General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Adeer a complaint will be lodged and Britian is great for defermation cases. If the officials choose to, like Gallawoay and many others have achived against the media.
  2. Muqdisho: Dawladda Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay Warkii ay baahiyeen Chanel 4 & Wargeysyo ka soo baxa Magaalada London. 28. maj 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Warsaxaafeed ka soo baxay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa siweyn loogu beeniyey hadal ay maalmahaan wadeen Warbaahinta dalka Ingiriiska ,kasoo waxyeelo loogu geysanayay qaar ka mid ah Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Warsaxaafeedkan ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa siweyn loogu sheegay in aysan waxba ka jirin warka ay sheegtay Saxaafada Ingiriiska ,waxaana wax aad looga xumaado lugu tilmaamay in ay dad sheeganaya Wariyaal been ka sheegtaan Madaxda dawladda Soomaaliyeed. Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud oo la hadlayey Saxaafada Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday in ay Madaxtooyada Soomaaliya qorsheyneyso qoraalo dacwo ah oo ay ugudbiso Xukuumada Ingiriiska oo looga hadlayo waxyaabaha dhacay. Xuseen wuxuu sheegay in ay arimahan ka dambeeyaan Kooxaha hada degan Magaalada Asmara ,wuxuuna ku eedeeyey in ay dadka Soomaaliyeed leynayaan maalin walba ayagoo Xaasaskoodii & Caruurahoodii ay dibada ku raaxeysanayaan. War ay si wada jir ah ubaahiyeen Tv-ga la yiraahdo Chanel 4 & Wargeysyo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa aad loogu sharaf dhiciyey qaar ka mid ah Madaxda dawladda Soomaaliya oo uu ku jiro Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed. F. C. Geylan AllPuntland
  3. ^^^Puntland gets 51% of profits the companies 49%. This will be then split 1/3 to region, 1/3 to Puntland and 1/3 to TFG.
  4. Xasan Daahir: Sh. Shariif waan casilaynaa 28 May 28, 2008 - 8:50:46 AM Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Isbahaysiga Asmara kuna sugan dalka Eritrea ayaa sheegay inay damacsan yihiin inay xilka ka qaadaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubnaha kale isaga ku fikirka ah. Daahir Aweys, wuxuu sheegay in Sheekh Shariif iyo xubnaha racsan ku xadgudbeen sharciga u dagsan Isbahaysiga, taasina ay sababtay inay goostaan inay xilalka ka qaadaan. Xasan Daahir; oo wareysi dheer maanta siiyay TV-ga ku hadla Afka Carabiga ee Al-carabiya ayaa daboolka ka qaaday in golaha dhexe ee ururkaas ay shir isugu yeereen, isla markana ay go'aannada xil ka qadista ku gaari doonaan shirkaas. "Way na wanaajisay Eritrea, waxaana gaarnay guul la taaban karo, waayo dunidu waxay maanta ogoshay inay nala hadasho" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo taleefoonka wareysi ku siinayya TV-ga Al-carabiya. Sheekh Xasan Daahir, wuxuu sheegay inay fashilmeen dhexdhexaadinno laga dhexwaday isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, balse ma uusan sheegin cidda dhexdhexaadinta ka dhexsamaysay. Sidoo kale, wuxuu sheegay in eedeyntii uu Sheekh Shariif u jeediyay Eritrea ay ahayd mid aan loo dhameyn, isla markaana ay tahay mid aad looga xumaado, isagoo sheegay in Dowladda Asmara ay tahay mid abaal weyn ku leh Isbahaysiga iyo xubnihiisa. "Ma jiraan wax cadaadis ah oo ka haysta Eritrea Sheekh Shariif iyo xubnaha kale, hadalladaasna waa been la abaabulay" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo ka jawaabayay su'aal ahayd in cadaadis uu dhanka Eritrea ka haysto Sheekha iyo xubnaha kale ee ku sugan Jabuuti. Sarkaalkaan; ayaa yiri: "Shirka xilka looga qaadayo Sheekh Shariif wuxuu dhacayaa bisha soo socda bartamaheeda", ayuu carrabka ku dhuftay Sheekh Aweys. Khilaaf aad u xooggan ayaa soo dhexgalay Isbahaysiga Asmara kaasoo gaaray inay xubnaha Isbahaysigaas ku mideysnaa ay hawada isku mariyaan eedeymo kala duwan, kuwaasoo saameeyay shacabka Soomaaliyeed. Garowe Online, Muqdisho
  5. Asmara(HR Media):- Shiikh Xassan Daahir Aweys iyo Yusuf indhacade oo ah Xoghayaha Difaaca ee Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa si kulul u eedeeyey Shariif Axmed oo dhawaan eedeyn kulul usoo jeediyey Dowlada Eritereya. Kooxda Asmara ku sugan ayaa sheegay in Shariif Axmed uu jabiyey siyaasadii xisbigood. Shiikh Xassan Daahir Aweys oo wareysi siiyey Telefishonka Al Carabiya ayaa sheegay in Shiikh Shariif Axmed uu meel ka dhac weyn ku sameeyey Siyaasadii Isbaheysigooda, wuxuuna ku tilmaamay eedeyntii Shariif Axmed usoo jeediyey Dowlada Eritereya in ay ahayd khalad weyn oo uu ka galay hogaamiyahaasi ururka uu matalo. Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ka dhawaajiyey in xilka laga xayuubin doono Shiikh Shariif Axmed mar hadii uu garab maro siyaasadooda, asagoo sheegay in shir ay dhawaan asmara ku yeelan doonaan ururkooda. Dhinaca kale Yuusuf Indhacade oo asaguna kamid ah kooxda asmara hada ku sugan ahna Xoghayah Difaaca ee Isbaheysigaasi ayaa sheegay in Xarunta Asmara ee dalka eritereya ay tahay meesha ay ka shaqeeyaan oo ah fadhigooda isla markaana aan la bedali karin. Yusuf indhacade ayaa hadalka soo saaray xili la hadal hayo in Shariif Axmed iyo shariif Xassan ay u kicitimeen dalka Yemen, ayagoo halkaasi wadahadal kala sameyn doona dowlada Yemen arrimaha Soomaaliya. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Labada shariif laga yaabo in ay xaruntooda ka dhigtaan dalka Yemen, ayagoo aan dooneyn in ay dib ugu noqdaan dalka Eritereya. Indhacade ayaa sheegay in isbaheysigooda uu ku dhisan yahay heshiis wadajir ay u gaareen isla markaana ay ku heshiiyeen in xaruntooda ay ahaato Asmara isla markaana aan meel kale laga dhigi karin. Wuxuu sidoo kale indhacade digniin u diray Dowlada Jabuuti oo uu sheegay inuu ugu baaqayo in aysan kala qeyb shacabka Soomaaliyeed, waa suu hadalka u dhigayee. Xubnaha ku sugan Asmara ayaa ugu hanjabay Shariifyada in xilkooda ay ku weyn doonaan xad gudubyada ay sheegeen in ay ku sameeyeen sharuucdii uu tiilay ururkooda. Shiikh Xassan Daahir Aweys, Indhacade iyo xubnaha kale ee ku sugan Eritereya ayaa la sheegay in culeys uu ka haysto dhinaca Dowlada Eritereya oo horey uga soo horjeeday wadahaladada Jabuuti ka socday, ayadoo ay arrintaasi hada u dheertahay in dolwada Eritereya ay si weyn uga carootay hadaladii kasoo yeeray dhawaan Shiikh Shariif Axmed oo ku dhaliiceeyey in dowladaasi ay faraha kula dhex jirto ururkooda isla markaana kala qeybineyso. Warar hoose oo laga helayo xubno ku sugan magaalada Asmara ayaa sheegaya in saraakiisha dowlada Eritereya ay la socodsiiyeen xubnaha ku sugan dalkooda in ay si weyn uga xun yihiin in ururkaasi xubno kamid ah ay dhaliiceeyaan ayadoo sheegtay in ay soo dhaweysay oo dhulkooda u furtay, arrintaana loogu jawaabay, walow aan la sheegin dowlada Eritereya ay dalkeeda ka cayrin doonto xubnaha Isbaheysiga kuwaasi oo hada sheegay in ayagu kasoo horjeedaan hadaladii Shariif Axmed. Horseed Media
  6. Xasan Daahir: Sh. Shariif waan casilaynaa 28 May 28, 2008 - 8:50:46 AM Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Isbahaysiga Asmara kuna sugan dalka Eritrea ayaa sheegay inay damacsan yihiin inay xilka ka qaadaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubnaha kale isaga ku fikirka ah. Daahir Aweys, wuxuu sheegay in Sheekh Shariif iyo xubnaha racsan ku xadgudbeen sharciga u dagsan Isbahaysiga, taasina ay sababtay inay goostaan inay xilalka ka qaadaan. Xasan Daahir; oo wareysi dheer maanta siiyay TV-ga ku hadla Afka Carabiga ee Al-carabiya ayaa daboolka ka qaaday in golaha dhexe ee ururkaas ay shir isugu yeereen, isla markana ay go'aannada xil ka qadista ku gaari doonaan shirkaas. "Way na wanaajisay Eritrea, waxaana gaarnay guul la taaban karo, waayo dunidu waxay maanta ogoshay inay nala hadasho" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo taleefoonka wareysi ku siinayya TV-ga Al-carabiya. Sheekh Xasan Daahir, wuxuu sheegay inay fashilmeen dhexdhexaadinno laga dhexwaday isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, balse ma uusan sheegin cidda dhexdhexaadinta ka dhexsamaysay. Sidoo kale, wuxuu sheegay in eedeyntii uu Sheekh Shariif u jeediyay Eritrea ay ahayd mid aan loo dhameyn, isla markaana ay tahay mid aad looga xumaado, isagoo sheegay in Dowladda Asmara ay tahay mid abaal weyn ku leh Isbahaysiga iyo xubnihiisa. "Ma jiraan wax cadaadis ah oo ka haysta Eritrea Sheekh Shariif iyo xubnaha kale, hadalladaasna waa been la abaabulay" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo ka jawaabayay su'aal ahayd in cadaadis uu dhanka Eritrea ka haysto Sheekha iyo xubnaha kale ee ku sugan Jabuuti. Sarkaalkaan; ayaa yiri: "Shirka xilka looga qaadayo Sheekh Shariif wuxuu dhacayaa bisha soo socda bartamaheeda", ayuu carrabka ku dhuftay Sheekh Aweys. Khilaaf aad u xooggan ayaa soo dhexgalay Isbahaysiga Asmara kaasoo gaaray inay xubnaha Isbahaysigaas ku mideysnaa ay hawada isku mariyaan eedeymo kala duwan, kuwaasoo saameeyay shacabka Soomaaliyeed. Garowe Online, Muqdisho
  7. Asmara(HR Media):- Shiikh Xassan Daahir Aweys iyo Yusuf indhacade oo ah Xoghayaha Difaaca ee Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa si kulul u eedeeyey Shariif Axmed oo dhawaan eedeyn kulul usoo jeediyey Dowlada Eritereya. Kooxda Asmara ku sugan ayaa sheegay in Shariif Axmed uu jabiyey siyaasadii xisbigood. Shiikh Xassan Daahir Aweys oo wareysi siiyey Telefishonka Al Carabiya ayaa sheegay in Shiikh Shariif Axmed uu meel ka dhac weyn ku sameeyey Siyaasadii Isbaheysigooda, wuxuuna ku tilmaamay eedeyntii Shariif Axmed usoo jeediyey Dowlada Eritereya in ay ahayd khalad weyn oo uu ka galay hogaamiyahaasi ururka uu matalo. Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ka dhawaajiyey in xilka laga xayuubin doono Shiikh Shariif Axmed mar hadii uu garab maro siyaasadooda, asagoo sheegay in shir ay dhawaan asmara ku yeelan doonaan ururkooda. Dhinaca kale Yuusuf Indhacade oo asaguna kamid ah kooxda asmara hada ku sugan ahna Xoghayah Difaaca ee Isbaheysigaasi ayaa sheegay in Xarunta Asmara ee dalka eritereya ay tahay meesha ay ka shaqeeyaan oo ah fadhigooda isla markaana aan la bedali karin. Yusuf indhacade ayaa hadalka soo saaray xili la hadal hayo in Shariif Axmed iyo shariif Xassan ay u kicitimeen dalka Yemen, ayagoo halkaasi wadahadal kala sameyn doona dowlada Yemen arrimaha Soomaaliya. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Labada shariif laga yaabo in ay xaruntooda ka dhigtaan dalka Yemen, ayagoo aan dooneyn in ay dib ugu noqdaan dalka Eritereya. Indhacade ayaa sheegay in isbaheysigooda uu ku dhisan yahay heshiis wadajir ay u gaareen isla markaana ay ku heshiiyeen in xaruntooda ay ahaato Asmara isla markaana aan meel kale laga dhigi karin. Wuxuu sidoo kale indhacade digniin u diray Dowlada Jabuuti oo uu sheegay inuu ugu baaqayo in aysan kala qeyb shacabka Soomaaliyeed, waa suu hadalka u dhigayee. Xubnaha ku sugan Asmara ayaa ugu hanjabay Shariifyada in xilkooda ay ku weyn doonaan xad gudubyada ay sheegeen in ay ku sameeyeen sharuucdii uu tiilay ururkooda. Shiikh Xassan Daahir Aweys, Indhacade iyo xubnaha kale ee ku sugan Eritereya ayaa la sheegay in culeys uu ka haysto dhinaca Dowlada Eritereya oo horey uga soo horjeeday wadahaladada Jabuuti ka socday, ayadoo ay arrintaasi hada u dheertahay in dolwada Eritereya ay si weyn uga carootay hadaladii kasoo yeeray dhawaan Shiikh Shariif Axmed oo ku dhaliiceeyey in dowladaasi ay faraha kula dhex jirto ururkooda isla markaana kala qeybineyso. Warar hoose oo laga helayo xubno ku sugan magaalada Asmara ayaa sheegaya in saraakiisha dowlada Eritereya ay la socodsiiyeen xubnaha ku sugan dalkooda in ay si weyn uga xun yihiin in ururkaasi xubno kamid ah ay dhaliiceeyaan ayadoo sheegtay in ay soo dhaweysay oo dhulkooda u furtay, arrintaana loogu jawaabay, walow aan la sheegin dowlada Eritereya ay dalkeeda ka cayrin doonto xubnaha Isbaheysiga kuwaasi oo hada sheegay in ayagu kasoo horjeedaan hadaladii Shariif Axmed. Horseed Media
  8. Xasan Daahir: Sh. Shariif waan casilaynaa 28 May 28, 2008 - 8:50:46 AM Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Isbahaysiga Asmara kuna sugan dalka Eritrea ayaa sheegay inay damacsan yihiin inay xilka ka qaadaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubnaha kale isaga ku fikirka ah. Daahir Aweys, wuxuu sheegay in Sheekh Shariif iyo xubnaha racsan ku xadgudbeen sharciga u dagsan Isbahaysiga, taasina ay sababtay inay goostaan inay xilalka ka qaadaan. Xasan Daahir; oo wareysi dheer maanta siiyay TV-ga ku hadla Afka Carabiga ee Al-carabiya ayaa daboolka ka qaaday in golaha dhexe ee ururkaas ay shir isugu yeereen, isla markana ay go'aannada xil ka qadista ku gaari doonaan shirkaas. "Way na wanaajisay Eritrea, waxaana gaarnay guul la taaban karo, waayo dunidu waxay maanta ogoshay inay nala hadasho" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo taleefoonka wareysi ku siinayya TV-ga Al-carabiya. Sheekh Xasan Daahir, wuxuu sheegay inay fashilmeen dhexdhexaadinno laga dhexwaday isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, balse ma uusan sheegin cidda dhexdhexaadinta ka dhexsamaysay. Sidoo kale, wuxuu sheegay in eedeyntii uu Sheekh Shariif u jeediyay Eritrea ay ahayd mid aan loo dhameyn, isla markaana ay tahay mid aad looga xumaado, isagoo sheegay in Dowladda Asmara ay tahay mid abaal weyn ku leh Isbahaysiga iyo xubnihiisa. "Ma jiraan wax cadaadis ah oo ka haysta Eritrea Sheekh Shariif iyo xubnaha kale, hadalladaasna waa been la abaabulay" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo ka jawaabayay su'aal ahayd in cadaadis uu dhanka Eritrea ka haysto Sheekha iyo xubnaha kale ee ku sugan Jabuuti. Sarkaalkaan; ayaa yiri: "Shirka xilka looga qaadayo Sheekh Shariif wuxuu dhacayaa bisha soo socda bartamaheeda", ayuu carrabka ku dhuftay Sheekh Aweys. Khilaaf aad u xooggan ayaa soo dhexgalay Isbahaysiga Asmara kaasoo gaaray inay xubnaha Isbahaysigaas ku mideysnaa ay hawada isku mariyaan eedeymo kala duwan, kuwaasoo saameeyay shacabka Soomaaliyeed. Garowe Online, Muqdisho
  9. Asmara(HR Media):- Shiikh Xassan Daahir Aweys iyo Yusuf indhacade oo ah Xoghayaha Difaaca ee Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa si kulul u eedeeyey Shariif Axmed oo dhawaan eedeyn kulul usoo jeediyey Dowlada Eritereya. Kooxda Asmara ku sugan ayaa sheegay in Shariif Axmed uu jabiyey siyaasadii xisbigood. Shiikh Xassan Daahir Aweys oo wareysi siiyey Telefishonka Al Carabiya ayaa sheegay in Shiikh Shariif Axmed uu meel ka dhac weyn ku sameeyey Siyaasadii Isbaheysigooda, wuxuuna ku tilmaamay eedeyntii Shariif Axmed usoo jeediyey Dowlada Eritereya in ay ahayd khalad weyn oo uu ka galay hogaamiyahaasi ururka uu matalo. Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ka dhawaajiyey in xilka laga xayuubin doono Shiikh Shariif Axmed mar hadii uu garab maro siyaasadooda, asagoo sheegay in shir ay dhawaan asmara ku yeelan doonaan ururkooda. Dhinaca kale Yuusuf Indhacade oo asaguna kamid ah kooxda asmara hada ku sugan ahna Xoghayah Difaaca ee Isbaheysigaasi ayaa sheegay in Xarunta Asmara ee dalka eritereya ay tahay meesha ay ka shaqeeyaan oo ah fadhigooda isla markaana aan la bedali karin. Yusuf indhacade ayaa hadalka soo saaray xili la hadal hayo in Shariif Axmed iyo shariif Xassan ay u kicitimeen dalka Yemen, ayagoo halkaasi wadahadal kala sameyn doona dowlada Yemen arrimaha Soomaaliya. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Labada shariif laga yaabo in ay xaruntooda ka dhigtaan dalka Yemen, ayagoo aan dooneyn in ay dib ugu noqdaan dalka Eritereya. Indhacade ayaa sheegay in isbaheysigooda uu ku dhisan yahay heshiis wadajir ay u gaareen isla markaana ay ku heshiiyeen in xaruntooda ay ahaato Asmara isla markaana aan meel kale laga dhigi karin. Wuxuu sidoo kale indhacade digniin u diray Dowlada Jabuuti oo uu sheegay inuu ugu baaqayo in aysan kala qeyb shacabka Soomaaliyeed, waa suu hadalka u dhigayee. Xubnaha ku sugan Asmara ayaa ugu hanjabay Shariifyada in xilkooda ay ku weyn doonaan xad gudubyada ay sheegeen in ay ku sameeyeen sharuucdii uu tiilay ururkooda. Shiikh Xassan Daahir Aweys, Indhacade iyo xubnaha kale ee ku sugan Eritereya ayaa la sheegay in culeys uu ka haysto dhinaca Dowlada Eritereya oo horey uga soo horjeeday wadahaladada Jabuuti ka socday, ayadoo ay arrintaasi hada u dheertahay in dolwada Eritereya ay si weyn uga carootay hadaladii kasoo yeeray dhawaan Shiikh Shariif Axmed oo ku dhaliiceeyey in dowladaasi ay faraha kula dhex jirto ururkooda isla markaana kala qeybineyso. Warar hoose oo laga helayo xubno ku sugan magaalada Asmara ayaa sheegaya in saraakiisha dowlada Eritereya ay la socodsiiyeen xubnaha ku sugan dalkooda in ay si weyn uga xun yihiin in ururkaasi xubno kamid ah ay dhaliiceeyaan ayadoo sheegtay in ay soo dhaweysay oo dhulkooda u furtay, arrintaana loogu jawaabay, walow aan la sheegin dowlada Eritereya ay dalkeeda ka cayrin doonto xubnaha Isbaheysiga kuwaasi oo hada sheegay in ayagu kasoo horjeedaan hadaladii Shariif Axmed. Horseed Media
  10. Afhayeenka Madaxweyne Yuusuf"dacwad ka dhan ah TV-ga Chanal4 ayaanu u gudbin doonaa Dowlada Britain". Muqdisho,(WNT):-Dowladda KMG ee Somalia ayaa jawaab kulul ka bixisay eedeyn loosoo jeediyey xubno ka tirsan Madaxda Dowladda, taasi oo laga baahiyey TV-ga Chanel4 iyo Jariiradda Daily Mail. Isagoo ka hadlayey Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Magaala-madaxda dalka Somalia ee Muqdisho ayaa Afhayeenka Madaxweynaha Somalia Xuseen Max’ed Maxamuud (Xuub Sireed) waxa uu sheegay in ay eedeyntaasi si aad ah uga xumaatay Dowladda KMG ee Somalia, isagoo sheegay in warbixintaasi lagu aflagaadeeyey Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo Sadex mas'uul oo kala ah Taliyaha Ciidanka Nabad-sugida Gen. Maxamed Warsame Darwiish, taliye xigeenka Booliska Jen. Axmed Xaashi Taajir iyo Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Gacma Dheere . Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in uusan jirin sharci u ogolaanaya fara-gelinta nolosha gaarka ah ee Qoysaska mas'uuliyiintaasi ee ku dhaqan Magaalada London ee cariga Britain, isagoona eedeyntaasi ku tilmaamay mid ujeedo gaar ah laga leeyahay. Xuub Sireed ayaa intaa ku daray in ay in Dowlada Somalia ay dacwad ka dhan ah Telefishinka Chanel4, Jariiradda Daily Mail iyo Wariyayasha gudbiyay ay u gudbiyeen Dowladda Ingiriiska. "Waxaa cad in warbaahinta dalka Britain qaarkood ay wiiqeen waxqabadka Dowlada Somalia islamarkaana ay dacaayad lidi ah ka sameeyeen Masuliyiinta Dowlada ee naftooda u huray in ay qaranka Soomaaliyeed badbaadiyaan " ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Xuub Sireed oo intaa ku daray "arintan waxa ay dhiiri-gelin siinaysaa xoogaga dagaalada kala soo horjeeda Dowladda". Warbixintan ayaa lagu shaaciyey Tv-ga Channel 4 barnaamij uu soo diyaariyey weriye ka tirsan tv-gaas oo socdaal uu ku tegay Muqdisho ugu kuurgalay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan Madax ka tirsan Dowladda KMG oo haysata dhalashada dalka Ingiriiska oo ku eedeysan arrimo ku saabsan xusuuq loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana Tv-gaasi uu soo bandhigay qeyb ka mid ah dhacdooyinkaasi. Taliyaha Ciidamada Nabad-sugida Jen. Maxed Warsame Darwiish, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxed Maxuud Guuleed (Gacmodheere) iyo Taliye ku-xigeenka ciidamada booliska Jen. Axmed Taajir ayaa warbixinta lagu xusay, waxaana xubnahaasi iyaga oo ka faaideysanaya awooda Dowliga ah ay amreen in dil & xarig aan sharciga waafaqsaneyn loo geysto dad aan waxba galabsan, waxaana nuxurka barnaamijkaasi uu ahaa mid xambaarsanaa in dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dowladdaha Dunida ugu waaweyn lagu baraarujiyo xadgudubyada ay geysanayaan shaqsiyaad ay eheladooda ku magangelineyso dalkeeda, sida lagu qeexay warbixintan eedeynta ah ee laga baahiyey TV-ga Chanel4 iyo Jariiradda Daily Mail. C/kariin Xuseen Guutaale.
  11. Gacma dheere "Warbixintii uu Baahiyay Chanal4 waa Mid ay Buun Buuniyeen kooxaha dowalad Diidka ah". Muqdisho,(WNT):-Xildhibaan Maxamed maxamuud Guuleed (gacma dheere) oo ka mid ahaa afar mas'uul oo dowlada ka tirsan kaasi oo TV-ga Chanal 4 ku eedeeyay in ay galeen dambiyo dagaal ayaa arintaasi si kulul uga jawaabay. Gacma dheer ayaa sheegay in hadalkaasi uu ahaa mid been abuur ah isla markaana ay faafiyeen kooxo uu ugu yeeray in ay yihiin dowlad diid. waxaa uu sheegay in xiligii uu hayay xilka wasaaradaha arimaha gudaha uusan galin wax dambiyo dagaal ah isla markaana warkaasi la iska soo abaabulay. Mar la weydiiyay in waxyaabaha lagu eedeynayo ugu weyntahay in uu xanibay raashin mucaawino ah oo shacabka soomaaliyeed ugu deeqday hay'ada WFP ayaa sheegay in raashinkaasi uu ahaa raashin dhacay isla markaana ay ku sumoobeen shacab farabadan oo soomaaliyeed sidaa daraadeedna uu amray oo kali ah in raashinka Hay'ada la soo marsiiyo wasaarada arimaha gudaha dowlada federaalka somalia. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in markii amarkaasi ka soo baxay Hay'adu go,aansatay in raashinkii ay qeybin jirtay joojiso iyada oo ka soo horjeeda in kormeer lagu sameeyo waxa ay siinayso shacabka soomaaliyeed ee dhibaatadu dugaashatay. "Runtii warbixintii uu baahiyay TV-ga Chanal4 waa mid la been abuuray isla markaana ay ka dambeeyaan kooxo nabad diid ah kana soo horjeeda dowlad ka dhalata dalka somalia"ayuu yiri xildhibaan Gacma dheere. Sidoo kale waxaa uu sheegay Xildhibaan Gacma dheere in warbixinta ay ku jirtay inta badna marka uu saxaafada la hadlayo uu jeedin jiray hadalo kul kulul taasina marqaati uga dhigay in isagu uu yahay nin qaboow warkaasina laga been sheegay. Hadalka Xildhibaan gacma dheere ayaa jawaab u ah qwarbixin shalay ka soo baxday TV-ga Chanal4 kaasi oo uu ku soo bandhigay 4-mas'uul oo ka tirsan dowlada federaalka somalia kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay galeen dambiyo dagaal waxaan afartaasi Mas'uul ka mid ahaa madaxweyne Yuusuf,Gacma-dheere,Janaraal darwiish,iyo Axmed Taajir. C/kariin Xuseen Guutaale. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.
  12. Again, the project is underway, Puntland is not region 5 or Secessionists or anyother region. The people are behind this project. Also who will stop any Somali from any region moving to Puntland getting part of the pie? Its Somalia after all lads.
  13. lol. JB is getting desperate, wahts fuelling the war is poverty adeer not money.
  14. ^^^Adeer Hiiraale would not make it to the dayniile.com anymore let alone Channel 4.
  15. lool. Gabre is an ally of the TFG who has done allot to help the governemnt and keep the opposition in their home in Asmara. loooool. Riyaale is a lap dancer for Gabre if he could slap Pr
  16. This programm was quite ammusing, one must take its findings on Somalia as one would with Borat's travels for his "beloved Khazakhstan" It contradicted itself, for exampel the TFG members were to blame for accusations, without any single evidance, documents or primmary witnesses. The lazy journalist had a script stright out of Dayniile.com and just looked for footage. I liked it as much as I like the contribution of Sacha Baron Cohen.
  17. Sakhar well said. S-Pride, I understand the peoples joy, I was overjoyed as well. Its great news. JB: Adeer you seem to be confused, what will happen? This exploration is in the heart of the Puntland state and the elders, leaders, young have welcomed this endevour.
  18. Qalabkii shidaal qodista P/land oo kasoo dagay dekedda Boosaaso Bosaso, P/land, Somaliya (Calanka.com) 26-May-08 Markab nooca xamuulka qaada ah laguna magacaabo (Jumbo Express Cap Ferrat) oo qalab u siday shirkadaha macdan-baarista ka bilowday deeganada Puntland ayaa galinkii dambe ee shalay waxaa uu si rasmi ah ugu soo xirtay dekedda Bosaso halkaasoo looga dajiyay mashiino lagu qodo macdanta. Intii ey socotay dajinta qalabka ayaa madaxweynaha Puntland Waxa uu soo booqday dekedda isaga oo u shegay shaqaalaha markabka iyo Masuuliyiinta dekedaba in ay da-dajiyaan dejinta qalabka saaran markabka si ay deg-deg ugu gaaraan goobaha shirkadu ay ku sugan tahay ee ey macdanka ka qodayaan. Markabkan wayn ee ku xiran dekeda Bosaso ayaa siday gaadiid noocyo kala duwan leh sida cagaf-cagayo, gawaarida yar-yar, mashiino iyo gaadiid kale oo aad u waa-weyn kuwaasoo loogu talo galay in ay wadaan shaqada macdan-baarista ah ee deeganada Puntland laga hirgaliyay 21-bisha May. Wasiirka macdanta iyo batroolka P/land Xasan Aloore oo Shir jaraa'id ku qabtay dekeda Bosaso ayaa sheegay in markabkan uu sido qalbkii ay ku shaqayn lahayeen Shirkadaha macdan-baarsita ka wada deeganada Puntland, gaar ahaan degaanka Labaruley oo aan wax saas ah ka fogeyn degaanka Ufayn. Xasan Aloore ayaa shirkaasi jaraa'id waxa uu ku sheegay in howlaha macdan-baarista laga wado Puntland ay dhalayso shaqooyin tira badan oo ay dadku ka helaan si ay ugu dabaraan nolashooda. Dadka Bosaso ayaa maanta wadooyinka isugu soo baxay si ay u daawadaan gaadiidka waaweyn ee dhex marayay bartamaha magaalada kuwaasi oo qaarkood ay yihiin kuwo aysan dadku Hore indho uga qaadin una sii gudbayay dhankaas iyo goobta macdanta la baarayo. Mahamud Said Salad askar75@hotmail.com Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
  19. Sheikh Shariif oo ah Gudoomiyaha Fulinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo sheegay in Dowlada Eritrea aysan aheyn sidii uu moodayey oo ay kala qeybin ku heyso Isbeheysiga Dib u xoraynta Soomaaliyeed. ERITREA IN LAGA ABAAL DARRO MA FIICNA Sun, 25 May 2008 Muqdisho: Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ah gudiga fulinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo shir jaraa’id ku qabtay Dalka Jabuuti ee Jamhuuiyada DiJabouti ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ah oo ku aadan Xaaladaha ugu danbeeyay ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka la shaacinayey beryahaan ee soo kala dhex galay Isbeheeysiga Dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya.
  20. lol. This post is important. My brother Juje th constant posts and updates are for everyone, those naysayers and those who want progress. It takes time, effort and resources. Its a grand undertaken, with a great deal of risk involved, like my brother Emperor stated, we aint diggin no well.
  21. Sh. Shariif: "14 qof ayaa Casmara ku sugan, cid ay xil ka qaadi karaana ma jirto" Posted to the MOL May 25, 2008, 4:45 pm Sh. Shariif ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in masuuliyiin ka mida ururkiisa ya saxaafada ka sheegaan hadalo masabid ah oo aan runta ku salaysnayn kuwaasoo sumcada looga dilayay hogaanka ururka. Sh. Shariif ayaa sheegay haddii masuuliyiinta qaar diidan yihiin habka haddaan nahay hogaanka ururka aan wax u wadno inay nala soo xiriiraan oo ay na soo hordhigaan waxyaabaha ay u arkaan qaladaadka. Sh, Shariif ayaa sheegay inay ka go’antahay inay sii wadaan wadahadalada ay soo qabanqaabisay jimciyada qaramada midoobay. Waajibkeena weeye inaan dhinac walba wax ka raadino hadday noqoto dagaal iyo muqaawimo iyo hadday noqoto siyaasad iyo saaxiibo aan u raadino aragtideena. Mar la weydiiyay Sh. Shariif sida uu u arko in ay gudoomiyenimada ururka inay ka qaadaan masuuliyiinta diidan sida uu wax u wado ee hadda ku sugan magaalada Casmara ayuu sheegay inay 14 qof hadda ku sugan yihiin Casmara, ayna jirin cid ay xil ka qaadi karaan oo taasi ay ka horimaanayso sharciga u degsan Isbahaysiga. Hadalka Sh. Shariif ayaa jawaab u ah waraysiyo dhowr ah oo dhawaan bixiyay Sh. Xasan Daahir Aweys oo si weyn uga soo horjeeda habka uu wax u wado SH. Shariif. Dadka u kuurgala kooxda Isbahaysiga ayaa sheegaya in hadda ururka uu ka dhexjirto hardan siyaasadeed oo xukun marooqsi isku rogi kara. Iyadoo wararka ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Casmara ayaa sheegayaan in Sh. Xasan Daahir aweys iyo xulufadiisa Eritareeya ay hadda wadaan dadaal ay ku doonayaan sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Sh. Shariif oo ay ku tilmaameen inuu ka falaagoobay kooxdooda. Sh. Shariif ayaa waxaa soo raacay inta badan golihii dhexe ee ururka oo hadda ku sugan magaalada Jabuuti. Mudugonline.com
  22. Its a war cime, anyhow the Asmara group is no more these tactics will not continue forever.
  23. Mr Afwerki oo ku eedeeyay Washington inay baasiin ku shubeyso Xaalada Somalia source