General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Afhayeenka barlamaanka Somaliya oo sheegay in xaalada amaanka ee dalka Somaliya ay soo hagaageyso Last Updated::2007-12-02 15:45:59 Afhayeenka barlamaanka Somaliya Sheekh Adan Maxamed Nuur ayaa waraysi dheer uu siiyay Xarunta Walta isla markana ay baahisay laanteeda afka Carabiga ayaa waxaa uu ku sheegay--- in xaaladaha amaanka oo soo wanaagsanaaday ay abuureen fursado ku haboon in loo hawl galo sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyada asaasiga ah ee dalka Waxaa uu afhayeenku intaa ku daray in si dib u loogu dhiso hay'adihii siyaasada ,bulshada iyo dhaqaalaha ee dalka ay muhuum noqotay in mudnaanta la siiyo xaaladaha amaanka . Waxana uu sheegay in iyada oo amaanka iyo xasiloonidu ay dib ugu soo laabanayaa dalka awgeed ay dawladu bilawday in ay dhisto waaxyihii maamulka ee ku salaysnaa heerarka federalka iyo kan gobaleedyada . Waxa uu afhayeenku intaa raaciyay in shacabka Somaliya uu ku raaxaysanayo amaanka uu haatan dalku ku sugan yahay isla markana uu shacabku ku xaqiijiyay munaasabado kala gedisan in uu dawlada ku garab taagan yahay hawlaha horumarineed ee ay wado . Waxaa uu Sheekh Adan uu sheegay in shacabku Somalidu ay nafta u hurayaan sidii loo hor istaagi lahaa falalka ay wadaan xubnaha mayalka adag ee taageerada ciidan iyo mida qalabka ka helo maamulka Eritrea . Waxaa uu afhayeenka barlamaanku uu sheegay in Ethiopia iyo dalal kale kuwaas oo gar waaqsaday in xasiloonida Somaliya ay tahay xasiloonida afrika iyo caalamka kale ay haatan taageerada muhiimka ah u fidiniyaan shacabka Somaliya kadib markii ay DFKMS ay ka codsatay arrintan ,taariikhduna ay ka dhigi doonto mid waarta weligeed. http://www.waltainfo.com/Archive.aspx?Cat=Arabic Faysal wakaalad HorseedNet.com
  2. They get in through Hargaysa and then by land. Simple. There is news that Xasan Dahir Aways is in Hargaysa right now. Anyhow the hunt is on, they have no place to hide in Mogadishu anymore hence the run for the bushes, but how long ca they survive there.
  3. Ra'isal wasaare Cade oo mar kale ugu baaqay kooxaha mucaaradka ah in ay wada hadal la galaan DFKMS Last Updated::2007-12-02 16:08:56 Ra'isal wasaaraha cusub ee Somaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa markale waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu--- wada hadalo la galo kooxaha Islaamiyiinta tah ee ka soo horjeeda ah DFKMS si loo soo afjaro rafaadka dhibaatada ay dagaaladani badeen shacabka Somaliya Ra'isal wasaare Cade ayaa waxa uu ku yiri waraysi uu baahiyay telefishanka NTV news ee dalka Kenya "Anagu diyaar ayaanu u nahay inaan waan waan la galo kooxaha Asmara waa hadii ay iyaguna diyaar u yihiin in ay wada hadalo nala yeeshaan" Dhanka kale maamulaha ururka xuquuqda Aadanaha ee Elman Sudan Cali Axmed ayaa shaaca ka qaaday in 5960 qof oo ra'yid ah ay ku dhinteen dagaaladii sanadkan ka dhacay magaalada Muqdhisho halka 7980 ay ku dhaawacmeen dagaaladan ,halka sidoo kale 700,000 oo qof lagu qasbay in ay ka barakacaan degaanadoodii Faysal wakaalad wakaalad@hotmail.com HorseedNet.com
  4. Ra'isal wasaare Cade oo mar kale ugu baaqay kooxaha mucaaradka ah in ay wada hadal la galaan DFKMS Last Updated::2007-12-02 16:08:56 Ra'isal wasaaraha cusub ee Somaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa markale waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu--- wada hadalo la galo kooxaha Islaamiyiinta tah ee ka soo horjeeda ah DFKMS si loo soo afjaro rafaadka dhibaatada ay dagaaladani badeen shacabka Somaliya Ra'isal wasaare Cade ayaa waxa uu ku yiri waraysi uu baahiyay telefishanka NTV news ee dalka Kenya "Anagu diyaar ayaanu u nahay inaan waan waan la galo kooxaha Asmara waa hadii ay iyaguna diyaar u yihiin in ay wada hadalo nala yeeshaan" Dhanka kale maamulaha ururka xuquuqda Aadanaha ee Elman Sudan Cali Axmed ayaa shaaca ka qaaday in 5960 qof oo ra'yid ah ay ku dhinteen dagaaladii sanadkan ka dhacay magaalada Muqdhisho halka 7980 ay ku dhaawacmeen dagaaladan ,halka sidoo kale 700,000 oo qof lagu qasbay in ay ka barakacaan degaanadoodii Faysal wakaalad wakaalad@hotmail.com HorseedNet.com
  5. Ra'isal wasaare Cade oo mar kale ugu baaqay kooxaha mucaaradka ah in ay wada hadal la galaan DFKMS Last Updated::2007-12-02 16:08:56 Ra'isal wasaaraha cusub ee Somaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa markale waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu--- wada hadalo la galo kooxaha Islaamiyiinta tah ee ka soo horjeeda ah DFKMS si loo soo afjaro rafaadka dhibaatada ay dagaaladani badeen shacabka Somaliya Ra'isal wasaare Cade ayaa waxa uu ku yiri waraysi uu baahiyay telefishanka NTV news ee dalka Kenya "Anagu diyaar ayaanu u nahay inaan waan waan la galo kooxaha Asmara waa hadii ay iyaguna diyaar u yihiin in ay wada hadalo nala yeeshaan" Dhanka kale maamulaha ururka xuquuqda Aadanaha ee Elman Sudan Cali Axmed ayaa shaaca ka qaaday in 5960 qof oo ra'yid ah ay ku dhinteen dagaaladii sanadkan ka dhacay magaalada Muqdhisho halka 7980 ay ku dhaawacmeen dagaaladan ,halka sidoo kale 700,000 oo qof lagu qasbay in ay ka barakacaan degaanadoodii Faysal wakaalad wakaalad@hotmail.com HorseedNet.com
  6. Baydhabo: Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo ku dhawaaq dhismaha xukuumaddiisa, halkan ka aqriso magacyada iyo xilalka 2. December 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" caawa fiidkii ku dhawaaqay magacyada Ra'iisul Wasaare ku xigeenadda, wasiiradda, wasiir ku xigeenada iyo wasiirul dowlayaasha xukuumaddiisa cusub, iyadoo goobta xafladda magacaabista ay ka dhacday xarunta Madaxtooyadda Baydhabo ayna goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole. Ku dhawaaqistii magacyada Wasiirada cusub oo ka yimid inta badan Baarlamaanka dhexdiisa ayaa Madaxweynaha oo halkaa ka hadlay kula dardaarmay iney xilkooda u gutaan si ay ku jirto daacadnimo, wadannimo iyo karti ayna ka soo dhalaalaan xilalka loo magacaabay, kuwaasoo la filayo in Baarlamaanka la horgeeyo oo ay ansixiyaan. Xil.Saalim Caliyow Ibrow R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Wasaarada Hidaha & Tacliinta Sare Xil.Ceydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf R/Wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Xil.Maxamed Cali Xirsi R/Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta Xil.Cali Maxamed Maxamuud Xareed Wasaaradda Dalxiiska Xil.Khadiija Maxamed Diiriye Wasaaradda Haweenka Mr.Cabdiraxman Cabdi Xuseen (Guul Wade) Wasaaradda Warfaafinta Xil.Ismaciil Maxamuud Hure Wasaaradda Waxbarashada Xil.Xusseen Ceelaabe Faahiye Wasaaradda Qorsheynta iyo tirakoobka Xil.Drs.Qamar Aadan Cali Wasaaradda Caafimaadka Xil.Ismaaciil Axmed Nuur Wasaaradda Gaashaandhigga Xil.Cabdi Xaashi Cabdullaahi Wasaaradda Degaanka iyo Bey’adda Xil.Maxamed Cabdulaahi Kaamil Wasaaradda Warshadaha Xil.Xassan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) Wasaaradda Amniga Qaranka Xil.Maxamed Nuuraani Bakar Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Xil.Ibrahim **** Yarow Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mr.Maxamed Cali Xaamud Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga caalamiga Xil.Maxamed Ibraahim Xaabsade Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xil.Madoobe Nuunow M. Wasaaradda Dhallinyada iyo Isboortiga Xil.Cabdi Maxamed Tarax Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xil.Axmed Jaamac Jangeli Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xil.Cali Ismaaciil Cabdi Giir Wasiirka, Wasaaradda.Gadiidka Badda & Dekedaha Xil.Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xil.Maxamed Yusuf Weyrax Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xil.Cabdullaahi Yusuuf Maxamed Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta Xil.Cabdirisaaq ***** Biixi Wasaaradda Dib u dhiska iyo Dib u Dejinta Xil.Maxamed Maxamuud Guuleed Wasaaradda Arrimaha gudaha Xil.Cabdulaahi Axmed Afrax Wasaaradda Ganacsiga Xil.Xassan Dhimbil Warsame Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda Xil.Cabdulqaadir Nuur Caraale Wasaaradda Beeraha Xil.Cali Cabdulaahi Cosoble Wasaaradda Dib U heshiisiinta Xil.Muuse Nuur Amiin . Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Magacyada Wasiir Ku-xigeenada 1.Xil.Fahma Axmed Nuur Wasaaradda Arrimaha Gudaha 2. Xil.Xassan Ibrahim Maxamed Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare 3. Sh.Jaamac Xaaji Xuseen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 4. Xil.Axmed Ciise Cawaale Wasaaradda Dhallinyarada & Isboortiga 5. Xil.Maxamed Ismaciil Bulbul Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha 6. Xil.Caasha Cabdullahi Ciise Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska 7. Xil.Cabdirahman Ismail Dirir Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta 8. Xil.Maxamed Cabdi Cawad Wasaaradda Dib U Dhiska iyo Dib u Dejinta 9. Xil.Maxamed Cali Daheeye Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur Joogta 10.Xil.Xassan Buraale Maxamed Wasaaradda Garsoorka 11.Xil.Sharif Cali Maxamed Abuukar Wasaaradda Warshadaha 12.Xil.Cabdi Kaafi Xassan Wasaaradda Ganacsiga 13.Xil.Cabdi Xaaji Yariis Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka 14.Xil.Khaliif Sheekh Cabdullahi Wasaaradda Beeraha 15.Xil.Maxamud Cabdi Xasan (Bekos) Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta 16.Xil.Amiin Axmed Sheekh Wasaaradda Maaliyadda 17.Xil.Cali Maxamed Nuur Wasaaradda Degaanka 18.Xil.Xassan Cabdi Guure Wasaaradda Dib U heshiisiinta 19.Xil.Cabdullahi Axmed Cabdille Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka 20.Xil.Cabdiraxman Sh. Ismaaciil Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha 21.Xil.Maxamud Axmed Kulalihi Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga 22.Ms.Jamiila Siciid Muuse Wasaaradda Qorshaynta 23.Xil.Maxamed Maxamud Indhageel Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta 24.Xil.Cabdulaahi Bile Nuur Wasaaradda Waxbarashada 25.Xil.Ciise Wehliye Maalin Wasaaradda Caafimaadka 26.Xil.Salaad Cali Jeelle Wasaaradda Gaashaandhigga 27.Xil.Cumar Adan Xassan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha 28.Xil.Maxamed Sh. ***** Abaadir Wasaaradda Gadiidka Badda iyo Dekedaha 29.Xil.Xirsi Adan Rooble Afrax Wasaaradda Warfaafinta 30.Xil.Maxamed Xassan Ibraahim (Qoone) Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda 31.Xil.Bashiir Maxamed Aadan Wasaaradda Amniga Qaranka Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  7. WAR DEG DEG: Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo magacaabay Golahiisa Wasiirada 2. December 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Waxaa iminka ka socda Magaaladda Baydhabo gaar ahaan xarunta Madaxtooyada munaasabad weyn oo uu Ra'iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)uu ku Magacaabayo Magacyadda Golaha Wasiiradiisa Cusub ee Xukuumadda uu Horkacayo. Xiriiro aan goor dhaw la sameynay xubno ku sugan Baydhaba ayaa noo Xaqiijiyay inay socoto Xaflada uu ra'iisalwasaare Nuur Cadde uu kusoo Bandhigayo Wasiiradda Cusub oo isugu jira kuwo laga soo xulay Baarlamaanka oo xildhibaano ah iyo Kuwo kale oo laga soo Magacaabay Baarlamaanka dibadiisa oo isugu jira Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin Caan ah. Iyadoo iminka ay socoto Xafladda magacaabista oo aan weli Saxaafada loo qeybin Liiska Magacyadda ayaan ku dadaali doonaa sida ugu Dhaqsiyaha badan inaan aqristeyaasheena ugu soo gudbinno Magacyadda Wasiiradda Cusub ee uu xiligan ku dhawaaqayo Ra'iisal wasaare Nuur Cadde, Haddii ALLE idmo haka dheeraan AllPuntland.com XARUNTA WARARKA SOOMAALIYA EE DEG DEGA iyo XAQIIQDA AH !! Maxamed Xasan Jeeri AllPuntland, Muqdisho
  8. This land mark speech against the NGO's was done in front of them. Wafti Ka socdey Beesha Caalamka oo Gaarey Baydhabo, kuna laabtay Nairobi 9-xubnood oo ka socdey Beesha caalamka, islamarkaana uu hogaaminayo isku duwaha Arimaha Bani'aadaninimada ee Qaramada Midoobey ayaa waxay soo gaareen Magaalada baydhabo, waxayna si guud shir ugala qayb galeen kulankii xubnaha Baarlamaanka DFKMG, waxayna ka warbixiyeen ujeedada socdaalkood, waxaana la hadley kusimaha Ra'iisul wasaaraha Prof. Saalim Caliyo Ibrow, Gudoomioye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Dhalxa, Gudsoomiyaha Baarlamaanka Sh. aadan Max'ed Nuur, waxaana soo xirey Madaxweynaha DFKMG Col/ C/llaahi Yuusuf.
  9. Hay'adda Qaramada Midoobey iyo WFP Si waxaas loo fuliyo horta haddaad rajo ka qabtaan UN (QARAMADA MIDOOBAY) iyo beesha caalamka iyo dadkale ayaa na caawinaya anigu rajadaas ma qabo, haddii aan Lillaahi idiinla hadlo weeye, waxaynaan qabsan ayaa cidkle inoo qabaneysaa haddeer anigu ma aaminsani. Maalmo dhoweyd Nairobi ayaan gaarey... maalin dhoweyd waad garaneysaan (Baydhabo) Baarlamaanka in ay inoogu yimaadeen qoladii la baxday Beesha Caalamka, wixii meeshaas ka dhacay iyo baarlamaanku wuxuu muujiyey intayadii joogey waanu ogeyn, laakiin xoghayaasha joogtadu in ay joogeen iyo in kale anigu kama warqabo... BUUUU ayaa la isku yiraahdaa Baarlamaanada markii lagugu mudaharaadayo, BUU BUU ayaa la isku yiraahdaa.. Nimankii BUU BUU ayaa lagu yiri, oo waa lagu mudaharaaday, (waa) haddii aad la socotaan.. Labadaan oday oo geesaha iga fadhiya ayaa maqaarka kala baxay, waayo waxaan dhibaato qabno oo Ilaah ogyahay oo iyaga laftigoodu ay ogyihiin, haddii aysan is yeel-yeelay ay ka warqabaan, waxay noogu yimaadeen oo keliya in ay nagala hadlaan oo keliya raashinka la yiraahdo waxaa keenta WFP sidii dadka loo gaarsiin lahaa. Waxa aynu mushaakil qabno kaas uun bay inagala hadleen, ma wax kale ayey inagala hadleen.. Wax aan ahayn Gargaar bini-aadaminimo (Humanitarian Assistance) ayaa la rabaa in wax laga qabto oo dadka cuntada hala gaarsiiyo oo wadooyinkaas isbaarooyin ayaa la dhigtay, nin raashin meel u wadey ayaa la xiray-oo, xagey tahay-oo, idaacad ayaa la xiray-oo, waxaas ayey tahay-oo.. waxaas ayey ka hadleen.. Dhibaatada na haysata oo amni-darrada ah kama aysan hadlin, dhibaatada iyo tafaraaruqa ummada Soomaaliyeed ku dhacday oo maxkamaduhu wax ku leeyihiin kama aysan hadlin, siyaasad ahaan kama ay hadlin, amni darrada jirta kama ay hadlin, yacni barnaamijka adag oo la inaga rabo muddada (transition) kala guurka lagu jiro oo hadda laba sano wax ka yar ay ka hareen sidii ay gacan inooga siin lahaayeen kama ay hadlin, sidii waddankan amni looga dhigi lahaa kama ay hadlin, sidii hadhow horumarin iyo dib-u-dhis iyo magiciisii iyo wixii sidii loo samayn lahaa kama ay hadlin. Raashinka WFP ayey ka hadleen. Raashinka WFP toddoba iyo tobankii (17) sanadood ee ay Soomaaliya joogeen meel ay geeyaan anigu ma ogi. Weligay xabbad raashinkaas ka mid ah anigu ma cunin, Wallaahi meel lagu qaybinayona ma arag. Waxay keenaan hadda waxa ay yihiin anigu ma aqaan.... Maxay keenaan horta! ma sonkor bay keenaan! ma bariis bay keenaan! ma timir bay keenaan, ma masagay keenaan, ma waxay keenaan galley, ma wax kale ay keenaan!, maxay keenaan horta!! YAA YAQAAN!!! ma digir bay keenaan!... GALLEY BAY KEENAAN!!! Galley iyo saliid... Saliidu waa kala nooc'e noocee ayey keenaan.. SALIID CADDEY!!!.. Tan cuntada lagu kariyo miyaa!! tan lagu iidaanto ma aha marka!!!! Waxaas ayey ka hadleen, wax kalena kama hadlaan, wax kale idiinma soo wadaan, Nairobi ayey fadhiyaan. = We must stand on our nations two feet and stop begging the NGO's in Nairobi. Brave man indeed is what Yey is.
  10. Khubadda oo Qoraal ah (Waxaana qoraal u rogey SomaliTalk.com): Duke highlights.. Hadalkii Mudane C/Laahi Yuusuf waxa uu ku bilaabay sidan: Mudane Saalim Caliyow, ra'iisul wasaaraha KMG, mudane barafasooro, mudanayaasha xildhibaanada iyo wasiirada ah, xoghayayaasha joogtada ah (permanent secretaries) ee qorshaha ka soo shaqeeyey ee soo diyaariyey, marti sharafta kale iyo madaxda kale ee jooga, marka hore waa idin salaamayaa, salaan kaddib: Aad baan ugu faraxsanahay xafladdaan in aan saakay (Nov 20,2007) ka qayb galo lagu xirayo hawshii aad ku hayseen magaalada Baydhabo muddo 40 maalmood ah siduu u sheegay wasiirku, laakiin laga yaabo in ay idinku sii daba dheeraatay oo 50 casho idin la gaarta. Markii xoghayayaasha joogtada laga soo qaadayey Xamar oo halkan (Baydhabo) loo soo dirayey Xamar baan joogey anigu, haddii aad iga soo horeyseen markaas meesha waad ku raagteen, waayo anigu magaaladan Baydhabo waxaan imid 8-dii bishii Oktoobar haddii aanan khaldanayn, Octobar 8-deedii.. maantana bishu waa 20kii November, markaas Afartan iyo dhawr maalmood anaa joogey idinkuna waa iga soo horeyseen, laakiin intii aad iga soo horeyseen ayaan ii xisaabnayn.. sow igama soo horayn, adigu 40, 50, ama 60 maalmood ka dhig oo halkan ayaad joogteen waadna shaqayseen, waad dadaasheen, wixii aad hadda diyaariseena haddee hore nooma sii-siin oo faallo (commentary) kama samayn karo.. hadddii aad koobiyaal na sii siin lahaydeen oo aan sii akhrin lahayn, oo aan sii daalacan lahayn, oo wax dersi lahayn ayaanu oran lahayn war xagga halaga toosiyo, war sidaas hala yeelo.. waxaan idinku ammaaneynaa buug qurux badan ee meesha yaal, laakiin hoostiisa waxa ku jira rabbi ayaa og.. Buuggaas gudihiisa wax kasta haku jireene, haddaynu saddex sano kaddib sidii aynu u gebi dhaclayneyney, oo xaalkena Ilaah ayaa ogaaye waxaynu ku sugnayn'e, aynu hadda intaynu foolanay aynu buugaan dhallay, horta waa Alxamdu-Lillah. Hase yeeshee waxay ila tahay buuggu warqado weeye, fikrado dad ayaana ku qoran, fikradaha dadkuna haddey buug ku qoran yihiin iyagu ma shaqeeyaan ee dadkii fikradahaas lahaa iyo dadkii kale oo u xilsaarnaa ayaa la rabaa in ay hawlahaas fuliyaan. Qorshaha qoristiisa aniga waxay ila tahay waxaa ka dhib badan oo ka muhiimsan waxaa weeye fulintiisa.
  11. This speech touched on many important points. 1. The role of the NGO's in Nairobi who ahve for 17 years been "helping Somalia" specially the WFP and others that have become rich and powerful on the Somali crisis. 2. Corruption within the TFG and Somalia as a whole, the President touces on this and it highlights the mans deep integrity that he would question his own admin's failures.
  12. Baydhabo: Dowlada Soomaaliya oo ciidamo xoog leh udirtey Gobalka Bakool. 1. december 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya oo ku hubeysan Hubka Noocyadiisa kala duwan ayaa ku sii jeeda deegaanada gobalka Bakool ,qaar ka mid ah oo ay tageen Xubno ka mid ah Ururka Al-Shabaab. Maamulka gobalka Bakool ayaa qeylo dhaan xoog leh gaarsiiyey dowlada Soomaaliya ,ayna kaga codsadeen dowladu in ay ciidamo la soo gaarto kuwasoo ka difaaca Kooxaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee deegaanadaasi soo gaarey maalmihii ugu danbeeyey. Warar Madax banana oo laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in gadiidka ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ku jeesteen deegaanka Xudur ee gobalka Bakool ,ayagoo saacadaha soo socdana ku began goobahaasi ,lana filayo in ay ka bilaabaan howgalo xoog leh. Wadaadka lugu magacaabo Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo Ilaaladiisa qaar ka mid ah ayaa tagey sida wararku sheegayaan magaalada Xudur oo uu ka soo jeedo ,wax dhaqdhaqaaqna kama sameyn deegaankaasi ,ayadoo la rumeysan yahay Wadaadkaan in uu ka tirsan yahay Kooxihii Maxkamadihii ee awoodooda la wiiqay 2006-dii. Talaabada ay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ciidamada ugu dirtey gobalka Bakool ayaa ka danbeysay ka dib markii ay Madaxda dowlada Soomaaliya iyo Maamulka gobalkaasi Bakool ka yeesheen Wada xaajood dheer oo ku aadan Kooxaha waqtigan iska soo muujiyey deegaanada gobalka Bakool. Gudoomiyaha gobalka Bakool ayaa sheegay in aysan awoodin awood ay iska caabiyaan kooxahaasi ,oo uu sheegay in ay is xoog leh hubeysan yihiin ,Abu Mansuurna ka mid yahay kuwa ka soo horjeeda nabadgalyada Soomaaliya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntlan
  13. Beesha Caalamka oo soo dhawaysay R/wasaaraha Cusub ee Somaliya. (WYNET)New York:-Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyey R/wasaaraha Cusub ee Somaliya loo magacaabay Mdn.Nuur Cadde,iyagoo u rajeeyey inay si weyn u taageerayaan R/wasaaraha isla markaana ay soo dhawaynayaan lana shaqayn doonaan. Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ahmadu Ould Abdullah ayaa waxa uu sheegay in uu rajeynayo in magacaabistan ay dhabaha u xaarto midnimo qaran, isagoo ka mahadceliyay sida ay u dhacday. Waxa uu sheegay inuu u mahadcelinayo dhammaan qeybihii la tashiyada uu la sameeyay madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ka hor intuusan ku dhowaaqin ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Beesha Caalamka ayaa sidoo kale aad usoo dhawaysay Magacaabida R/wasaare Nuur Cadde,waxayna ku booriyeen R/wasaaraha inuu ku dadaaalo inuu Somali isu keeno,isla markaana noqda mid u dhabar adayga culaysyada ku iman karaya. Nuur Cadde ayaa isaga shalay loo magacaabay jagada R/wasaaraha Somaliya oo muddo banaanayd ka dib markii uu is casilay R/wasaarihii hore Cali Max’ed Geeeddii. Xarunta Wararka ee Shabakada WAayaha.net
  14. Reason and foresight are very scarce resources in the errant secessionist enclave and you can expect them to stay put in Lascanod until they are ignominiously thrown out.
  15. Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo sheegay in uu wada hadal la furayo Mucaaradka Dowladdiisa Jimco, November 23, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo wareysigii ugu horeeyay siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ayaa wuxuu ku sheegay in ay Xukuumaddiisa wada hadal la furi doonto Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa. “Waxaan aad ugu dadaali doonaa in aan Dadka Dowladda Mucaaradka ku ah ka qanciyo waxyaabaha ay Dowladda ku mucaaradsan yihiin, aniga oo baadi-goobaya waxa ay tabanayaan, haddii ay ahaan lahayd in ay dhaliilsan yihiin waxqabadka Dowladda, haddii ay ahaan lahayd in la dhegeysan waayay fikradahooda iyo haddii ay ahaan lahayd in ay awood qeybsi aawgiis wax u mucaaradsan yihiin”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Nuur Cadde waxaa uu sheegay in inta uusan tallaabo qaadin uu doonayo in uu helo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in uu aad u jecel yahay in uu ku tiirsanaado Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in uu jagada Ra’iisal Wasaarenimada isu soo sharacay kadib markii uu arkay xaaladda uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay, wuxuuna caddeeyay in uu u bareeray qabashada xilkan oo uu gudashadiisa ku tilmaamay waddo qodxo leh oo la marayo, "Haddii qof kasta yiraahdo dhibkan uma bareeri karo oo qof kasta sugo xaalad degan oo yacni muxuu ahaa xasiloon, hadde xaalad noocaas ah ma imaan karto haddii aan dadaal badan loo hurin oo aan loo bareerin dhibaatada jirta"ayuuna yiri Ra'iisal Wasaaraha oo sheegay in uu gudashada xilkiisa u marayo Waddo Nabadgeed. Wuxuu ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan iyo goorta laga maarmi doono, wuxuuna sheegay in cid kasta oo Muqdisho ku sugan looga baahan yahay in ay xalka wax ka raadiso, “Ciidamada Itoobiyaanka waxaa laga maarmi doonaa markii nabadgelyo la abuuro oo Umaddeena is-fahamto oo markaasina Ciidamo aan leenahay aan sameysanno”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde. Wareysiga uu VOA-da siiyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu shalay ka sheegay magaalada Baydhabo wax yar kadib markii la magacaabay in marka uu Xukuumaddiisa soo dhiso uu xoogga saari doono Nabadgelyada, Dib-u-heshiisiinta iyo Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada, “Waxaan xoogga saari doonaa Nabadgelyada, Dib-u-heshiisiinta iyo Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada” ayuuna yiri Ra’iisal Wasaaraha. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Nuur Cadde waa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya oo seddex sano jirsatay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaarahan uu ka yimid Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya, halka Ra’iisal Wasaarihii hore ee is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi laga soo magacaabay gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.
  16. RW Cusub oo kulumo Baydhabo ka billaabey Shabelle airs news in English Mogadishu 23, Nov. 07 ( Sh.M.Network)-R/Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Somaliya Nuur Xasan Xuseen Cadde ayaa xalay kulamo kula qaatay magaalada Baydhabo madaxweynaha dawladda Federaalka C/laahi Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah xubnaha Golaha baarlamanka Somaliya. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Baydhabo, R/Wasaare Nuur Cadde ayaa kala xaajooday madaxweynaha qaabka uu usoo dhisi doono Xukuumadda Cusub ee iyo sida ay tahay in uu u kala xusho Wasiirada. Madaxweyne Yuusuf ayaa Rw cusub ugu baaqey in uu soo dhiso xukuumad wax tar leh oo ka gudabta waqtiga adag ee haatan lagu jiro. R/Wasaaraha waxaa uu kulamo la yeeshay qaar kamid ah xubnaha Baarlamanka Somaliya iyadoo la tilmaamey in uu kala xaajooday qaabka ay isku baran karaan xildhibaanada Baarlamanka maadaama isaga uu ka yimid banaanka Baarlamanka Somaliya.
  17. Dr Cali maxamed Geeddi “Waa soo dhawyenayaa ra’isul wsaaraha cusub,waxaana u rajeynayaa in uu Allah la garab galo masuuliyada adag ee loo dhiibay”. Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Dr Cali maxamed Geeddi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay aragtidiisa ku aadan magacaabista ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Nuur xasan Xuseen Nuur cadde,waxaana uu Allah uga baryay in uu ka bad baadiyo wax la mida sadex sanadood oo dab ah oo ay xukuumadiisii soo dhex jibaaxday. Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya waxaa uu shcabka Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqay in ay gacan siiyaan oo ay la shaqeeyaan ra’isul wasaaraha cusub iyo guud ahaan hey’adaha xukuumada federalka Soomaaliya. “Ugu horeyn Dr Nuur Xasan Xuseen oo shalay loo magacaabay xilka ra’isul wasaare nimada dowladda federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya,waa hambalyeynayaa,Ilaahey ayaana uga baryayaa in uu la garab galo xilka loo dhiibay ee uu uqaaday umada Soomaaliyeed, marka xigana howshani waa howl adag oo laga sugayo in uu u guto si hufan oo qaranimo iyo Soomaalinimo leh,waxaana u arkaa in uu yahay waqtigan nin munaasib u ah xilkan in uu qabto,sababtoo ah waa waayo arag, maamul yaqaan,waa sharci yaqaan,waa nin aad looga yaqaano dalka, xiriir wanaagsana la leh beesha caalamka”ayuu yiri ra’isul wasaarihii hore Dr Geeddi. “Waa hoggaamiye xukuumadeed oo keligii wax ma hoggaaminayo, madaxtooyada ,baarlamaanka,hey’adaha dowlada iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ayaana ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay gacan ku siiyaan sidii uu gudan lahaa waajibaadka adag ee horyaala,si Soomaaliya ay u xasisho”ayuu mar kale yiri Dr Geeddi. Dr Cali Maxmed Geedi waxaa uu sheegay in isaga iyo madxweynaha Soomaaliya aanay dagaalamin,laakin ay aragti uun ku kala duwanaayeen,isagoo yiri “aniga ayaana gartay in aan tanazulo aniga oo ugu daneynayay shcabka Soomaaliyeed,waxaana rajeynayaa in madaxweynaha,ra’isul wasaaraha cusub,baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedba aanay kala fikir noqon oo ay isku duubmaan” Dr cali maxamed Geedi waxaa uu sheegay in uu hada jecelyahay in uu nasto oo maskaxdiisa dajiyo laakin uu ra’isul wasaraha cusub la garab taagan yahay in uu si kastaba ula shaqeeyo.
  18. Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Geeddi oo soo dhoweeyay magacaabista Nuur Cadde, sheegayna inuu ku wareejinayo Xafiiska Ra'iisul Wasaarenimada. Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee loo magacaabay Nuur Cadde. Prof. Geeddi ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay magacaabida Ra'iisul wasaare Nuur Cadde, isagoona sheegay inuu la shaqeyn doono. "Waan soo dhoweynayaa magacaabista Ra'iisul wasaaraha cusub Nuur Cadde oo runtii ah, nin wanaagsan oo shacabka Soomaaliyeed ka samata bixin kara Dhibaatada 17-kii sano"ayuu yiri Cali Geeddi oo intaa ku daray in uu ku wareejinayo Xafiiska Ra'iisul Wasaarenimada ee uu horay uu isaga casilay. Cali Geeddi ayaa meesha ka saaray in uusan damac uga jirin xil uu ka qabto Xukuumada uu soo dhisayo Nuur Cadde, balse waxa uu balan ku qaaday inuu la shaqeynayo, isla markaana uu ku wareejinayo wixii hanti ah ee uu lahaa Xafiiska. Geeddi oo 29-kii bishii hore xilka uga degay cadaadis beesha caalamka uga yimid, ayaa ku sugan Magaalada Nairobi, waxa uuna ka wadaa dhaq dhaqaaq siyaasadeed aan ilaa iyo hada la ogeyn waxa ay ku wajahan. Mr Geeddi oo qasri weyn ku leh Magaalada Nairobi, qasrigaas uu hada degan yahay uu ahaa mid uu ka iibsaday Hogaamiyihii Mucaaradka SPLA John Granga.
  19. Baydhabo: Kulan xalay Baydhabo ku dhex maray Madaxweynaha, R/Wasaaraha iyo xubno kale 23. November 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay xarunta Madaxtooyada ay kulan wadatashi ah ku yeesheen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, Xubno ka tirsan labada gole iyo maamulka Gobolka Banaadir. Kulanka xalay ayaa warar ku dhow dhow waxay sheegayaan in looga hadlayey howsha ugu horeysa ee hortaala mas'uuliyiinta Dowladda iyadoo la filayo ayna suurtagal tahay in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu u ambabaxo dalka Ugandha oo uu kaga qeybgalo shirka wadamada Barwaaqo sooranka. Dhinaca kale Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa isna la filayaa inuu aado magaalada Nairobi si uu kulamo ula yeesho Diblumaasiyiinta beesha caalamka oo uu kala soo tashto howlaha u qorsheysan ee ah soo dhisita Golaha Wasiirada iyo codsi uu u jeedinayo in beesha caalamku ay gacan ka geysato wax u qabashada dalka iyo dadka. Kulankan xalay ayaa sidoo kale looga hadlay dhismaha gole cusub oo wax tar leh sida uu sheegay Madaxweyne Yuusuf iyadoo ay dhici karto in qaar ka tirsan golaha wasiirada laga soo magacaabo meel ka baxsan Baarlamaanka. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  20. Madaxweyne Yusuf iyo ra'isal wasaare Cadde oo ka wada xaajooday arrimaha horyaala dawlada cusub[/bb] Last Updated::2007-11-23 11:12:38 Baydhabo:-Madaxweynaha Somaliya cabdulahi Yusuf Axmed iyo ra'isal wasaraha cusub Nuur Xasan Xuseen"Nuur Cade' ayaa habeenimadii xalay kulan ku dhex maray qasriga madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu soo warramaya in ay diirada ku saareen --- arrimaha ugu waaweeyn ee la rabo in dawlada cusub ay si dar dar ah ugu talaabsto , Arrimahan ayaa waxaa la rumaysan yahay in ay ka mid yihiin sidii ay dawlada cusubi ugu guulaysan lahayd in ay waan waan nabadeed ula geli lahayd kooxaha ku kacsan xukuumada Arrintan oo raysal wasaaraha cusubi uu ka san qariyay inuu mudnaanta kowaad siin doono kulankana ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay afhayeenka barlamaanka ,gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo xildhibaano ka tirsan DFKMS C/hi Caaqil HorseedNet.com
  21. Nuur Cade oo la kulmaya mucaradka 23 Nov 23, 2007 - 6:21:18 AM DHAGEYSO: Waresiga Ra'isal Wasaaraha cusub Kadib markii Ra'isal Wasarahii hore DFKMG ahee Somalia Cali Maxaamd Geedi iska casiley xilkiisa sadex todobaad ka hor ayaa Madaxweynaha DFKMG ah u magacaabey Nuur Xasan Xuseen"Nuur Cade" in uu noqdo Wasiirka Kowaad ee Somalia. Ra'isal Wasaarha cusub oo Idaacada VOA waydiisay dareenkiisa ayaa sheegey in ku faraxsan yahay magacaabista balse ay tahay mas'uliyad culus isla markaana wadanka Somalia yahay wadan dagaalo sokeeye aafeeyeen taas oo kalsoonida ka qaadey dadka Somalida. Ra'isal Wasaaraha cusub Nuur Cadde oo la waydiiyey mar hadii uu ogyahay in xaaladu adagtahay waxa ku khasbey in xilkan qabto ayaa sheegey in mas'uliyad ka saran tahay wax ka qabashada dhibaatada Somalia. Ra'isal Wasaaraha cusub ayaa sheegey in dowlada KMG ah tahay dowlad dib u heshiisiineed isla markana loo baahan yahay in la so celiyo kalsoonida dadweynaha. "Waxaan ku tirsanaan doona kalsoonida shacabka, dadka mucaaradka ahna waxaan isku dayayaa in aan la kulmo kana qanciyo dhaliisha ay u hayaan dowlada" ayuu yiri Nuur Cadde oo ka hadlayey dib u heshiisiinta. Ra'isal Wasaaraha cusub ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in jawi is aaminaad la abuuro isla markaana ciidamada Ethiopia ay baxayaan kadib markii la helo ciidamo Somaliyed oo hanan kara amaanka dalka. Nuur Cadde ayaa sheegey in rabshadaha ka socda Muqdisho lagu xaliyo wadahadal balse hadii ay taasi suurtoobi weydo meel looga soo wada jeesan doono kuwas rabshada wada. Wasiirka Kowaad ayaa sheegey in uu la kulamayo kooxda Asmara isla markana kala hadli doono waxa la tirsanayo isaga oo sheegey in mucaradka kala qaybsan yahay iyada ay jiraan kuwa awood waybsi raba. Dhinaca kale Mucaaradka Asmara oo wax laga weydiiyey kulanka uu Ra'isal Wasaraha Somalia u soo bandhigey ayaa sheegay in wadanku isticmaar ku jiro islamarkaana ay ka xun yihiin in nuur Cadde uu aqbalo xilka loo magacaabey. Mucaardka Asmara ayaa xusey in albaabkooda ka xireyn wadahadal lakiin raacshay in Ra'isal Wasaaraha cusub lugaha la galey dambiyo dagaal isaga oo aan horey ugu shaqo laheyn waa sida ay hadlka u dhigeen. Kooxda Asmara ayaa xustey in Idaacadaha aan laga wadahadlin balse ay jirto si loo wada xiriiro iyada oo albaabku wadahadal furan yahay. Garowe Online,Muqdisho