General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Nayrobi-hobyonet)Mdaxwaynaha Dowlad Gobaledka Galmudug Maxamed Axmad Caalin ayaa tacsi u diray Eheladi iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Madxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo Aroornimadii hore ee Shalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Caalin oo la hadlay Saxaafadda ayaa tilmamay in Maamulka iyo Shacabka Galmudug ay ka tiiraanyeysan yihiin Geeridii ku timid C/laahi Yuusuf Axmed,wuxuuna alle uga baryay inuu Naxariistii ka waraabiyo qoyskiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo. Shabakadda Hobyonet waxaa soo gaaraya Tacsida loo dirayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed,waxaana Mas’uuliyiinta iyo shacbiga Soomaaliyeed ay uga tacsiyeynayaan eheladiisa Geeridii ku timid alaha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed. Www.hobyonet.com
  2. His deeds and valor have always been underplayed by the Somali elites and media. In 1964 Yusuf at 30 showed true grit and guile to devastate the Ethiopian invaders in Bay & Bakool regions. In 1977, his daring raids into the heart of Ethiopia was the closest Somali's have ever come to decaying the old enemy since the time of Imaam Ahmed. I am fortune to have met in person such a historic Titan such as Abdullahi.
  3. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka tacsiyaynaya geerida marxuum C/llahi Yusuf Axmed. Fri, 23 Mar 2012 10:16:39 -0400 am -04:00 -14400** Inaa Lilaahi wa Inaa Ilayhi Raaijcuun. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa ayaa fariin tacsi ah ka diraya geerida Alle ha u naxariistee M/weyihii hore ee Somaliya C/llahi Yusuf Axmed. Beeldaaje Ismaaciil ayaa uga tacsiyeynaya geeridaas guud ahaan ummadda Somaliyeed iyo gaar ahaan qoyska marxuumka. Samir Alle ha kasiiyo ummada Somaliyeed. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
  4. President Sharif is doing an excellent job so far dealing with this national matter. Excellent.
  5. kingofkings;808611 wrote: The flags half mast, to commemorate the loss of the legend.
  6. M/weynaha dawladda Fedralka oo sheegay in aas qaran loo samayn doono M/weynihii geeriyooday C/laahi Yuusuf Axmed. Fri, 23 Mar 2012 09:23:54 -0400 am -04:00 -14400** Muqdisho, Mar, 23 - Shir degdeg ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho M/weynaha Soomaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, R/wasaare C.wali Maxamed cali Gaas, xubno ka tirsan golaha wasiirada, golaha baarlamaanka iyo saraakiisha ciidanka ayaa lagu sheegay in Allaha u naxariistee aas qaran loo samayn doono M/weyne Yuusuf oo saaka ku geeriyooday isbitaalka Sh. Zaayid ee magaalada Abu-dhabi. M/weynaha ayaa hadalkiisa ku daray in qaban-qaabada aaska loo magacaabay guddi heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha dawladda kuwaas oo maantaba hawshooda bilaabay. Sh. Shariif ayaa tacsi u diray dhamaan umadda Soomaliyeed waxaana uu marxuunka uga baryey inuu ilaahay janadii Firdawsa ka waraabiyo. Waxaana uu dadka Soomalida ah ka codsaday inay cafiyaan marxuunka, maadaama cidkasta oo hawl noocaas ah qabata wax laga tirsan karo. Maydka Marxuunka ayaa laga dajin doonaa garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo salaadda jinaasada lagu tukan doono. Diiwaanka Wararka Radio Daljir
  7. * Calanka Puntland oo hoos loo dhigay, ka dib geeridii naxdinta lahayd ee M/weyne C/laahi Yuusuf. Fri, 23 Mar 2012 09:22:16 -0400 am -04:00 -14400** Garoowe, Mar, 23 - M/weynaha dawladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in muddo sadex cisho hoos loo dhigay calanka Puntland geerida ku timid M/weynihii hore ee Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed aw-geed. Wuxuuna intaasi raaciyey in marxuunka lagu aasi doo deegaanada Puntland. Md. Faroole ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaamba umadda Soomaliyeed waxaana uu si gaar ugu tacsiyeeyey eheladii marxuunka oo uu sheegay inuu telefoon kula hadlay. M/weyne Faroole ayaa sheegay in M/weyne C/laahi Yuusuf uu ahaa nin miisaan wayn ku dhex leh umadda Soomaliyeed ayna geeridu tahay mid xaq ah oo qof walba sugeysa. Diiwaanka Wararka Radio Daljir
  8. Waxa uu ahaa nin kalmadiisu adagtahay,balanqaadkiisa la fuliyo,cidna aysan kada hadalin ,waxa u dhega nuglaa odayaasha dhaqanka ,waxa uu daryeeli jirey maatada ,waxana uu soo dhaweysan jirey cadowga si uu uga dhigto saaxiib. Alaha u naxariisto Cabdulaahi Yuusf Axmed halyey Soomaaliyeed ayuu ahaa. General Saciid Dheere, comander of Puntland armed forces
  9. Taariikh nololeedka C/laahi Yuusuf 23 Mar 23, 2012 - 4:50:02 AM GAROWE ONLINE Taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Xirsi) ayaa maanta 23.March 2012 xarunta madaxtoyada Garowe saxaafada wax uga iftiimiyey taariikh nololeedkii Alaha u naxariistee Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed madaxweynihii hore ee Somalia. Taliyaha oo in badan ka soo dhinac shaqeeyey Marxuumka kana og taariikhdiisa ayaa ku bilaabaya tababarkii ciidan uu dalka Talyaaniga u aadey iyo kaalinta koowaad uu ka galay dhamaadkiisa. Xilalkii kala duwanaa uu ka soo qabtey dowladdi Somalia ,isku dhicii nidaamkii Siyaad Barre ,xarigiisi ,jabhadii SSDF,khilaafkii Mingiste Maryem boqorkii Ethiopia ,xarigiisi mar labaad ayuu dul marey taliye Gen.Siciid Dheere. Alaha u naxariistee Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed lagu masoo koobi kari halkan ,waxana buuxsamaya buugaag iyo bogag badan ,waxana si weyn loogu xasuusta Puntland iyo madaxtinimadiisi xiliga uu hayey oo nabad ,kala dambeyn iyo horumarba lagu tiigsadey ,islamarkaasina bilow u ahayd halkan aan maanta gaarsiisanahay. Dowladda Dhexe ee Somalia oo fadhiid ahaan jirey islamarkaasina magic u yaal ahayd ayuu arintaasi qaadan waayay waxana uu noqdey madaxweynihii ugu horeyey ee Somalia tan iyo burburkii oo Villa Somalia dib ugu laabta kana hawgala. Nidaamkii dowladnimo ,ciidamada oo uu u roonaa ,taageero beesha caalamka iyo ka sifeynta dalka xiligaasi midowgii maxaakimta oo bilow u ahaa argagixisada AL-shabaab ee haatan Somalia gabalkeedu dhacayo ayuu ka hirgeliyey Muqdisho. Waxa uu ahaa nin kalmadiisu adagtahay,balanqaadkiisa la fuliyo,cidna aysan kada hadalin ,waxa u dhega nuglaa odayaasha dhaqanka ,waxa uu daryeeli jirey maatada ,waxana uu soo dhaweysan jirey cadowga si uu uga dhigto saaxiib. Alaha u naxariisto Cabdulaahi Yuusf Axmed halyey Soomaaliyeed ayuu ahaa. INAA LI LAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN. Halkan ka dhageyso codka Taliyaha ciidamada Puntland Gen.Siciid Dheere
  10. Boqor C/laahi boqor muuse ayaa tacsi udiraya Madaxwynihii hore Somalia oo ku geeriyooday magaalada Dubai ee isutaga Imaraatka xallay oo taariikhdu ku beegneyd 23.03.2012 Boqor C/laahi Boqor Muuse oo ku hadlaya magaca dhaqanka beelaha ******* ayaa uga tacsiyeynaya geeridaas guud ahaan umadda soomaaliyeed iyo gaar ahaan qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Cabdullahi Yusuf Ahmed. Sidoo kale Boqor C/laahi ayaa Eebbe ugu baryay**inuu kitaabkisa midigta kasiiyo, uuna ka waraabiyo janatul fardowsa. AAMIIN! Madaxweyne Cabdulahi Yusuf ayaa ahaa siyaasiyiinta ugu caansan ee Soomaaliya, ayaa kaalin weyn ka qaatay nabad kusoo dabaalida xaaladda murugsan ee dalka Soomaaliya.
  11. Somalia;808465 wrote: 1976 - Abdullahi Yusuf working in a company before being called into the army by Siad Barre. He was given what is the size of 2 divisions around 35.000 troops as a Colonel while he's suppose to manage only a regiment (up to 3000 troops). Love this picture of the late great Abdullahi Yusuf Ahmed
  12. Madaxweynihii hore ee Soomaalia Cabdullahi Yuusuf Axmed oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka. Cabdullahi Yusuf ayaa wuxu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee dowlad goboleedka Puntland. Wuxuuna ka dib madaxweyne ka noqday dalka Soomaaliya sannadihii 2004- 2008. Taariikhada madaxweyne Cabdullahi Yuusuf oo dhameystiran ayaan halkaan idiinku soo sheegidoonaa http://www.hiiraan.com/news/2012/Mar/wararka_maanta23-17390.htm
  13. ^^^Thanks for adding to the forum. All opinions are welcomed, but there is only one fact. Yusuf fought and defended Somalia in his youth, he was a decorated Soldier who led brigades in 1964 and whole battalions in 1977. Again stop repeating nonsense laymen have told you. This man was a born leader, a tough man and a legend in his parts. He shall be remembered for his achievements. I wont be political because this is a deeply personal issue.
  14. Somalia;808437 wrote: I agree, in Garowe he should be buried. Yup, he will be the first leader of a resurgent North East or Puntland and the first to be buried in the State Capital. Its an emotional day, many people are calling just to make sure its true. He will be missed greatly. Those who actually knew the man admired his courage, his cunning and his determination. Those who did not know him, usually spew tabloid gossip and repeat hearsay..
  15. Maadxweynihii hore ee Soomaali C/laahi Yuusuf oo geeriyooday. Dubai: (Sh. M. Network) Alla ha u naxariistee Waxaa xalay dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, kadib markii uu in mudo ah xanuunsanaa. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay kugeeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaasi oo maalmihii u dambeeyay uu ku xanuunsanayay. Geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa xaqiijiyay qaar ka mid ah eheladiisa , waxaana dubadii ka hadlay taariiqdiisa oo qeyb ka mid ah sheegay dad si aad ah ay isugu dhawaayeen oo kala shaqeeyay jabhadihii C/laahi Yuusuf oo madaxda ahaa. Alla Ha u naxariistii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in uu kooma ku jiray intii uu ku xanuunsanahay isbitaalka, iyadoo markii dambe Coomadaasi uu u geeriyooday sida warbaahintu ay ka soo xigatay eheladiisa. C/laahi Yuusuf axmed ayaa 2005-tii loo doortay Madaxweynanimada Soomaaliya waxaana mudo ku dhow 5 sano uu Madaxweyne ka ahaa DKMG Soomaaliya, iyadoo markii dambe uu is casilay. Alla ha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed ayaa iska casilay xilkaasi 2009-kii waxaana intaasi kadib uu ku noolaa dalka Yemen halkaasi oo xaaladiisa lagu dabiibayay, iyadoo uu ka xanuunsanaa dhinaca beerka. Wixii warar ah ee kusoo kordhaa iyo taariiqdiisa goordhow kala soco Shabelle.net hadii uu Ilaah saamaxo http://www.shabelle.net/article.php?id=16451
  16. Atirisho;808432 wrote: Here is the most important question. Where will he be buried? He is the former president of Somalia, so it is only appropriate that his body is brought back to the country and since he is the founder of Puntland it makes sense to bury him in Mudug. He should be buried in Garowe, he was born in Nugaal region and this happens to be the capital of Puntland..Remember that Yusuf greatest legacy today is Puntland State and that should be underlined..
  17. Somalia;808428 wrote: I stopped it but I don't see how I was in the wrong. Thank you for stopping it. Now the other gentleman follow through..
  18. Madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed ayaa saakay salaadi subax ka hor ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. Geerida C/laahi Yusuf ayaa waxaa xaqiijiyey wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo C/rashiid Shire Yusuf oo ka mid ahaa dadki la joogay. ‘Wuxuu dhintay saacada Abu Dhabi marki ay aheyd 4:4 subaxnimo, intaanu dhiman maalmahan wuu kasoo reynayey laakin marki waqtiga yimid lama celin karin oo tii ILAAH baa timid, 10 daqiiqo camal ayuu xanuunsanayey kadibna wuu xijaabtay,” ayuu C/rashiid Shire Yusuf. Sidoo kale Aamina Yusuf Shire oo ka mid aheyd qoyska marxuumka ayaa iyaduna ka sheekeyneysa xanuunkii uu u dhintay. “Maalmahan wuu fiicnay wuxuuna ku jiray maalmahan Sheekh Zayid Hospital, caruurtiisa ayaa la joogtay waxaana marxuumka uu geeriyootay saakay salaadi subax ka hor saacada 4:05, waxa uu ka xanuunsanayey kelyaha, ninkan kaliyah familka oday uma aheyn ee Soomaali oo dhan ayuu oday u ahaa marka aaskiisiisa goorta uu dhici doono ma ogi waxaana ka tashan doonaa saakay,” ayey tiri. Marxuumka ayaa ifka uga tagay hal xaas iyo afar caruur ah, oo kala ah laba wiil iyo laba gabdhood. C/laahi Yusuf ayaa siyaasada kusoo jiray mudo 40 sanadood ah, waxaa xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay sanadki 2004, isaga oo iska casilay bishi December sanadki 2008 marki ay is qabteen ra’isulwasaarihi hore Nur Cade. Goor dhaw waxaan idiin soo gudbin doonaa taariikhdiisa. www.midnimo.com
  19. M/weynihii hore ee Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo saaka ku geeriyooday Abu-dubia. Fri, 23 Mar 2012 00:20:37 -0400 am -04:00 -14400 Abu-dubia, Mar, 23 - Allaha u naxariistee waxaa 4-tii subaxnimo ee saaka magaalada Abu-dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday M/weynihii hore ee Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo muddooyinka dambe lagu daaweynayey isbitaalka Sh. Zaayid Hospital oo ku yaalla magaaladaasi, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday. Ehelada marxuunka ayaa sheegay inuu baryihii dambe aad u xanuunsanayey marxuunku ayna hadda qabanqaabinayaan sidii aas qaran loogu samayn lahaa. C/laahi Yuusuf ayaa si weyn loogu yaqaanay arrimaha siyaasadda wuxuuna ahaa M/weynihii ugu horreeyey ee dawladda Federalka. Wuxuuna marxuunku ifka kaga tagay hal xaas iyo afar caruur ah. Diiwaanka Wararka Radio Daljir
  20. Abwan, kindly have some respect...Mr. Somalia also stop with the attacks. This thread is about the late great President Yusuf and not a local virtual wrestling.
  21. Eebe ha u naxariisto Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo ku Geeriyooday Emaaraadka March 23, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Waxaa Saaka Xilligii salaada subax ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Wadanka Isku taga imaaraadka Carabta ka dib markii uu madaxweynaha uu maalmihii ugu danbeeyay uu ku xanuunsanay Wadankaas Qaar ka mid ah Eheladiisa ayaa Warbaahinta SBC u xaqiijiyay Geerida Madaxweynihii HOre C/laahi Yuusuf Axmed waxaana Weli aan la qorsheyn Goobta lagu aasayo Madaxweynaha Taarikhdiisa iyo Warbixino dhameytiran Goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa http://allsbc.com/eebe-ha-u-naxariisto-madaxweynihi-hore-ee-soomaaliya-claahi-yuusuf-oo-ku-geeriyooday-emaaraadka/
  22. VivaSomaliaa;808416 wrote: I guess word hit home. Puntland State Minister of Planning and International Cooperation recently tweeted: @MinisterHashi "President Yusuf's death marks a huge loss for the Somali people and especially for Puntlanders. He was a great a great patriot and friend. My family and I are truly saddened by his passing. Our deepest condolences to Mme Yusuf, and the larger Yusuf family. Great words from Minister Abdulkadir Ali Hashi....