General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. That's your opinion Adeer & a minority one as the vast media outlets have shown. Yusuf wa sa decorated war hero who served his nation bravely. Somalia once was proud o ts armed forces and he was one of the gratest comanders of that force. In his lifetime Schools were named after him today a major airport bares his name. AUN Abdullahi Yusuf Ahmed a man I knew in life and respected.
  2. President Sharif is doing a fine job. Good luck sir. Don't let the Shababites and fake religious groups hide behind civilians again.
  3. “Maamuus Qaran awgeed waxaan soo jeedinayaa in marxuum C/llaahi Yuusuf loogu magac daro garoonka dayuuradaha magaalada Gaalkacyo si loogu xusuusto waxqabadkii marxuumka iyo taariikhdii uu kaga tegay umada Soomaaliyed” ayuu yiri madaxweynaha oo sii hadlayey. “Sharciga Islaamka sida uu inoo sheegayo waxa waaye reerka laga dhintay inaan culeys la saarin oo dab laga shidan, waxaa rabnaa boorka inaan ka jafno Sunadana uga faa'iideysano sida ay ina fareyso, taasoo sheegaysa marka geeri dhacdo 3-maalmood inaan dab la shidi karin, raashinkana isagoo bisil looga keeno deriska” ayuu yiri madaxweynaha oo sii hadlayey. “Afartii bilood ee la soo dhaafay shaqsi ahaan aniga iyo Cabdullaahi Yusuf waxaan noqonay saaxiibo aad isugu dhow, Mar walbana waan wici jiray si aan ula socdo xaalkiisa, wuxuu ahaa geesi wadani ah, igama qarsoona Cabdullaahi inuu ahaa Wadani jecel Dalka iyo Dadka wuuna ila dardaarmay isagoo igu booriyey inaan shacabka daacadnimo ugu adeego” ayuu sidoo kale yiri madaxweynaha.
  4. “C/llaahi kama dhiman reerkiisa oo kaliya ee wuxuu ka dhintey Qoys kasta oo Soomaaliyeed, wuxuu ahaa Halgamaa lama ilaawaan ah, Taariikhduna waa qoraysaa, wuxuu ahaa ninkii hormuudka ka ahaa aasaaska Puntland, nabadaan iyo wada jirka aan manta joognana inoo horseedey, wuxuu ku taami jirey inuu Soomaaliya soo celiyo Qaranimadeedii, wada fiicana wuu noo bilaabay, waana ku soconaa, waana helaynaa Qaranimadii, Illaahow u naxariiso, janadii Fardowso ahaydna ka waraabi” ayuu yiri madaxweyne Faroole.
  5. Dhamaan Wafuudii ka qaybgalay Aaska oo Gaalkacyo u hoyday caawa Posted by Pi on March 25th, 2012 Wadaxweynaha Soomaaliya iyo Wsftiguu hogaaminayay iyo Madaxweynaha Puntland Cabfiraxmaan Sh. Maxamed iyo Madaxda Puntland Ayaa Caawa u hoyday magaalada Gaalkacyo oo ay maanya ku aadeen Alla ha unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaæiya Mudane Cabdullaahi Yusuf oo Jamcadii ku geeriyooday Isutaga Emaaraadka Carabta. Faahfaahinta warkaan kala soco wararkayaga dambe. Posted in warka
  6. Yusuf was accorded full respect in accordance with his stature.
  7. President Sharif, PM Abdiweli, President Faroole, ex President Cade Muse. Islaan Bashir Islaan Abdulle.
  8. Hiiraan Online Ahmed Abdisamad Sunday, March 25, 2012 (HOL) - In a rare occasion in 21 years of divisions Somali leaders attended the burial of the former president Abdullahi Yusuf Ahmed united in unprecedented event. Hundreds of people turned out in what the TFG called a nationwide funeral for the former head of state at the international airport in Mogadishu, where a burial ceremony was held before being laid to rest in Galkayo.* President Sharif Shiekh Ahmed led the* prayers in a national burial ceremony in Mogadhishu calling all Somalis to forgive their former leader. “Anyone who is holding any contempt in his heart for the former president, I ask you to forgive him because he is God’s guest today,” said president Sharif Sheikh Ahmed. Several government leaders attended the funeral including prime minister Abdiwali Mohamed,cabinet minister,members of parliament, Former Somali president Ali Mahdi Mohamed,family members and hundreds of* mourning citizens. The body of the late president was then flown to his birth-place Galkayo, where he was laid to rest. President of Puntland Abrihman Mohamed Farole and other government officials attended* another burial ceremony in Galkayo. Somalia’s former president died in Dubai hospital last Friday for kidney and heart failure.
  9. This was a good move. I am looking forward to one day Insha Allah traveling to Abdullahi Yusuf Airport.
  10. Daawo Sawirada:- Markii Meydka Cabdullahi Yuusuf laga soo dejiyay Garoonka Muqidisho Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka degtey diyaarad sida meydka AHN madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed. Madax ka socoto Dowlada Kmg ee Soomaaliya ayaana Goobta ku sugneed waxaana ka mid ahaa Madaxweyne Shariif Sheikh Ahmed, Raisul Wasaare Cabdi Gaas, Gudmooyie ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Cabdiweli Muudey, Wasiirada Dowlada Kmg ee Soomaaliya., Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse, Qoyska Madaxweynihii hore ee Dowlada Kmg ee Soomaaliya Marxuum Cabdullahi Yuusf, Ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Augustina Mahiga, Safiiro ka socday Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya, Madax kale iyo Dadweyne fara badan oo ka socday qeybaha Bulshada. Hadaba Jawiga sida uu ahaa iyo Qaabka ay u dhacday Janaasada Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed, Sawiro Badan hoos ka Daawo. Marxuum Cabdullahu Yuusuf ayaa sanadkii 2007-dii xiligii uu Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya waxa uu Aas Qaran u sameeyay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan. Hadaba Hoos ka Daawo Aaskii Qaran ee uu Marxuum Cabdullahi Yuusuf, isagoo Madaxeyna ah u sameeyay Aadan Cadde.
  11. Masha-Allah congrats to the whole LST family and may the little one be a wonder to the world.'
  12. Gen. Morgan, Maslax Maxamed Siyaad, Maxamed Dheere, iyo siyaasiyiin kale oo ka tacsiyeey Geerida Alle ha u naxariiste C/laahi Yuusuf. Sat, 24 Mar 2012 19:11:11 -0400 pm -04:00 -14400** Nairobi, Mar, 24 - Gen. Siciid Maxamed Xirsi Morgan, Maslax Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cumar Xabeed ‘M. Dheere’ Xasan Daahir Maxamed ‘Afqurac’ iyo siyaasiyiin kale oo la soo xiriiray Radio Daljir Daljir ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaanba umadda Somaliyeed, gaar ahaan eheladii uu ka tagay marxuun C/aali Yuusuf Axmed. Siyaasiyiintaan oo kale jooga dalka iyo dibadda ayaa ayaa isku raacay in umadda Soomaliyeed ay weyday nin miisaan wayn ku lahaa dalka iyo dibadda. Maydka marxuunka ayaa lagu wadaa in barri laga dajiyo magaalada Muqdisho halkaas oo salaadda jinaasada lagu tukan doono, laguna qabanayo xaflad baroor diiq ah. Waxaana intaasi ka dib loo soo duulinayaa magaalada Galkacyo oo lagu aasi doono. Diiwaanka Wararka Radio Daljir
  13. Siyaasiga Soomaaliyeed Cali Cabdi Awaare Kana Mid ahaa Siyaasiyiintii la soo shaqeysay AHN C/laahi Yuusuf Axmed Aqoon dheerna u lahaa ayaan wax ka weydiinay Aqoontii uu u lahaa C/laahi Yuusuf isaga oo jooga Wadanka Jabuuti Cali Cabdi aware oo horey uga soo mid noqday Golihii wasiirada ee Xukuumadii Uu madaxweynaha ka ahaa* AHN C/laahi yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in aqoonta uu u lahaa ay ahayd in uu ahaa nin Jecel Nabada Islamarkaasina ka shaqeyn jiray Horumarka iyo isku xirka Ismida iyo Cuqaasha Mr Awaare ayaa sheegay in intii ay siyaasada kuwada Jiree C/laahi yuusuf uu ku xusuusto inuu ahaa nin Dulqaad badan oo dhageysat Qof kasta oo uu la kulmo waxaa uu sheegay in hadi uu Marti geliyo 20 qof uu dhageysan jiray hadalkooda waxaana uu ahaa qof Xusuus badan oo Xifdiya Kalmadaha dadka uu la kulmayo Awaare oo DOwladii C/laahi Yuusuf ka soo noqday Wasiirka Wasaarada Dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Islamarkaasna ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhawaa Madaxweynaha intii uu ku jiray Siyaasada.
  14. Odayaasha, waxgaradka, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada Beelaha Mudullood oo dhambaal tacsi ah soo gaarsiiyay Bogga Jowhar.com ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo Umadii Soomaaliyed uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed. Dhambaalka Tacsida ayaa waxaa eebbe looga baryay Madaxweynihii hore, inuu Janadii Fardowso eebbe ka waraabiyo, waxaa loogu baaqay dadka Soomaaliyed inay cafiyaan. Tacsida ayaa waxaa diraya:- Imaamka Beelaha Hiraab Islow Maxamed Yuusuf Cali Ugaas Cabdulle Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed Ra'iisul Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Xaaskiisa Ra'iisul Wasaarihii hore Amb. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Xildhibaan Muuse Suudi Xildhibaan Salaad Cali Jeelle Xildhibaan Cumar Finish Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan Maxamed Cumar Xabeeb Amb. Maxamed Cali Ameerika Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Dr. Cusmaan Maxamed Gacal Ciise Axmed Cumar Yuusuf Xasan Maxamed (Yuusuf Yare) Sheekh Axmadey Fooley Xildhibaan Prof. C/llaahi Afrax Xildhibaan Muuse Cali Cumar Cadde Xasan Cali Gaabow Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur Cabdi Jiinow Calasow Shariif Xuseen Jilacow Dhamaan Jaaliyadaha Beelaha Mudullood ee dibadaha, ganacsatada, dhalinyarada iyo Haweenka waxay tacsi qaran u dirayaan Umada Soomaaliyed iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii hore Soomaaliya oo saaka salaadii subax ka hor ku geeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaa'id ee Magaalada Abuu Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharnews@gmail.com jowharcom@hotmail.com
  15. Beesha **** ******* oo ka Tacsiyadeynaysa Geeridii ku timid Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Print here| By: allgedo.com: Saturday, March 24, 2012 // u Jawaab Related Articles Beesha **** ******* oo ka Tacsiyadeynaysa Geeridii ku timid MDX hore ee Soomaaliya Mudane-C/llaahi yuusuf Axmed… Inaa lilaahi wa Inaa Illaahi Raajacuun. Waxaa halkaan tacsi ka diraya dhamaan Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada,waxgaradka,Cuqaasha,Culima awdiinka,Dhalinayada,Ururada haweenka ee Beesha **** ******* oo ku Nool Dal iyo dibadba Iyagoo ka tacsiyadaynaya Geeridii Naxdinta lahayd eek u timid Madaxweynihii Hore ee soomaaliya Mudane-C/llaahi yuusuf Axmed,oo maaalinimadii jimcada ahayd ku geeriyoodey dalka Imaaraadka carabta. Waxayna uga tacsiyadeynayaan geeridaas naxdinta leh Qoyskii ,qaraabadii,iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee uu ka baxay madaxweynihii hore ee soomaaliya mudane C/llaahi yuusuf axmed, waxayna illaahay uga baryayaan marxuumkaas inuu Qabrigiisa u waasiciyo janadii fardowsana uu ka waraabiyo,Eheladii,qaraabadii,iyo umadii soomaaliyeed oo uu ka baxayna Samir iyo Iimaan uu ka siiyo,, Aamiin—aammiinn—aammiinn,
  16. Ra’iisul wasaarihi Hore ee Soomaaliay Mudane Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed uga Tacsiyeyay Geeridi ku Timid Madaxweynihi hore ee Somalia Print here| By: allgedo.com: Saturday, March 24, 2012 // u Jawaab Related Articles R/wasaarihi hore ee Somalia Maxamed *Cabdilahi Maxamed Farmaajo aya waxaa uu *maanta *tacsi tiiranyo leh u diray guud ahan *Umadda Somaliyeed *gaar ahaan qoyski uu kabaxay Madaxweynihi hore ee Somalia *Mudane *Cabdilahi Yusuf Axmed. Geeridu waa xaq ma dhinte waa ilahay Waxaan *ilahay uga baryaya *janadii Fardowso in uu ka waraabiyo *Umada Somaliyeed Qoyski iyo Qaraabadi uu ka tagayna Samir iyo imaan alaha kasiiyo Amin Amin Amin. Waxaa sido kale Tacsi taa la mid ah *diraya inta badan Xubnihi *Golaha Wasiirada ee Xukuumadi Tayo waxayna ilahay uga *baryayaan in uu janadii Fardowso ka warabiyo guud ahan Umada Somaliyeedna Samir iyo imaan alah ka siiyo Amin Amin Amin ————————————————————————– Xafiiska Warfaafinta ee R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane *Maxamed Cabdilahi *Maxamed Farmaajo Allgedo News Media Network allgedo@allgedo.com
  17. Calanka Soomaaliya Oo Hoos Loo Dhigay Iyo Warbaahinta Dawlada Oo Aayado Quraan Tebineysa Ka dib markii madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ku dhawaaqay guddi gaar ah oo heer qaran ah oo loo saaray diyaarinta aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo xalay ku geeriyooday dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta waxaa si weyn isu bedelay jawiga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Waxaa hoos loo dhigay calanka jamhuuriyada guud ahaan xafiisyada dawlada oo ay ugu horeyso xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo dhamaan goobaha kale ee dawlada. Waxaa sidoo kale la joojiyey barnaamijyadii ka bixi jiray idaacadda dawlada Soomaaliya oo bilawday baahinta Aayado Quraanka Kariimka ah. Warbaahinta dawlada KMG Soomaaliya ayaa wada tacsida marxuum C/laahi Yuusuf Axmed, iyadoo guddiga dawladau saartay aaska madaxweynihii hore ay shaaciyeen in berito meydka laga soo dejinayo garoonka Muqdisho. Dhanka kale madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa isaguna sheegay maanta in aaska marxuumka uu ka dhacayo magaalada Garowe. Allah ha u naxariistee Marxuum C/laahi Yuusuf waxaa uu xalay ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku xannuunsanaa beryihii u dambeeyey.* C/laahi Yuusuf wuxuu ku geeriyooday da’da 78 sano jir.
  18. Soomaaliya oo la murugootay geerida C/laahi Yuusuf iyo calanka oo la dajiyay * Jimco, March 23, 2012 (HOL) - Geerida ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku dhintay isbitaal ku yaal dalka Imaaraadka Carabta ayaa si isku mid ah waxaa uga tacsiyeeyay madaxda Soomaalida. Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay guddi qaran oo qabanqaabiya aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Waxaa la joojiyay dhammaan shaqadii ay hayeen shaqaalaha dawlada, waxaana hoos loo dhigay calanka Soomaaliya muddo 7 maalmood ah. Idaacada iyo telefishinka qaranka ayaa laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa, waxaana la saaray aayadaha quraanka kariimka. Garoowe Madaxweynaha DG Puntland ee Soomaaliya, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa tacsi u diray ehalada marxuumka, sheegayna in Garoowe ay noqon doonto meesha lagu aasayo maydka C/laahi Yuusuf. Soomaali badan ayaa ka cabsi qaba in khilaaf uu ka dhasho halka lagu aasayo madaxweynihii hore, iyadoo dawlada KMG ahna ay qabanqaabinayso in aasku uu ka dhaco Muqdisho. Warar hoose oo qoyskiisa laga helay ayaa iyaguna sheegaya in Gaalkacyo lagu aasi doono maydka. Hergeysa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isna ka tacsiyadeeyay geerida ku timid C/laahi Yuusuf oo in muddo ah ku xanuunsanaayay isbitaal ku yaalla Dubai. Siilaanyo waxaa uu ku tilmaamay C/laahi Yuusuf nimey ahaayeen saaxiib wanaagsan, waxaana uu sheegay inuu ka murugooday dhimashadiisa. C/laahi Yuusuf Axmed oo ku lug lahaa siyaasada Soomaaliya muddo ku dhow nus qarni, ayaa taageerayaashiisu ay ku ammaanaan inuu ahaa nin wadani ah oo la dagaallami jiray kooxaha xag jirka ah.
  19. Select Language​▼ UNPOS PRESS RELEASE Friday, March 23, 2012 UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Augustine Mahiga, expressed today his profound sadness over the death of Mr. Abdullahi Yusuf Ahmed, the former President of Somalia. “On behalf of the United Nations, I extend my deepest condolences to the bereaved family and friends, the Transitional Federal Government and to the people of Somalia over the passing away of Mr. Abdullahi Yusuf Ahmed” said SRSG Mahiga.