
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada oo la kulmay guddoomiyaha golaha amaanka iyo nabad geliyada Afrika. Hoggaamiyaha wadanka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Adis Ababa oo uu gaaray maalintii doraad waxaa uu kulan kula qaatay gudoomiyaha golaha amaanka iyo nabad geliyada e Qaarada Afrika Said Djinnit Hoggaamiyaha wadanka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Adis Ababa oo uu gaaray maalintii doraad waxaa uu kulan kula qaatay gudoomiyaha golaha amaanka iyo nabad geliyada e Qaarada Afrika Said Djinnit Madaxweynaha jamhuuriyada ayaa sarkaalkan sare ee Afrikaanka ah waxaa uu war bixin ka siiyay xaaladaha uu haatan dalku marayo,gaar ahaana dhanka amaanka,waxaana uu Mr Said Djinnit amaanay qaabka ay dowladda federalka Soomaaliya iminka ku shaqeyneyso. Hoggaamiyaha dalka Soomaaliya waxaa uu ka dalbaday Mr. Said Djinnit in uu ku dhiirrigeliyo dowladaha Afrikaanku in ay sii laba jibaaran dadaalada ku aadan keenista ciidamadii nabad ilaalineed oo ay u balan qaadeen Soomaaliya. Wakaalada wararka ENA ayaa ku warrantay in labada masuul ay si aad ah isula gorfeeyeen arrinta Soomaaliya oo wax badana ay iska la fahmeen. Guddoomiyaha golaha amaanka iyo nabad geliyada Qaarada Afrika Mr Said Djinnit,ayaa isna u sheegay madaxweynaha Jamhuuriyada in ay wadaan qorshe deg deg ah oo looga gol leeyahay in lagusoo dhameystiro ciidamada nabada ilaalinaya ee loogu talagalay dalka Soomaaliya. Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Adis Ababa waxaa lagu wadaa in maalmaha inasoo aadan ay ka sii socdaan kulamo kale oo dheeraada oo ay madaxda Afrikaanku halkaa ku yeelanayaan ka hor kulan madexeedka weyn ee hoggaamiye yaasha Afrika ay mar qura isugu imaan doonaan todobadka ina soo aadan. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Mqudisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@GMAILCOM
-
Dowladda Liibiya oo xaqiijisay in la sii daayay diplomaasiyiin maanta looga qafaashay Muqdisho iyadoo aan wax madax furasho ah la dhiibin. Sarkaal u hadlay wasaarada arrimaha dibada dalka Liibiya oo uu soo xiganayay wargeyska International Herald Tribune ayaa xaqiijiyay in lasii daayay labo diplomaasi oo Liibiyaan ah oo maanta duhurki lagu qafaashay magaalada Muqdisho oo haatana ay bed qabaan. Sarkaal u hadlay wasaarada arrimaha dibada dalka Liibiya oo uu soo xiganayay wargeyska International Herald Tribune ayaa xaqiijiyay in lasii daayay labo diplomaasi oo Liibiyaan ah oo maanta duhurki lagu qafaashay magaalada Muqdisho oo haatana ay bed qabaan. Sarkaalkan oo hadlayay isagoo aan magiciisa sheegin sababo la xiriira in aan loo fasixin in uu saxaafada war siiyo ayaa sheegay in aan la bixin lacag madax furasho ah ,laakin dadaalo xoog badan oo maanta mudo saacado ah socday ay sababeen in la sii daayo. Niman dabley ah oo goor dambe sheegtay in ay yihiin maxkamado Islaami ah ayaa saaka qafaashay Naji Gassouda iyo Fathi Boudiyah,waxaana sidaasi wada sheegay mid ka mida ilaalada safaarada Liibiya ee Muqdisho iyo wasaarada arrimaha dibada dalka Liibiya. Wasaarada arrimaha dibada dalka Liibiya ayaa maanta ka hor intii aan diplomaasiyiintan lasii deyn waxaa ay safiirka Soomaaliya ee Jooga Tripoli ay ka dalbatay in dowlada Soomaaliya ay muujiso ka xumaasheheeda ku aadan afduubka lagula kacay diplomaasiyiinta safaarada Liibioya ee Muqdisho,laakin waaba lasii daayay caawa maqribkii.
-
Addis Ababa: Madaxweyne Yuusuf oo la kulmay Siciid Djinit. 6. januar 2008 Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la kulmay Madaxda Qeybaha kala duwan ee Midowga Africa ,isagoo kala hadlay arinta Soomaaliya iyo arimaha Kenya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay Gudoomiyaha golaha amaanka iyo Midnimada Qaarada Africa Siciid Djinit oo ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya ,ayagoo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa usheegay Masuulkaasi in looga baahan yahay golaha amaanka uu ku booriyo dowladaha Africa in ay ciidamo nabad ilaalin ah Soomaaliya ku geeyaan si deg deg ah ,si dalka ay uga baxaan ciidamada dowlada Itoobiya oo dowlada Soomaaliya hada caawinaya mudo sannadkan ka badan. Siciid Djinit ayaa sheegay in ay goluhu doonayaan in ay dhameystiraan dadaalkooda ku aadan Nabad raadinta dalka Soomaaliya ,isagoo sheegay in dhawaan shir ay yeelan doonaan Midowga Africa arinta Soomaaliya iyo Kenya looga hadlayo. Shirkaan oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ayaysan jirin wax faahfaahin oo ka soo baxday ,balse Wakaalada Wararka Itoobiya ee ENA ayaa sheegtay in ay labada Masuul ka wada hadleen xaalada Soomaaliya. Madaxweyne Yuusuf ayaa tibaaxay in ay dowladiisu waxyaabo badan ka qabtey dalka Soomaaliya ,markaasna hada inta badan Soomaaliya tahay meel nabadgalyo loogana baahan yahay Midowga Africa in ay ciidamada geeyaan Soomaaliya ,ciidamadaasoo dowlada Soomaaliya ka caawinaya waxyaabo badan. Isagoo ku nuux-nuuxsaday Madaxweyne Yuusuf in ay dowladiisu dooneyso waxqabad dhab ah ,ayna ku cel-celinayaan Madaxda dowlada Africa in ay deg deg ciidamadooda ugu biirayaan ciidamada hada joogo ee ka socda dowladaha Burundi iyo Ugandha kuna howlgalaya Magaca Midowga Africa. Kulankaan dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Golaha amaanka iyo Midnimada Qaarada Africa ayaa gogol xaar u ah Kulanka Madaxweynayaasha Africa ay ku leelan doonaan Magaalada Addis Ababa ee dalkaasi Itoobiya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
Somalia president is well and healthy, says Ambassador
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The old man is well enough. -
Baidoa: lean cabinet announced 15 ministers...5 deputies
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Buuba and the others are looking at the bigger picture. -
Somalia president is "well and healthy," says Ambassador 5 Jan 5, 2008 - 1:52:07 PM ADDIS ABABA, Ethiopia Jan 5 (Garowe Online) – Interim Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed, who is on a visit in neighboring Ethiopia, is "well and healthy" despite media reports of his poor health, Somalia's ambassador to Ethiopia and permanent representative to the African Union, Said Yusuf Nur, said on Saturday. Somali President Abdullahi Yusuf President Yusuf arrived in the Ethiopian capital Addis Ababa yesterday. Media reports attributed his emergency trip to Addis Ababa to health problems, with unconfirmed reports suggesting that the Somali leader collapsed before his arrival in Addis Ababa. Yusuf, who recently returned from a medical trip to London, told reporters in the southwestern Somali town of Baidoa last week that he is feeling healthy. A reliable source who met with President Yusuf in Addis Ababa told Garowe Online that Yusuf "does not even look sick" and was busy entertaining his aides and visitors. Somali officials in Addis Ababa have denied the president's visit to Ethiopia is linked to a medical trip and said he was invited by the Ethiopian government on the eve of the AU meeting on Somalia. The Somali president may soon head to London for another medical checkup, which had been previously scheduled, the officials added. Source: Garowe Online
-
Juje, you did ask a good question but then you lose the plot by taking the position of Dayniile.com, are you one of their editors? Nur Cade had to deliver some change, a different type of cabinet. By keeping the old guard within many would have complained as they did before. Gacmadhere, Buuba, Shargaduud, Ismael Giir, Qamar Adan, A/lahi Shiekh Ismael, Afrax and many others had to make way for this group. They know doubt will work behind the scenes in the parliment Let me correct you on many points, the President and his main supporters in Parliment, Adan Madobe & Dhalxa have agreed that this cabinet, lean with new faces presents the change many needed. The only issue I have with it so far, is that the South Mogadishu clan should have gained a better portfolio, Interior, Finance or Foreign affairs Thus Abdi-Salaan should have been given a better post, information ministry with youth affairs seems like a third rate position.
-
Che, as ever highlights his deep hatred to Puntand, how on earth can you compare Hiiraale a juniour member of IndacADE's alliance to President of Puntland, Yusuf. Hashi and Cade? Yusuf remmeber was elected by a cabinet of 275 with his overall clan having only 61 out of this. Who elected Taano, Hiiraale? to anything? Horn, who is winning so far? and are you still rooting for Hiiraale?
-
Somali President meets Ethiopian leaders as well as AU officials
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
These people are now saying on ecan not get sick, or that when ever the ld man flies out he must be sick? JB: You need more Pics of President Yusuf? lol -
Juje asked a valid point. The cabinet is not bad at all. The PM sub-clan and that of the PM rightly did not get a position within he cabinet its only fair. The Presidnet only left for the talks in Addis when he gave the go ahead, he was in Baidoa for a while already and was in favour of a small compact cabinet, thus this speculation about his health would have matterd a while back when he was in London. Today it is the only means the "opposition" have. The Horn Afric boss shocked many and hence the excuses. Jingli, IlkaXanaf, Xamuud, Fahiye, Khadra and others returned. Those who did not will still work with the government, hence the new found maturity in Somali politics.
-
In the bushes: Looters at each others throats- INDACADE latest
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Khilaafka soo kala dhex galay kooxaha argagixisada oo gaaray ilaa heer ay internet-yada warar iskasoo horjeeda isugu qoraan. War lagusoo daabacay shabakada kooxda argagixisada Soomaaliya ee Al Shabaab ayaa waxaa laga dha dhan san karayaa in uu jiro khilaaf aad u daran oo soo kala dhex galay kooxdan iyo koox kale oo argagixiso ah horayna u sheegan jirtay maxkamado Islaami ah,laakin ku xiran gaalada sida dadban islaamka u marin habaabiya. War lagusoo daabacay shabakada kooxda argagixisada Soomaaliya ee Al Shabaab ayaa waxaa laga dha dhan san karayaa in uu jiro khilaaf aad u daran oo soo kala dhex galay kooxdan iyo koox kale oo argagixiso ah horayna u sheegan jirtay maxkamado Islaami ah,laakin ku xiran gaalada sida dadban islaamka u marin habaabiya. Hadalkan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa ,iyadoo jaalle indhacadde uu sheegtay in uu yahay Al Shabaab masuul ka tirsan. Kooxda argagxisada ee Shabaabka sheegata ayaa bayaan ay maanta soo saartay waxaa ay ku sheegtay in Jaalle Indhacadde oo ah ninkii horay xaaraanta ugu qabsaday gobal dhan iyo dadkiisii aanu ka mid ahayn iyaga,oo uu ku been abuurtay,waxaana bayaanka ay maanta webkooda soo dhigeen uu u qoran yahay Sidan: Sida aad wada ogtihiin horay ayey Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin u caddeysay mowqifkeeda ku aadan ururka qowmiga ah ee la magac baxay Dib u xureynta soomaaliya. Waxayna ay ka soo saartay bayaan cad oo ay ku qaadaceyso shirkii (Islaami Calmaaniga) ahaa ee lagu qabtay magaalada Asmara . Hadaba Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidin waxaa ay dhamaan Muslimiinta u caddeyneysaa inaysan sheegan karin howlgalladeeda kuna hadli karin mas'uuliyaddeeda cid ka tirsan Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya. Waxaa soo noq noqday warbaahinta qeybaheeda kala duwana laga maqlay in Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) - oo ah mas'uul ka tirsan Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya - uu sheegtay inuu ka midyahay mas'uuliinta Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin, Arintaas oo xarakada ay Caddeyneyso inaanay waxba ka jirin oo ay tahay Been abuurad aan la garaneyn ujeedka laga leeyahay. Hadii aad rabto in aan aragto boga uu bayaankani kaga qoran yahay -
Indha-Cade oo laga eryay xarakaadka dhalinyarada Al-Shabaab Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 05-Janaayo-2008 Bayaan ey soo saareen xarakaadka dhalinyarada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu cadeeyay in shaqsiga Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cade laga eryay ururkaasi, islamarkaana wixii hada ka danbeeya uunan sheegan karin ka mid ahaanshaha ururkan. Bayaankan lagu cadeynayo hadalkan ayaa waxa uu kusoo baxay bogga internetka ee ey leeyihiin kooxda Al-shabaab, waxaana ey kooxdu cadeysay in shaqsigan uu yahay masuul ka tirsan ururka dib u xoreynta Somaliya islamarkaana hadaladiisa ku aadan sheegashada Al-shabaab ey yihiin kuwo been abuur ah. Xarakaadkan dhalinyarada ayaa sidoo kale u cadeeyay dhamaan Muslimiinta inaysan sheegan karin howlgalladooda kuna hadli karin magacooda iyo mas'uuliyaddooda cid ka tirsan Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya ee dhawaan lagu aas-aasay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Dhowr jeer ayaa waxa uu ka hadlay warbaahinta Yuusuf Indha-cade isagoo huwan magaca kooxda Al-Shabaab ee dagaalada kula jira magaalada Muqdisho ciidamada Itobia iyo kuwa dowlada federalka, isagoo sheegtay in uu ka yahay ururkaas hogaan sare. Waxay sidoo kale horay usoo saareen xarakaadka Al-shabaab bayaan ey ku diidayaan kooxda Asmara ee la baxday Ururka Dib u Xoreynta Somaliya. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
-
Somali President meets Ethiopian leaders as well as AU officials
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha Soomaaliya oo bilaabay kulamo uu masuuliyin kala duwan kula leeyahay Adis Ababa. Madaxweynaha JamhuuriyAda Soomaaliya Mudane C/llaAhi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulamo kula yeeshay masuuliyiijn dhowr ah oo isugu jira madaxda Itoobiya iyo saraakiil dalalka beesha caalamk u fadhiya dalka Itoobiya. Madaxweynaha JamhuuriyAda Soomaaliya Mudane C/llaAhi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulamo kula yeeshay masuuliyiijn dhowr ah oo isugu jira madaxda Itoobiya iyo saraakiil dalalka beesha caalamk u fadhiya dalka Itoobiya. Shalay barqanimadii ayay ahayd markii madaxweynaha jamhuuriyada si weyn loogusoo dhaweeyay magaalada Adis,waaxana masuuliyiinta garoonka diyaaradaha uga hortagay ka mid ahaa ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Atto Meles oo ay qaateen kula hor dhac u ah kulamo dheeraada oo ay ku yeelan doonaan magaalad Adis Ababa. Madaxweynaha ayaa kulanka hor dhaca ah oo uu la yeeshay Meles,waxaa ay diirada ku saareen sida ugu fudud ee wax looga qaban karo xaaladaha adag e wali ka taagan magaalad Muqdisho. Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Soomaaliya intiisa badan uu haatan dagan yahay oo wax dhibaato ahna aanay ka jirin,marka laga reebo rabshado aan badnayn oo ay argagixisadu wali wadaan,laakin lagu rajo weyn yahay in ay soo dhamaadaan todobaadyada inasooa adan. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Mqudisho. -
Baidoa: new cabinet to be announced within days
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^What you know about universities in the UK now ......There is a pleasent Island of the coast called Jersey, maybe its there? Or maybe the man [Ahmed Yassin] has a degree from two fictitious universities one in the UK and one in the Hargaysa Somalia. :eek: -
Baidoa: new cabinet to be announced within days
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer, University of Hargaysa you said, now Jersey and Timbuktu? Now compare our cabinet to the secessionist clowns? ....................... -
Somali President meets Ethiopian leaders as well as AU officials
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Qunsulka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Jibriil Maxamed Sheekh Cusmaan oo ka hadlay sababaha uu madaxweynuhu u tagay dalka Itoobiya maanta. Qunsulka Soomaaliya ee fadhiya dalka Itoobiya ayaa faafaahin ka bixiyay ujeedada Socdaalka madaxweynaha Jamhuuriyadu uu maanta ku tagay magaalada Adis Ababa,waxaana uu been wax kama jiraan ah ku tilmaamay wararka idaacadaha Qarandiidku faafiyeen oo sheegayay in uu madaxweynaha Jamhuuriyadu xanuunsanayo. Qunsulka Soomaaliya ee fadhiya dalka Itoobiya ayaa faafaahin ka bixiyay ujeedada Socdaalka madaxweynaha Jamhuuriyadu uu maanta ku tagay magaalada Adis Ababa,waxaana uu been wax kama jiraan ah ku tilmaamay wararka idaacadaha Qarandiidku faafiyeen oo sheegayay in uu madaxweynaha Jamhuuriyadu xanuunsanayo. “Warkaasi ma jiro waana been abuur,madaxweynuhu wuxuu halkan u yimid sidii uu horay ugu imaan jiray oo ahayd in wada tashiyo uu la sameeyo masuuliyiinta dalkan,waxaana ada nagusoo fool leh shirkii madaxweyne yaasha Afrikaanka oo dhacaya Usbuuc kaddib,waxaana shirkaa ka hor halkan ka jira shirar kale”ayuu yiri qunsulka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Jibriil Maxamed Sheekh Cusmaan. Qunsulka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiri doonaan munaasabado kale o dalka Itoobiya ka dhacaya oo lagu casuumay 800 oo masuul,arrimo noocaas ahna uu socdaalka madaxweynuhu ku saasban yahay. “Ma jiraan dhibaatooyin xaga caafimaadka ah,madaxweynuhu isagoo qoslaya ayuu kasoo dagtay diyaarada,gawaaridiisii loo diyaariyayna isagoo faraxsan ayuu mid ka mida koray,wax caafimaad darro ahna kama muuqan haba yaraatee”ayuu mar kale yiri qunsulka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Jibriil Maxamed Sheekh Cusmaan. Hadalka diplomaasigan ayaa ku soo beegmaya kadib markii idaacadaha qarandiidka oo ay BBC-du ugu tunka weyn tahay ay maanta isla dhex qaadeen warar ay ku sheegayeen in uu madaxweynaha xanuun dag dag ahi kusoo booday,inkastoo ay hadana sheegeen in shir dag dag ah uu garoonka diyaaradaha kula qaatay madaxda kusoo xiga ee qaranka,waxaana taasi ay cadeyneysaa in warkooda ah “wuu xanuunsanayaa” uu yahay been abuur. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Mqudisho Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com -
Somali President meets Ethiopian leaders as well as AU officials
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
M/weyne C/yusuf oo u anbabaxay dalka Itobia Baydhabo, Somaliya (Calanka.com) 04-Janaayo-2008 Madaxweynaha dowladda federalka Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta safar aan horay loo shaacin ugu kicitimay magaalada Addis-Abeba ee dalkaasi Itobia. Safarkan deg-dega ah ayaa ilaa iyo iminka la garan ujeedkiisa, waxaase warar iminka ina soo gaaray sheegayaan in dalka Itobia ey kusoo wajahan tahay xoghayaha arimaha Afrika u qaabilsan Mareykana Jendayi Frazer. Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweynuhu uu u tagay halkaa arimo la xiriira wadatashi ku aadan arimaha Somaliya oo kala yeelanayo dowladaha Mareykanka, Itobia iyo midowga Afrika. Madaxweye C/laahi Yuusuf ayaa dhawaan kasoo laabtay safar uu ku maqnaa kaasoo la xiriiray xaga caafimaadkiisa. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda -
Baidoa: lean cabinet announced 15 ministers...5 deputies
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
15-wasiir oo lagu dhawaaqay Baydhabo, Somaliya (Calanka.com) 04-Janaayo-2008 Raysalwasaaraha Somaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqey golahiisa wasiirada, waxaana wasiiradan lagu dhawaaqay tiradoodu gaarayaan 15-wasiir. Wasiirada ilaa hada lamagacaabay ayaa kala ah: 1. Cabdi Maxamed Tarax - Wasiirka Wasaarada Isgaarsiinta iyo Boostada. 2. C/risaaq Ashkir Cabdi - Wasiirka Wasaarada Horumarinta gobalada iyo Dastuurka. 3.Cali Axmed Jaamac (Jangali) -Wasiirka Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamig ah. 4.Maxamed Cali Xaamud- Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta. 5. Maxamed Cali Saalax -Wasiirka Macdan,Biyaha iyo Tamarta. 6. Maxamed Ibraahim Xaabsade (Xaabsade)- Wasiirka Wasaarada gaadiidka Cirka ,Dhulka iyo Badda. 7. Saalim Caliyow Ibrow- Raysalwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Awqaafta ,Arimaha Diinta iyo Garsoorka. 8. Axmed Cabdisalaan Xaaji- Raysalwasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka ,Dalxiiska iyo Duurjoogta. 9. Caydiid Ila nalaf- Raysalwasaare kuxigeenka Ahna Waisirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. 10. Khadiijo Maxamed Diiriye- Wasiirka Wasaarad Haween Iyo Horumarinta Qoyska. 11. Xuseen Ceelaabe Faahiye- Wasiirka Wasaarada Ganacsiga. 12. Muuse Nuur Aamiin- Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha. 13. Muxidiin Xaaji Ibraahim- Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga. 14. Musftaf Dhuxulow - Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo deegaanka. 15.Nuur Iidoow Beyle- Wasiirk Wasaarada Howlaha Guud iyo Gadiidka. Wasiirada kale ee ka dhiman xukuumada Nuur Cadde ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda -
^^^Taano is no longer the new saviour huh? The man was neevr elected or selected and the clan that he claimed to represent disowned him thus he takes to the streets and places roadblocks. Then we have Horn here, a man who prides himself of having the inside news and he is silent? Then he comes here and criticise those who always said this Taano was a mere thug out to get some money before he goes back to the Netherlands. Anyhow lets see, Horns new leaders, we had Hiiraale the bravest warlord of all time and now the man who was supposed to be the academic, a "Dr" no doubt from Abduwaaq University who turned to the streets or maybe he has a Degree in street knowledhe and a diploma in how to hustle. The same type other juniour JVA mini warlords had.
-
Seems like he aint afraid of the Shabaab's, thus accepted the nomination.
-
Baidoa: lean cabinet announced 15 ministers...5 deputies
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
why so, should Taano have been given a post as Minister for roadblocks?