddi loo xilsaarey Aaska Qaran ee Marxuumka oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Jaamac,waxana sidoo kale hoos loo dhigaya calanka Puntland muddo saddex maalmood ah. Halkan ka akhariso: Taariikh Nololeedkii Halgamaa Ladane Qabuuraha Biyo Kulule ayaa lagu aasayaa Marxuumka ,waxana magaalada Bossaso laga dareemaya Mashquul badan iyo diyaargarowga Aaska Qaran. Garowe Online wararkeeda danbe ayaan idiin ku soo gudbineynaa Faahfaahinta Aaska Halgame Maxamed Saalax Deer ''Ladane '' oo da'a kor u dhaafay 110 sanno ku dhintey kana mid ahaa dhalintii SYL ee xornimada Somalia u soo hoyey. GAROWE ONLINE
  6. Sahmin & Naqshadeyn ka socota PL 13 Feb 13, 2013 GAROWE ONLINE Waxaa degmooyinka Puntland ka socda sahaminta iyo naqshadayn loogu gogol xaarayo tirakoobka dadka Puntland oo la filayo inuu si rasmiya u bilawdo bisha March ee sanadkan. Degmooyinka sahminta iyo naqshadaynta laga samaynayo ayaa gaaraya 37-degmo,waxaana kooxaha sahminta soo dhaweeyey qayabaha bulshada ee deegaanadaas ku nool. Gobolada Haylaan iyo Sanaag oo aan la xiriirnay ayaa kooxaha sahamintu ay noo shegeen inay hawshu si fiican ugu socota,iyagoo xusay inay gaareen degaano aan hore maamulku u gaarin. Madax kooxaha u baxay Sanaag iyo Haylaan Siciid Cabdulaahi Uurcad oo la hadlay Radio Garoowe ayaa sheegay in Deegaanada ay hawsha ka hayaan ka mid tahay deegaanada hoos taga magaalada Ceerigaabo. "Degmooyinka aan u xilsaaranahay ee hawlaha ka qabanay ayaa ah degmooyinka gobollada Haylaan & Sanaag,waxaana ka mid ah Baran,Xingalool,Fiqifuliye, Laasqoray,Dhahar,Xingalool iyo Buraan. Uurcad ayaa sheegay in hawlaha Naqshadaynta & Sahamintuba ay guul ugu socdaan aysan jirin wax caqabada oo ka hortimid. Halkan ka dhageyso Wareysiga CabdiQani Irbad la yeeshey Uurcad
  7. Biography of Haji Mohamed Salah Deyr Taariikhdii Halgamaa Maxamed Salaax Deer(Xaaji Ladane) February 14, 2013 Halgame, Mudane Maxamed Salaax Deer oo loo yaqaan Halgame Haji Ladane Salaax wuxuu ku dhashay Magaalada Kismaayo, Calanley 1914. Wuxuuna yaraantiisii ku barbaraay gobolada Bari iyo Mudug, halkaas oo quraanka iyo waxbarashada uu ka bilaabay. Mudane Ladane Salah Deer waxaa dhalinyaranimadiisii uu u wareegay dhulka Itoobiya halkaas oo uu waxbarashadiisii ka sii watay. Intuu dhulkaas ku noolaa Halgame Haji Ladane Saalax Deer wuxuu si fiican u fahmay macnaha dawladnimo iyo qaranimo iyo ku noolaanshaha waddan xor ah oon gumaysi ka talin. Halyey Ladane Halgame Haji Ladane Saalax wuxuu waddanka ku soo noqday markii dhaqdhaqaaqa gobanimo doonku biloowday. Inkasta oo uusan ku jirin 13kii halgame ee aasaasay ururkii gobanimo doonka ee SYL, Halgame Haji Ladane waxaa asaxabtii SYL ku tirisaa dadkii udub dhexaadka u ahaa guusha ay SYL gaartay. Waxaa xaqiiq ah 90% 13kii mudane ee SYL sameeyey in aysan aqoontooda dhulka Soomalidu dagto dhaafsaneeyn Mugdishu iyo magaalooyinka ku dhow dhow. Si loo helo dhaqaale lagu fuliyo hawlgalada ururka SYL waxaa muqadas ama daruuri noqotay in aaraada ururka lagu fidiyo dhulka Soomaalidu dagto si loo helo taageeraayaal xubin ka noqda ururka iyo dhaqaale lagu fuliyo howlaha ururka. Halgame Haji Ladane maadaama uu ahaa nin dhul yaqaan ah, dad badan oo saaxibo SYL ahna kasban kara waxaa madax looga dhigay gudiga dhaqaale uruninta iyo diiwaan galinta xubanaha SYL ee gobolada koofur ka xiga banaadir ilaa dhulka Soomalidu dagto ee Ethiopia. 1945 ilaa 1960, Halgame Ladane Salaax Deer wuxuu safaro aan kala go’ lahay ku tagi jiray goboladaas oo dhan ood qiyaasi kartaan dhulka fogaantiisa, iyo gaadiid xumada waqtigaas jirtay. Waqtiyada uu sida gaarka ah u xuso marka la weeydiiyo hawshii uu qaranka Soomaliyeed u soo qabtay waxaa ka mid ah soo ururintii lacagtii lagu dhoofiyey ergadii uu hogaaminayey Halgame Cabdulahi Ciise oo ahaa saxiibkiisa qaaliga ahaa. Haji Abdullahi Cise Mohamed oo fadhiya, Haji Mohamed Ahmed Ottavio iyo Haji Mohamed Salaax Ladane (11, 08. 1952, Mogadishu). Halgame Haji Ladane wuxuu yiraahdaa- Gumeysigii Talyaanigu si xoog leh buu uga soo horjeeday bixitaanka Halgame Cabdulaahi Ciise oo ay SYL u diyaarinaysay in uu ka qaybgalo shirkii Ururada Qaramada Midoobay ee lagu go’aaminayey ayaaha Soomaaliya. Haji Ladane wuxuu yiri SYL lacag meel u taalay oo ay ku ambabixiyaan ergadii uu hogaaminayey Mudane Cabdullahi Ciise ma jirin, wax lacag haystana nalakuma arkin, niyad uun baan haynay”. Waxay noqotay in aan baxo oo lacagtii ka soo aruuuriyo gobolada oo dhan. Markaan soo noqday Halgame, Cabdirishiid Cali Sharmake oon saxiib ahayn, ogaana safarka dheer ee aan ka mid, baa ku farxay in Ilaah i soo nabad caliyey oon lacagtii ergada lagu dhoofin lahaana aan ka soo gaarsiiyey. Intuu si kalgacal leh iigu soo booday oo foolka iga dhunkaday buu wuxuu yiri Ladanow maanta lacagtaan la’aanteen Cabdulaahi iyo ergadiisu ma baxeen, hawsha SYL iyo xoraynta wadankaan aad u soo qabatay Ilaah ha kaa baal mariyo.Waxaan ku iri Cabdirishiid kuligeen Ilaah wadankeena oo xor ah Rabbi ha nawada tuso. Ilaahna waa naga aqbalay.” Xoriyaddii Ka dib, Halgame, Ladane Saalax Deer wuxuu ka mid ahaa xubnihii barlaamnkii 1969, wuxuuna xisbigoodu oo lagu magacaabi jirey “Xisbiga Libaaxa” ka soo galay magaalada Buulo barde. Wuxuu siyaasadda ka fariistay markii ay xukunka la wareegeen Dawladdii uu hogaaminayey Marxuum Maxamed Siyaad Barre. 1970 Halgame Haji Ladane wuxuu u wareegay dhinaca beecmushstarka, oo uu guulo badan ka gaarey, sida shirkaddii Ladane-Magan Company Ltd oo keeni jirtey daawadda waddanka laga isticmaalo. Sidoo kale wuxuu aasaasey shirkaddii “Afro Arab International Group” oo iyaduna ahayd import-export company. 1991dii ayaa Halgame Haji Ladane Saalax iyo qaar ka mid ah reerkiisu u qaxeen Qahira kuna noolaa muddo toban sanno ah, ka dibna dalka Maraykanka oo uu degenaa todoba sanno. 2007, ayaa Marxuum Cabdulahi Yusuf Ahmed Madaxweynihii hore ee Dawladda Ku Meel Gaarka ahi ku Casumay Halgame Haji Ladane Saalax in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka shirkii dib u hshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Muqdishu July 15, 2007 uuna la hogaamiyo Mudane Cali Mahdi Maxamed. Shirkaas waxaa ka so baxay qodobo saldhig u noqday furdaaminta qaranimaddii cakireeyd ee siyaasada Soomaliya. Halgame Haji Ladane Salaax Deer waxaa uu ahaa gabyaa qarsoon, mar walbana tixo gabey ah ama afarey ah ka tiriya wacyiga soo marey. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa markuu ka soo wareegay waddanka Mareykanka, soona degay Bosaaso iyo Carmo ka hor, wuxuu tiriyey tix afarey ah oo uu ugu magacdarey “ DALTABYO”, isagoo caddeynaya inuu wax walba ku haysto Mareykan, kuna jisaari Karin, haddana aan ku qanacsaneyn sii joogidda Mareykanka, ayuu yiri: Damiirkaygu waa diiddan yahay dibad ku noolow eh Dawo iyo daryeel waa helaa daacadda ilaahe Danbi weeye inaan dayrsadaa dayrta maanta ahe Dal-tabyaa I haysoo wax kale ima daweeyaane Eebbow Dalkaygii I gee, kaa duraansadaye Oo igu daryeel daa’imow deeqe waa adiye Eebbow dul iyo hoos anoo aad iga daweysay Oo duubyada caafimaad igu dalaqsiisay, Eebbow dalkaygii I gee kaa duraansadaye. Ilaahay subxaana wa tacaalaa ducaddiisii waa u qaadey. Haaji Ladane wuxuu ummadda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay nabadda ehel u noqdaan, waddanka kala dagaalamaan Jaadka oo sal u ah ciribtirka dhaqanka iyo dhaqaalaha, iyo baabi’inta jiilka soo koraya. Haji Mohamed Saalax Ladane waxaa uu lahaa xaas qaali ah Maryan Dhore Gulled Cad Cad, wuxuuna ifka kaga tage saddex wiil, todoba gabdhood iyo labaatan iyo laba ay sii dhaleen oo uu awoowe u yahay. Waxaanu rabi uga baryeynaa inuu qabrigiis u waasaciyo, janadii fardowsana ugu bishaareeyo. Samir iyo iimaana rabi naga wada siiyo dhammaanteen. Warbixintan waxaa diyaarshey, Ambassador Ebyan Ladane, Waxaa isku dabaridey Sakariye Isticmaar.
  8. GAROOWE: Madaxweyne Faroole ka tacsiyeeyey geerida Halgame Ladane Saalax Deer. February 13, 2013 Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 13 February,2013 waxa uu tacsi u direy eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodey Alaha u naxariistee Ladane Saalax Deer oo kamida ahaa Halgamayaashii Xoriyada Somalia Madaxweyne Faroole & Halgame Ladane mar ay ku kulmeen Degmada Carmo. Magaalada Bossaso ayuu ku geeriyoodey waxana la sheegey in dhowaanahan uu la ildarnaa xanuuno maadaama uu da’a noqdey isagoona 100 kii sanno ku dhowaa. ”Aniga oo ku hadlaya Afkayga ,kan dowladda iyo shacabka reer Puntland waxaan halkan uga tacsiyeynayaa intii uu ka tagay Marxuum Ladane Saalax oo ahaa halgamaa Soomaliyeed” Ayuu yiri Dr.Farole. Alle ayuu uga baryey madaxweynuhu in Marxuumka uu Jandiisa Fardowso ka waraabiyo isagoona dhinaca kale uga baryey in samir iyo imaan ka siiyo intii uu ka tagay. Alaha ha u naxariistee Ururkii Dhalinyarada ee gobanimo u dirirrka Soomaliyeed ee SYL ayuu xilal kala duwan ka soo qabtey Marxuumka ,waxana lagu wadaa in maalinta beri ah lagu aaso magaalada Bossaso. puntlandpost.com
  9. The Ugaas , Gaashaan State Minister for good governance and the Finance minister speaking to the Press and masses at the funeral