ANTARA

Nomads
  • Content Count

    231
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by ANTARA

  1. ^^ not to worry BOB there ain't no inferiority complex , more like superiority complex if there is such a thing :D .

    I have just come across this sad story of a Somali man who was stabbed back in July may Allah (SWT) forgive him, I believe the thug :mad: who murdered him is jamaican

    source

    By: Geoff Bennett

    Evening Post

    A Bristol teenager found guilty of murdering a man in a St Paul’s pub has been jailed for life.

    April Bright, 18, of Wilder Street, St Paul’s, stabbed 35-year- old Mohamoud Hassan in the neck at The Criterion pub following last year’s St Paul’s Carnival.

    She had already admitted manslaughter – but a jury at Bristol Crown Court took just over two hours to convict her of a murder charge on Tuesday.

    On Wednesday morning she was given a life sentence, and ordered to serve a minium of 12 years.

    Picture (Metafile)Justice Roderick Evans, at Bristol Crown Court, said he hoped that, in handing down the minimum term of 12 years, it would deter other teenagers from equipping themselves with knives.

    Sentencing Bright, the judge said there was no excuse for anyone to arm themselves with a knife.

    “When you went out on carnival night you took with you a knife, that you told the jury was for your own protection,” he said.

    “That is no possible justification for taking a knife.

    “The carrying of knives is a matter of grave public concern and the presence of knives on our streets in clubs, pubs and in the hands of young people of your age so often leads to serious injury or in this case death.

    “A slight, an insult, an inappropriate behaviour, real or imagined, so often leads to the production of a knife and to the consequences in this case.”

    It was claimed during the two-week trial that Bright stabbed Mr Hassan because he was part of a group making “a lecherous nuisance of themselves”.

    Richard Smith, QC, prosecuting, told the jury that The Criterion had been packed with carnival-goers partying the night away.

    Mr Smith said Mr Hassan, also known as “Tiger” or “Warrior”, had been partying and was in high spirits.

    His post-mortem examination later revealed he was twice the legal alcohol limit for driving.

    Mr Smith said Bright, who had spent the evening with her boyfriend, friends and family, had also been drinking and had been described as moody, excitable and aggressive.

    He said: “She had come to carnival armed with a knife in her tracksuit trousers.

    “She had been seen in possession of that weapon.”

    Mr Smith said, shortly before the murder, Bright had confronted Mr Hassan in a St Paul’s cafe, warning him not to mess with her and telling him: “You don’t know my people. You don’t know who I am.”

    The jury was told a group of Somalian men were touching and talking to women and were perceived as a nuisance.

    He said that, when Bright and Hassan crossed paths in The Criterion, Bright produced her blade and stabbed him in the neck.

    He told the court: “Mr Hassan emerged from the alleyway, through the bar of the pub, clutching his neck and bleeding profusely.

    “He was bleeding from a single stab wound inflicted by the defendant. He was aided by a lady and collapsed on the front step of the pub.”

    The court heard that, after pushing her away to where Hassan lay bleeding to death, witnesses heard April Bright say: “Let him die.”

    -------------------------------------------------- ------------------------------

    On behalf of the Somali community in Bristol I would like to express our sincere thanks to Avon and Summerset Police for their persistence and quiet determination in securing justice for Mohamoud’s murder. Also, our special thanks to Police community Liaison Officers.

    I’m over the moon with the verdict, especially for Mohamoud’s family and friends.

    She has got what she deserved. She will go down for at least 12 years and I really glad that’s what she got it - it’s the minimum she deserve after the misery she has caused.

    We cannot celebrate the sentencing as it has brought grief to someone’s house, but it’s been a long struggle and finally justice is delivered.

    Hopefully, the sentence will send out a statement to those thinking of taking a knife into public places what tragic circumstances can result

    Kaysar Maxamed

    Editor of the Somali Voice

    www.thesomalivoice.co.uk

    kaysar@europe.com

    Bristol.UK

  2. The subject is the tension between Jamaicans and somalis..

    Personally I have witnessed more racism directed at Somalis come from Jamaicans rather than whites. Why do you think that is the case? What is causing the misunderstanding between these two black ethnic groups?

    watch this

    Usually in a fight of words between a Somali and a Jamaican the Somali is called a refugee and is also told to return to his country. The Somali without the slightest hesitation will usually call his nemesis a slave and I think most of them mean to say a house nigger for discriminating against a fellow black person.

    What is ur take on the subject

  3. Islam is laden with a beautiful wisdom these al-shabaab charlatans are bound not to understand.

    For any body to be punished for adultery there has to be 2 witnesses who saw everything.

    It is almost impossible for two people to witness such an action in such a detail so long the society has some iimaan.

    On the other hand, the severity of the punishment is a deterrent and is mostly symbolic to show where religion stands on such matters.

    Ilaahey taa yar danbigeed ha dhaafo oo janada ha geliyo .. amiin

  4. Funnly enough, i first thought wat the heck is this got ot do with freedom of speach, but u r spot on, there is alot of double standards.

    For them when celebrities get offended it is different i think, but then again Gordon is tryinga show he is not "out of touch" and has feelings like the rest of the public who apparently got "offeneded" by what these two morons had to say..

    BTW i missed reading the metro the day dis story broke, this guy's photo was all over the place and I hate him for some reason.

  5. Nin somali ah oo LIXDAN jir ah laga soo daayey shalay Guatanmo Bay.

    Nov 02, 2008 at 11:02 AM

    Hargeysa(Ogaal)- Maxamed Xusseen Cabdillaahi (60) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Togdheer ee Somaliland oo muddo Todoba (7) sanaddood ah ku xidhnaa Xabsiga Guantanamo bay, ayaa shalay ka soo degay madaarka Magaalada Hargeys, ka dib markii Maraykanku ka soo daayay Xabsigaa Jimcihii doraad.

    Maxamed Xusseen Cabdillaahi oo lagu soo wareejiyay gacanta hay’ada ICRC, si ay u soo gaadhsiiso Somaliland, shalay markii ay madaarka Hargeysa keeneen waxa halkaa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro) iyo dad eheladiisa ah.

    Kuwaasoo ku soo dhaweeyay dalkiisa hooyo oo ay ugu danbeysay 1967-kii.

    Hadaba, Maxamed Xusseen Cabdilaahi oo da’ahaan waayeel ah, waxa uu waraysi khaas ah oo uu xalay wargeyska Ogaal la yeeshay kaga hadlay, sidii loo qabtay, sababtii loo qabtay, wixii uu kala kulmay Xabsiga Guantanamo-bay Todobadii sanadood ee uu ku jiray, sidii loo soo daayay iyo duruufaha kale ee guud ahaan ay wadaagaan dadka Xabsigaasi ku sii hadhay ama laga soo daayay. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan;

    Ogaal: Maxamed Xusseen, goorma ayaa lagaa soo daayay Xabsiga Guatanamobay?

    Maxamed Xusseen: Jimcihii ayaa xagaa la iga soo qaaday, markaa Maantana (Shalay) waxaan imi Jabuuti, halkaana waxa iga soo qaaday Diyaarad ay leedahay hay’ada ICRC, markaa sidaas ayaan Hargeysa ku imi.

    Ogaal: Ma keligaa ayaad ahayd, mise waxa ku wehelinayay cidii xagaa kaa soo qaaday?

    Maxamed Xusseen: Diyaaradii aan xagaa ka soo raacay cid illa socotay ma jirin. Mid turjumaan ahaa oo iyaga u shaqaynayay iyo Naag wax sawiraysay oo iyaga u shaqaynaysay mooyaane, waxa kalena waxay ahaayeen Millateri diyaarada ka shaqaynayay.

    Ogaal: Ma wax dambi ah ayaa lagugu waayay oo sidaas ayaa laguu soo daayay,?

    Maxamed Xusseen: Annigu marka horeba, dambi aan galay oo la igu qaatay ma jirin. Gurigayga ayaa la iga qaatay, Xoolihii guriga yaalay-na way qaateen, Maraykan-baana gurigayga iga qaatay. Markaa, markii ay xagaa I geeyeena wax dambi ah la iguma helin. Laakiin, dadka meesha joogaaba dambi ay leeyihiin ma jirto ee way iska xidhan yihiin. Markaa, hadda waxa jirta in dawlad cusubi ka dhalanayso Maraykan, markaa tii hore waxay doonaysaa bal ceebihii ay ku dhacday inaanay ku dhicin, waxana dhici karaysa in meeshaba la xidho oo dadkaba laga wadda saaro.

    Ogaal: Adiga goorma ayaa lagu qabtay, sidee laguu qabtay, halkee lagugu qabtay?

    Maxamed Xusseen: waxa la I qabtay bishii labaad 2002-dii, markaa Bakistan baan joogay, oo aan deganaa 17-sanadood. Ciqaamad ayaanan ku lahaa, xafiiska Laajiyiintana bidaaqad ayaan ka haysay. Markaa, Maraykanku gurigayga ayuun buu iga qaatay, wax alla wax dambi ah oo aan galay oo ay igu qaateena ma jirin. Ilaa maantadana waxaan lahaa uun maxaan sameeyay, maxaad ii soo qabsateen ma jirto.

    Ogaal: Imisa sanadood ayaad Jeelka Guantanamo ku xidhnayd?

    Maxamed Xusseen: Ilaa todoba sanadood.

    Ogaal: Todobadadaa sanadood maxaad kala kulantay, Xabsigaas?

    Maxamed Xusseen: Dadka dulmi ayaa lagu qaaday, wax wanaag ah oo ay dadka kula shaqeeyaana ma jirto, aad ayay u qalafsan-yihiin, markaa Ilaahay ayaa jira.

    Ogaal: Adiga wax Maxkamad ah ma ku saareen?

    Maxamed Xusseen: Waxa jirta, Maxkamad millatari oo meesha ka shaqaysa. Waxa kale oo jirta Maxkamad kale oo dhinaca Maraykanka ku taala oo sare oo doonaysa inay baadho dadka meesha ku xidhan iyo waxyaabaha loo haysto. Markaa taas ayaa sabab u ah inay dadka meesha ka saaraan.

    Ogaal: Adiga waxa nagu maqaalo ah in mudo laba sanadood ahba meeshii lagu geynayay la doonayay, markaa ma xiligaas ayaa lagu sii daayay?

    Maxamed Xusseen: Mudo afar sanadood ku dhaweyd-ba, inaan meesha ka baxo ayay ahayd, hadana intaa wey isii haysteen. Marka horena dambi igumay qaadin, markana dambi igumay helin, markaa sidaa ayuunbay meesha iigu hayeen, hadda ayaanu Ilaahay iga soo saaray.

    Ogaal: Nin kale oo Soomaali ah oo xidid tihiin ayaa kugula xidhnaa Xabsigaas, hadana waa lagaa reebay oo lama soo deyn isaga, bal ka waran arrintaa?

    Maxamed Xusseen: Maxamuud Saleebaan gurigiisa ayaa laga qaatay, wax dambi ah oo uu galayna ma jirto, intaan aniga la I qabsana meelahaa Laba Bilood ayuu iga horeeyay ayaan u malaynayaa. Ilaa imika wax ay ku haystaan ma jirto. Hadana weli meeshii ayuu ku jiraa, goor la soo deyn doonana Ilaahay ayaa og.

    Ogaal: Isaga Maxkamad miyay saareen?

    Maxamed Xusseen: Maxkamadoodu waa Maxkamad Millatari wax macno ah oo ay leedahay-na ma jirto, dambi aanad qabin ayay ku saarayaan, laakiin markaad tidhaahdo cadee dambiga aad igu haysato, waxba kugu cadayn kari maayaan.

    Ogaal: Adiga ma argagixisay kugu eedeeyeen?

    Maxamed Xusseen: Wax kasta waa ay kugu eedeynayaan.

    Ogaal: Laakiin, haday argagixiso kugu eedeeyeen, hadana markii ay dambi kugu waayeen ku soo daayeen, taas maxaad u aragtaa?

    Maxamed Xusseen: Waxa jira, markii hore dambi aanu galay nagumay qaban, markay na baadh-baadheena dambi nagumay helin. Nimankani, diin-na nagulamay noolaanin, qaanuuna nagulamay noolaanin, waa na qaateen meelbay na saareen, markii danbena waa soco weeye. Laakiin, qofku hadii uu dambi leeyahay, oo dambigii lagu qaado waa wax macquul ah weeye, hadii dambi lagu waayo oo la sii daayana waa suurtagal. Laakiin, iyaga (Maraykanka) toodu waxa weeye, dambi lahow ama ha lahaanin meeshuunbaa lagugu haynayaa.

    Ogaal: Imisa qof oo kale oo Soomaali ah ayaa hadda ku jira Guantanamobay?

    Maxamed Xusseen: Sadex nin oo kale ayaa ku jira, laakiin dadka kale ee aan Soomaalida ahayni way fara badan yihiin.

    Ogaal: Todobadaa Sanadood ee aad jeelkaa ku jirta, waxayaabaha raadka kugu reebay ee aanad Iloobi karayn ee halkaa kaa soo raacay maxaa ka mid ah?

    Maxamed Xusseen: Markay Todoba Sanadood meel igu xidheen, ee ay Gurigaygii baadheen, ee ay reerkaygii iga dhex qaateen, iyagiina cidla kaga tageen maxaa taa ka weyn?

    Ogaal: Mar kasta ma Sil-siladaa la idinku xidh-xidhi jiray?

    Maxamed Xusseen: Silsilad waxa iigu dambaysay Diyaarada aan soo raacay, Silsiladi dhexda ayay igaga xidheen mid lugaha ayay igaga xidhnayd, miday Kursiga iigu xidheen. Waxaas ayay igu wada xidh xidheen.. Intaanu Jeelka ku jiray, mar kasta oo aad Albaabka makhsinkaaga dibada uga baxayso ama aad Dhakhtarka tegayso ama wax lagu weydiinayo, Silsiladaas ayaa lagugu xidhayaa si kale umma baxaysid.

    Ogaal: Cibaadada sow idiinmay ogolayn?

    Maxamed Xusseen: Taasi, waa caadi markaad Maqsinkaaga ku jirto, silsiladi kuguma xidhna?

    Ogaal: Su’aalihii ugu badnaa ee ay ku weydiin jireen markii baadhistu kugu socotay maxay ahaayeen?

    Maxamed Xusseen: Wax kasta waa ay ku weydiinayaan, maalintaad qufucday maxaad u qufacday, Caruurta hubkaad bari jirteen muxuu ahaa. Al-qaacida ayaad tahay, ninka haystana waad la kulantaye, maxaad ka wadda hadasheen. Hadaad tidhaa waar lama kulmin, waad la kulantay ayaa lagu odhanayaa, wax walba waa lagu saarayaa.

    Ogaal: in halkan lagu keeno ma adigaa codsaday, mise iyagaa khasab kugu keenay?

    Maxamed Xusseen: Annigu waan diiday inaan meel kale qabto oo la igeeyo dal kale, anigaana codsaday in la I geeyo dalkayga oo ku idhi igu celiya.

    Ogaal: Hada mar hadaad halkan nabad-gelyo ku timi, maxaad u jeedinaysaa eheladaadii iyo dadkii kale ee ka qayb qaatay sii deyntaada?

    Maxamed Xusseen: Waxaan leeyahay, waan caafimaad qabaa waanan wanaagsanahay, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in aan wadankayga wanaag ugu noolaado. Xukuumada Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dhamaan Golaha Xukuumada iyo Golayaasha Baarlamaankana aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa, waxaanay iga yeeleen sidii aan filayay oo waa xaqa la isku leeyahay. Sidoo kale, Looyaradii xagaa iiga shaqeeyay iyo looyarada halkan ee gacanta ka geystay arrimahayga iyo dhamaan intii kale ee gacan ka geysatay iyagana waan u mahadnaqayaa.

    Source Ogaal

  6. You know, one of the men who were killed in those explosions was a relative of mine, I haven't seen him in a while but I have fond memories. He was a caring uncle, I remember in my childhood how he used to tell us of his travels around the world and about his journey to where the "sky met the earth" apparently this was supposed to be somewhere in Europe. Alaa yarhamu that guy was Xuseen Af-gaab who was killed in madaxtooyada.

    When such things happen it is easy for emotions to take over and I was no different. But one thing that you should know is what happened in Hargeisa is exactly why these defenceless families (who are mostly children and woman) have fled their homes. They share more in common with us than they do with Al-shabaab. If anything, wallahi we should even love them and look after them more.

    Gobta, magangelyuda afka baarkiisa uun kama aha ee aflagaada iska daa ninyow. iyagiiba dadkani kasoo baxsadey cadaab oo yaaban markasaad adna iyagii cadhada kula dul dhacsaa waa kusidee .

    As for protecting Somaliland, It is up to the people to step up to the challenge and without a doubt they will ee calm down shiekh.

  7. CIMG3087.JPG

    Jaaliyada Muqdisho ee S/Land oo Daawooyin gaadhsiiyey dhakhtarka Hargeisa

    This is a very good development

    "Sidoo kale waxa uu maanta wasiirka caafimaadka iyo maamulka dhakhtarka Hargeysi deeq daawooyin ah oo dhan 7 kun oo doolar ka gudoomeen jaaliyada Muqdishoee ku dhaqan magaalada Hargeysa."

    CIMG3069.JPG

    Guddomiyaha jaaliyada Muqdisho ee S/Land Faarax Qiindhow iyo Sultan Xasan Ismaciil Cabdi oo suldaamada beesha ka mid ah

    Iyo

    Hayada ICRC ee laanqayrta cas ayaa maanta soo gaadhsiisay diyaarad siday dawooyin loogu talo galay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii dhowaan laala beegsaday magaalada Hargeysa.

    sdwo

  8. ^^ Somaali yaanyoo !! (tomato) is defintely a new sheeko

    Qudhac is understanbly angry but he is rigth in terms of the security being negelcted, eventhough this caught everyone off guard.

    I think somalilnd needs to consider how to fight these guys very seriously.

    It is an easy thing to deport or send people to prison. But the real battle will be fought in the arena of public opinion. So, while these guys are brainwashing our kids it will be more effective if our culimaa took the initiative of doing s/thing about it.

  9. Tranlsation of a statement made by the honourable leader of the Ucid party

    faysal_ll.jpg

    After convening a press conference in Ambassador Hotel the chairman made the following statement:

    What is at stake here is not only the precious lives of those who were martyred in Hargeisa but it is our nascent democracy. Therefore, I certainly condemn any rush to make unfounded accusations or call for genocide or any sweeping generalisation if and when we find out who did this.

    We shouldn’t be listening to reactionary men like Siilanyo, and neither should we listen to Riyale and those who have neglected the security of our nation. We need wise and strong leadership for our security and if I was the leader our enemy al-shayadiin wouldn’t have dared to send those maniacs our way, as they would have known the consequences of their actions.

    The Men who committed these heinous atrocities in Hargeisa should be brought to justice, we should also take some serious measures in combating terrorism in Burco:

    • Sufism and Timo-weyn should be declared as the only two official madhabs in S/land.

    • So as to not jeopardise our democracy and our civilised way of living I suggest we set-up a Guatanmo style prison somewhere in Laasanood.

    • We should then sentence those who are convicted to death or life imprisonment which ever id easier.

    • The ones who are sentenced to death should be killed with home made explosives to give them a taste of their own medicine.

    • I also call for the deportation of all Southerners, including putland folks and the all Jareer who have been terrorising the local community with their lethal black magic. These men are responsible for most of the patients in the country’s countless physcaitric hospitals.

    • We should impost a nation wide emergency taxation of $ 100 per head to acquire a substantial amount of armaments from the Ukarain. We should then plan an invasion of Garowe and boosao were Cade Muse is collaborating with the terrists and the magicians.

    www.SNMsoldiers.com

  10. Originally posted by al-Hashimi:

    I'm a student in the Middle-East and want to study next year inshallah in the UK, where can I study? I want a Uni with Muslims Inshallah, in a city with Muslims [London, Leicester, Birminghamm etc.]

    Any advice!??!?!

    Brother, first many congratulations on your high aspirations. U.K has some of the leading universities in the world so choose carefully. I would advice you to base your decision on the ranking nad the reputation of the university you want to attend and not only on the presence of a Muslim society. That being said, you will find very vibrant islamic societies in almost all universities.

    Your field of interest should also dictate which university u should go to, certain universities excel in certain subjects.

    Some of the most well rounded universities include :

    Oxbridge (Cambridge and oxford)

    Imperial

    LSE

    UCL

    KINGS

    BRISTOL UNI

    BATH UNI

    MANCHESTER

    BIRMINGHAM

    SOAS

    QUEEN MARRY

    and the list goes on..

    check the Times and the Guardian’s good university guides. Smaller cities such Bristol and Birmingham have the added advantage of the presence of a diverse Somali community as well as cheaper living cost, u can even rent from some Somalis.

    Rent is not too high in all of London either; u can find some cheap student accommodation with London University (check the ULU website), £294 or £320 per month for a small or a large room respectively. In the rare case that you have the dosh to spend then you can check out the nice apartments in Gower Street they cost an arm and a leg.

    Unfortunately, travel expenses are bit inflated even though u get a student oyster card to travel with. At the moment I am paying around £19.50 a week for the underground just for three zones, on the other hand the bus is around £9.50 a week but you will need to have the patience of Ayuub as you will be spending most of your time on the double-decker.

    But being in London means u can make good friends especially with people from the middle-east. There is a strong presence of hardworking Iranian and Arab students, they will certainly motivate you and vise versa. There is also some Somali presence in these universities; u might even meet the Xaajiyo ;) of your dreams, intaasina kaftan ha iga ahaato and good luck Inshalaah.

  11. Originally posted by Valenteenah:

    $50 million? Really? Seems a bit farfetched.

    LMAO @ "I'm now dating a pirate." Ha ha ha.
    :D

    Which obviously puts all the isbaaro men out of business as well as all those faaraxayo who work tirelssly 7 days a week just to find and impress da qalanjo of their dreams. meesha waxbaa ka dhacey.

    Bal ana xabad hagbad ururisaa han doontee wey iskaga haagagi lahaayeen arrimuhuye.

    SEP_28_2008.jpg

    http://www.aminarts.com/SEP_28_2008.htm

  12. ^^ Logically speaking you are spot on.

    If we agree that Dr laxwase was the first, it leads to the natural question of what was his was his tribe? … and according to their tribal affiliations most people will either accept ur calim as the truth oo aan biyo is marin or reject it as been aan raad laheyn.

    So, may be it is better to find out who was the first man/woman in ur tribe to graduate from university, may be that task will be less daunting.

  13. Anuu ismaan laheyn nin somali ah ayaa dhakadaa waalan la iman doona, ilaaheyba inaga og horta wax cadeyna ah ma heyno weliye.

    Hadey ku cadaato se, maalintaa ayuun baa rag badan loo yaaaba.

    Article By Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

    Jannadu waxa ay taallaa gondaha hooyada (Lakiin garneyl bey dhigeen<--- me)

    Ma maanta ayaa Soomaali Maxamed garnayl inta ay dhexda ku xidhatay, dad shicib ah oo meel saf kaga jira ama danahooda u jarmaadsan isku maqiiqday oo janno, abaalmarin, ciqaab, halaag, il, cawri, farxad, naxdin iyo wax si isugu dheggan oo aan la garanayn ka dhex baadhatay.

    Muddo imika ku siman laba sannadood iyo dheeraad waxa sidii Fadhanfadhka dhulka hoose ee isku xidha Faransiiska iyo Iswisirlaan rafanayay oo hoosta ka xordayay saynisyahanno iyo farsamayaqaanno reer Bini-Aadan ah. Lacag lix bilyan oo doollar ku dhow ayaa shaqadaasi ku kacday. Ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay waa in laba atam oo naqan oo mid ba gees laga soo kaynaaniyay la iska hor keeno oo madaxa la isugu dhufto, meeshaas qaraxa ka dhaca dabadeed la derso. Halkaasna sidii dunidu ku bilaabantay cilmigeeda laga baadho.

    Shiinaha oo xiisihii uu ka qaaday ciyaarihii Olombigga la kurbanaya ayaa isaguna saddex nin samada ku cayntaariyay oo inuu ummadaha isbida barbar ordi karo dhinaciisa kaga dhawaaqay.

    Qolyo kale, cid uun ka dhashay ayaa iyaguna meelo xisaab iyo saynis lagu gorfaynayo kaga fekeraya in meerayaasha mar uun la dego oo dabaqyo laga dhiso.

    Qolyo kale ayaa fayras xayraan ah meel eryanaya oo dawo aadamaha wax u tarta raadkeeda ku jooga.

    Intaas oo dhan iyo in kale oo ka badan waxa ay ka dhacayaan koonka guudkiisa. Wax kale ayaa iyana meel kale ka socda.

    Qolo kale oo si u foororta ayaa meel kale oo aad miskiin loogu yahay, dadku qadaa ma dhergaan iska yahay, baahidu ku badan tahay iyana dedaal dheeraad ah ka wadda. Maskax si u maqluuban oo aan caqligalku ku degin iyo muruq ***** ah oo meel aan looga baahnayn lagu muquuninayo iyo maal halkii looga baahnaa aan u socon ayay isu geynaysaa. Belo iyo baas ku abaabulaysaa, wax aan la fahmayn oo cidi saadaalin karayn ku raadinaysaa.

    Waa taas cudur dawaynweyday, dayaxa u kiciweyday, wax aadamaha anfac u leh soo saariweyday ee masaakiinta jarmaadsan Hargeysa badhtamaheeda kaga dhiijisay. Waa taas Boosaaso wax ku naafaysay.

    Caqliga Soomaaligu si kasta oo uu isaga maqluuban yahay wuxuu lahaa xad aanu dhaafin; xadka maanta laga gudbay ee cawaaqibxumadiisii Hargeysa iyo Boosaaso lagu gardaadiyay.

    Muxuu caqligaasi doonayaa? Ma janno? Cadaab? Kursi? Magac? Mooyi, anigu kollay garanmaayo wuxuu doonayo, waxa se aan ogahay oo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda dhab ka ah:

    “Muslin kuma cabiidsamo walloon madaxa kaa goyne”, Saahid Qamaan.

    Inta ku nafweyday Hargeysa iyo Boosaaso waxa ay ku baxeen gacan ka xaqdaran. Cidda fikirkaas qalloocan soo fulisay ee halkii ay koonka wax kala qaybsan lahayd wiilal yaryar meel cidla ah ku xeraysatay ee tidhi ishaas baa janno idiinka dagantay ee ka gala abaalkeeda if iyo aakhiro way helaysaa. Waa la is baranayaa, la isdilayaa, la isku soo baxsanayaa, la isla degayaa oo aakhiro la isula dhaadhacayaa, dabadeedna waxa soo hadhaysa:

    Naagyahay adduun iga qatalan quusna waan ahaye

    Qoonkaad ogayd baan la shiray ama se Qoorgaabe

    Caawa na qudhaydiyo Cabdoo qaawan baa hadhaye, Ismaaciil Mire.

    Jannadu waxa ay taallaa gondaha hooyada, halkaas in laga dayo oo naxariis, kalgacal iyo muxibbo lagu raadiyo weeyaan. Haddii se hooyada gondaheedii garnayl la dhigo oo inta qaraxu falfalliidh u kala tuuro hilibkeeda laamiyada laga soo ururiyo xaalkaaga iyo janno waa kala dheeranayaan. Xisaab iyo arrimo aan laga gudbayn baa kugu soo mudhuxsanaya.

    Falalka foosha xun ee 1029(29kii Oktoobar 2008) Hargeysa iyo Boosaaso ka dhacay waxa ay ka turjumayaan burburkii ummadda Soomaaliyeed soo gaadhay oo dhammaantiis la isku soo koobay. Saddex hal u fiirso.

    Carruur Soomaaliyeed oo guryaha Soomaalida oo keli ah jabsata oo wax ka xadda oo magaalada Liverpool ka hawlgasha oo aan bulshadu xilliga ay heerkaas gaadheen ka warhaynin, reerahooda iyo waalidkood na qirsanayn ba.

    Saddex kun iyo wax dheer oo wiil oo Soomaaliyeed oo xabsiyada UK ugu xidhan tuugo, dhac, kufsi, xashiishad iyo belo oo dhan oo aan bulshadu goorta heerkaas la gaadhay ka warhayn.

    Iyo kuwa jannada hilibka maatada ee Hargeysa la wadhay ka dhexbaadhaya

    Saddexdaas murugo waxa ay wadaagaan dun keli ah oo isku xidha; sida bulshada Soomaaliyeed u dhimatay ee aanay isu ogayn.

    Saddexda goobood ee Hargeysa ee la qarxiyay waxa ay tusmo kooban inaga siinayaan yoolka bahalaha falka geystay.

    Madaxtooyada: Waa meel u taagan maamul la bartilmaansado, muujinaysa nabadda iyo kaladambaynta taalla dalka. Jannadu malaha waxa ay ka dhexmuuqataa buuqa, qaska, waallida iyo isdaba yaaca, geerida iyo burburka masaakiinta. Qofkii naf gooyaa wuxuu la mid yahay qof wixii nool oo dhan gooyay; taasi baabka bahalaha falkan geystay kuma jirto.

    Qunsuliyadda Itoobiya: Waa cadawgii oo soo dhowaaday, meel aad ka tiigsankarto soo degay. Jannadu malaha waxa ay ka dhexmuuqatay maatada Ardasababa fiisaha u doonanaysa ee ku talajirta inay waallida Soomaaliya la magacbaxday ka yaacaan.

    Xarunta UNDP: Iyagu waa gaalo, hay’ado cadcad oo dano gaar ahaaneed ka leh ummaddan muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ee aan hilbahooda jannada ii muuqatay ka dhexbaadhayo.

    Halkaas marka aad fikirkaaga ku ururiso waxa kuu soo baxaysa sida caqliga falka waxashnimada ah ee 1029(Oktoobar 29) Hargeysa iyo Boosaaso laga fuliyay u shaqaynayo, sida caqligaas loo dhisay ee loo rakibay ayaa kuu iftiimaysa. Waa caqli la khalday oo maqluubka u shaqaynaya.

    Bal haddaba caqliyahow waadigaas maato iska muraadsanaysa sii galaaftay ee aakhiro u sii raacay ee sharraxaad ka bixi waxa albaabkii cadaabta ku geeyay ee kii jannada lagaaga soo celiyay. Sheeg dee, u sheeg Eebbe(swt) waadigii saxsanaaye waxa jahannaba laguu geeyay; “Ninkii dhiirri sheegtow is furo, way dhanaantahaye”, Hadraawi.

    Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail.com

  14. Anuu ismaan laheyn nin somali ah ayaa dhakadaa waalan la iman doona, ilaaheyba inaga og horta wax cadeyna ah ma heyno weliye.

  15. Anuu ismaan laheyn nin somali ah ayaa dhakadaa waalan la iman doona, ilaaheyba inaga og horta wax cadeyna ah ma heyno weliye.

  16. Maba dhici karto, nin iyo naag ciyaarha jiirka meeshii ugu adkeyd isla maraya oo iska dhex baxaya iney cid aragtaa especially in Somalia.

    Waliba sidaa ayaa dhaar laga rabaa iney arkeen alaabtaa qumaatiga u kacasa. Hadey dhaartaana waxa imanasa maxaad ka qabanseen meesha, ileen nin aad iyo aad u qabow ayuunbaa taasoo kale daawadee.

    markaa raga looxyada yar yar sitow diinta xikmad baa ku jirtee waa in odayaashan shabaab doontu xanuuntey la iska qabta.