
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Shariif oo eedeeyay Eritrea 25 May 25, 2008 - 7:31:50 AM Guddoomiyaha Isbahaysiga Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Jabuuti ayaa qiray inuu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda sarsare ee Isbahaysiga xaruntiisu tahay Asmara. Sheekha ayaa sidoo kale cambareeyay xukuumadda Eritrea oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo kala qaybinaya Isbahaysiga Asmara, abuurayna khilaafka haatan u dhexeeya; wuxuna uga digay madaxda dalkas inay joojiyan kala qaybinta Isbahaysiga. "Waxaa nasiib-darro ah in dowladda Eritrea ay qaadday tallaabooyin aan is-dhihi karno waxay shaki kala dhexgeliyay Isbahaysiga dib u xoreynta, waxaana u sheegaynaa in kala qaybinta Isbahaysiga iyo burburkiisa aysan dani ugu jirin Isbahaysiga iyo Eritrea" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo intaas ku daray, Isbahaysiga waxaa lagu dhisay dalka Eritrea. Sidoo kale; guddomiyaha Isbahaysiga Asmara ayaa ku eedeyay Sheekh Xasan Daahir Aweys inuu baahiyay warar shaki-geliyay shacabka Somaaliyeed, ayna tahay inay ka fiirsadaan hadalkaas isaga iyo xubno kale oo ka tirsan Isbahaysiga, ayna ilaaliyaan dareenka shacabka Soomaaliyeed. "Bulshada Somaaiyeed waxaan uga cudur-daraynaa wararkii xubno ka tirsan Isbaysiga Asmara kasoo yeeray kuwaasoo aan farxad-gelin shacabka oo xaalad adag ku jira xilligaan, waxaana shacabka u ballanqaadaynaa sidii looga gudbi lahaa dhibatada, inagoo ugu baqayna xubnaha faafiyay wararka lama filaanka ah inay dhowran nidamka, kala dameynta iyo shuruucda Isbahaysiga" ayuu yiir Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Jabuuti. Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in beesha caalamka ay u soo jeedan nabad ka dhalata Somalia, ayna wax badan fahmeen, isagoo xusay inay tahay in laga faa'iideysto taas, isagoo xusay in Isbahaysiga ay u arkaan fursad qaali ah, maadaama dunidu doonayso inay nabad ka dhalato Somalia. Wuxuu soo dhaweeyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed warbixin ku saabsan hubka galaya Somalia ee ay dhawaan soo saareen Qarammada Midoobay guddigoda ilaalinta hubka; isagoo ku tilmaamay in warbixintu ay sheegtay war sax ah, maadaama lagu caddeeyay Dowladda Ethiopia iyo midda Somalia inay geliyan Somalia, una qaybiyaan Qabiil, taasoo u muuqata in nabadda Somalia ay ka horjeedaan. Sidoo kale, wuxuu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in hadalkii kasoo yeeray Miles Zenawi ee ahaa inaysan ciidamada Ethiopia ka baxayn Somalia, taasoo uu ku sheegay hadal aan la ogolaan karin, ayna dagaal kala hortagayaan. "Howlaha nabadeed ee Somalia waan wadaynaa meel walba oo ay nala gasho dib u heshiisiintana waan la galaynaa si ay Somalia u hesho nabad iyo kala dambeyn" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmay iyadoo xilliyadii ugu dambeeyay ay jireen hadallo u muuqday in isbahaysiga Asmara xubnahooda ay isku dhaceen, iyadoo tani ay gaartay heer aad u xun oo ku dhow in Isbahaysiga uu laba u kala jabo. Garowe Online, Jabuuti
-
Jabuuti: Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Xukuumada Casmara ku eedeeyay in ay wado qorshe ay ku kala qeybineyso Mucaaradka 25. maj 2008 Jabuuti (AllPuntland) - Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee lagu unkay Magaalada Casmara Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku eedeeyay Dawlada Casmara in ay wado tallaabo ay ku kala qeybineyso Isbaheysigooda Mucaaradka ah. Shiikh Shariif oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Jabuuti ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay mad madowga soo gala dhex galay Isbaheysigooda. Waxaa uu muujiyay sida uu uga xun yahay hadalada ka soo yeeray Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta, kaasoo ku sheegay inuu muujinayo kala jab soo kala dhex galay Isbahesiga. "Waxaan moodaa in maalmahan ay Eritrea bilowday tallaabooyin ay ku kala qeybineyso Isbaheysiga, anagoo uga mahad celineyna, Qaabilaadii ay inoo sameeyeen"ayuu yiri Shiikh Shariif oo ugu baaqay Xukuumada Isaias Afwerki in ay faraha kala baxdo arrimaha Isbaheysiga. Shiikh Shariif ayaa u jeediyay Xubnaha Isbaheysigiisa in ay ka feejignaadaan Hadalada keeni kara kala fogaansho soo kala dhex gala Isbaheysiga, wuxuuna u jeediyay in ay ilaaliyaan dareenka shacabka soomaaliyed. Kooxaha Mucaaradka Dawlada ayaa horay ugu kala qeybsamay shirka dib u heshiisiinta Jabuuti, waxaana garabka Shiikh Shariif hogaaminayo dib u heshiisiinta u muujiyeen dabacsanaan, hase ahaatee xubnaha kale ee uu ugu horeeyo Shiikh Xasan Daahir Aweys waxay qaadaceen shirka, waxaana ay ku eedeeyeen Ragga Shiikh Shariif hogaamiyo in ay si xaaraantinimo u saxiixeen qodobka muhiim u ah masiirka soomaaliya. Hadalka Shiikh Shariif ayaa ku soo aaday xilli Xukuumada Casmara sheegtay in aanay dalkeeda soo geli karin Shiikh Shariif iyo xubnaha ka qeyb galay shirkii Dib u Heshiisiinta, waxaana moodaa Hadalka Shiikh Shariif inuu meesha ka saarayo saldhigashada Isbaheysiga ee Magaalada Casmara. Cabdicasiis Maxamed AllPuntland
-
Heavy duty tools+vehicles arrive Bosaso port for the Oil Exploration
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
There is no disputed area. As for this phase its in Bari region & Nugaal. Heavy equipment indeed. Its great for Puntland and Somalia. -
Xuuraan iyo Xanta Suuqa: kala soco Kismaayonews.com. Is Kismayo Next?
General Duke replied to Xoogsade's topic in Politics
^^^Adeer you are mistaken, I dont even consider this clan militia a team in the sense of the secessionists and clan courts, they are far dumber. Let them clear the roadblcoks then maybe we can call them a team. -
Why the nemesis of Puntland are against the Oil exploration
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Nice one Sakhar. Those who celebrate bombings and killings and fake clan Jihad, have no right to cry about the forward movement of the state. Its about creating a new Somalia. -
^^Adeer to me its improtant that Sharif Ahmed and those of sane mindset highlight the truth, Xasan Dahir is an obsticle and this is not just my opnion any more.
-
Bashi -its important that these types of steps are taken. Our gulf brothere were even in worse shape when the Americans & Europeans came and changed their fortunes. Waiting for a political deal with the clowns of Asmara wont change a thing. Anyhow great things ahve been achieved by average joes, thus good luck to them, this is just a small step nothing major. Che- Its true but my interest lies elsewhere than purchasing shares of these companies. I just want to go back and live in Somalia for good.
-
^^^Not bothered about that, my concern is development for that vast empty land of ours.
-
Allsanaag.com has made a detailed report with great pictures. Wafdi aad u ballaaran oo uu saaka hogaaminayey wasiirka macdan iyo shidaalka Xasan Cusmaan Maxamud Aloore oo ay kamid ahaayeen injineero ka socdey shirkada AfricaOil Corp ayaa saaka u anbabaxey deegaankaasi halkaasi oo lixda bilood ee sooscota laga baari doono. Kulan gaaban oo ka dhacey meesha laga baarayo ayaa waxaa halkaasi ka soo qeyb galey qaarka mid ah isimada deegaankaasi iyo odayaashii oo iyagu si weyn u soo dhaweeyey arintan. Wasiirka macdanta iyo Shidaalka oo halkaasi ka Hadley ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay sida weyn ee loogu soo dhaweeyey deegaankan iyadoo maantana ay tahaye bilowgii waxqabadka balse ay ka faa’iideysan doonaan bulshoweynta reer Puntland. Mr Kin Watson oo isna halkaasi ka Hadley ayaa mahad ballaaran u soo jeediyey odayaashii sida weyn ugu soo dhaweeyey halkaasi waxaana uu sheegey iney bulshada degen deegaankaasi ay ka caawin doonaan inta ay joogaan dhinaca caafimaadka iyo biyaha oo uu sheegey in iyagu ka caawin doonaan dadka ka agdhow. Beldaaje Cali Faarax oo isna halkaasi ka Hadley ayaa ugu mahadnaqey madaxda shirkada iyo waliba masuuliyiinta Puntland waxaana uu sheegey in ay maanta Puntland ku tallaabsatey horumar weyn loona baahan yahay in laga faa’iideysto. Isku soo wada duuboo maanta ayaa waxaa halkaasi la geeyey qalab aad u tiro badan oo ay ku shaqeyn dooonaan shaqaalaha ajanibaga ah ee gaaraya ilaa 65ta oo isugu jira Yurub iyo American.
-
^^^A small company from Texas named Hunt did the same thing in 80s in Yemen. Many people thought it was crazy. They can take more risks and if they do find it they will have the multinationals coming in as happened in Yemen. Anyhow lets hope things work out we need the cash injection and one must note this is a long term project.
-
Shidaal qodis ka bilaabatay P/land Bosaso, Somaliya (Calanka.com) 22-May-08 Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u bilaabay baaritaanka macdanta oo mudooyinkii dambe maamulku Ku taamayay bilaabida iyo hirgalinta arinka shidaal qodosta. Wafdi uu hogaaminayay wasiirka macdan iyo batrooka Puntland Xasan Aloore oo ay ka mid ahaayeen wasiir Ku xigeeno, khubaro ajaanib ah oo ka socotay shirkadda qandaraaska fulinaysa ee African Oil Iyo Dadka Deegaanka Ufayn gaar ahaan degaanka Dharoor oo aan waxba ka fogayn Ufayn ee gobolka bari ayaa si wada jir ah u gaaray goobta laga qodayo shidaalka. Wafdigaasi ayaa waxa horey u sii raacay ciidan gaar ah oo loo tababaray arintani kuna hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo qalabka lagu howlgalayo gaar ahaan kuwa baaritaanka lagu fulinayo oo lagu raray gaadiidka waaweyn oo iyaguna ka shiraacday Bosaso. Wasiirka macdanta iyo batroolka Xasan Aloore oo ka hadlayay xaflada furitaanka ayaa sheegay in mashruucan ay ka fa'iideysanayaan kumanaan dadka shacabka ah kuwaasoo Shaqooyin ka helay, gaadiidleydaha iyana la shaqaaleeyay, wuxuuna intaa raaciyay in tirada shaqaalaha dhawaan la kor dhin doono. Mid ka mid ah odayaasha degaanka Ufayn ayaa isagana muujiyay habka ay ugu faraxsanyihiin arintani islamarkaana shacabka deegaanka Ufeyn soo dhaweenayaan mamulkana ay ku gacan siinayaan. Kenth Watson oo ah madaxa Shirkada mashruucan fulinaysa ayaa isana dareenkiisa ku cabiray in uu yahay mid aad u sareeya, waxaana uu sheegay in uu la fajacay habka ay dadku maanta u soo dhaweyeen isaga oo balan qaaday in ay dadku heli doonaan waxa ey uga baahan yihiin goobaha La baaarayo. Bilaabida mashruucan ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha Puntland Cadde Musse uu soo gaaray magaalada Bosaso galinkii dambe ee shalay kadib safaro dhaadheer oo uu dalka dibadiisu ugu maqnaa. Mahamud Said Salad askar75@hotmail.com
-
Why is Xasan Dahir now coing out and speaking to the media? There is a rift and the old clan master is in trouble, beacuse Sharif Ahmed is much more popular fgure within their confused circles.
-
This is a great development, oil, LNG and other hydrocarbons are of great use to the hungry new world.
-
Puntland Presidential condidate receive massive welcome in Bosaso
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Sir the General is ever ready to assist when it comes to making any posative step for my beloved Puntland State. -
I agree with Emperor & Xiin, Djibouti and the terms of the agreement was a success. 1. Dialogue 2. Power Sharing 3. Removal of Ethiopian, other neighbouring troops. Great indeed.
-
Dowlada Puntland oo maanta bilowday hawlaheedii shidaalka Dharoor (Dhageyso) May 21st, 2008 Labarugleyn (HR Media):- Wafdi balaaran oo ka socda Dowlada Puntland iyo shirkada shidaalka ka baari doonta Puntland iyo waliba saxaafada ayaa maanta gaaray dooxada Dharoor oo kamid ah goobaha la doonayo in laga bilaabo hawlaha la xariira baaritaanka Batroolka Puntland. Wafdi uu kamid yahay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Puntland Md.Xassan Cismaan Aloore iyo Mas’uuliyiin sare oo kamid ah Shirkada IMC/African Oil ayaa maanta gaaray dooxada Dharoor. Wasiirka Batroolka Puntland Md.Aloore oo goobta baarista ka khudbad kasoo jeediyey ayaa ka hadlay wakhtigii iyo juhdigii Puntland usoo gashay in ay hawsha batroolka bilowdo asagoo sheegay in dad soomaali iyo ajaanib isugu jiraan ay caqabado ku ahaayeen oo ay hortaagnaayeen balse laga guuleystay oo maanta arrintan guul u tahay ummada reer Puntland. Wuxuu sheegay in maamulka iyo shacabka Puntland dadaal dheer u galeen hawshan. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Mas’uulka ka socda shirkada IMC/African Oil madaxeeda Soomaaliya Kenith Wattson ayaa sheegay inuu si weyn ugu riyaaqay sida loogu soo dhaweeyey gobalada Puntland, asagoo sheegay in hawsha soo saarita batroolka oo ah mid baaxadleh ku rajo weyn yihiin in ay guulo kasoo hooyaan. Wakiilka u hadlay shirka batroolka baareysa ayaa sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan arrimaha bulshada sida caafimaad iyo waxbarashada oo ay hawshooda ku koobnaan doonin baaritaanka, isla markaana ay sameyn doonaan shaqo abuuris. Deegaan u dhaxeeya Kobdhexaad iyo Ufeyn ayey shirkada baareysa batroolka xarun ka sameysatay ayadoo baaritaanka uu ka dhici doono dooxada Dharoor ayadoo baarista socon doonto muddo 6 bilood ah. Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee Puntland Yaasin Cartan Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiinta kale ee kasoo shaqeeyey arrintan, asagoo sheegay in ay soo dhaweenayaan cidkasta oo deegaanka Puntland timaada oo horumar u wada. “…cid alle cidii wax ka qabaneysa Puntland waanu soo dhaweenaynaa xataa hadii uu wado hal sibir ah… soo dhawoow baanu leenahay…dhulkiina baara wax kasoo saara.. ha ismartiyenina…” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Maaliyada Puntland oo ka hadlayey munaasabad lagu qabtey deegaanka baaritaanka laga sameenayo oo ay ku sugnaayeen odayaal iyo nabadoono deegaanadaasi kasoo jeeda iyo Saxaafadda. Munaasabadan ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu dalka dib ugu soo noqday Madaxweynaha Dowlada Puntland Gen.Cadde Musse oo safaro la xariira dhinaca heshiiyada bartoolka muddo ka badan bil iyo bar dibada ugu maqnaa.
-
^^^I agree he is not as bad as the rest and could play a role in the future. Good luck to him